Taariikh nololeedkii Saxaabigii boqorka ahaa Najaashi [Asxama ibnu Al-abjar]

Waa kuma Najaashi? ka daawo halkan: Daawo

Magaca Najaashi waa naanays loo bixin jiray cidii boqor ka noqota dawladii Xabashida, sida Fircoonba loogu yeedhi jiray cidii boqor ka noqota dalka Masar. Najaashii noolaa xilligii nabigeena Muxamed waxa magaciisa la dhihi jiray Asxama ibnu Al-abjar. Najaashi aabihii ayaa ahaa boqor ka taliya dhulka Xabashida, kadibna wasiiradii iyo lataliyayaashii boqorka ayaa dhagar maleegay oo waxay iskku dhaheen boqorku wuxuu leeyahay hal wiil oo kaliya, wiilkaasina waa madi, markaa waa inaan dilnaa boqorka  oo aanu isaga badalkiisa boqor ka dhiganaa walaalkii oo lahaa laba iyo toban wiil. Dabcan lataliyayaashii boqorku sidii ayey kaga dhabeeyeen waxayna dileen boqorkii, badalkiisiina waxa yimid walaalkii.

Najaashi xilligaas waxa soo dhoweeyey adeerkii oo xukunka wax badan gacanta u galiyey, kadibna ragii aabihii dilay ayaa cadhooday oo iskuna dhahay haduu boqorku dhinto wuxuu xilka u magacaabayaa wiilkan markaana wuu inaga aar goosanayaa oo wuxuu inoo dilayaa dhiigii aabihii. Dabadeedna lataliyayaashii ayaa u tagay boqorki kuna h´dhahay boqorow wa ainaad dishaa wiilkan! Wuxuu yidhi: Ma intaad aabihii disheen shalaya ayaad maantana isaga dilaysaan? Waxay dhaheen: hadaad diiday inaad dishid wadanka mastaafuri.

Nimankii dilay Najaashi aabihii ayaa wiilkiina qabtay oo ka iibiyey nin ganacsade ahaa, waxayna siisteen 400 oo dirham, ninkiibaana Najaashi kaxaystay oo ka yeeshay Adoon.

Hadaba ninkii boqorka ka ahaa dhulka Xabashida ayaa dibada u baxay si uu isugu dhigo dhibcaha roobka, kadibna danab ka yimid xaga cirka ayaa asiibay, sidaasbaanu ku dhintay.

Markuu boqorkii dhintay ayaa wasiiradii iyo lataliyayaashii boqorku dooneen inay madax ka dhigaan mid kamid ah laba iyo tobankii wiil ee uu dhalay boqorku, mise laba iyo tobankuba waa doqomo aan hanan karayn xukunka dhulka Xabashida. Dabadeedna ragii taladu ka go’aysay ayaa shiray, waxayna go’aansadeen inay dib usoo celiyaan ninkii Najaashi ee ay adoon ahaan u iibiyee, wayna soo celiyeen oo waxay ku fadhiisiyeen kursigii boqorka, ayagoo madaxana taajkii boqorka u saaray.

Ninkii iibsaday najaashi ayaa u yimid boqorkii oo ku dhahay: Boqoroow, waxa ninman wasiiradaadu iga iibiyeen wiil adoon ahaa, ayagoo iga qaatay lacag, kadibna wiilkii ayey igala noqdeen, ee lacagtaydii ha isiiyaan ama wiilkii aan iibsaday. Boqorkii Najaashi wuxuu dhahay: Ninkan haloo celiyo lacagtiisii ama wiilkiisi, maxaa yeelay markuu Ilaahay aniga mulkigaygii iisoo celinayey igamuu qaadanin wax laaluush ah!! Lataliyaashii boqorka ayaa bixiyey lacagtii laga qaaday ninkii ganacsadaha ahaa.

Arrintaasi waxay ahayd wixii ugu horeeyey ee ina tusaya cadaaladiisii iyo inaan dadka agtiisa lagu dulmi jirin, dabcana arrintaas waxa uga markhaati kacay Rasuulka oo dhahay: Boqorka Xabashida agtiisa laydinkuma dulminayo.

Hijradii Saxaabada

Xilliyadaas waxa dhib ayaa lagu hayey saxaabadii Rasuulka (scw), kadibna waxa loo ogolaaday inay hijroon karaan, markaasuu Rasuulkuna kula taliyey inay aadaan dhulka Xabashida maxaayeelay waxa jooga nin boqor ah oo aan agtiisa laydinku dulminaynin.

Saxaabadii way baxeen ayagoo doon ka raacay magaalada Jiddah, waxayna yimaadeen dhulka Xabashida. Meeshii ay saxaabadu soo mareen waxa ugu dhow oo uguna macquulsan inay ahayd deegaanada Soomalidu maanta dagto, gaar ahaan tuhunka ugu badan waa magaalada Saylac inay saxaabadu kasoo dageen, kadibna ay dhulkaas ku nasteen oo ay Ilaahay ku caabudeen, kahor intaanay la kulmin Najaashi.

Carabtii reer Qureesh ayaa ogaatay hijrada saxaabada waxayna soo direen laba nin oo xeelad iyo farsamoba lagu tuhmayey waa Cabdilaahi ibnu Abi Rabiica ibnu Almuqiira almakhsuumi iyo Camru ibnu Alcaas al-sahami. Waxaana labadan nin loosoo dhiibay hadyado ka samaysan harag, oo loogu talo galay inay ku laaluushaan lataliyayaasha madaxda Xabashida iyo hadyad u gaar ahayd boqorka Xabashida ee Asxma ibnu Al-abjar.

Kolkii labadii nin ay yimaadeen dhulka Xabashida ayey la kulmeen lataliyaashii, madax dhaqameedkii iyo wasiiradii dawlada, waxayn siiyeen hadyadii laaluushka ahayd, ayagoo ku dhahayna: Dhulkiina waxa soo galay dhalinyaro maangaab ah, oo diintii aabayaashoodna ka tagay, tiinana aan soo galin, ee madaxdii qoomkooda ayaa noo soo diray ee boqorka markaan ka dalbano idinku haa dhaha, ayagiina waxay dhaheen haye, waan yeeli sidaas.

Labadii nin boqorkii ayey hadyadii ugaarka ahayd ay siiyeen, kadibna warkii markii hore ay ku dhaheen lataliyayaashii ayey sheegeen iyo in madaxdii qoomkoodu raadinayso dhalintan soo gashay dhulka Xabashida ee noo gacan gali boqoroow, waxa kaaga aqoon badan madaxdoodiiyee, markaasna nimankii laaluushka qaatay ayaa dhahay: boqorow waa runtoodee, u gacangali waxa inaga yaqaana dadkoodee.

Boqorkii wuxuu yidhi: May, ma celinaya mana idiin gacangalinyo dad magangalyo iigu yimid, oo igasoo soocday dhamaan dunda oo dhan, wuxuuna faray in loo yeedho dhalintaas.

Saxaabadii markii ay maqleen in boqorkii u yeedhay ayey tashadeen waxayna go’aansadeen inay run sheegaan, maxaayeelay runbaa lagu badbaadaa.

Saxaabadii markay soo galeen qasrigii boqorka umaysan sujuudin kolkaas waxa jaaniskaa ka faa’idaystay Camru ibnu Alcaas oo yidhi: Boqorow, nimankani wax ixtiraama kuuma hayaan kuumanaysan sujuudin, waxay saxaabadii tidhi: Anagu cid aan llaahay ahayn uma sujuudna. Kolkii ay saxaabadu soo galayeen qasrigana waxay arkeen in baadariyadii ay sitaan maryahoodii iyo kutubtoodii, waxayna hubsaden in maxkamadin tahay maxkamad diineed.

Saxaabada waxay afhayeen ka dhgteen Jacfar ibnu Abidaalib, markaasuu boqorkii dhahay: Maxaa idin keenay dhulkayga? Waxay dhaheen: Boqorow anagu waxaan ahayn dad caabuda sanamyo iyo dhagxaan, dad cun bakhtiga iyo dhiiga, dad ku xadgudba kooda tamarta yar, dad la yimaada faaxishda, dad dhiba jiiraankooda kadibna Ilaahay wuxuu noo soo diray Rasuul anaga nagamid ah oo aanu garanayno dhalashadiisa, garanayno runtiisa, naqaano amaanadiisa, dhawrsanaantiisa, markaasuu noogu yeedhay inaan rumayno Ilaahay kalidiisa, oo anu ka tagno sanamyadii ay caabudi jireen aabayaashayo, oo aanu Ilaahay kalidii u gaaryeelno cibaadada, sidoo kalena aanu ka fogaano xumaanta, faaxishada, dhibka jaarka, dhibka martida, waxay tidhi UmuSalama oo xadiiska warinaysaa wuxuu tiriyey arrimihii Islaamka.

Kadibna boqorkii ayaa dalbaday inuu ku dul akhriyaan farriinta Ilaahay xagiisa uga timid nabi Muxamed (scw), markaasay ku akhriyeen suurada Maryam, kolkaasbay ooyeen boqorkii iyo madaxdii diinta Kiristanka illamaa ay ilmadoodu qoysa gadhkooda iyo kutubtii ay is hor hayeen.

Boqokii wuxuu yidhi: Ilaahbaan ku dhaartee, kuwan (saxaabada) idiinma gacagalinayo, waxan ay ku hadlayaana iyo wixii kusoo dagay nabi Muuse (scw) waxay kawada imanayaan hal daaqad kaliya!!

Labadii nin ee Camru ibnu Alcaas iyo Cabdilaahi ibnu abi Rabiica waxay laabteen ayagoo dullaysan maalintaas, kadibna Camru ayaa yidhi: Barritoole intaan boqorka u tago ayaan dhihi nimankan ilaahaaga waxay ku sheegeen inuu adoonyahay, kolkaa Cabdilaahi ayaa ka dabacsanaa Camru oo ku dhahay: maya, ee usheegin sababtoo ah nimaka tol ayeynu nahay, ugu danbayn Camru wuu go’aansaday inuu warkii usheego boqorkii Najaashi ee Asxama ibnu Al-abjar.

Saxaabadii ayaa loo yeedhay oo la waydiiyey maxay ka rumaysanyihiin nabi Ciise, waxayna dhaheen: Nabi Ciise (csw) waxaan ka rumaysanahay wixii Ilaahay iyo Rasuulkiisu noo sheegeen oo ah inuu Ciise ahaa Rasuulkii Ilaahay, Nabigii Ilaahay, Adoonkii Ilaahay, Kalimadii Ilaahay iyo Ruuxdii Ilaahay, iyo inuu yahay eraygii Ilaahay uu ku tuuray Maryama oo ahayd gabadh bikro ah sidaasna ay ku dhashay ilmo aan aabo lahayn.

Boqorkii intuu gacmaha dhulka ku dhuftay ayuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee maydaan dhaafin wixii Ciise sheegtay qorigaas wax la eeg. markaa waxa buuqay wadaadii Kiristanka, kolkaasuu dhahay: Ama buuqa ama iskadaaya, Ilaahbaan ku dhaartee kuwan cidna uma gacan galinayo, ee idinkuna taga oo ku noolaada dhulkayga idinkoo aamin ah. Wuxuuna dhahay: Dhulakayga waxaad ku tihdiin Suyuum,- suyuumna- waa eray afka xabashiga ah oo macnaheedu yahay ku noolaada si nabadgalyo ah, Ilaahbaan ku dhaartee hadii la isiiyo dabr- buur dahab- ah idinma gacangalinayo.

Saxaabadii sidaas ayey ku nabagaleen oo ay ku naaloodeen nabadgalyo iyo amaan, sidoo kale boqorkii Najaashi isaguna wuu islaamay oo wuxuu qaatay diinta Islaamka.

Guurkii Nabiga iyo Umu Xabiiba.

Umu Xabiiba Ilaahay raali haka ahaadee waxay u hijrootay ayada iyo ninkeedii Cubaydilaahi ibnu Jaxshi dhulka Xabashida, markay halkaa tagay ayaa ninkeedii qaatay diinta Kiristaanka, wuxuuna noqday nin khamriile ah, Ilaahaybaan ka magangalnee wuxuuna ku dhintay khaatimdaa xun

Kadibna dhib ayaa lasoo daristay Umuxabiiba oo haysatay gabadh yar oo ay dhasay, kumanaysan laaban karayn magaaladii ay ka timid ee Makkah, sababtoo ah aabaheed Abasufyaan ayaa ku dhibaya diinteeda markaa waxa qabsaday murugo iyo walbahaar. Nabigu (scw) markuu ka war helay xaalada Umu-xabiiba ayuu doonay inuu guursado, kadibn saxaabiga Camru ibnu Umay Aldimri ayuu u dhiibay warqad ku socota boqorkii Xabashida oo uu ka dalbanay inuu u guuriyo haweenaydaas, boqorkiina wuu soo dhoweeyey arrintaas.

UmuXabiiba waxay tidhi: Aniga oo guriga jooga ayaa albaabka waxa igu soo garaacday gabadh la dhaho magaceeda Abraha, oo u shaqayn jirtay boqorka Najaashi oo u diyaarinjirtay dharka iyo saliida, maraasbay gabadhii igu dhahday: Umuxabiibay ma ogtahay in Rasuulkii Ilaahay kusoo doonay? Markaasaan ku dhahay: waad ii bishaareysay ee adigana Alle hakuu bishaareeyo.

Kadibna saxaabiga Khaalid ibnu Saciid ibnu Alcaas ayaa ka wakiil noqday Umuxabiiba oo ehel ahaan ay isugu dhowaayeen, waana laysu maheriyey nabiga (scw) iyo Umuxabiiba, maherkiina waxa bixiyey Najaashi lacag dhan afar boqol oo diinaar.

kacdoonkii lagaga soo horjeeday boqor Najaashi:

Kolkii ay lataliyaashii iyo madaxdii diintu ay ka shakiyeen islaamnimada Najaashi ayey u yimaadee, isaguna -Najaashi- wuxuu warqada ku qoray, waxaan qirayaa Ilaah xaq lagu caabudo inaanu jirin Ilaahay mooyee, nabi Muxamedna uu yahay Rasuulkiisa, markaasuu warqadii galiyey jeebada sare isagoo maro kale cabyaad ka dul gashtay maryihiisii.

Ciidankii iyo dadkii kaso horjeeday ayaa yidhi anagu Ciise inuu wiil Iaah yahaybaan rumaysanahay, ee adiguna ma rumaysantahay? Najaashi intuu gacatiisa saaray jeebadii warqadu ku jirtay ayuu dhahay aniguna taasbaan rumaysanahay, isagoo ujeeda wixii warqadaas ku qornaa. Kolkaa way iskaga dareereen, hase ahaatee qolo kamid dadkaas ayaa kacdoon dagaal layimid.

Boqorkii Najaashi markii uu ogaaday in dagaal uu dhacayo ayuu saxaabadii nabiga u yeedhay, wuxuuna siiyey doonyo ay ku safrayaan iyo sahaydii ay ubaahnayeen wuxuuna ku dhahay: hadii nalaga awoodbto ku safra doomahan, hadii anagu aanu gacansareynana markaa waa Ilaahay mahadii.

kadibna boqorkii wuxuu ka gudbay wabiga Niilka isagoo la dagaalamaya qolodii ku kacsanayd, waxaana dhacay dagaal qadhaad. Ugu danbayna waxa gacantii sare yeeshay boqorkii Najaashi.

Saxaabadii Rasuulkuna (scw) intii rabtay inay sii joogta dhulka Xabashidana way kusii nagaatay, cidii rabtay inay u hijrooto Rasuulkana (scw) ayaguna way hijroodeen.

Sanadkii 9 aad ee hijriyada ayuu geeriyooday boqorkii Najaashi Ilaahay ha u naxariistee, maadaama aanay jirin cid ku tukatay salaadii janaasada waxa ku tukaday salaada janaasada nabiga iyo saxaabadiisa oo ayagu aan joogin gobtii uu ku geeriyooday Ilaahay raali haka ahaadee.

Waxay tidhi Umusalaam: Xabaashii Najaashi waxa la sheegi jiray in nuur ka iftiimayey oo ay hilaacaysay.

Boqor Najaashi ama Asxama ibnu Al-abjar wuxuu ahaa nin geesiya oo cadaalad badan, wuxuuna baal dahabka kaga yaalaa taariikhda Islaamka iyo muslimiinta, waxayna sharaf u tahay dhamaan muslimiinta degta geeska Afrika in ninkaasi kasoo jeedo qaarada Afrika gaar ahaana geeska Afrika.

WD Abdulaziz Mohamed Oogle


Xigasho:

Siyar aclaam anubalaa