Cadaabka Qabriga Ilaahay ha inaga badbaadiyee waxa jira dhawr arrimood oo kaa badbaadinaya hadii aad la timaado:

Tusmo

Akhrinta Suuratu Tabaarak (Al-mulki)

عن عبد الله بن مسعود قال : من قرأ تبارك الذي بيده الملك كل ليلة منعه الله بها من عذاب القبر ، وكنا في عهد رسول الله صلى الله عليه وسلم نسميها المانعة ، وإنها في كتاب الله سورة من قرأ بها في كل ليلة فقد أكثر وأطاب. رواه النسائي ( 6 / 179 ) وحسنه الألباني في صحيح الترغيب والترهيب

Cabdilaahi binu Mascuud waxa laga wariyay inuu yiri: cidii akhrida Tabaarak habeenkasta waxa Ilaahay kaga ilaalinayaa cadaabka qabriga, waxaan ahayn xilligii Rasuulka scw kuwa ku magacaaba suuradan ta wax ilaalisa, waxay ku jirtaa kitaabka Ilaahay suurad cidii akhrida habeenkasta waa badiyay waanu hagaajiyay.

Xuduudaha dhulka muslimka ah oo la ilaaliyo

 عَنْ سَلْمَانَ قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ: ( ‌رِبَاطُ ‌يَوْمٍ وَلَيْلَةٍ خَيْرٌ مِنْ صِيَامِ شَهْرٍ وَقِيَامِهِ، وَإِنْ مَاتَ جَرَى عَلَيْهِ عَمَلُهُ الَّذِي كَانَ يَعْمَلُهُ، وَأُجْرِيَ عَلَيْهِ رِزْقُهُ وَأَمِنَ الْفَتَّانَ). مسلم (1913)

Salmaan waxa laga wariyay inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay scw wuxuu yiri: Inaad ilaaliso xuduudaha maalin ama habeen ayaa ka khayr badab inaad soomto bil oo aad taagnaato, haduu dhintana waxa u soconaya camalkiisii uu qaban jiray, waxa laga abaalmariyaa risqiigiisii, wuxuuna ka badbaadaa imtixaanka.

Imtixaanka uu ka badbaadayo waa su’aalaha qabriga, sababtoo ah nabiga scw ayaa yiri: waa la idinku imtixaanyaa qabriga.

Shahiidka

عَنِ الْمِقْدَامِ بْنِ مَعْدِي كَرِبَ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم: (لِلشَّهِيدِ عِنْدَ اللهِ ‌سِتُّ ‌خِصَالٍ؛ يُغْفَرُ لَهُ فِي أَوَّلِ دُفْعَةٍ، وَيَرَى مَقْعَدَهُ مِنَ الْجَنَّةِ، وَيُجَارُ مِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، وَيَأْمَنُ مِنَ الْفَزَعِ الْأَكْبَرِ، وَيُوضَعُ عَلَى رَأْسِهِ تَاجُ الْوَقَارِ الْيَاقُوتَةُ مِنْهَا خَيْرٌ مِنَ الدُّنْيَا وَمَا فِيهَا، وَيُزَوَّجُ اثْنَتَيْنِ وَسَبْعِينَ زَوْجَةً مِنَ الْحُورِ الْعِينِ، وَيُشَفَّعُ فِي سَبْعِينَ مِنْ أَقَارِبِهِ) الترمذي (1663)

Miqdaam binu Macdi Yakrib wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahay scw wuxuu yiri: Qofka shahiidka ah wuxuu Ilaahay agtiisa ku leeyahay lix arrimood: Waxa loo danbi dhaafaa dhibicda u horaysa (dhiigiisa), wuxuu arkaa booskiisa Jannada, waxa laga badbaadiyaa cadaabka qabriga, wuxuu ka badbaadaa argagaxa wayn (qayaamaha), waxa madaxiisa la saaraa taajka qadarinta oo luulkiisu ka khayr badan yahay aduunka iyo waxa yaalaba, waxa loo guuriyaa todobaatan iyo laba xuuru alcayn ah, wuxuu u shafeeco qaadaan todobaatan qaraabadiisa ah.

Qofka u dhinta uur ku jirtiisa

عَنْ أَبِي إِسْحَاقَ السَّبِيعِيِّ قَالَ: قَالَ سُلَيْمَانُ بْنُ صُرَدٍ لِخَالِدِ بْنِ عُرْفُطَةَ – أَوْ خَالِدٌ لِسُلَيْمَانَ: أَمَا سَمِعْتَ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ: (مَنْ قَتَلَهُ بَطْنُهُ لَمْ ‌يُعَذَّبْ ‌فِي ‌قَبْرِهِ)؟ فَقَالَ أَحَدُهُمَا لِصَاحِبِهِ: نَعَمْ.  الترمذي (1064)

Waxa laga wariyay Abi Isxaaq Assabiici inuu yiri: Sulaymaan binu Surad ayaa ku dhahay Khaalid binu Curfuda ama Khaalid ayaa ku yidhi Sulaymaan: Miyaanad maqal rasuulkii Ilaahay scw oo leh: cidii u dhimata calooshiisa laguma cadaabo qabriga. Labadooda kii kale ayaa ku yidhi saaxiibkii : Haa.

Joogtaynta Soomka

عَنْ مُطَرِّفٍ، قَالَ: دَخَلْتُ عَلَى عُثْمَانَ بْنِ أَبِي الْعَاصِ، فَأَمَرَ لِي بِلَبَنِ لَِقْحَةٍ، فَقُلْتُ: إِنِّي صَائِمٌ. فَقَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ: ( الصَّوْمُ جُنَّةٌ مِنْ عَذَابِ اللهِ كَجُنَّةِ أَحَدِكُمْ مِنَ الْقِتَالِ.  الإمام أحمد في “المسند” (29/436)

Mudarrif waxa laga wariyay inuu yiri: waxaan u galay Cismaan binu abi Al-caas wuxuuna isiiyay caano geel, markaasan iri: waan soomanahay! wuxuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay scw oo leh: “Soomku waa gaashaanka cadaabka Ilaahay (kaa ilaalinaya) sida midkiin gaashaanku u ilaaliyo dagaalka.

Mu’miniinta oo kuu soo ducaysa markaad dhimato

عن عثمان بن عفان، قال: كان النبيُّ صلى الله عليه وسلم إذا فرغ من دفن الميت وقفَ عليه فقال: (اسْتَغفِرُوا ‌لأخيكُم وسَلُوا له بالتثبيت؛ فإنه الآن يُسألُ).  أبو داود (3221)

Cismaan binu Cafaan waxa laga wariyay inuu yiri: Nabigu scw wuxuu ahaa marka la dhameeyo aasida maydka mid dul istaaga oo dhaha: “Walaalkiin Ilaahay danbi dhaaf u waydiiya iyo in Ilaahay sugo, iminka ayaa la waydiinayaa”

Sidaa awgeed ruuxa muslimka waxa fiican inuu badsado saaxiibada wanaagsan si markuu dhinto ay ugu soo duceeyaan.

Sidoo kale waxa jira asbaab kaa fogaynaysa in qabriga lagugu cadaabo waxaanka kamida:

Toobada:

إِلَّا مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا ‎﴿٧٠﴾‏

Marka laga reebo cidii toobad keenta ee rumaysa ee camal wanaagsan la timaada kuwaas Ilaahay wuxuu ugu badalayaa xumaantoodii wanaagyo, Ilaahayna waa danbidhaafe naxariis badan. Furqaan:70

Ilaahay oo danbi dhaaf la waydiisto

لو لم تذنبوا لذهب الله بكم، ولجاء بقوم يذنبون ثم يستغفرون فيغفر لهم

Rasuulka scw wuxuu yiri: “Haday danbaabayn Ilaahay wuu idin tagsiin lahaa, wuxuuna keeni qoom danbaabaya kadibna danbi dhaaf waydiisanaya Ilaahay oo Ilaahayna u dhaafayo”

In la badsado wanaagyada tagsiiya xumaanaha

( إِنَّ الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ ذَلِكَ ذِكْرَى لِلذَّاكِرِينَ ) هود/114.

“Wanaagyadu waxay tagsiiyaan xumaanaha taasina waa xuska kuwa wax xusa” Huud:114

Dadka ood u samo fasho

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: (مَنْ نَفَّسَ عَنْ مُؤْمِنٍ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ الدُّنْيَا، نَفَّسَ اللهُ عَنْهُ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ يَوْمِ الْقِيَامَةِ،) مسلم (2699)

Abuhurayra waxa laga wariyay inuu yiri: rasuulkii Ilaahay scw wuxuu yiri: “Cidii ka fayda dhibaato ruux mu’mina aduunyada waxa Ilaahay ka faydaa dhibaatada maalinta Qayaame”

Inaad cafido dadka dhibaatada kuu gaysta

(  وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلَا تُحِبُّونَ أَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ ) النور/22.

“Ha cafiyaan hana saamaxaan miyaydaan jeclayn in Ilaahay idiin danbi dhaafo Ilaahayna waa danbi dhaaf badane naxariis badan” Nuur:22

Daynta oo laga cafiyo dadka culaysku haysto

روى البخاري (2078)، ومسلم (1562) عَنْ ‌أَبي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ، عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: ( كَانَ تَاجِرٌ يُدَايِنُ النَّاسَ، فَإِذَا رَأَى ‌مُعْسِرًا قَالَ لِفِتْيَانِهِ: تَجَاوَزُوا عَنْهُ، لَعَلَّ اللهَ أَنْ يَتَجَاوَزَ عَنَّا، فَتَجَاوَزَ اللهُ عَنْهُ ).

Waxa Bukhaari iyo Muslim soo saareen xadiiskii Abuhurayra Ilaahay raali haka ahaadee uu ka wariyay nabiga scw inuu yiri: Nin ganacsade ahaa ayaa dadka wax daymin jiray, markuu arko qof culays saaranyahay wuxuu shaqaalihiisa ku odhan jiray ka dhaafa isaga, laga yaabaa in Ilaahay inaga dhaafee, Ilaahayna waa ka dhaafay isaga (danbiyadii).

In la akhristo ducooyinka soo arooray ee lagaga magan galo cadaabka Qabriga.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: (إِذَا تَشَهَّدَ أَحَدُكُمْ فَلْيَسْتَعِذْ بِاللهِ مِنْ أَرْبَعٍ يَقُولُ: اللهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابِ جَهَنَّمَ، وَمِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، وَمِنْ فِتْنَةِ الْمَحْيَا وَالْمَمَاتِ، وَمِنْ شَرِّ فِتْنَةِ الْمَسِيحِ الدَّجَّالِ). مسلم(588)

Abuhurayra waxa laga wariyay inuu yiri: rasuulkii Ilaahay scw wuxuu yiri: marka midkiin atixiyaadsado, Ilaahay haka magan galo afar arrimood isagoo leh: “Ilaahow waxaan kaa magan galayaa cadaabka Jahannama, cadaabka Qabriga, fitnooyinka nolosha iyo geerida iyo sharka fitnada masiixa dajaalka”