Bogga Gaaldiid, waa bog kamida kuwa ugu caansan ee dadka soomaaliyeed ay ka helaan maclumaad badan oo kusaabsan diintooda Islaamka. Boggan waxa la aasaasay sanadkii 2014 kii, waxaana aasaasay oo maamulena ka ah Sh Abdulaziz Mohamed Oogle, oo kamida dhalinta jecel ee xiisaysa diintooda macaan ee Islaamka.

Boggan waxaad ka helaysaa mowduucyo kala duwan oo isugu jira diini, taariikh, caafimaad, aqoon guud, barashada diimaha kale iyo radinta shubuhaatka fikradaha kasoo horjeeda diinta Islaamka.

Guud ahaan macluumaadka aad ka faa’idayso boggan waxay isugu jiraan kuwo qoraala, dhagaysi iyo daawashaba ah. Waxaan leenahay Janal wayn oo aan soo galino guud ahaan mowduucayda aan ku qorno boggan khayrka badan.

Hadafkeenu waxa weeye inaan dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed usoo gudbino macluumaad waxtar u leh diintooda iyo noloshooda aduunyadaba. Boggan waa mid Free ah oo cid kasta ay ka faa’idaysan karto, waana mid ka caagan xayeysiiska iyo u dhehda.

Waxaanu nahay muslimiin sunniyiina oo haysta caqiidada saxda ah ee ka sugan rasuulkeena suuban (scw), waxaan daliishanaa kitaabka Quraanka Kariimka ah, xadiisyada saxiixa ah sida Bukhaari iyo Muslim, iyo ijmaaca ummada islaamka.

Waxa kale oo noo dheer intaan inaan dadka la wadaagno hadba wixii aduun iyo aakhiraba anfacaya. Waxaad boggan ka helaysaa mucjisooyinka Quraanka Kariimka ee saynisyahanadu ay maanta gaadheen, waxaan la soconaa casriga aanu noolnahay ee ah casriga sayniska iyo tiknaloojiyada. Taasoo aan badalayn caqiidada saliimka ah ee ay haysteen saxaabada rasuulku (scw), taabiciinti iyo kuwii kasii danbeeyey ama sadexdii jiil ee ugu fadliga badnaa.

Macluumaadkii ka hor imanaya kitaabka Ilaahay, sunnada rasuulka ama ijmaaca ummada, waxaanu ka codsanaynaa walaaladayda aqoonta uleh inay noo tilmaamaan sidii aan u saxi lahayn qaladaadkaas.

Waxa Ilaahay mahadiiya in boggan dad badan ay ku xidhanyihiin, ayna noo sheegeen inay wax badan ka faa’ideen, Waxaan Ilaahay ka rajynaynaa inuu dadaalkeena naga aqbalo, nagana yeelo kuwii hanuunsan ee dadkana ku hanuuniya jidka toosan ee Islaamka.