Su’aal:

Malaga danbiyada qoraa miyuu sugayaa qofka danbaabay mudo cayiman si uu utoobad keeno?

Jawaab:

Camalada qofka ibnu aadamka ah waxa qora labada malag ee Ilaahay u xilsaaray, kuwaasoo qoraya khayrka iyo sharkaba. Malaga garabka midig wuxuu qoraa khayrka halka malaga garabka bidixna uu qoro sharka. Waxa jira xadiis Dabaraani soo saaray oo tilmaamaya in malaga garabka bidixeed aanu qorayn danbiga illaa ay kasoo wareegto lix saacadood si qofkii danbaabay u toobad keeno.

 عَنْ أَبِي أُمَامَةَ ، عَنْ رَسُولِ اللَّهِ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ – قَالَ : ” إِنَّ صَاحِبَ الشِّمَالِ لِيَرْفَعُ الْقَلَمَ سِتَّ سَاعَاتٍ عَنِ الْعَبْدِ الْمُسْلِمِ الْمُخْطِئِ أَوِ الْمُسِيءِ ، فَإِنْ نَدِمَ وَاسْتَغْفَرَ اللَّهَ مِنْهَا أَلْقَاهَا ، وَإِلَّا كُتِبَتْ وَاحِدَةً .والحديث حسنه الشيخ الألباني في صحيح الجامع الصغير, وأورده ضمن السلسلة الصحيحة.

Abi Umaama waxa laga wariyey (Ilaahay raali haka ahaadee) inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (scw) inuu yidhi: ” Saaxiibka bidixda (Malaga) wuxuu qalinkiisa sare uga qaadayaa lix saacadood adoonka muslimka ee danbaabay ama gafay, hadii uu ka shalleeyo oo Ilaahay uu danbi dhaaf waydiisto wuu tuurayaa, hadii kalena waxa la qorayaa hal (danbi). [Mucjamka Wayn ee Dabaraani: 7765 ]  Xadiiskana waxa taxsiiniyey Albaani [Saxiixu Aljaamic: xadiiska lanbarkiisu yahay 2097 ]

Sida xadiisku tilmaamayo adoonka muslimka ah Ilaahay wuxuu siinayaa fursad lix saacadood (laga yaaba in saacadaheenan ay tahay) si danbigii ama gafkii ka dhacay uu uga toobad keeno, waana mid kamida naxariista Ilaahay ee balaadhan.