Tusmo

Salaada: farqiga u dhexeeya ninka iyo gabadha.

Sida asalka ah ninka iyo gabadhu waa isku mid dhamaan axkaamta shareecada islaamka marka laga reebo wixii daliil cad kusoo arooray oo sheegaya in gabadhu ay la gaartahay, waxaana u daliila xadiiskii rasuulka scw:

( إِنَّمَا النِّسَاءُ شَقَائِقُ الرِّجَالِ ) . رواه الإمام أحمد وصححه في صحيح الجامع 1983

”Dumarku waa lamid ragga”

Hase ahaatee waxay culumadu sheegeen dhawr arrimood oo gabadhu kaga duwantahay salaada ninka, waxa kamida:

 

  1. Gabadha waajib kuma aha inay adinto ama aqiinto, sababtoo ah aadaanka waxa sare loo qaadaa codka, gabadhana uma banaana inay codkeeda sare u qaado.
  2. Gabadhu markay tukanayso jidhkeeda oo idil waa cawro marka laga reebo wajigeeda. Waaana u daliila xadiiskii rasuulka scw:

“لا يقبل الله صلاة حائض إلا بخمار”

”Ilaahay ma aqbalayo salaada gabadha qaangaarka ah ayadoon xijaab wadan”[1]

Waxa Imaamu Shaafici yiri: ma banaana in gabadhu tukato ayadoo wax kamida jidhkeedu banaanyahay.

  1. Gabadhu jidhkeeda ayay isku keenaysaa markay rukuucayso iyo markay sujuudayso, taasoo macnaheedu tahay in gacmaheeda ay ku dhajinayso jidhkeeda markay rukuucda halka ninku kala furayo gacmihiisa. Sujuudana waxay isu keenaysaa bawdyaheeda iyo caloosheeda si aan wax kamida cawradeedu u muuqan.
  2. Dumarka waxa u banaan inay masaajidka ku tukadaan balse waxa u khayr badan inay guryahooda ku tukadaan.

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم :”لا تمنعوا نساءكم المساجد وبيوتهن خير لهن”

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxu yiri: ”Ha u diidina dumarkiina masaajidka, guryahooda ayaana u khayr badan”[2]

Imaamu Nawawi wuxuu Majmuuca ku yiri: salaada jamaca ah waxay dumarku kaga duwanyihiin raga waa dhawr arrimood:

  • Gabadha laguma adkaynayo sida ninka loogu adkeeyay (salaada jamaacada).
  • Gabadha imaamka ah waxay istaagaysaa dhexdooda.
  • Midkood waxay istaagaysa ninka dhabarkiisa, ma barbar istaagayso sida labada nin.
  • Hadii ay rag la tukanayaan, safka u danbeeya ee dumarka ayaa ka khayr badan safka u horeeya.

 

[1] Sunan Tirmadi: 377

[2] Sunan Abudaawuud: 567