Badanaa waxa soo noqnoda qof dhahaya waxa i dhiba marwalba cid ehelkayga ah, anigoo wanaajinaya oo lacag siinaya, hadana qofkaasi wax aan dhib ahayn kalama kulmo ee ma goyn karaa xidhiidhkiisa?

Marka hore waxaynu ognahay heerka ay la eegtahay in la xidhiidhiyo riximka, cida goysana ciqaabka ay mutaysanayo. Ilaahay wuxuu yiri:

فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِن تَوَلَّيْتُمْ أَن تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا أَرْحَامَكُمْ ‎﴿٢٢﴾‏ أُولَٰئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فَأَصَمَّهُمْ وَأَعْمَىٰ أَبْصَارَهُمْ ‎﴿٢٣﴾

Ma laga yaabaa hadaad jeesataan inaad fasahaadisaan dhulka ood goysaan riximkiina (22) Kuwaasi waa kuwa Ilaahay lacnaday ee dhaga tiray ee tiray indhahoodana (23)

Sidaa awgeed, in riximka loo dulqaato dhibkooda ayay diintu inagu boorinaysaa, balse hadii dhibka ka imanaya uu qofku xamili kari waayo wuu goyn karaa ayadoo la eegayo ujeedooyinka shareecada Ilaahay inoogu soo dajiayay.

Hadii aad u aragto in qofka ku dhibaya oo la gooyo ay keensanayso inuu toobad keeno, ka murugoodo ficiladiisii xumaa uuna hagaajiyo xidhiidhka qoyskiisa ama riximkiisa markaa way banaan tahay inaad goyso si loo gaadho maslaxada ah in qofkii ku hagaagayo.

Balse hadii goynta la gooyo ay ugasii darayso oo dhibtii sii badanayso, waxa loo dulqaadanayaa dhibta yar si looga hortago dhib wayn iyo fasahaad ka xun maslaxadii aad raadinaysay.