Ma rabtaa bisha barakaysan ee Ramadaan in ubadkaagu ay uga faa’idaystaan sida ugu haboon. Waxa dugsiga Nasteex Online School idiin hayaa koorso loogu talo galay Caruurta Islaamke, taasoo soconaysa bisha barakaysan ee Ramadaan. Si aad isu diiwaangaliso xaga hoose tag oo buuxi foomka ama si toosa ula xiriir macalimiinta.

  • Caqiidada (waxay baranayaan macnaha Tawxiidka iyo in Ilaahay loo gaaryeelo cibaadadiisa, macnaha shirkiga ama gaalnimada, tiirarka islaamka, iimaanka iyo ixsaanka. Qeexida Ilaahay, rasuulkiisa iyo diinta Islaamka)
  • Qisooyinka Nabiyada (waxay baranayaan 25ka nabi ee magacyadooda lagu xusay Quraanka Kariimka)
  • Siirada Rasuulka (waxay baranayaan dhalashadii nabiga, siduu usoo barbaaray, waxyigii kusoo dagay, dhibtii loo gaystay, hijradii nabiga iyo saxaabadiisa, dagaalkii Badar iyo Uxud, furashadii Makkah iyo geeridii Rasuulka)
  • Fiqiga Caruurta ( waxay ku baranayaa qaabka la isu daahiriyo, istijada, wayso qaadashada, axkaamta salaada, zakada, soonka iyo xajka)
  • Sheekooyinka Caruurta (waxay baranayaa sheekooyin ka hadlaya akhlaaqda wanaagsan sidoo kalena cadaynaya dhaqanka kiisa xun sida; run sheegnimada, amaanada, Alle ka cabsiga, daacada, geesinimada, deeqsinimada, fariidnimada, dulqaadka, samirka iyo wixii lamida)
  • Axkaamta hablaha ugaara (axkaamtan waxay gaar u yihiin hablaha waxayna baranayaan qaabka la isaga daahiriyo xaydka, qubayska, xijaabka, guurka iyo daacada waalidka, maadadan hablaha waxa baraya gabadh macallimada)

Hadaad u baahantahay macluumaad dheeriya ka akhriso Halkan: https://gaaldiid.com/is-diiwaan-gali-koorsada-caruurta-ee-ramadaanka/

Hadaad su’aal qabto kusoo dir halkan:

Contact Us
First