Ma rabtaa bisha barakaysan ee Ramadaan in ubadkaagu ay uga faa’idaystaan sida ugu haboon. Waxa dugsiga Nasteex Online School idiin hayaa koorso loogu talo galay Caruurta Islaamke, taasoo soconaysa bisha barakaysan ee Ramadaan. Si aad isu diiwaangaliso xaga hoose tag oo buuxi foomka ama si toosa ula xiriir macalimiinta.

Fiiro Gaara: Fadlan akhriso macluumaadkan kahor intaanad is diiwaangalin

Tusmo

Maadooyinka ay baranayaan:

  • Caqiidada (waxay baranayaan macnaha Tawxiidka iyo in Ilaahay loo gaaryeelo cibaadadiisa, macnaha shirkiga ama gaalnimada, tiirarka islaamka, iimaanka iyo ixsaanka. Qeexida Ilaahay, rasuulkiisa iyo diinta Islaamka)
  • Qisooyinka Nabiyada (waxay baranayaan 25ka nabi ee magacyadooda lagu xusay Quraanka Kariimka)
  • Siirada Rasuulka (waxay baranayaan dhalashadii nabiga, siduu usoo barbaaray, waxyigii kusoo dagay, dhibtii loo gaystay, hijradii nabiga iyo saxaabadiisa, dagaalkii Badar iyo Uxud, furashadii Makkah iyo geeridii Rasuulka)
  • Fiqiga Caruurta ( waxay ku baranayaa qaabka la isu daahiriyo, istijada, wayso qaadashada, axkaamta salaada, zakada, soonka iyo xajka)
  • Sheekooyinka Caruurta (waxay baranayaa sheekooyin ka hadlaya akhlaaqda wanaagsan sidoo kalena cadaynaya dhaqanka kiisa xun sida; run sheegnimada, amaanada, Alle ka cabsiga, daacada, geesinimada, deeqsinimada, fariidnimada, dulqaadka, samirka iyo wixii lamida)
  • Axkaamta hablaha ugaara (axkaamtan waxay gaar u yihiin hablaha waxayna baranayaan qaabka la isaga daahiriyo xaydka, qubayska, xijaabka, guurka iyo daacada waalidka, maadadan hablaha waxa baraya gabadh macallimada)

Looma baahna kutub:

Ardaydu uma baahna inay soo iibsadaan kutub, sababtoo ah casharrada ay qaadanayaan waa kuwo u diyaarsan una duuban. Ardaydu si fudud ayey u helayaan darsigii ay qaateen.

Tiknaloojiyada aan adeegsano:

Fasalkasta oo ardayda kamida waxay leeyihiin group ay ku kulmaan, halkaas oo ay su’aalaha ku waydiin karaan macalimiintooda. Sidoo kale waxa guruubka loo soo dhigayaa jadwalka casharada maalintaas la bixinayo.

Casharka waxa lagu bixinayaa qaab online ah, oo ardayga loo sharraxayo siduu u adeegsan lahaa maalintuu bilaabo waxbarashada. Waxaad casharka kala socon kartaa Kombiyuutarkaaga, Tabska ama telefoonka.

Waxaad sidoo kale lasoo dagi kartaa Application ka dhanka telefoonda iyo tabskaba. Waxaanad ka helaysaa Play Store iyo Itunes labadaba.

Ardayda aan qaadanayno:

Koorsadan waxa loogu talo galay Caruurta iyo Dhalinyarada, waxaana ka qeybgali kara ardayda da’doodu u dhaxayso 5 sano ilaa 21 sanadood, meelkasta dunida ha joogaane.

Guruubka Ardayda:

Fasalkasta wuxuu leeyahay guruub dhanka Whatsupka ah, halkaasoo loo soo dhigayo linkiga casharka la qaadanayo maalintaas. Waa muhiim in ardaykasta guruubkan ku jiro si uu macalimiinta ula xiriiro iyo si uu uhelo casharka la qaadanayo.

Mudada la dhiganayo:

Koorsadan waxay soconaysaa hal bil oo kaliya waana bisha barakaysan ee Ramadaan, laga bilaabo maalinka 1aad ee Ramadaan ilaa laga gaadhayo maalinka u danbaysa Ramadaan. Casharrada waxa la qaadanaya 6 maalmood maalinkii, marka laga reebo hablaha oo maalinka Jimcaha ayagu qaadanaya darsiga axkaamta haweenka.

  • Wiilashu waxay qaadanayaan 6 maalmood todobaadkii, waxayna fasax yihiin habeenka Khamiistu dhamaanayso ee barrina ay tahay Jimcaha.
  • Halka habluhu ayagu 7 maalmood ay dhiganayaan duruustooda.

Qiimaha Koorsadan:

Koorsadan ardayga waxa laga qaadayaa 15 dollar, Waalidka haysta wax kabadan laba caruura waxa ardaygii kasta loo xisaabinayaa 10 dollar. Waalidka haysta wax ka badan 10 caruura, wixii toban dhaafa waxba lagama qaadayo waxayna ku dhiganayaan Free.

Waalidka jooga dalka Somaliya waxa arday kasta loo xisaabinayaa 10 dollar oo kaliya, hadii ubadkoodu ka bataan 5 caruura, wixii dheeraada waxba lagama qaadayo, waxayna ku dhigan karaan Free.

Qalabka Ardaygu ubaahanyahay:

Ardaygu kaliya wuxuu u baahanyhay inuu haysto kombiyuutar ama telefoon shaqaynaya. Waana inuu haysto internet fiican, si uu casharrada ugu qaato sida ugu fudud.

Qaabka Casharka loo qaadanayo:

Ardaydu waxay soo galayaan qolka loogu talo galay inay wax ku bartaan, kaasoo linkigiisa maalin kasta lasoo dhigayo guruubka ardayda. Markay gaadho xilligii loo qoondeeyey in casharku baxo, waxa bilaabmaysa darsigii.

Macalinku waxa ugu horeeya ee uu ku bilaabayo waa (Xaadiriska), kadibna casharradii hore ayuu ardayda wax ka waydiinayaa.  Dabadeedna casharka 1aad ayaa soconaya 30 daqiiqo, kadibna ardaydu waxay helayaan 5 daqiiqo oo nasasho ah. Isla marka lagasoo laabto nasashada waxa hore ka bilaambaya darsiga 2aad oo soconaya 30 daqiiqo.

Fasalka Haweenka:

Fasalkan waxa loogu talo galay dumarka ka wayn da’doodu 21 sanadood ayagoo baranaya duruustan hoos ku qoran  iyo axkaamta ugaarka ah haweenka.

  • Fiqiga Dumarka (Dahaarada, Salaada, Soomka, Sakada iyo Xajka, Guurka iyo xuquuqda lamaanaha isqaba)
  • Qisooyinkii Nabiyada.
  • Siiradii Rasuulka.
  • Tawxiidka
  • Dumarkii ugu khayrka badnaa.
  • Axkaamta Haweenka

Jadwalka Fasalka 1aad:

Fasalka 1aad waxay ardaydu bilaabayaan saacada 16:50 UK oo u dhigantan 18:50 saacada bariga Afrika. Sawirkan hoos ku qoran waa jadwalkii fasalka 1aad:

 

Jadwalka Fasalka 2aad:

Fasalka 2aad waxay ardaydu bilaabayaan saacada 22:50 UK oo u dhigantan 00:50 saacada bariga Afrika. Sawirkan hoos ku qoran waa jadwalkii fasalka 2aad:

Macallimiinta dhigaysa Koorsadan:

Macalin: Sheekh Abdifatah Osman

Macalin: Sheekh Abdulaziz Oogle

Macalin Sheekh Ahmed Dhagaxtuur

Macalin: Raxma

Faahfaahin Dheeriya:

Wixii Faahfaahin dheeriya waxaad la xiriirta telefoonadan hoos ku qoran:

Sheekh Abdulaziz Oogle 0046760552713

Sheekh Abdifatah Osman 00966509880497

Sheekh Dhagaxtuur 00447400092871

Si aad isu diiwaangaliso fadlan buuxi foomkan, hadii kale si toosa ula hadal macalimiinta.

 

Is Diiwaan Gali Koorsada Caruurta ee Ramadaanka