Qofka bani aadamka wuxuu ka cabsada musiibooyinka wareega ee dunida si maalinle ah uga dhaca, hadaba hadii aad jeceshahay in musiibooyinkaas lagu garab mariyo waxa jirta duco cajiiba oo hadii aad Ilaahay ku barido lagaa ilaalinayo musiibooyinkaas, Ilaahay idankii, ducadaasina waa tan hoos ku qoran, waxa la akhrinayaa maalintii iyo habeenkiiba sadex jeer.

 بِسْمِ اللَّهِ الَّذِي لَا يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْءٌ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ

Bismillahi alladii laa yadurru maca ismihii shay’un fil-ardhi walaa fi-assamaa’ wahuwa assamiicu al-caliim.

Waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaahay kaasoo aanay dhibin la jirka magiciisu shay jooga dhulka ama samada, waana Allaha maqalka badan ee cilmiga badan.

Ducadan waxa soo wariyay Abaan binu Cusmaan oo uu dhalay saxaabigii qaaliga ahaa ee Cusmaan binu Cafaan Ilaahay raali haka ahaadee, wuxuuna yiri:

عن أبان بن عثمان قال سمعت عثمان بن عفان رضي الله عنه يقول قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ما من عبد يقول في صباح كل يوم ومساء كل ليلة بسم الله الذي لا يضر مع اسمه شيء في الأرض ولا في السماء وهو السميع العليم ثلاث مرات لم يضره شيء وكان أبان قد أصابه طرف فالج فجعل الرجل ينظر إليه فقال له أبان ما تنظر أما إن الحديث كما حدثتك ولكني لم أقله يومئذ ليمضي الله علي قدره قال أبو عيسى هذا حديث حسن صحيح غريب

Abaan binu Cusmaan waxa laga wariyay inuu dhahay: “Waxaan maqlay Cusmaan binu Cafaan Ilaahay raali haka ahaadee oo leh: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Majiro adoon dhaha subax kasta iyo galab kasta (Waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaahay kaasoo aanay dhibin la jirka magiciisu shay jooga dhulka ama samada, waana Allaha maqalka badan ee cilmiga badan) sadex jeer, waxna ma dhibaan.

Abaan waxa asiibay cudurka faaliga (dhinac qalal) markaasaa ninkii bilaabay inuu eego xagiisa (ninkii uu xadiiska u sheegayay ayaa la yaabay sababta Faaligu ugu dhacay haduu akhristo ducada) markaasuu Abaan dhahay: maxaad fiirinaysaa? Xadiisku waa sidaa aan kuu sheegay, hase ahaatee manaan odhanin maalintaa si Ilaahay u socodsiiyo wixii uu qadaray (Maalinta Faaligu ku dhacay muu akhrisanin ducada). [Abuciisaa Tirmadi wuxuu dhahay waa xadiis fiican oo saxiixa oo qariiba] [Sunan Tirmadi: 3388]