BUSHAARO BUSHAARO BUSHAARO

Dhagayso, Daawo ama Akhriso.

Bushaarada Todobaadkan waxa weeye Duco aad u cajiiba oo Ruuxa ku dhaqmaa uu galayo Jannada. MaashaAllah, Muslimiineey Bushaaro, Bilkhayr dhaha!! Ducadan waxa soo saaray Imaamka Al-Bukhaari, Tirmadi iyo Nisaa’i iyo kuwo kale. Waa Duco ka sugan Nabigeena Muxamed (N.N.K.H), kaliya waxa laynaga rabaa inaynu aamino kuna dhaqano. Waxaynu soo qaadanaynaa Riwaayda Bukhaari inshallah.

عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: {سَيِّدُ الِاسْتِغْفَارِ أَنْ تَقُولَ اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ خَلَقْتَنِي وَأَنَا عَبْدُكَ وَأَنَا عَلَى عَهْدِكَ وَوَعْدِكَ مَا اسْتَطَعْتُ أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا صَنَعْتُ أَبُوءُ لَكَ بِنِعْمَتِكَ عَلَيَّ وَأَبُوءُ لَكَ بِذَنْبِي فَاغْفِرْ لِي فَإِنَّهُ لَا يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلَّا أَنْتَ قَالَ وَمَنْ قَالَهَا مِنْ النَّهَارِ مُوقِنًا بِهَا فَمَاتَ مِنْ يَوْمِهِ قَبْلَ أَنْ يُمْسِيَ فَهُوَ مِنْ أَهْلِ الْجَنَّةِ وَمَنْ قَالَهَا مِنْ اللَّيْلِ وَهُوَ مُوقِنٌ بِهَا فَمَاتَ قَبْلَ أَنْ يُصْبِحَ فَهُوَ مِنْ أَهْلِ الْجَنَّةِ}. رَوَاْهٌ البٌخَاْرِيُّ

Allahumma anta rabbii laa ilaaha illaa anta khalaqtanii wa anaa cabduka wa anaa calaa cahdika wa wacdika mastadactu, acuudu bika min sharri maa sanactu wa abuu’u laka binicmatika calayya wa abuu’ u bidambii faqfirlii fa innahu laa yaqfiruddunuuba illaa anta.

Nabigeena (N.N.K.H) waxa laga wariyey inuu dhahay: [Sayidka Danbidhaafka waxa weeye inuu Adoonku dhaho:  Ilaahayow waxaad adiu tahay Rabigay, Ilaah xaq lagu caabudaana ma jiro Adiga mooyee, waad i abuurtay aniguna adoonkaagiibaan ahay, waxaanan ku suganahay ballantaada iyo axdigaaga intaan awoodo, waxaan (Rabbiyow) kaa magan galayaa sharka aan sameeyo, waxaan kuu qirayaa nicmadaada korkayga ahaatay, waxaan kale oon qirayaa danbigayga ee ii dani dhaaf, sababtoo ah cid danbi dhaaftaa ma jirto adiga mooyee. Wuxuu dhahay: Cida akhrida maalintii isagoo yaqiinsan (Ducadan) oo dhinta maalintaa intaanu galabaysan kahor wuxuu kamid yahay Ehelka Jannada, cidii akhrida Habeenkii, isagoo yaqiinsan oo dhinta intaanu subaxaysan wuxuu kamid yahay Ehelka Jannada]