Tusmo

Kitaabka Sadexda Asal ama Usuulu Thalaatha, waa kitaab ka warramaya caqiidada ruuxa muslimka ah. Waa kitaab yar laakiin xanbaarsan macnaha qotada dheer ee barashada iimaanka, islaamnimada iyo ixsaanka. Kitaabka waxa qoray sheekh Maxamed ibnu Cabdi Wahaab. Waa kitaab la xifdiyi karo, oo sahlan una fudud ardayga bilowga ah.

Kitaabkan waxaad ku baranaysaa waa kuma Rabbigaagu? Waa kuma Nabigaagu? Waa maxay diintaadu? waana sadexda su’aalood ee qabriga malagu kugu waydiinayo. Inaad barato cilmiga tawxiidka waa mid waajib ku ah qofkasta oo muslima si uu uga badbaado caqiidooyin qaldan iyo bidcooyinka. Ka akhriso halka hoose, hadaad rabtana kala soo dag barta ay ku qorantahay Lasoo Dag.