Usaama ibnu Sayid

Aabihii

Usaama waxa dhalay Sayid ibnu Xaarisa oo kamid ahaa saxaabdii ugu hor Islaamay, wuxuuna mowle u ahaa Nabiga (N.N.K.H). Nabiguna markii hore wuu tabinyeeyey macanaha wuxuu ka dhig sida wiil uu dhaly oo kale oo magaciisa waxa la odhan jiray Sayid ibnu Muxamed bale Ilaahay (S.W) ayaa soo dajiyey aayado Quraana oo reebaya in caruurta magacooda iyo jinsiyadoodaba aan la badalin ee aad korsan kartid laakiin aad u daynaysid magiciisa iyo abtirsiintiisa.

Sayid wuxuu Islaamay goor hore wuxuuna ahaa nin uu Nabigu aad u jecel yahay, wuxuuna ka qayb galay dhamaan duulaanadii Nabigu la galay gaalada, wuxuuna ku geeriyooday dagaalkii Mu’tah isagoo ahaa Taliyihii koowaad ee ciidanka Muslimiinta.

Hooyadii:-

Hooyadii waa Umu-Ayman waan gabadhii soo korisay Nabiga (N.N.K.H), wuxuna Nabigu dhihi jiray:- Umu-Ayman waa hooyaday marka laga yimaado hooyadii i dhashay. Umu-Ayman way islaamtay wayna hijrootay. Sidoo kale waxay ka qayb gali jiratay Dagaalada oo waxay biyo siin jirtay dhaawaca Muslimiinta.

Usaama waxa dhalay labadaa Saxaabi ee qaaliga ah, wuxuuna ku dhashay Islaamka manuusan arkin jaahilyadii iyo gaalnimadeedii.  Usaama wuxuu ahaa  nin aad u madaw midabkiisu, sankiisuna kamas ayuu lahaa wuxuuna ahaa nin aad u garaad badan oo geesi ah.

Nabigaana soo barbaariyey, aadna wuu u jeclaa Nabigu (N.N.K.H). Nabigu (N.N.K.H) wuxuu Usaama fadhiisin jiray dhabtiisa isaga iyo wiilkii uu Nabigu awoowga u ahaa ee Xasan ibnu Cal, wuxuuna odhan jiray Ilaahayow! Labadan waan jeclahay ee jeclow.

Cali ibnu Abudaalib ayaa Nabiga waydiiyey;- Ehelkaaga yaad ugu jeceshahay? Wuxuu dhahay Rasuulku:- Waxaan ugu jecelahay Faadima. Wuxuu dhahay Cali;- Raga Ayaan u jeedaa? Wuxu yidhi: Usaama ibnu Sayid.

Caasha hooyadii Mu’miniinta waxay tidhi; Nabigu wuxuu dhahay:- Cidii jecel Ilaahay iyo Rasuulkiisoow jeclow Usaama ibnu Sayid. Jacaylkaa way ee Nabigu u hayey darteed ayaa loogu yeedhi jiray Usaama wiilkii Nabigu jeclaa ee aabihiina Nabigu jeclaa.

Hijradii Usaama:-

Nabigu markuu u hijrooday magaalada Madiina isaga iyo saaxiibkii Abubakar ayaa wuxuu soo diray Sayid ibnu Xaarisa iyo Aburaafic wuxuuna usoo dhiiba laba awr iyo 500 oo dirharm si ay usoo qaadaan ehelkii Nabiga. Sayidna wuux soo qaaday ehelkii Nabiga oo ahaa Faadima, Umu-Kalthuum iyo xaaskiisii Sawda bintu Samaca. Waxa kale oo Sayid soo qaaday xaaskiisii Umu-Ayman iyo wiilkiisa yare e Usaama ibnu Sayid.

Dhaawac soo gaadhay Usaama:

Caasha waxay tidhi: Usaama ayaa ku kufay albaabka ama kaabada guriga kadibna waxa dakhramay wajigiisa markaasu Rasuulku igu dhahay:- Ka dhay nabarka macnaha wiilka ka hagaaji dhaawaca soo gaadhay, kolkaasbaan ka cudurdaartay oo Nabiga ayaa intuu Usaama soo qabtay ka nuugay dhiigii kadibna tufay markaasuuna dhahay:- Haduu Usaama ahaan lahaa gabadh dhar Ayaan u galin lahaa, waanan qurxin lahaa illamaayo aan ka bixinayo.

Ma Xadkii Ilaahay ayaad u shafeeco qaadaysaa?!!!

Gabadh reer bani Makhsuum ah ayaa wax xaday kadibna dadkii ayaa doonay inay u shafeeco qaadaan macnaha laga dhaafo xadka Islaamka ah ee gacan goynta ah, markaasbay direen Usaama si uu Nabigu uga saamaxo ama uga dhaafo xadkaas.

Nabigu wuxuu ku dhahay Usaama: Ma waxaad u shafeeco qaadaysaa xad kamid xuduuda Ilaahy!! Ilaahbaan ku dhaartee waxa halaagay qoomkii idin ka horeeyey marka ninka magaca ku leh Bulshadu uu wax xado way ka tagi jireen marka nin tamar yar wax xadona way ku fulin jireen xadka, Ilaahbaan ku dhaartee hadii ay Faadima wax xado gacanta ayaan goynayaa.

Xaaskii Usaama:

Usaama wuxuu guursaday Faadima bintu Qays, waxaana Usaama hortii qabay Abu Cumar ibnu Xafsi kadibna way kala tageen, kolkaa waxa soo doonay Mucaawiya iyo Abu Juham. Faadima waxay u tagtay Nabiga oo ay talo waydiisatay cid ay guursato wuxuuna ku dhahay: Mucaawiya waa faqiir iminka sidoo kale ninka la dhaho Abujuhamna waa nin akhlaaqdiisu ay adagtahay ee waxaad guursataa Usaama, waanu guursaday.

 

Usaama oo dilay qof shahaadada ku dhawaaqay!¨

Usaama wuxuu ka qayb galay dagaal lala galay gaalo kadibna Isaga iyo Nin kale oo Ansaari ah ayaa waxay qabteen nin gaal ah oo la dagaalamayey, waxayna dooneen inay dilaan markaasuu Ninkii ku dhawaaqay shahaada balse way dileen ninkii xitaa isagoo ku dhawaaqay shahaadii xaqa ahayd. Markii loo sheegay Nabiga ayuu ku dhahay: Xagaad ka gali weedha Laa Ilaaha illaa Allah. Usaama wuxuu dhahay: waxaan hamiyey maalintaa inaan soo Islaamo oo laydhaafo danbiyadaydii hore oo dhan.

Taliskii Usaama:

Ayaamihii ugu danbeeyey noloshii Nabiga ayuu diyaariyey ciidan ku duulaya Roomaanka wuxuuna taliyaha guud uga dhigay wiilkan yare e Usaama oo da’diisu tahay 18 sano. Kadibna dadkii ayaa duray hogaanimadiisa, waxaana loo sheegay Nabiga inay ka hor yimaadeen taliskiisa!! Wuxuu dhahay Nabigu (N.N.K.H):- Haday dureen hogaanimadiisa waxay hore wax uga sheegeen hogaamintii Aabihii, Ilaahbaan ku dhaartee wuu ku haboonyahay hogaamiye, waxaanu aabihii ahaa cidaan ugu jecelahay wiilkiisana aadbaan u jecelahay.

Geeridii Nabiga:

Markuu Nabigu xanuusaty xanuunkii uu u geeriyooday ayaa waxa usoo galay Usaama oo soo booqday Rasuulka (N.N.K.H). Nabigu muusan hadli karayn ee farta ayuu kusoo ishaaray Usaama markaasuu gacmihiisan sare u qaaday. Wuxuu dhahay Usaama: Nabigu wuu ii ducaynayyey.

Khilaafadii Abubakar:

Abubakar markuu qabsaday khilaafada ayaa Carabtii daganay Jasiirada Carbeed badankoodii gaaloobeen, waxayna noqdeen kuwo diiday inay sako bixiyaan ama kuwo dhahay waxaan ku noqonaynaa xilligii Jaahiliga. Abubakar (I.R.H) wuxuu go’aansaday inuu dhamaan la dagaalamo si uu ugusoo celiyo tubta toosan, sidoo kale wuxuu diray ciidankii Usaam ee Nabigu geeridiisa kahor diyaariyey si ay ugu duulaan Roomaanka. Saxaabadii ayaa ku tidhi Abubakar: Ciidanka Usaama ha dirin sababtoo ah waynu u baahanahay oo Carabtiiba way ridoobeen balse Abubakar wuxuu dhahay weedhiisii can ka ahayde (Anigu joojin mayo ciidan uu Nabigii Ilaahay diyaariyey oo uu ugu talo galay inay duulaan). Markuu Ciidankii Usaama baxay ee uu la dagaalamay Roomaankii ayey Carabtii tidhi: Ilaahbaan ku dhaaranaye Awooda Muslimiintu way sarreysaa oo waa kuwaa ka hor tagay dawladii xilligaas ugu awooda waynayd Duniad, waxayna arrintaasi keentay inay Carabtii dib ugu soo laabtaan Islaamka.

Khilaafadii Cumar:

Cumar (I.R.H) wuu maamuusi jiray Usaama ibnu Sayid wuxuuna dhihi jiray waa Taliyahaygii oo Nabiga ayaa geeriyooday Isagoo hogaamiyahayga ah.

Waxa dhacday xilligii Cumar in dawladiisu ay bixin jirtay lacag ay u qaybiso Muslimiinta dabadeedna Cumar wuxuu sadex kun iyo shan boqol siiyey Usaama halka wiilkii Cumar uu dhalay ee Cabdilaahi ibnu Cumar uu siiyey sadex kun oo kaliya markaasuu wiilkiisii dhahay: Amiirkii Mu’miniintoow! Maxaad u siisay Usaam 3500 anigan ii siisay 3000, Ilaahbaan ku dhaarteen meel aanu ka qaybgalin oo aanan aniguna ka qaybgalin ma jirto. Cumar (I.R.H) wuxu dhahahy’:- Isaga aabihii Sayid ayuu Nabigu ka jeclaa aabahaa Cumar, Adiga oo ah Cabdillaahina wuxuu Nabigu ka jeclaa Usaam sidaa daraadeed Jacaylkii Nabiga ayaan ka door biday jacaylkayga.

Khilaafadii Cali ibnu Abudaalib:-

Xilligii Cali talinayey waxa dhacday fitnadii dhex martay saxaabada balse Usaama kamuusan qaybgalin ee wuxuu dhahay: Gacantayda uma qaadayo qof ku dhawaaqaya Shahaadada maxaa yeelay hadda kahor ayaan gacan u qaaday qof ku dhawaaqay Shahaadada xaqa ah.

Geeridii Usaama:

Usama (I.R.H) wuxuu ahaa mid sooma Isiniinta iyo Khamiisaha wuxuuna odhan jiray maalmahaas camalka ayaa loo ban dhigaa Ilaahay markaas waxaan jeclahay in Ilaahay camalkayga loo bandhigo anigoo sooman.

Usaama wuxuu geeriyooday khilaafadii Mucaawiya, waxaana janaasadiisii ka qaybgalay Ibnu Cumar oo dhahay: dadajiya aaska wiilkii uu Nabigu jeclaa isaga iyo aabihiiba.