Saxaabiga la dhaho Thaclaba ibnu Cabdiraxmaan wuxuu ahaa wiil kuray ah oo kamid saxaabada dhalinta ah ee Nabiga (N.N.K.H), wuxuuna ahaa saxaabada u adeega Nabiga oo hawlaha uu ubaahdo usoo fuliya.

Maalin ayaa Nabigu u diray inuu usoo fuliyo arrin uu ubaahnaa kadibna waa baxay Thaclaba ibnu Cabdiraxmaan oo wuxuu qaaday wadadii gaynaysay meeshii loo diray hase ahaatee isagoo jidka maraya ayuu wuxuu arkay guri albaabku u furanyahay wxaana gurigaa laga dhex arkayey suuliga ama musqusha lagu qubaysto oo lahaa daah yar oo maro kadibna dabaysha ayaa daahii sare u qaaday dabadeedna Thaclaba wuxuu fiiriyey gurigii mise waa gabadh ku qubaysanaysa musqusha waanu eegay mar ama laba jeer kadibna intuu Shaydaanka iska naaray ayuu ka orday meeshii wuxuuna isku dhahay naftiisa; maanta ayey kuu dhamaatay, nabigii Ilaahay ayaa hawl kuu diray adiguna waxaad fiirinaysaa cawradii haweenka Muslimaadka ah!! Wuxuu isku dhahay naftiisa; waxa lagugu soo dajinayaa aayad Quraana ama waxa lagugu darayaa munaafiqiinta kadibna waa orday oo wuxuu galay god ku yaalay Buuraha.

Markii Salaadii laga baxay ayuu Nabigu saxaabadiisii waydiiyey yaa arkay Thaclaba? Waxay dhaheen: Maanan arkin. Mudo markii la la’aa oo nabiguna gurigiisii uu ka waayey ayaa waxa kasoo wareegtay intii la la’aa mudo dhan afartan maalmood.

Afartankaas maalmood kadib ayuu Nabigu diray laba kamid ah saxaabadiisii oo ahaa Cumar ibnu Khadaab iyo Salmaan alfaarisi, waxayna ka raadiyeen buuraha. Ayagoo raadinaya ayey kasoo horbaxeen dad adhi raacato ah waxayna waydiiyeen bal inay arkeen wiil sifooyinkan leh markaasay dhaheen; malaa waxaad raadinaysaan wiilka ooya!! Waxay dhaheen: xaguu joogaa? warkiisa bal noo sheega? Waxay dhaheen adhi raacatadii: Waxa jira wiil mudo afartan casho ka ooya buurtan oo maalintii hal mar ayuu soo baxaa isagoo madaxa is haya kadibna waxaan u maalnaa koob caano ah halkaasbaanu ku noqdaa oo wuu sii ooyaa!!

Cumar iyo Salmaan ayaa meel ugu dhuuntay kadibna markuu wiilkii soo baxay ayey qabteen markaasuu dhahay: Maxaa dhacay? Ma Aayadaa laygu soo dajiyey? Mis munaafiqiinta ayaa laygu daray? Waxay dhaheen: Anaku ma garanayno ee waxa nookaasoo diray Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H).

Cumar iyo Salmaan waxay soo qaadeen wiilkii oo oynaya oo caafimaadkiisuna aad u liito waxayna geeyeen gurigiisii, kadibna nabiga ayaa soo booqday wiilkii markaasuu madixiisii dhabta saaray kolkaasuu yidhi Thaclaba: Rasuulkii Ilaahayoow madaxayga dhabtaada ka qaad! Waxa madaxan ka buuxa macsiye!! SubxaanAllah.

Nabigu wuxuu yidhi: maxaad Thaclabooy rajaynaysaa? maxaadse ka cabsanaysaa? Wuxuu dhahay: Waxaan rajaynayaa Naxariista Ilaahay, waxaanan ka baqanayaa cadhada Ilaahay. Nabigu wuxuu yidhi; Waxaan rajaynayaa inuu Ilaahay ku siiyo waxaad rajaynaysid uuna ka kor yeelo waxaad ka cabsanaysid.

Thaclaba wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayoow, waxaan dareemayaa wax aad mood qudhaanjo yar oo ku dhex jirta maqaarkayga iyo lafahayga dhexdooda! Nabigu wuxuu yidhi: Ma sidaasbaad dareemaysaa? wuxuu yidhi: Haaa.

Nabigu wuxuu dhahay: waxa kugu soo dagay geeridii ee shahaadaada qabso, wiilkii waa hiinraagay kadibna intuu shahaadada qabsaday ayey naftii ka bxaday. Markuu wiilkii geeriyooday ayaa Nabigu maydkiisii maydhay oo kafmay kadibna waxa loo qaaday xabaasha.

Intii jidka lagu sii jiray ayaa Nabigu ku socday faraha lugihiisa ayadoo la moodo in meeshu tahay buuq! Cumar ayaa dhahay: Nabi Allow, maxaad faraha kaga soconaysaa, dadkii waxay kuu baneeyeen Wadadee? Wuxuu dhahay: Cumaroow, waxaan sidaas ula soconayaa farabadnaanta malaa’igta kasoo qaybgashay janaasadan.

Ilaahay raali haka ahaado wiilkaa dhalinta yar ee dareemay macsi yar oo maanta inala ah wax yar oo iska fudud.


Xigasho:-

  • Waxa soo saaray Abunaciim oo kusoo saaray Xuliyatil awliyaa [(9/329-331)]

Ku baraarug:-

  • Culumadu riwaayadan ama qisadan way ka hadlaan ayagoo daciifiya sanadkeeda iyo matnigeedab. Allahuaclam.