Tusmo

Kitaabka Rawdatu Al-anwaar waa kitaab ka warramaya siiradii suubanayd ee nabiga (scw). Waxa kitaabkan lagasoo gaabiyey kitaabka Raxiiqu al-makhtuum. Waxaana qoray sheekha Saffiyu Raxmaan almubaarkfuuri. Waa kitaab si fudud usoo bandhigaya siiradii nabiga iyo axwaashii.

Siirada nabiga (scw) waxay u qaybsantaa laba qeybood, qeyb waa markii uu nabigu ku noola Makkah oo gaadhaysa mudo dhan 13 sanadood waxaana loo yaqaana Makkiyah, xillagan nabiga iyo saxaabadiisa waxay la kulamayeen dhibaatooyin isugu jir naf iyo maalba. Qeybta labaadna waa 10 sanadood oo nabigu joogay Madiina,waxaana loo yaqaana Madaniyyah, xilligan waxay muslimiintu aasaaseen dawladii ugu horeysay ee islaamku yeesho.