Tusmo

Rasuulkii Ilaahoow Aniga Zinada ha lay baneey!!!

Cida u fiirsata noloshii Nabi Muxamed (N.N.K.H) wuxuu arkayaa qaabka xikmadu ku jirto ee saxaabadiisa u barbaariyey iyo inuu muhiimadeeda siin  jiray qaybaha kala duwan ee bulshada islaamku ka kobantahay. Bulshada Islaamkana qaybaha ugu waaweyn waxaa kamid ah Dhalinyarada oo runtii uguna tiro badan, haday hagaagaana ay dhamaan bulshadu la hagaagto haday xumaadaan ay la xumaato.

Dhibaatooyinka waaweyn ee dhalintu la kulnto waxa ugu horeeya xagay shahwadooda ku gutaan? Ma jid xalaal ah oo markaas Ilaahay agtiisa ay ajri iyo abaal marin kaga helaan mise jid xun oo cawaaqibxumo ku keenaya cidhibdanbeedkooda? Marka koowaad Baahida wiilku u qabo gabadh ama gabadhu u qabto nin waa mid dabiici ah oo Ilaahay ku beeray guud ahaan noolaha iyo Uunkiisa dhanba. Mana aha wax ceeb ah haduu wiilku sheegto baahidiisa dareen ama gabadhu ay sheegato baahideeda nin hanta. Ayadoo taas laga duulayo wuxuu sharciga Islaamku u baneeyey qaab ay dhalintu ku xalliyaan mushkiladaas, ayna kaga hortagaan dhagarta Shaydaanku u maleegayo. 

Xilligii Nabiga  (N.N.K.H) waxa jiray wiil dhalinyaro ah oo doonayey inuu ku guto baahidiisa dareen meel aan ku haboonayn, kadibna wuxuu ku dhiirada inuu Masaajidka Rasuulka yimaado oo uu ka dhex istaago masaajidka ayadoo dad badani ay joogaan, wuxuuna ka dhex yidhi masaajidkii: Rasuulkii Ilaahayoow, aniga halay baneeyo Zinada!!! Markuu weedhaas dhahay ayey dadkii buuqeen oo ku dhaheen waar aamus!! Muxuu ku hadlay! bal su’aasha uu waydiinayo nabiga fiiriya?

Dabcan waydiintaas waxay ka turjumaysaa wiilkaas inuu ahaa wiil daacad ah oo jecel diinta Islaamka hase ahaatee ay ka awood badatay dareenkiisii shahwo waxayna ku kalliftay inuu Nabiga hor istaago oo waydiiyo fatwo u ogolaanaysa isaga in Zianada loo fasaxo!!

Nabigeenu (n.n.k.h) wuxuu ahaa macalinkii ugu waynaa aduunyada, muusan cadhoon manuusan hiifin wiilkii ee waa soo dhoweeyey wiilkii, kolkuu soo dhowaaday ee dhabtii Rasuulka horteeda fadhiistay ayuu nabigu waydiiyey dhawr su’aalood oo uu ugu hoga tusaalaynayo in waxan uu rabaa aanay dadka kalena la jeclayn ehelkooda, waxaana xadiisku u dhignaa sidan:-

(إن فتى شابا أتى النبيَّ ـ صلى الله عليه وسلم ـ فقال: يا رسول الله، ائذن لي بالزنا!، فأقبل القوم عليه فزجروه، وقالوا: مه مه، فقال: ادنه، فدنا منه قريبا، قال: فجلس، قال: أتحبه لأمك؟، قال: لا واللَّه، جعلني اللَّه فداك، قال: ولا الناس يحبونه لأمهاتهم، قال: أفتحبه لابنتك؟، قال: لا واللَّه، يا رسول اللَّه جعلني اللَّه فداك، قال: ولا الناس يحبونه لبناتهم، قال: أفتحبه لأختك؟ قال: لا واللَّه، جعلني اللَّه فداك، قال: ولا الناس يحبونه لأخواتهم، قال: أفتحبه لعمتك؟ قال: لا واللَّه، جعلني اللَّه فداك، قال: ولا الناس يحبونه لعماتهم، قال أفتحبه لخالتك؟ قال: لا واللَّه جعلني اللَّه فداك، قال: ولا الناس يحبونه لخالاتهم قال: فوضع يده عليه وقال: اللَّهمّ اغفر ذنبه وطهر قلبه، وحَصِّنْ فرْجَه، فلم يكن بعد ذلك الفتى يلتفت إلى شيء) رواه أحمد

Wiil dhalinyaro ah ayaa u yimid nabiga (n.n.k.h) wuxuuna ku yidhi: Rasuulkii Ilaahayoow ii ogolow Zinada!! dadkiiba markaas ku kacay oo maagay, waxayna ku dhahee; joog, joog. wuxuu dhahay Rasuulku:  waii soo dhowoow, waana usoo dhowaaday oo fadhiistay. Wuxuuna yidhi Nabigu: Hooyadaa ma la jeceshahay? wuxuu yidhi: Ilaahbaan ku dhaartee maya, ilaahayna hayga yeelo ka kugu furtay naftaydee, wuxuu yidhi: dadkuna lama jecla hooyooyinkood, wuxuu dhahay: ma la jeceshahay inantaada? wuxuu yidhi: ilaahbaan ku dhaartee maya rasuulkii ilaahayoow, ilaahay kayga dhigo ku kugu furta naftaydee, wuxuu dhahay: dadkuna lama jecla hablahooda, wuxuu yidhi: ma la jeceshahay walaashaa? wuxuu yidhi; maya Ilaahay haygu kaa furtee, wuxuu dhahay: dadkuna lama jecla walaashood, wuxuu yidhi: ma la jeceshahay Eedadaa? wuxuu dhahay: maya ilaahay haygu kaa furtee, wuxuu yidhi: dadkuna lama jecla eedooyinkood, wuxuu dhahay: ma la jeceshahay habaryartaa? wuxuu dhahay: maya Ilaahay haygu kaa furtee, wuxuu yidhi: dadkuna lama jecla habaryartood, markaas ayuu gacantiisa saaray (laabtiisa) yidhina: Ilaahayoow u danbi dhaaf, qalbigiisana nadiifi, farjigiisana ilaali, intaa wixii kadanbeeyeyna wiilkii meelnaba muu eegin.

Waxaynu ognahay Dadku si kasta oo ay u wanaagsanyihiin hadan khalad ama gaf waa ka dhici karaa, gafkaasna waxa ugu badan danbiyada ay dhalintu ku dhacaan ee ah macsida Zinada iyo hordhaceeda ilaahaybaan ka magan galnee, hadaba dhalinyarooy hadii aad dareemayso baahi dumareed waxa sharcigeenu inoo baneeya wado wanaagsan oo lagu guto dareenkaas, waxaanad markasta madaxaaga galisaa gabadha aad xumaan ka doonayso waxay la dhalatay dad adiga kula mid ah oo ka damqanaya dhibta soo gaadhaa, sidaanad adiguba ula jeclayn xumaanta hooyadaa, habaryartaa, walaashaa, eedadaa iyo inataadaba dadkuna ogsoonow lama jecla xumaan ehelkooda.

marka wiilkan lagu baraarujiyey arrinta inaanay cidina ehelkooda xumaan la jeclayn ayuu fakaray oo gartay inay arrintaasi dadka kale dhibayso, waxaanu qaatay go’aan ah inuu ka fogaado faaxishada iyo hordhaceedaba.

Walaalayaal Nabigeenu (n.n.k.h) markuu wiilkan u yimid iskamuu dhaafin ee waa soo dhoweeyey oo dhabtiisa fadhiisiyey sidoo kalena  u caqli celiyey oo wiilkii isagoo qanacsan ayuu goobta ka kacay.

Dabcan arrintaasi waxay kamid tahay tusaalayaasha sida nabigeenu ugu dacabacsanaa Umadiisa iyo qayb kasta oo bulshada islaamka kamid ah, waxayna daliil u tahay dadkeena macalimiinta iyo waalidkaba inaynu sidaas oo kale ubadkeena fiiro dheer u yeelano oo u caqli celino sidoo kalena dananyno habka aynu  maarayn lahayn inay dareenkooda shahwadeed ku  gutaan qaab xalaal ah oo diinteenu waafaqsan.


WD: Abudulaziz Oogle