BismillAh, Walaalayaal waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka Assalaama calaykum wa raxmatuAllahi wa barakaatuhu. Walaalayaal waxa baryahan iska badan in xukunka maxkamada lagu dagdago ayadoon aad looga fiirsan. Mararka qaarna waxa dhici karta in caadifadi ay xaakimka qaado oo uu ku xukumo waxaan cadaalad ahayn, sidaa darteed waxaynu soo bandhigi doonaa dhawr qiso oo faa’idooyin badan leh oo ku saabsan xukunka iyo cadaaladaba.

Tusmo

Qisada 1 aad

Waxa jiray nin lahaa beer wayn oo uu kasoo goosto dalag kala duwan kadibna dalagaas iyo midhaha kasoo baxa ayuu iib gayn jiray sidaasbaanu ku maarayn jiray nolol maalmeedkiisa. Ninkan beerta leh waxa la jaar ahaa nin kale oo lahaa xoolo nool Adhi, Lo’ iyo Geel,  wuxuuna isaguna xoolihiisa daajin jiay meelaha banaanka ah ee daaqa leh.

Maalin maalmaha kamida ayaa ninkii xoolaha lahaa wuxuu dayacay xoolihii kadibna waxay xoolihii u dhaceen beertii oo way cuneen gabi ahaanba wixii dalag ku yaalay beertaas. Ninkii beerta lahaa ayaa yimid beertiisii mise hal geed oo naf lehba laguma oga markaasbuu murugooday oo ninkii maal qabeenka ahaa wuxuu yahay maanta faqiir aan haysanin wax uu ku maareeyo nololmaalmeedkiisa.

Ninkii beerta lahaa iyo Ninkii xoolaha lahaa ayaa waxay u tageen labadooduba Nabi Daa’uud oo fadhiya maxkamadiisii, waxayna u sheegeen warkoodii. Nabi Daa’uud (N.N.K.H) wuxuu canaantay ninkii xoolaha lahaa isagoo leh maxaad u ilaalin wayday xoolahaaga? maanta ninkii beert lahaaba waa kaas oo wuu fara madhan yahay!! Dabadeedna nabi Daa’uud wuxuu xukumay in ninka beerta leh la siiyo dhamaan xoolaha oo uu isagu kalidii uu manaafacsado. Ninkii xoolaha lahaa oo ku niyad san xukunka nabi Daa’uud ayaa yeelay xukunkii kadibna way baxeen labadii nin.

Labadii nin oo jidka socda ayey waxay sii mareen Nabi Suleymaan oo ahaa wiil yar waxayna u sheegeen warkoodii iyo xukunkii aabihii ku kala xukumay. Nabi Sulaymaan (N.N.K.H) wuxuu yidhi; hadaad aniga ii iman lahaydeen waxaan idinku kala xukumi lahaa xukun kaduwan kan aabahay idinku kala xukumay.

Dabadeedna Nabi Suleymaan (N.N.K.H) ayaa u tagay aabihii Nabi Daa’uud kuna dhahay; Nabigii Ilaahow, xukunkan aad ku xukuntay labada nin waxaan anigu ku kala xukumi lahaa mid kaduwan! Nabi Daa’uud wuxuu ydih; maxaad ku kala xukumaysaa? Wuxuu dhahay Nabi Sulaymaan; Waxaan ku kala xukumayaa in ninka xoolaha lihi uu beero mudo dhan hal sano beertii ninkan halka ninka beerta lihina uu qaato mudadaas sanadka ah xoolaha oo uu ka manaafacsado kolka ay beertaasi baxdana waa inuu soo celiyaa xoolaha oo uu siiyaa ninkii lahaa isaguna uu la wareegaa beerta.

Xukunka Nabi Sulaymaan ayaa ahaa ka saxda ah sababtoo ah ninkii xoolaha lahaa wuxuu ciqaab uga dhigay inuu hal sano shaqeeyo oo xoolihiisana ninkii beerta lahaa ku manaafacsado. Arrintan ayuu Ilaahay ku amaanay Nabi Sulaymaan oo wuxuu kaga hadlay suurada 21 aad ee Alanbiyaa, aayadaha 78-79 isagoo leh sidan:

وَدَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِي الْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ الْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَاهِدِينَ ﴿٧٨ فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ ۚ وَكُلًّا آتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا ۚوَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُودَ الْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَالطَّيْرَ ۚ وَكُنَّا فَاعِلِينَ ﴿٧٩

Xusuuso (Nabi) Daawuud iyo (Nabi) Suleymaan markay Xukumayeen Beerta markuu Daaqay Adhi Qoom (Dad) waxaana ahayn kuwa Xukunkooda u Marag ah (78) Waxaana Fahansiinay Sulaymaan, Dhammaanna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana u Sakhirray Daawuud Buuraha iyagoo la Tasbiixsan iyo Shimbiraha, waana samaynaa «karnaa». (79) [Alanbiya: 78-79]

Qisada 2 aad

Nabi Sulaymaan wuxuu Ilaahay siiyey fahan iyo garaad badan sidoo kale Nabi Daa’uudna waa la siiyey cilmi badan balse xaga xukunka waxa ku horeeyey wiilkii nabi Sulaymaan.

Maalin waxa isasoo raacay laba gabdhood oo mid wayntahay ta kalena ay dhalinyaro tahay waxayna mid kastaba haysata wiil yar oo ay dhashay dabadeedna labadooduba way ka mashquuleen labadii caruurta ahaa kadibna waxa yimid Yay ama Diib oo labadii caruura mid kamida ah ayuu qaatay waanu cunay. Labadii haweenka ahaa markay soo noqdeen ayey isku qabsadeen wiilkii yaraa ayadoo midkastaba ay leedahay wiilkan ayaa ah kaygii kaagiina Yaygii ayaa cunay. Labadii Dumarka ahaa waxay u yimaadeen Nabi Daa’uud (N.N.K.H) waxayna usheegteen arrintoodii kadibna Nabi Daa’uud wuxuu fiiriyey labadii gabdhood wuxuuna arkay in gabadha dhalinta yar ay waqti badan haysato ay ku dhali karto caruur kale markaasuu wiilkii u xukumay gabadhii labadooda waynayd.

Labadii gabdhood waxay sii mareen Nabi Sulaymaan waxayna uga warrameen sheekadoodii kadibna wuxuu ku dhahay; wiilkan yar ee aad isku haysataan waan idiin kala badhayaa ee mid walayba jeex qaado. Nabi Sulaymaan mindi ayaa loo keenay markaasay labada gabdhood tii yarayd tidhi; Ilaahay hakuu naxariistee, waxba hanoo kala badhina ee gabadhan kale sii ilmaha halka tii waynayd ay iska aamusta dabadeedna nabi Sulaymaan wuxuu u xukumay wiilkii gabadhii yarayd isagoo xujo uga dhigay inay ka naxday wiilkan yar markuu doonayey inuu gawraco, taasina waxay ina tusaysaa in ay gabadha yari ay dhashay wiilkan maadaama ay u diir naxday. [Xadiiskan waxa soo saaray Bukhaari waana xadiiska no: 3244].


Waxa jiray nin taabiciya oo ahaa qaadi ahaana raga lagu majeerto caqliga iyo garaadka badan. Runahaantii haduu ruuxu yahay qaadi waxa la gudboon inuu yahay ruux caqli badan oo xallin kara mashaakilka si fudud sidoo kale in qaadigu leeyahay Allekacabsina waa mid waajib ah maxaa yeelay hadii aanu Ilaahay ka cabsanayn wuxuu xukumayaa xukun aan cadaalad ahayn oo u horseedaya cadhada Ilaahay.

Qaadigan waxa la dhahaa Iyaas ibnu Mucaawiya Almuzani waxa la sheegaa in awoowgii kamid ahaa saxaabadii nabiga, aabihiina wuxuu ahaa taabici wayn oo la kulmay in kabadan todobaatan saxaabi halka isaguna uu ahaa ninka ay carabtu halhays ka dhigtaan xaga garaad badnida iyo caqligaba.

Qisada 3 aad

Qaadiga Iyaas waxa u yimid nin waydiiyey xukunka Khamriga!! Ninkii wuxuu dhahay; iiga warran xukunka Biyaha? Iyaas wuxuu yidhi; waa xalaal. Ninkii wuxuu dhahay; iiga waran xukunka Timirta iyi Cinabka? Wuxuu yidhi; Waa xalaal. Ninkii wuxuu yidhi; Hadii biyaha, timirta iyo cinabkuba yihiin xalaal hadii aan isku daro sadexdaa oon khamiiriyo maxaa xaaraan ka dhigay?!!!!

Iyaas wuxuu yidhi; hadii aan ciid yar kugu daadiyo miyey wax kuyeelaysaa? wuxuu dhahay ninkii may. Wuxuu dhahay Iyaas; hadaan koob biyaha wajiga kaaga shubo miyey wax ku yeelaysaa? wuxuu yidhi; maya! Wuxuu dhahay Iyaas: hadaan ciida aan biyo ku daro oo aan kuuso kadibna qallajiyo intaan bacadka u dhigo wajigana kaaga dhufto miyey wax ku yeelaysaa?? Ninkii wuxuu dhahay: haa, walibana way i dilaysaa!! Iyaas wuxuu yidh: Hadaba sida ciidaas iyo biyahaasi dhoobada ay u noqonayaan ee ay dhibta kuugu gaysanayso ayaa biyaha iyo timirta ood khamri ka dhigtona ay wax kuu yeelaysaa sidaas darteed waa xaaraaan. [1]

Qisadii 4 aad

Waxa la sheegaa in Iyaas ay u yimaadeen laba nin oo is haysta, mid kamida wuxuu leeyahay; ninkan waxaan amaahiyey xoolo wuuna dafirsanyahay inuu iga qaatay xoolahaas!! Ninkii kalena wuxuu yidhi; haduu markhaati haysto hala kaalayo! aniguna waxba kamaan qaadanin. Iyaas wuxuu yidhi; xaguu ninkani xoolaha kaaga qaatay? wuxuu yidhi: geed hoostii.

Iyaas wuxuu yidhi; hadaba waxaad qabataa geedkii oo waxa laga yaabaa inaad xasuusato inaad amaahisay iyo inkalee ama waxa laga yaabaa inaad geedkaas hoostiisa aad ku aastaye! Ninkii wuu baxay oo wuxuu aaday meeshii geedka kadibna Iyaas hawlihiisii ayuu ku mashquulay halka ninkii la haystayna uu fadhiyo illamaayo uu kasoo noqonayo ninkii geedka loo diray.

mudo markuu maqnaa ninkii oo ninkii kalena kala dagay oo uu kala xasilay ayuu Iyaas si kadis ah u waydiiyey su’aashan; ninkoow, ma kula tahay inuu ninkii geedkii gaadhay wali? wuxuu dhahay ninkii; maya maya wali ma udhowa!! Iyaas wuxuu yidhi; Waa khiyaanoolayoow, maxaad ku ogaatay meesha geedku yahay? Ninkii intuu fashilmay ayuu dhahay; Qaadiyoow waan siinaya xaqiisii, kadibna markuu soo laabtay ninkii ayuu Iyaas yidhi; ninkan wuu qiray inay xoolo kaa qaatay waanu ku siinayaa. [2]

Qisada 5 aad

Ninbaa sanduuq uu ku riday Diinaaro ayuu u dhiibay nin kale kadibna sanduuqii ayuu shaanbadeeyey waanu ku aaminay ninkii kadibna waa baxay oo wuxuu maqnaa mudo dhan Shan iyo Toban sanadood!! Ninkii sanduuqa loo dhiibtay markuu ninku maqnaa Shan sano ayuu sanduuqii furay wuxuuna lagatii Diinaarka ahaydna ku baday Daraahiim kadibna sanduuqii ayuu xidhay. Ninkii Sanduuqa lahaa ayaa yimid Shan iyo Toban sano kadib wuxuuna u tagay ninkii Sanduuqa uu u dhiibtay dabadeedna waa furay mise waxa ku jira Daraahiim!! Ninkii wuxuu u yimid qaadigii Iyaas ugana warramay arrintiisii.

Iyaas wuxuu ku dhahay ninkii Sanduuqa hayey; imisa sano ayaad u haysa Sanduuqa wuxuuna dhahay; 15 sanadood, kadibna Sanduuqii ayuu furay oo wuxuu ka helay lacag daraahiim ah oo cimrigeedu yahay 10 sano ama 5 sanadoo kolkaasuu dhahay Iyaas; Khiyaanooloow, waxaad qiratay inaad Sanduuqa haysay 15 sano waxaana ku jira lacag 5 sanadood lagu riday!!! Ninkii isagoo cabsanaya ayuu qirtay danbigiisii. [3]

Qisada 6 aad

Waxa kale oo lasoo arooriyaa in Ninkii Iyaas ay u yimaad laba nin oo is haysta oo leh; ninkan wuxuu iga xaday cimaamadaydii kakalena uu leeyahay anigaa iskaleh cimaamada. Iyaas wuxuu dhahay; bal warkiina ka warrama. Wuxuuna yidhi ninkii muduciga ahaa; Qaadiyoow, meel ayaan ku qubaysanayey waxaan banaanka dhigtay maryahaygii iyo cimaamadaydii oo ay midabkeedu tahay casaan kadibna ninkan ayaa yimid oo meeshaan maryahayga saaray isaguna intuu saaray cimaamadiisii iyo maryihiisii ayuu qubaystay kadibna wuu iga horbaxay wuxuuna qaatay cimaamadaydii casayd oo cusbayd wuxuuna ka tagay cimaamadiisan dooga ah oo baaliyowday!! Ninkii kalena wuxuu dhahay; cimaamadan anigaa iska leh ee ninkani been ayuu sheegayaa!! Iyaas wuxuu dhahay; halay keeno Karfeedh ama Shallo kadina labadii nin ayuu madaxoodii fidhay wuxuuna ninkii muduciga ahaa madaxiisa ka helay dun yar oo casaan ah kii wax dhacayna madixiisii ayuu fidhay wuxuuna ka dhex helay dun akhdar ah markaasu dhahay; khiyaanooloow hadaad cimaamada cas ee cusub leedahay maxaa timahaaga ku jirsiiye duntan dooga ah, halkaas ayuu ninkiina ku fashilmay. [4]

Qisada 7 aad

Waxa kale oo laga soo wariyaa Iyaas inuu maqlay nin caabuda oo salaad badan laakiin dadka ku khalda salaada iyo Alle ka cabsiga oo intay dadku xoolo u dhiibtaan ayuu ka dafiraa. SubxaanAllah, dadka qaar ayaa diinta ku shqaysta!! Ilaahay baan ka magan galnee.

Ninkii ayuu Iyaas u tagay isagoo salaad dheer ku jira oo khushuucsan markaasuu ku dhahay kolkuu Salaadii dhamaystay ayuu ku dhahay; nin yahaw waxaan ku socdaa xajka, waxaanan arkay inaad tahay nin salaad badan sidaas darteed waxaan kuu dhiibayaa xoolo aad isii haysid. Ninkii wuxuu dhahay; walibana waan soomanahay 🙂 Iyaas wuxuu yidhi: waxa i cajab galisay Salaadaadii laakiin soomkaasi imuu cajab galin!! 🙂 🙂 Dadbaa jira ku adeegta shaati diimeed ilaahaybaan ka magan galnee.

Ninbaa wuxuu lacag u dhiibtay nin kale markaasuu ninkii dafiray kadibna ninkii la dafiray ayaa u yimid Iyaas oo warkii u sheegay kolkaasuu Iyaas yidhi; inaad ii imanaysid miyaad u sheegtay ninkaad soo dacwaysay? ninkii wuxuu yidhi; maya. Iyaas wuxuu yidhi; barritoole ii kaalay, kadibna dad ayuu u diray ninkii xoolaha dafiray oo waxay ku dhaheen; ninyahaw, qaadigii magaalada ayaa kula ballansan saadanbe oo wuxuu yidhi lacag dad ii dhiibeen ayaan kugu aaminayaa ee saadanbe maxkamada kaalay.

Ninkii xoolihiisa la dafiray ayaa barridii yimid markaasuu Iyaas ku dhahay; waxaad u tagtaa ninkii xoolaha kaa dafiray kuna dheh; xoolahayga isii hadii kale waxaan u tagayaa qaadiga oon warkaaga u sheegayaa. Ninkii sidii ayuu sameeyey kadibna ninkii xoolaha dafiray intuu gurigiisa galay ayuu lacagtii siiyey ninkii dabadeedna wuxuu kusoo noqday qaadigii Iyaas kuna dhahay; xoolihii waa laysiiyey. Ninkii xoolaha dhici jiray maxkamadii ayuu yimid maalintii lala ballansanaa isagoo sugaya in xoolo amaano ah loo dhiibo balse wuxuu kala kulmay cay iyo aflagaado iyo canaan. [5]

 

Taasi waxay ahaayeen tusaalooyin kamida sida ruuxa qaadiga ah uu adeegsado caqligiisa isagoo Ilaahay ka cabsanaya, waxaanad ogaataan ruuxii Ilaahay ka cabsada wuxuu Allah (S.W.T) ku ilhaamiyaa waxyaalo cajiiba oo dhaxal gal noqda.


Waxa diyaariyey soona jeedinaya Sh Abdulaziz Sh Mohamed Oogle

Xigasho: 1, 2, 3, 4, 5 waxaan kasoo xigtay kitaabka taariikhda Dimishiq ee Ibnu Csaakir majalada 10 aad Boga 10 aad.