Tusmo

Qisadii ugu yaabka badnayd ee Cabdilaahi ibnu Miskiin

[huge_it_videogallery id=”43 “]

Wuxuu Suugaanyahankii carbeed ee Mustafa Saadiq Ar-raafiqi uu ku qoray kitaabkiisa Waxyul-Qalam qiso aad iyo aad u cajiiba, waxa ka sheekeeyey Taabicigii Axmed ibnu Miskiin oo noolaa qarnigii labaad ee hijrada.

Axmed ibnu Miskii wuxuu ku noola Baqdaad kadibna wuxuu usoo safray Dhulka Khuraasaan oo caasimadoodu ahayd magaalada Balakh, kadibna wuxuu yimid Masaajidka oo wadaadkii dadka wacdinayey uu maqanyahay kadibna nin la dhaho Abuturaan ayaa istaagay oo dhahay: waxa inala jooga nin ka yimid Baqdaad oo arday u ahaa Imaamkii Ahlusunnah Imaam Axmed ibnu Xanbal (I.H.U) iyo imaamkii Bishra Al-xaafi, dabadeedna dadkii ayaa qoortooda taagay ayagoo isoo fiirinaya dhahayana; mee ninka reer Baqdaad ee la kulmay Axmed ibnu Xanbal.

Axmed ibnu Miskii wuxuu dhahay: Waan istaagay markaasaan uga warramay qiso igu dhacday dhawr iyo toban sano kahor anigoo Ciraaq jooga kadibna aan ku riyooday riyo qisadaas ay xidhiidh leeyihiin anigoo jooga Balakh.

Wuxuu yidhi: Anigoo jooga Ciraaq ayaa waxa i asiibtay faqri iyo baahi aad u daran kadibna waxaan waayey waxaan ku quudiyo reerkayga iyo caruurtayda, markaan nafta u yaabay ayaan qabtay Masaajidka goor habeen ah oo waxaan baryey Allah subxaanahu inoo iga dul qaado faqriga iyo baahida. Dabadeed subaxii ayaan soo toosay aniguu ku wajahan suuqa si aan iibiyo gurigayga kadibna anigoo jidka haya ayaa waxa iga hor yimid nin aanu saaxiibo ahayn oo la dhaho Abunasri Assayaad, markaasaan ku dhahay: waxaad iisoo raadisaa cid guriga iga iibsata? wuxuu yidhi: maxaa kugu kallifay inaad iibiso gurigaaga? wuxuu dhahay: wax aan cuno aniga iyo reerkaygii ma jiro aan ahayn inaan iibino guriga, illamaa iyo shalayna ilmahaygii iyo haweentaydii wax cunto ah afkooda maysan galin!! Abunasri ayaa yidhi: waxaa qaadaa labadan xabo ee rootida ah oo ay ku dhex jirto xalwad ama macmaan, waxaana la socoto barakadii Shiikha!! Axmed ibnu Miskiin wuxuu yidhi: Waa maxay barakada Shiikhan?

Wuxuu yidhi: Shalaytoole ayaa waxa i hayasay duruufta maanta ku haysa oo kale, waxaana ahay kalluumayste, mudo dhan hal todobaadna waxa kalluun baddaba waan ka waayey kadibna anigoo yaaban ayaan salaadii Jimce ku tukaday masaajidka, markaasaan iska fadhiistay masjidka halka dadkii uu mid walba dantiisii uu qabsaday, kadibna waxa i arkay wadaadkii Bishra Alxaafii oo igu yidhi: Maxaa kaligaa ku fadhiisiyey Masaajidka? Waxaanan idhi: Baahi iyo gaajo awgeed ayaan meeshan la fadhiyaa!! Wadaadkii Bishra Alxaafi ayaa igu dhahay: Ina mari oo soona qaado shabaagta aad ku kalluumaysato, kadibna waan soo baxnay oo waxaa nimid xeebtii kolkaasbuu tukaday labad rakcadood oo Ilaahayna baryey oo dhahay: Ilaahayoow, na arzaaq!! Kadibna wuxuu igu yidhi: qaad shabagaag oo kalluumayso.

Abunasri wuxuu dhahay: mudo yar kadib waxa shabagii soo galay kalluun wayn oo aanan hore u kalluumaysanba, subxaanAllah, kadibna intaan dhabarka saartay ayaan suuqa la aaday, intaan jidka kusii jirayba waxa iga hor yimid nin iga baayaca kalluunka markaasuu dhahay: intaad iga siinaysaa? waxaan ku dhahay qiimo aad u sarreeye, kadibna igulamabuu gorgortamina waa iga iibsaday kalluunkii, dabadeedna aniga oo faraxsan ayaan tagay suuqa oon soo gatay cunto una keenay reerkaygii, kadibna waxay reerkii karsadeen Khubus/Rooti dhexdana lagaga dara waxooga xalwad ah ama macmacaan ah markay ka dhargeen ayaa baaqigii soo hadhay ayaan doonay inaan u hadyadeeyo wadaadkii Imaam Bishra Al-xaafii, kolkaan albaabka gurigiisa soo galay ee aan gudoon siiyey hadyadii ayuu igu dhahay: ma qaadanayo ee reerkaagii ku celi adigaa iga baahi badane sidoo kalena ducadii aan kuu duceeyey wax kharash ah kuma qaadanayo, markuu shiikhii diiday hadyadii waadigan adigu iga hor yimid ee qaad oo u gee reerkaaga.

Axmed ibnu Miskiin waa soo qaatay labadii xabo ee Rootiga ahaa kadibna isagoo jidka sii socda ayaa waxa kahor timid gabadh wadata ilmo yar, waxayna ku tidhi: waar ninyow islaameed wiilkaygan yar waa agoon waanu gaajoonayaa ee wuxuu cuno sii, subxaanAllah ninkii Axmed ibnu Miskiin oo isaguba baahi ay hayso ogaana wuxuu gurigiisa uu kaga yimid ayaa naftiisii iyo reerkiisii ka hor mariyey ilmihii yaraa markaasuu siiyey rootidi, kadibna gabadhii ilmaha dhashay ayaa farxad darteed oyday, ilmihii yaraana waa qoslay oo cuntuu helay.

Axmed ibnu Miskiin wuxuu iska fadhiistay gurigiisa hortiisa, kadibna wuxuu maqlay cod dhawaaqaayaa oo leh; mee Axemed ibnu Miskiin? markaasu sarajoogsaday mise waa saaxiibkii Abunasri Assayaad, wuxuuna ku dhahay: Ma cid guriga iibsata ayaad iisoo heshay? Abunasri wuxuu dhahay: Maya ee anigoo suuqa jooga ayaa waxa ila kulmay nin raadinaya aabahaa Miskiin Al-basri markaasaan dhahay: Ninkaas waa aqaanay laakiin wuu geeriyooday, waxaana magaalada jooga nin uu dhalay oo la dhaho Axmed ibnu Miskiin, ninkii wuxuu yidhi: Waxaan ka imid dhulka Khuraasaan, waxaanan mudo kahor ninka Miskiin Al-basri ka daynsaday xoolo kadibna waan safray oon aaday Khuraasaan, waxaana haleeli kari waayey inaan xoolihiisii u celiyo kadibna intaan xoolihiisii gooni u saaray ayaan ka baayacmushtareeyey waxayna xoolihii safarkan dhan ee xidhan isagaana iska leh, ee ugee xoolahan wiilkiisa Axmed ibnu Miskiin.

Axmed ibnu Miskiin ayaa waxa mar kaliya u yimid  geel badan oo midkastaba xoolo dhamaanteed ay saaran yihiin, subxaanAllah kadibna wuxuu Axmed ibnu Miskii noqday ninkii ugu maalqabeensanaa magaaladaba. Ilaahaybaa u nicmeyey ninkii oo faqrigii waa ka baxay, xaaskiisii iyo ilmihiisiina dhar qurxoon iyo cunto kamabaysan walwalayn. 

Axmed ibnu Miskiin wuxuu yidhi: qisadaas igu dhacday anigoo ciraaq jooga ayaan xalay ku riyooday riyo xidhiidh la leh, wuxuu dhahay: markaan seexday ayaan arkay qayaamihii oo dhacay!! Markaasaa lay kaxeeyey oo laygeeyey meeshii lagu miisaamaayey xasanaadkayga iyo danbiyadayada.

wuxuu yidh: miisaankii ayaa la saaray danbiyadaydii kadibna waxa la keenay camaladaydii oo aad moodo buur waxaana la saaray kafadii kale mise miisaan culusba malaha camaladaydu!! cajiib, wuxuu dhahay; camalkasta oon leeyahay waxa ku dhex jirta daabad yar oo moodo dirxi oo jarjaraysa camalkii oo ka yeelaysa mid aan miisaanba lahayn, oo sida cudbiga oo kale ah. SubxaanAllahh, wuxuu yidhi: Kolkii camalakaygii dhamaantood la miisaamay ayaa waxa cuslaaday kafadii danbiyada, markaasaa la dhawaaqay oo la yidhi: wax ma u hadhsanyihiin? hadii kale naartuu galayaa!!! wuxuu dhahay; waan cabsaday kadibna dhawaaq kale ayaa yeedhaya oo leh; waxbaa u hadhsan!! mise waa labadii rootida ahaa ee aan ku sadaqaystay wiilkii yaraa ee agoonka iyo hooyadii, kadibna waxa la saaray kafadii wanaagsa markaasna waxa duulay labadii rootiyood qayb kamid ah oo waxay qabatay miisaankii ninkii aniga igu sadaqaystay ee Abunasri.

Yaa Allah, kadibna kafadii miisaanka ayaa hoos usoo dagtay balse wali waxa culus kafadii danbiyada, kadibana waxa la dhahay: wax kale ma u hadheen? waxa la yidhi: waxa hadhay gaajadiisii iyo gaajadii haweenaydiisii iyo ilmihiisu ay gaajoodeen maalintaas, waxa la keenay miisaanka kadibna kafadii wanaaga ayaa hoos usoo dagtay illamaayo ay la simatay kafadii danbiyada. Kadibna waxa la dhahay: wax kale ma u hadhsanyihiin? waxa la yidhi: haa, waxa hadhsan oohintii gabadha ee ay farxada la oyday markuu cuntada siiyey wiilkeedii!! wuxuu dhahay: oohintii ayaa la miisaamay oo waxa la saaray kafadii wanaagyada, markaasbay oohintii fiday oo badatay, hadana way sii badaya, hadana way sii baday illamaayo ay k noqotay Bad dhan, markaas waxa kasoo booday Kalluun wayn oo cusleeyey kafadii miisaanka wanaagyada, markaasa la dhawaaqay oo la yidhi: Wuu badbaaday, wuu badbaaday!! Yaa Alllaaaaah, wuxuu yidhi Axmed ibnu Miskiin: waxaan huradada ka kacay anigoo leh: Xaguu ka yimid Kalluunku? 

SubxaanAllah, waa qiso aad iyo aad u cajiiba oo ina tusinaysa in camalka aan Ilaahay dartii loo qabanin aanu wax miisaan ah lahayn, bal ufiirso ninka wuxuu lahaa xoolo badan oo uu sadaqaysto sidoo kalena wuxuu ahaa caalim wax ka bartay Imaam Axmed ibnu Xanbal oo aad u cibaadaysan jiray hadan camaladiisii waxa ku dhex jirtay istunimo, ismaqashiin iyo kibir, waxayna miisaankii ka noqotay sida cudbiga halka camal yar oo dadka agtooda ka xaqiran oo Ilaahay dartii loo qabto ay miisaanka maalinta Qayaame ay aad ugu cuslaanayso.