Dhagayso ama Akhriso

Rsuulkii Allah (S.W) waxa laga wariyey qisadan aadka u cajiibka ah oo ku saabsan sadex Nin oo Ilaahay ugu dhowaadaday camal wanaagsan oo ay sameeyeen. Waxa Jiray sadex Nin oo ah dadkii idinka horeeyey, ayagoo meel soconaya ayaa waxa qabsaday roob markaasbay u hoydeen god dabadeedna godkii ayaa ku awdmay (Dhagax wayn ayaa afka godka ku go’ay) Sadexdii Nin waxay isku dayeen inay riixaan dhagaxa balse way awoodi kari waayeen, markay quusteen ayay dhaheen; Eebe ayaan ku dhaaranaye meeshan idinka samato bixinmaayo waxaan run ahayn ee Ilaahay ku barya camal aad run ka sheegteen oo aad Ilaahay dartii u fuliseen. Markaasbaa mid kamid ah yidhi; (Ilaahayoow hadaad ogtahay in aan lahaa shaqaale ii shaqeeya oo aan siiyeey dhamaantood mushaharkoodii hal Nin mooyaane, ninkaasina wuu ka tagay mushaharkiisii markaasbaan kobciyey xoolihiisii ilamaayo ay xooluhii bateen, kadib inta uu ii yimi ayuu iga dalbaday mushaharkaygii. Waxaan ku idhi; Waxaa aad xoolo aragto ee geel leh lo’ iyo adhi leh  adigaa iska leh, markaasu igu yidhi: Adoonkii Allow haygu jeesjeesin!! Waxaan idhi; kuguma jeesjeesayo ee adigaa leh. Kadib waa qaatay xoolihii oo waa dareersaday, waxna kamuusan tagin ee Ilaahayow hadaan u sameeyey falkaa wanaagsan adiga dartaa naga fayd dhagaxan, kadibna dhagaxii ayaa wax yar faydmay. Kii labaad waxa uu dhahay: (Ilaahayow hadaad ogtahay in aan lahaa laba waalid oo waayeel ah, habeen kasta waxaan u keeni jiray dhaglay caano ah, dabadeed habeen ayay ka seexdeen caanihii,markaasbaan karaahiyeysaty inaan hurdada ka kiciyo.  Ubadkayguna way iga dul oynayeen gaajo awgeed, waxaananan sugay ilaa qoraxdu ay kasoo baxday ee Ilaahayow hadaan falkaa u sameeyey adiga dartaa naga fayd dhagaxan, dhagaxiina waa faydmay ilamaayo ay ka arkeen cirka. Kii sadexaadna waxa uu yidhi: Ilaahayow hadaad ogtahay inaan lahaa gabar uu adeerkay dhalay oo aan jeclaaa kadibna naftayda ayaan u doonay wayna i diiday ilaa aan u keeno boqol diinaar kadibna waan u keenay lacagtii wayna isku kay dhiibtay kadibna markaan u dhowaaday ayey igu tidhi (Ilaahay ka cabso oo khaatamka waxaan xaq ahayn haku jabin) kadibna intaan kacay ayaan boqolkii diinaarna ka tagay ee Ilaahayow hadaan falkaa u sameeyey adiga dartaa naga fayd dhagaxan markaasbaa Ilaahay ka fayday dhagaxii wayna kasoo baxeen.

Saxiix Bbukhari (10/415) Saxiix Muslim (4/1982)


SADEX NIN (INDHOOLE, NIN BIDAAR LEH IYO NIN BARAS LAHAA)

Dhagayso ama Akhriso

Abuhurayra waxa uu yidhi waxaan Rasuulkii Ilaahay ka maqlay isagoo leh waxa Ilaahay imtixaamay sadex nin oo reer banu Isra’iil ah, midkood waxa uu qabay baras, midna bidaar ayuu lahaa iyo mid indhoole ahaa. Waxa Eebe (S.W) usoo diray Malak wuxuuna u tagay kii baraska qabay waxaanu ku yidhi: Maxaad ugu jeceshahay? waxa uu yidhi; midab fiican iyo maqaar fiican. Malagii jirkiisii ayuu masaxay waxaanu yeeshay midab fiican iyo maqaar fiican waxa kale oo la waydiiyey maxaad xoolaha ugu jeceshahay? waxa uu yidhi; Geel. Waxa la siiyey hal riman,  waxaanu ku yidhi Alle hakuu barakeeyo. Malakii waxa uu utagay ninkii bidaarta lahaa waxaanu ku yidhi maxaad ugu jeceshahay? waxa uu yidhi; timo qurxeen, dadku way igu naceen bidaarta, malagii waa masaxay waxaanu yeeshay timo qurxeen, waxaanu waydiiyey maxaad xoolo ugu jeceshahay? waxa uu yidhi; Lo’ waxa malakii siiyey sac irmaan waxaanu yidhi Alle hakuu barakeeyo. Malakii waxa uu utagay ninkii indhaha la’aa waxaanu waydiiyey maxad ugu jeceshahay? waxa uu yidhi; in Ilaahay iisoo celiyo aragtidaydii, waxa kale oo uu waydiiyey maxaad xoolaha ugu jeceshahay? waxaanu yidhi; Adhi. Malakii waa masaxay oo indhihii ayaa usoo laabtay sidoo kale waxa uu siiyey Ri’ waxaanu ku yidhi Ilaahay hakuu barakeeyo.

Mudo kadib ayuu malakii u yimid ninkii baraska qabay oo xoolihii u tarmeen oo leh tog dhan oo geela kuna dhahay; Waxaan ahay miskiin musaafir ah ee igu kaalmee Ilaahii ku siiyey maqaarka qurxoon iyo xoolaha. Ninkii waxa uu yidhi; Xuquuqdu way badan tahay xoolahana waxaan ka dhaxlaya awoowayaashay! Malakii waxa uu yidhi; Hadaad been sheegayso Allae hakugu celiyo sidii aad ahayd. Malakii waxa uu utagay ninkiii bidaarta lahaa, isna waxa uu yeelay sidii ninkii baraska lahaa. waxaanu ku yidhi; Hadaad been sheegayso Allae hakugu celiyo sidii aad ahayd. Malakii waxa uu utagay ninkii indhaha la’aa waxaanu ku yidhi; waxaana ahay musaafir uu saadkii ka go’ay ee isoo kaalmee, ninkii indhoolka waxa uu yidhi; waxaan ahaa faqiir indho la’ kadibna Ilaahay ayaa iisoo celiyey indhahaygii ina siiyey xoolo iyo hanti ee togaa xoolaha jooga waxaad rabto kala bax. Waxa malakii yidhi; iska hayso xoolahaaga, Ilaahay ayaa idin imtixaamay raalina wuu kaa noqday waanu u carooday saaxibadaa.


Saxiix Bukhari (3277) Saxiix Muslim (5265)