Qisadii qoomkii Saba’ (Akhriso, Dhagayso, Soo dajiso PDF, Daawo sawirada)

لَقَدۡ كَانَ لِسَبَإٍ۬ فِى مَسۡكَنِهِمۡ ءَايَةٌ۬ ۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٍ۬ وَشِمَالٍ۬ۖ كُلُواْ مِن رِّزۡقِ رَبِّكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۚ ۥ بَلۡدَةٌ۬ طَيِّبَةٌ۬ وَرَبٌّ غَفُورٌ۬ (١٥)فَأَعۡرَضُواْ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡہِمۡ سَيۡلَ ٱلۡعَرِمِ وَبَدَّلۡنَـٰهُم بِجَنَّتَيۡہِمۡ جَنَّتَيۡنِ ذَوَاتَىۡ أُڪُلٍ خَمۡطٍ۬ وَأَثۡلٍ۬ وَشَىۡءٍ۬ مِّن سِدۡرٍ۬ قَلِيلٍ۬ (١٦) ذَٲلِكَ جَزَيۡنَـٰهُم بِمَا كَفَرُواْۖ وَهَلۡ نُجَـٰزِىٓ إِلَّا ٱلۡكَفُورَ (١٧) وَجَعَلۡنَا بَيۡنَہُمۡ وَبَيۡنَ ٱلۡقُرَى ٱلَّتِى بَـٰرَڪۡنَا فِيہَا قُرً۬ى ظَـٰهِرَةً۬ وَقَدَّرۡنَا فِيہَا ٱلسَّيۡرَۖ سِيرُواْ فِيہَا لَيَالِىَ وَأَيَّامًا ءَامِنِينَ (١٨) فَقَالُواْ رَبَّنَا بَـٰعِدۡ بَيۡنَ أَسۡفَارِنَا وَظَلَمُوٓاْ أَنفُسَہُمۡ فَجَعَلۡنَـٰهُمۡ أَحَادِيثَ وَمَزَّقۡنَـٰهُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍۚ إِنَّ فِى ذَٲلِكَ لَأَيَـٰتٍ۬ لِّكُلِّ صَبَّارٍ۬ شَكُورٍ۬

{Guryihii reer Saba’ waxa ku sugan calaamo, Beeraana ka xigay xagga midig iyo xagga bidixba, waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa balad wanaagsan iyo Eebe danbidhaaf badane (15) wayse jeesteen waxaan ku dirnay daad daran waxaana ku badalnay labadoodiibeerood beero kale oo geedo qadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah (16) Sidaasana ku abaal marinay gaalnimadooda darteed, abaal marin xunna waxaan abaal marinaa kuwa gaalnimada badan (17) waxaanan yeelnay dhexdooda iyo magaalooyinkii barakaysnaa (Qudus iyo Yemen) magaalooyin muuqda waxaanan qadarnay socodkooda waxaanan ku nidhi ku socdadhexdeeda habeen iyo maalin idinkoo aamin ah (18) Waxayna dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna dulmiyeen naftooda waxaanan ka yeelnay wax lagu sheekaysto waanan googoynay, sidaana waxa ugu filan calaamad ku kastoo samir badan oo Mahadin badan(19)}


Saba’ waa boqortooyo ka dhisnayd dhulka Yemen, magaca Saba’ waxa la sheegaa in loo tiiriyo ninka la dhaho Cabdishams, ibnu Yashjub ibnu Yacrub ibnu Qaxdaan. Macnaha Saba’ waa qafaalasho, sababta loogu bixiyey ninkan Saba’ waxa  la soo wariyaa inuu ahaa qofkii Carab ugu horeeyey ee wax qafaasha/dhaca. Boqortooyadan waqti dheer ayey jirtay oo lagu qiyaasu ilaa kow iyo toban qarni ka hor dhalashadii Nabi Ciise. Boqorada Saba’ waxay xidhan jireen Taaj sida boqortooyooyinkii Shaam, Furus, Xabashida iyo Hindiduba. Boqoradii ugu waynaa waxa ka mid ah boqoradii Balqiis ee aan kaga waranay qisadii Nabi Sulaymaan. Boqortooyadan iyo dadkii deganaa waxay ku noolaayeen nolol barwaaqo ah, oo aan dhib iyo murugo toona arag, sidoo kale waxay ku toosnaayeen Xaqa oo Iimaan ayey lahaayeen, Eebana waa u nimceeyey Laakiin markay gaaloobeen, Eebana nicmadii ugu mahadin waayeen ayaa Allah (SW) baabi’yey boqortooyada, kana yeelay kuwo lagu cibro qaato. Waxa la sheegaa in Nabiyo badan loo soo diray balse ay beeniyeen oo ka gaaloobeen diinta Islaamka. Qoomkii Saba’ waxay caabudeen Qorraxda gaar ahaa xilligii boqoradii Balqiis.

Waxyaalaha Qoomkii Saba’ ay caanka ku ahaayeen waxa ka mid ah inay dhiseen biyo xidheen wayn, oo ku yaalay laba buurood dhexdood, kadibna biyihii ayay ka talaasheen waadiyo iyo ilo si ay ugu waraabiyaan beeraha iyo xoolaha. Ninkii ugu horeeyey ee dhisay waxa uu ahaa Saba’ ibnu Yacrub, waxa uu sameeyey todobaatan waadi ay biyuhu si joogta ah u qulqulayeen, balse isagoo aan dhamaystirin mashruuca ayuu dhintay, kadibna qabiilka Ximyariyiinta ayaa dhamaystiray. Nolol aad u barwaaqaysan ayey ku noolaayeen oo waxa la dhahaa gabadhu intay madaxa saarato saxan ayey khudrada iyo faakihooyinku kusoo guri jirtay.Sidoo kale deegaankoodu muu lahayn cayayaanka cuna beeraha.

Markay qoomkani gaaloobeen ayay Eebe ka dalbadeen in safaradooda lakala fogeeyo, sidii reer bani Isra’iil u dalbadeen in cuntadii Manka iyo Salwada loogu badalo basal iyo tooon. Eebe waxa uu dumiyey biyo xidheenkii Ma’rab, waxa la sheegaa in Jiir loo soo diray kadib inta uu aasaaska ama seeska biyo xidheenka qoday ayuu dumay. Biyo xidheenkii markuu dumay, biyihii ayaa fatahay oo burburiyey guryahoodii iyo beerihii, waxaanu Allah ka yeelay sida uu Quraanka inoogu tilmaamayo geedo khadhaadh, oo qoryo ah. Dadkii deganaa Yemen badankoodii waxay u qaxeen dhulka Jasiirada Carabta, Ciraaq iyo agagaarka Shaam.

[huge_it_slider id=”6″]


Soo xigasho, Qur’aanka Kariimka ah: Suurada Saba’:15-19, Kitaabka Bidaaya Wa nihaya (Ibnu Kathiir) 552