Saamiri waxa uu ka mid aha qoomkii Nabi Musse, waana ninkii u hogaamiyey reer Bani Isra’iil inay caabudaan Dibiga Ilaahay qayrkii. Ninkan magiciisa waxa la odhan jiray Muuse waxaanu ka mid ahaa dadkii reer banu Isra’iil ee Eebe kasoo badbaadiyey dulmigii Fircoon. Markii Fircoon la halaagay ayaa Nabi Muuse (N.N.K.H) kaga tagay qoomkiisa walaalkii Nabi Haaruun si uu ula kulmo Ilaahay Subxaana wa tacaala. Nabi Muuse waxa uu tagay Buurta Duur isagoo la hadlaya Allah (S.W). Saamiri markuu arkay in Nabi Muuse tagay ayuu soo saaray dhoobo uu kasoo qaatay raadkii Malak Jibriil. Saamiriy waxa uu arkay meel kasta oo raadka faraska Malak Jibriil ku dhacoba ay isu badalayso Akhdar (Doog) taas oo ka dhigaysa in dhulku noolaado dabadeedna raadkii Faraskii Malak Jibriil ayuu ka qaatay oo xatoonsaday ciidii ama raadkii Faraska.

Dumarkii reer banu Isra’iil ayuu Saamiriy ka qaatay dahabkii iyo jawharaadkii ay kasoo daynsadeen haweenkii Masaarida. Dabadeedna dahabkii ayuu kasoo ururiyey waxaanu u ekeysiiyey Dibi kadibna waxa uu ku tuuray xantooyadii ciida ahayd ee uu kasoo qaatay raadkii Faraskii Malak Jibriil. Markuu ku tuuray ciidii ayaa dibigii ciyey sida sacuhu u ciyaan, waxaanu ku yidhi qoomkiisii waa kan Ilaahiinii iyo Ilaahii Muuse, markay maqleen codkii dibiga ayey reer bani Isra’iil ku dawaafeen sanamkii hareertiisa ayagoo faraxsan, wayna caabudeen sanamka Ilaahay qayrkii. Nabi Haaruun (N.N.K.H) waxa uu ku yidhi; Qoomkaygoow waa laydinku fitneeyey sanamkan ee Eebihii waa Rabbiga Raxmaanka ah ee i raaca oo amarkayga maqla. Waxay ku dhaheen Haaruun: Kama tagayno sanamkan ilaa uu Muuse soo noqdo.

Markuu Nabi Muuse soo noqday ee uu arkay in qoomkiisii caabudeen sanam, ayaa alwaaxdii Tawraadka ee la siiyey ayuu dhulka ku dhuftay, kadibna isaga oo cadhaysan ayuu jiiday walaalkii Haaruun madaxiisa iyo gadhkiisa isagoo ku leh Haaruunow maxaad iigu soo sheegi wayday inay caabudayaan Sanamkan Ilaahay qayrkii. Nabi Haaruun waxa uu yidhi; (Walaalkay ay hooyaday dhashow waxaan ka cabsaday inaad tidhaahdo reer banu Isra’iil ayaad kala kaxaysay oo aan hadalkayguna ku cajab galin, sidoo kale waxaan ku dhowaaday inay idilaan ee hayga mid dhigin qoomkan daalimiinta ah) Nabi Muuse waxa uu dhahay; (Ilaahayoow, Aniga iyo Walaalkay noo danbi dhaaf, nana gali Jannadaada adigaa ah ku raxmad badane)

Nabi Muuse qoomkiisii ayuu waydiiyey sababta ay amarkiisii ku caasiyeen isagoo dhahaya; Waxaa xun waxaad fasheen, ma waxaad dadajisateen amarka Eebihiin. Waxay dhaheen: Waxaan soo qaadanay dahabkii qoomkii Fircoon, kadibna waan ururinay waxaanan u dhiibnay Saamiri isaguna sidaasbuu ku sameeyey sanamkan.

Nabi Muuse wuxuu ku yidhi Saamir; Maxaa Saamiriyoow kugu kallifay falkan xun ee aad sameysay? Waxa uu dhahay; Waxaan arkay raadkii Malak Jibriil kadibna dibiga ayaan ku tuuray, sidaasbayna naftaydu ii qurxisay. Wuxuu yidhi (Muuse) tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad tidhaahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn (maalinta qayaame). Saamiri waxa lagu ciqaabay in hadii uu qof jirkiisa taabto inuu gubanayo ama maqaarka jirkiisu soo daadanayo, sidaa awgeed haduu arko cid bani aadam ah oo usoo dhowaata waxa uu odhanayey ha itaabanina, sidoo kale Eebe waxa uu u ballan qaaday mowcid aan baajismayn oo ah maalinta qayaame.

Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu gubay sanamkii kuna tuuray badda kadibna reer banu Isra’iil ayuu ka dalbaday inay cabaan biyaha. Cidii sanamka caabuday afkooda waxa kusoo hadhayey boodh taas oo muujinaysa inuu caabuday sanamka waxa kale oo la yidhi wajigooda ayaa midabka jaalaha noqonayey. Kadibna Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu ku yidhi; Ilaahiin waa Allah, kaas oo ah Eebaha xaqa lagu caabudo. Eebe cadho ayuu kusoo rogay iyo dullinimo cidii caabuday sanamka.

Nabi Muuse waxa uu Allah ka dalbaday in uu cafiyo oo ka toobad aqbalo cidii caabuday Dibiga, markaasuu Ilaahay kor ahaayee ku xidhay towbadooda shardi ah inay is dilaan. Waxa la yidhi; Maalin ayey kuwii aan caabudin sanamka qaateen seefaf kadibna weerareen cidii caabuday dibiga, Eebana ceeryaamo ayuu keenay si aanay isu garanin markay is dilayaan. Hal maalin kaliya waxa la dilay todobaatan kun oo qof. Markii dad badan dhinteen ee Nabi Muusana cadhadii ka tagtay ayuu Eebe u danbi dhaaf warsaday. Eebana waa u danbi dhaafay laakiin shardi waxa ahayd inay galaan dhulka barakaysan ee Falasdiin.

WD: Abdulaziz Oogle