[huge_it_videogallery id=”16″]

Maalin ayaa nabi Suleymaan (N.N.K.H) waxa uu la baxay ciidankiisii oo ka kooban Jinni, Insi iyo Shinbiro. Jinka iyo Insigu way barbar socdeen halka Shinbiruhu dushooda ay hadhaynayeen. Ciidankan oo isla haysta ayaa soo gaadhay waadiga ama togga Qudhaanjada markaasbay Quraanjadii tidhi; (Qudhaanjooy!! Gala Guryihiinna Yeyna idin Jajabin Sulaymaan iyo ciidankiisu ayagoo idin Ogayn). Waxa cajiib ah in Qudhaanjadani ay amartay qudhaanjooyinkii kale, una digtay sidoo kalena cudur daar u muujisay Sulaymaan iyo ciidankiisa. Markuu Nabi Suleymaan maqlay codka iyo dhawaaqa Qudhaanjada ayuu dhoola cadeeyey oo qoslay oo dhahay Eebow i waafaji inaan kaaga mahadiyo nimcada aad iigu nimcaysay aniga iyo waalidkay iyo inaan falo camal wanaagsan oo aad raali ka tahay inana gali Raxmadaada addoomada suuban macooda.

{حَتَّى إِذَا أَتَوْا عَلَى وَادِي النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ }

Mucjisada Aayadan:

  • Aayadan sharafta leh waxa ku dheehan mucjisooyin aad u fara badan, waxaan odhan karnaa kalmad kasta oo aayadan ka mid ah waxa ku jira Icjaas cilmi ah. {حَتَّى إِذَا أَتَوْا عَلَى وَادِي النَّمْلِ} kalmadaha hore ee aaydan waxay tibaaxaysaa in Qudhaanjadu leedahay tog ama waadi ay degto halkaas oo ay ku taranto, kuna ababto oo ku nooshahay nolol dabiici ah sida Basharka. Cilmiga maanta waxa uu xaqiijiyey in Qudhaanjadu tahay cayayaanka kaliya ee xaga nidaamka shabaha Bani Aadamka. Guryo dabaqyo ah ayey ku nooshahay, qudhaanjo kasta qol ay seexato oo ku nasato ayey leedahay, waxay leedahay suuq ay alaabada ku kala gataan. Tusaale ahaan qudhaanjada kaydsatay caleen ama xabad digir ah waxay saaxiibadeeda kale kaga badalataa waxyaalo kale oo aanay haysanin. Waxa cajiiba qololka dabaqyada ah ee ay Qudhaanjadu ku jiraan waxay leeyihiin wadooyin sida laamiga ah oo kale oo marka taraafikadu wado ku badato waxay si layaableh u tagaan wado kale oo taraafikadu yartahay. Qudhaanjadu waxay leedahay hab kala danbeyneed, waxay leedahay Boqorad, taliyayaal iyo shaqaale. Subxaana Allah, waxay u noolyihiin sida Basharka gaar ahaan kuwa horumarsan.
  • Ilaahay waxa uu yidhi Qudhaanjo ayaa tidhi { قَالَتْ نَمْلَةٌ}Qudhaanjadu waa cayayaanka kaliya ee hadalkeedu shabaho Basharka. Labadan kalmadood waxa ku jira Icjaas aad u fara badan, marka koowaad cida hadashay waa Qudhaanjada teeda dhidig, cilmiga casriga ahina waxa uu sugay in Qudhaanjada teeda dhidig tahay kuwa taliya ee masuulka ka ah dhamaan Qudhaanjooyinka kale. Eebe waxa uu yidhi; Qudhaanjada tii dhidigeed ayaa hadashay oo dhawaaqday, arrinkaas oo cadynaya in hadalkan uu yahay hadalkii Rabbigii abuuray koonkan. 
  • { يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ} {Qudhaanjooy!! Gala Guriyhiina} Qudhaanjado waxay ku dhawaaqday cod sare ayadoo amraysa qudhaanjooyinka kale, waxa la yaableh in qudhaanjadu cod sare ku dhawaaqday oo ay nafteeda halis galisay si ay u badbaadiso qoomkeeda, sidoo kale hadalka way soo gaabisay oo ujeedadii ay lahaydna way gaadhsiisay qoomkeedii.
  • { لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ}{Yaanay idin jajabin Suleymaan iyo ciidankiisu} Afartan kalmadood waxa ku jira mucjisooyin layaab leh, waxa dhowaan la ogaaday in qudhaanjada jidhkeedu ka samaysan yahay nooc ka mid ah quraarada sidaa awgeed ayey tidhi; Yaanu idin jajabin Suleymaan iyo qoomkiisu!! Waa cajiibi maysan odhan wuu idin laynayaa ama idinku tumanayaa ee waxay isticmaashay kalmad ka xeeldheer oo cilmi badan ku dheehantahay (Yaanu idin jajabin). Arrinkan oo culamada baadhaa xaqiijiyeen in Qudhaanjadu jajabto oo burburto sida quraarada oo kale. SubxaanaAllah.
  • { وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ} {Ayagoon idin dareensanayn}Waxa cajiiba in ay Qudhaanjadu u cudur daartay Basharka oy tidhi idinma dareensana, idinmana fahmayaan inaad sidoodoo kale nooshihiiin. Arrintaa la yaabka leh ayuu Ilaahay ugu abaal guday inuu Quraankiisa ku cadeeyo in cayayaanka yaryar ee dadku yasaan la mid yihiin ama kaba heer sareeyaan nolosha Basharka. Dhowaan ayaa la ogaaday in Qudhaanjadu xidhiidh iyo calaaqada basharka oo kale ay leeyihiin, laakiin Eebe waxa uu Muslimiinta uga waramay 1400 oo sano kahor.