Tusmo

Qisada Saaxib Aljanatayn

Waxa hada kahor jiray Nin gaal ah oo lahaa laba beerood oo waaweyn, labada beer oo dhexdooda ay ka baxaan beer kale oo Ilaahay isuu saaray. Ninkan wuxuu lahaa nin faqiir ah laakiin Muslim ahaa oo ku kalsoonaa Rabigiis, kadibna kii gaalka ahaa oo isla wayn ayaa saaxiib marti qaaday oo ku dhahay; Aniga ayaa kaa xoolo badan, kaana ubad badan!! Dabadeedna intuu beertiisii fiiriyey ayuu isku dhahay; tani waligeed halaagsami mayso, umana malaynayo in saacada Qayaame dhacayso, hadiiba ay qayaame jirtana waxaan Ilaahay agtiisa ka helayaa wax ka khayr badan.

Ninkii Faqiirka ahaa ayaa ku dhahay; Waar ma waxaad ka gaalowday Rabigii kaa abuuray Ciid, markaasna Candhuuf kaana yeelay ninkaas xoogan ee dhisan, mida kale maxaad u odhan wayday markaad beertaada gashay MaashaAllah, awood majirto aan ta Ilaahay ahayni.

Kadibna ninkii Muslimka faqiirka ah ayaa habaaray ninkii Kibirku ka buuxay oo dhahay; waxa laga yaabaa inuu Ilaahay isiiyo wax ka khayrbadan Beertaada sidoo kalena uu halaago beerahaaga oo uu ka yeelo biyaha wabigeedana mid gudha.

Ugu danbayn sidii ninkaas Faqiirka ah uu sheegay ayey noqotay beertii oo duufaan ayaa ku dhuftay oo way burburtay, biyaheediina way gudheen markaasaa ninkii isla waynaa ka shalleeyey ficilkii iyo hadaladii gaalnimada ahaa ee uu ku dhawaaqay.

Qisadan waxay kusoo aroortay Quraanka Kariimka ah gaar ahaan suurada Kahfi oo Ilaahay ugu hoge tusaalaynayaa dadka in cidii Kibirta ay masiirkeedu noqonayso sidaas oo kale sidoo kalena Muslimiinta ayey faraysaa inaanay is xaqirin dhexdooda oo aanay cidna yasin oo ayna iska saraysiinin cidna.

Faa’idooyinka Qisadan:

  1. Dadka ha xaqirin, ma ogid in barri ka maalin ay kugu dhacayso waxaad ku xaqirayse.
  2. Ka fogow wax kasta oo keenaya Kibirka, isla waynida, qooqa, faanka, istusnimada, ismaqanshiinta iyo yasida dadka kale.
  3. Ku samir dhib haday kula soo daristo maxaa yeelay dhib kasta waxa la socota wax fudud, garo ama ha garanin.
  4. Waligaa haka shakiyin saacad Qayaame iyo isasoo bixida sababtoo ah hadaad shakido waxaad noqonaysaa gaal waa sida ku cad aayadaha Quraanka ah.
  5. Hadii aad aragto wax ku cajabiya ood leedahay ama cid kale leedahay waxaad tidhaahdaa; MaashaAllah, Laaquwata ilaa billaah.
  6. Ku qanac waxa Ilaahay ku siiyey haba yaraatee, maxaa yeelay hadaad tahay ruux qanaaco leh waxaad tahay Qof boqor ka ah Qalbiga.