Tusmo

QISADII NABI SULEYMAAN

(Dhagayso ama Akhriso)

Nabi Suleymaan (N.N.K.H) waa wiilkii uu dhalay Nabi Daa’uud, waxaanu ku barbaaray guri nabinimo, waxaanu ahaa ruux u baari ah waalidkii.

Markuu Nabi Daa’uud (N.N.K.H) uu geeriyooday ayuu Nabi Suleymaan la wareegay xilkii nabinimo iyo xukunkii. Waxa uuna kulmiyey dadkii oo ku dhahay “dadoow waxaa nala baray codka Shinbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta, kaasina waa fadliga Eebe” Khudbadiisii kadib waxa uu soo kulmiyey ciidankiisii, oo ka koobnaa Jinni, Insi iyo Shinbiro.

Nabi Suleymaan waxa Eebe ku manaystay xukun iyo mulki aan basharka lasiin, waxa loo sakhiray adeega Jinka, Shayaadiinta, Insiga, Xayawaanka iyo Shinbiraha.

Maalin maal maha ka mida ayaa abaar dhacda, roobkiina yaraaday, kadibna Nabi Suleymaan iyo qoomkiisii ayaa u baxay roob doon, Intay ku gudo jireen roob doonta ayuu Nabi Suleymaan maqlay codka qudhaanjo gacmaha sare u taagtay oo baryeysa Eebaheed, dalbanaysana roob.

Nabi Suleymaan markuu arkay moqifka qudhaanjada ayuu dib u noqday kuna yidhi qoomkiisii ducada qudhaanjada awgeedawaa laynaga ajiibay roob doonta.

Nabi Suleymaan iyo ciidankiisii ka koobnaa Jinka, Insiga iyo Shinbiraha ayaa dul yimi toggii qudhaanjada, markaasay qudhaanjadii ku tidhi kwii kale, gala guryihiina yaynaan idin jajabin Suleymaan iyo ciidankiiso ayagoo idiin dareensanayn.

Nabi Suleymaan waa maqlay codkeedii waana dhoola cadeeyey oo dhahay “Eeboow i waafaji inaan kugu mahadiyo nimcada aad iigu nimcaysay aniga iyo waalidkay, iguna hanuuni inaan la yimaado camal wanaagsan oo aad raali katahay, waxaanad igalisaa naxariistaada Jannada.”

Maalin ayaa Nabi Suleymaan fiirfiiriyey Shinbirihii, markaasuu arki waayey Hud-hudkii, waxaanu yidhi “hadii aanu Hud-hudku war cad ii keenin waan cadaabi ama gawrici”.

Mudo yar kadib ayuu hud-hudkii yimid asagoo sida war xaasaasiya, dhahayna waxaan tagay deegaanka Saba’ (Yemen) waxaanan helay haweenay (Balqiis) xukumaysa, lana siiyey wax kasta, sidoo kale waxay leedahay carshi wayn, waxayna usujuudaan Qorraxda, waxaana u qurxiyey camalkaas Shaydaan.

Hud-hudkii asagoo hadalkii sii wata ayuu yidhi “maxay ugu sujuudi waayeen Eeebaha soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo dhulka”

Nabi Suleymaan (N.N.K.H) warkii ayuu qariibsaday markaasuu yidhi waan eegi warkaaga inaad run sheegayso ama aad been sheegi. Kadibna wuxuu udhiibay warqad kuna yidhi ku tuur oo fiiri waxay sameeyaan.

Hud-hudkii waa tagay oo ku tuuray warqadii, warqadiina waxa helay Balqiis, kadibna waxay kulmisay qooomkeedii oo ku tidhi “waxaan helay warqad ka timid Suleymaan laguna bilaabay magaca Eebe ee leh Naxariista guud iyo naxariista gaarka ah, isagoo hadalaka sii wata ayuu Nabi Suleymaan yidhi isdhiiba hana is waynayn ee ii kaalaya idinkoo muslimiina.”

Qoomkeedii waxay ku dhaheen annagu waxaan nahay ciidan xoog wayn, amarkana adaa iska leh, ee na far waxaad go’aamiso.

Haweenaydii oo ahayd gabar caqli leh ayaa tidhi, “boqoradu markay furtaan (galaan) magaalo way fasahaadiyaan, kana yeelaan dadkeeda inta cisiga iyo sharafta leh kuwa dullaysan”. Eebeana waa uga marag kacay oo yidhi sidaas bay sameeyaan.

Haweenaydii waxay ku tidhi waxaan u dirayaa Nabi Suleymaan hadyad, markaa hadduu xoolo doonayo waa iska joogi balse haduu yahay nabi ma yeeli doonaa hadyada. Markay hadyadii u timid Nabi saleymaan ayuu yidhi “ma waxay igu laaluushayaan hanti, waxa Eebahay na siiyey ayaa ka khayr badan”. Kadibna waxa uu kulmiyey ciidankiisii kuna yidhi yaa ii keenaya carshigeeda ka hor inta ay ii iman.

Cifriit oo jinka ah ayaa yidhi, aniga ayaa kuu keenaya inta aanad ka kicin goobta aad fadhiisato.

Nabi Suleymaan waxa uu fadhiisan jiray goob uu dadka ku kala xukumo galinka hore markaa waa gaabsaday waqtiga oo yidhi yaa waqti ka gaaban ku keenaya carshiga Balqiis.

Kii cilmiga lasiiyey ayaa yidhi aniga ayaa kuu keenaya carshigeeda hal ilbiriqsi gudaheed. Macnaha intaanad isku qaban ishaada ayaan kuu keeni carshigeeda. Kadibna kii cilmiga lahaa ayaa hor keenay carshigeedii, markaasu Nabi suleymaan amray in la badalo carshiga.

Balqiis waxay go’aansatay inay is dhiibto, markay aragtay in Nabi Suleymaan diiday hadyadii, kadibna way u timid Nabi Suleymaan waxaanu waydiiyey “kani ma carshigaagiibaa”,  waxay ku jawaabtay hadal labada macno yeelan kara, oo tidhi waxa la moodaa carshigii.

Kadib waxa uu faray inay gasho qasri ka samaysan quraarad, markay gashay ayey aragtay wabi ka hooseeya, dabadeedna sare ayey u qaaday maradeedii ayadoo is leh ka tallow biyaha wabiga. Nabi Suleymaan waxa uu yidhi “wabiga wax ka sarreeya quraarad, kumana soo gaadhayaan biyuhu”. Balqiisna way islaamtay waxay tidhi “Eeboow naftayda ayaan dulmiyey, waana rumeeye Eebahay”

Goor casar ah ayaa Nabi Suleymaan loo soo bandhigay Fardo qurux badan, markaasuu illaaway salaadii casar, Nabi Suleymaan waxa uu gawracay fardihii oo dhan una qaybiyey dadka fuqurada ah.

Nabi Suleymaan markuu gawracay fardihii ayaa Eebe u sakhiray Dabaysha, oo uqaadaysay meel kasta uu doono, waxaanu waqti yar usocon jiray meel bil loo socdo lagana soo socdo bil kale.

Nabi Suleymaan (N.N.K.H) waxa uu dhisay “Baytul maqdask” waanu wayneeyey oo qurxiyey.

Markuu dhamaystiray baytkii ayuu Eebe waydiiyey sadex arrimood, Eebana laba ayuu ka aqbalay midna waa ka diiday.

Sida Rasuulka (N.N.K.H) laga wariyey “waxa uu Nabi Suleymaan ka baraya Eebe inuu ku manaysto xukun waafaqsan xukunka Eebe iyo mulki aan u cuntamin dadka kale, labadan Eebe waa kaa aqbalay laakiin ta sadexaad oo ahayd inuu Baytka al-maqdaska ruuxii soo booqda danbigiisa la dhaafo laga ma aqbalin, ee waxa lagu manaystay sharaftaa ummada Nabi Muhammed (N.N.K.H)”

Maalin maalmaha ka mida ayaa laba haweena oo mid kasta haysatay ilmo yar, ayaa u baxay saxaraha kadibna mid ka mida ilmii yaraa ayaa waraabe cunay, markaasay mid kasta sheegatay inay ilmaha yar dhashay, dabadeedna waxay u yimaadeen Nabi Suleymaan ayagoo dooaday.

Nabi Suleymaan wuxuu yidhi “ilamaha yar waan gawracayaa, waxaana u qaybinayaa laba qaybood, si ay mid kasta u hesho qayb, kadiba waxa loo keenay mindidii, markaasay haweenka tii waynayd ka aamustay, balse tii da’da yarayd ayaa tidhi ha gawricin ee haweenka kale sii. Nabi Suleymaan waa fahmay in gabarta yar ay dhashay ilmaha waxaanu siiyey cunugeedii”

Waxyaalaha loo sakhiray Nabi Suleymaan waxa ka mida Jinka oo u dhisayay guryahay, sidoo kale quusayey badda hoostiisa si ay uga soo qaadan macdano qaaliya.

Shayaadiinta amrka Nabi Suleymaan diida waa la xabsayey, hadday isku dayaan inay baxsadaana way gubanayey. Sidaa darted Shayaadiintu way ka haybadsanayeen Nabi Suleymaan.

Nabi Suleymaan awooda Eebe siiyey darted waa la dagaalamay gaalkasta oon Eebe caabudayn, sidoo kale waxa uu xakameeyey sixirka iyo cida ku shaqaysata.

Ugu danbayn Nabi Suleymaan (N.N.K.H) waxa uu dareemay inuu geeridiisii soo dhowaatay, waxaanu ogaa in shayaadiintu kharribayaan baytul maqdaska, hadday ogaadaan inuu dhintay. Nabi Suleymaan waxa uu galay saaad, hase ahaatee markuu istaagay ayuu ku tiirsaday ushiisii, kadibna waa la oofsaday. Jinkii iyo Shayaadiintii waxay moodeen inuu Nabi Suleymaan tukanayo, waxayna sii wadeen shaqadii.

Nabi Suleymaan waxa uu usha ku tiirsanaa hal sano, illamaayo ay daabadi (cayayaan) cunay ushiisii markaasuu dhacay Nabi Suleymaan.

Halkaana waxa ku beenoobay Shayaadiintii sheeganayey inay qaybka wax ka ogyihiin, sababtoo ah haday mutaqbalka garanayaan waxay dareemi lahaayeen geeridii Nabi Suleymaan.

Markuu dhintay Nabi Suleymaan ayey shayaadiintii u nisbeeyeen mulkigii Nabi Suleymaan inuu ahaa sixir balse Eebe Wayne ayaa ka jawaabay oo dhahay Suleymaan muu  gaaloobin ee waxa gaaloobay Shayaadiinta oo barayey dadka sixirka.