Magaca Allahbaan ku bilaabaynaa, waxaanan u mahadcelinaynaa Allah (SW) kana baryaynaa inuu naga aqbalo camalkanaga, iyo camalka waalikeen, waxaan naxariis iyo nabadgalyo aan lasoo koobi karayn oo ka ahaatay xaga Allah u diraynaa Nabigeena Muxamed (N.N.K.H)

Dumarka ugu khayrka badan Aduunka waa Afar, waa Aasiya bintu Musaaxim, Maryama bintu Cimraan, Khadiija bintu Khuweylid iyo Faadima bintu Muxamed. Inshallah waxaan ka warrami doonaa mid kamid ah dumarkan waa Maryama bintu Cimraan oo ah Nabi Ciise hooyadii.

Maryama waxay tusaale u tahay dhamaan Mu’miniinta rag iyo dumarba, waxa doortay Allah (S.W) waxaanu ka doortay dhamaan dumarka caalamiinta. Maryama sharafteeda iyo karaamadeeda waxa ina tusaya inuu Allah ku magacaabay Suurad dhan oo Quraanka Kariimka ah,waana suurada 19 aad ee Suurah Maryam, sababtuna waa si loo akhriyo illamaayo ay qayaamadu ka dhacayso.

Qisada Maryama waxay xigsanaysaa qoyska ay kasoo jeedo, waxay ku abtirsataa Nabi Suleymaan (N.N.K.H). Nabi Suleymaana waxa uu kasoo jeedaa durriyadii Nabi Ibraahim (N.N.K.H). Nabi Ibaraahiimna waxa uu kasoo jeedaa durriyadii Nabi Nuux (N.N.K.H). Sidaan ogsoonahay markay dhacday duufaantii halaagtay qoomkii Nabi Nuux waxa kaliya oo kasoo farcamay qoomkaas waa Nabi Nuux, sidaa darteed dhammaan basharka nool waxay sii maraan abtirsiintoodu Nabi Nuux (N.N.K.H). Sida uu Allah inoo tilmaamayo in Ilaahay doortay Nabi Aadan, kadibna Nabi Nuux, kadibna Nabi Ibraahiim kadibna Reer Al-Cimraan oo ay kasoo jeedo Maryama bintu Cimraan. Allah waxa uu leeyahay Suurada 3 aad Al-Cimraan, Aayada 32.

{إِنَّ اللّهَ اصْطَفَى آدَمَ وَنُوحًا وَآلَ إِبْرَاهِيمَ وَآلَ عِمْرَانَ عَلَى الْعَالَمِينَ}

{Ilaahay wuxuu ka doortay Aadan, Nuux, Ehelkii Ibraahim iyo Ehelkii Cimraan Calaamka.} [3:33]

Cimraan waa Nin reer banu Israa’iil ah kuna caanbaxay Cibaado iyo Alle ka cabsi, Reer banu Israa’iil oo dhan waxay ku yaqaaneen inuu Cimraan yahay nin aduunyada ka sagootiyey, Ilaahay xuskiisa badsaday, wuxuuna noolaa xilligii uu Reer banu Israa’iil Nabiga u ahaa Nabi Sakariye (N.N.K.H). Xaaska Ninkan wanaagsan ee Cimraana waxay ahayd ayaduna gabadh lagu yaqaano Alle ka cabsi iyo dhawrsanaan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Marwadii Cimraan aragtay Shinbir quudinaysa shinbir ay dhashay, markay aragtay jawigaas hooyanimo ayey jeclaysatay inay dhasho Wiil u adeega Baytka Maqdaska. Waxayna tidhi ayadoo hadalkeedii Ilaahay inooga warramayo. Suurada 3 aad Al-Cimraan: 35.

{إِذْ قَالَتِ امْرَأَةُ عِمْرَانَ رَبِّ إِنِّي نَذَرْتُ لَكَ مَا فِي بَطْنِي مُحَرَّرًا فَتَقَبَّلْ مِنِّي إِنَّكَ أَنتَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ}

{Xusuuso markay tidhi Haweenaydii Cimraan Eebow waxaan kuugu Nadray waxaa uurkayga ku jira inuu Xor kuu ahaado (Cibaadadaada) ee iga aqbal adiga umbaa wax Maqle oge ahe.}

Xaaskii Cimraan waxay jeclayd inay dhasho wiil u adeega Masaajidka, si uu uga qaybqaato nadiifinta Masaajidka iyo quudinta Masaakiinta sidoo kalena uu cilmi u siyaadsado oo uu noqdo ruux Ilaahay ka cabsada, kaasi waxa uu ahaa hammigii iyo riyadii Marwadii Cimraan. Balse siday rabtay arrinkii muusan noqonin ee waxay uurka ku qaaday gabadh,. Gabdhuhuna kumaysan haboonayn inay u adeegto Masaajidka Qudus.

Muddo yar kadib waxa la gaadhay xilligii foosha, waxayna umushay gabadh, markaasay tidhi; Rabbiyoow waxaan umulay gabadh!! Gabadhuna sida Wiilka oo kale maaha, oo way kala duwanyihiin jidh ahaan iyo garaad ahaanba. Midkasta shaqo ku haboon ayuu Ilaahay ugu talo galay. Allah oo inooga warramaya waxa uu leeyahay:

فَلَمَّا وَضَعَتْهَا قَالَتْ رَبِّ إِنِّي وَضَعْتُهَا أُنثَى وَاللّهُ أَعْلَمُ بِمَا وَضَعَتْ وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالأُنثَى وَإِنِّي سَمَّيْتُهَا مَرْيَمَ وِإِنِّي أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ

{Markay dhashay Gabadh waxay tidhi; Eebow waxaan dhalay Dhaddig, Eebana waa ogyahay waxay dhashay Labna la mid ma aha dhaddig, waxaana ku magacaabay Maryam waxaana kaa magan galin iyada iyo Faraceeda Shaydaanka la fogeeyey.} Al-Cimraan, 36.
Maryama hooyadeed oo ahayd marwadii Cimraan, waxay u bixisay gabadhii ay dhashay Maryama, waxayna Ilaahay ka magan gashay inuu ka ilaaliyo Shaydaanka iyada iyo faraceedaba. Ilaahayna waa ka aqbalay ducadii Marwadii Cimraan oo waa ka dhowray Marayama iyo wiilkeedii Nabi Ciisaba Shaydaanka la fogeeyey. Sida uu Abuhurayra ka warinayo Rasuulkii Ilaahay:

{ما من بني آدم مولود إلا يمسه الشيطان حين يولد فيستهل صارخا من مس الشيطان غير مريم وابنها}

{Ilma kasta oo la dhalo waxa gujiya oo taabta Shaydaanka markuu dhalanayo, kolkaasuu ka qayliyaa (ooyaa) taabashada Shaydaanka, marka laga reebo Maryama iyo Wiilkeedii. {Labada Shiikh ayaa isku waafaqay}.

Maryama hooyadeed way daryeeshay oo u korisay si ay u fuliso Nadarkii ay gashay, markay Maryama gaadhay heer ay fadhiisan karto Masaajidka ayey geysay Masaajidka Barakaysan ee Qudus. Marwadii cimraan way qaaday Maryama ayadoo aad u yar waxayna u geysay Rag wadaado ahaa oo ku cibaadaysanaya Masaajidka Qudus.

Ragaa wadaada ahaa waxa ka mid ahaa Nabi Sakariye (N.N.K.H), waxaanu qabay gabadh ay walaalo yihiin Maryama oo la odhan jiray Ashciyaa, sidaa darteed qaraabo ayey yihiin Nabi Sakariye iyo Maryama bintu Cimraan.
Xaaskii Cimraan oo xanbaarsan Maryama ay soo gashay Mawlicii ayey wadaadii dhaheen; Maxaa ku keenay Masaajidka marwadii Cimraaney? Markaasay tidhi: Ilaahay ayaan nadar u galay haduu wiil isiiyo inaan ka adeegsiiyo Masaajidka, kadibna gabadh ayaa ii dhalatay, ballantii aan Ilaahay la galayna waan oofinayaa ee yaa kafaalo qaadaya Maryama?

Ragii wadaada ahaa dhamaantood waxay jeclaysteen inay ahaadaan ka kafaalo qaada Maryama, sababtoo ah waxay kasoo jeedaa qoys ku caan baxay cibaado iyo dhawrsanaan. Markii nin waliba dhahay; Aniga ayaa kafaalo qaadaya ayay Marwadii Cimraan tidhi: Isu qori tuurta, kii qorituurkiisu soo baxo ayaa la wareegaya gacan ku haynta iyo daryeelida Maryama.

Raggii oo dhan waxay ku heshiiyeen in nin waliba qalin ku tuuro wabiga, kii qalinkiisu aanay mawjada biyuhu qaadin ayaa la wareegay gacan ku haynta Maryama. Markii qalimaantii wabiga lagu tuuray ayey dhamaan qalimaantii mowjadu qaaday marka laga reebo qalinkii Nabi Sakariye oo u socday dhanka biyuhu ay ka imanayaan. Qori tuurkii ayaa dhawr jeer lagu celiyey waxaana ku guulaysta kafaalo qaadashada Maryama iyo daryeelkeedaba Nabi Sakariye oo ay qaraabo yihiin.

{وما كنت لديهم إذ يلقون أقلامهم أيهم يكفل مريم.….}

{… mana aadan la joogin markey tuurayeen Qalimadooda koodii kafaala qaadi Maryam..}

Nabi Sakariye wuu farxay oo bushaareystay, waxa uu kafaalo qaadanaya gabadh yar oo Ilaahay ka doortay dhammaan haweenka Caalamiinta. Nabi Sakariye waxa uu geeyey Masaajidka, qol gaar ah ayaana la siiyey, meeshaas kamaysan bixi jirin ayadoo xaajo u baahan mooyee. Marayama qolka waxay ku caabudi jirtay Allah (SW) wayna ka dheeraatay hawooyinka naftu u baahantahay, waxay xakamaysay nafteeda kuna barbaartay dikriga Ilaahay iyo Cibaadada.

Nabi Sakariye (N.N.K.H) markastuu soo golo qolka waxa uu arkaa Maryama oo cibaadaysanaysa, waxa kale oo Ilaahay gabadhan yar ka muujiyey karaamooyin iyo mucjisooyin.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nabi Sakariye u keenay cunto, balse waxa uu arkay ayadoo haysata cunto aan baladkaba oolin, markaasuu waydiiyey Maryama: Xaggay kaaga timid cuntadan aad haysato? Maryama waxay dhahday: Waxay cuntadani ka ahaatay xagga Eebe.

Nabi Sakariye waa yaabay, gabar yar oo aan qolkeeda ka bixin oo haysata cuntooyin aan dhulkaba oolin, wuu cajabay oo ku tusaalo qaatay in Ilaahay ciduu doono arsaaqo xisaab la’aan. Allah oo inooga warramaya mowqifkaas aadka u cajiibka ah waxa uu ku leeyahay Suurada Al-Cimraan: 37

كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيْهَا زَكَرِيَّا الْمِحْرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزْقاً قَالَ يَا مَرْيَمُ أَنَّى لَكِ هَذَا قَالَتْ هُوَ مِنْ عِندِ اللّهِ إنَّ اللّهَ يَرْزُقُ مَن يَشَاء بِغَيْرِ حِسَابٍ

{…..markastoos ugu galana Mixraabka (Qolka) wuxuu ka helaa agteeda Rizqi, wuxuuna dhahaa xaggee kaaga yimid Maryaney kan, waxayna dhahdaa wuxuu ka yimid Eebe agtiisa, Eebana wuu u Arzuqaa Cidduu doono Xisaab la’aan}

Sidaan lasocono Nabi Sakariye muusan lahayn ubad, da’diisuna way weynayd, xaaskiisuna waxay ahayd ma dhalays, hadana Ilaahay kamuusan quusanin, ee halkaas (Mawqifkaa) ayuu Ilaahay ku baryey isagoo leh; Rabbiyoow ii hibee wiil sidaad u siisay gabadhan Maryama cunto aan suurto gal ahayn in xilligan laga helo deegaaka, Rabbiyoow igu arsaaq durriyad wanaagsan. Ilaahay wuu ka aqbalay ducadii Nabi Sakariye.

Marwadii uu qabay Nabi Sakariye oo ahayd Maryama walaasheed waxay qaaday uur oo dhashay wiil ka mid ah dadka wanaagsan, ahaana Nabi ka cabsada Ilaahii abuuray, waa Nabi Yaxye (N.N.K.H).

Maalin ayey Maryama maqashay cod la hadlaya ayadoo joogta qolkii ay ku cibaadaysan jirtay, codku waxa uu lahaa; Marayneey Ilaahay ayaa ku doortay, kuna dahiray kaana doortay haweenka caalamiinta. Ee adeec Rabbigaa, una sujuud oo badi salaada. Sida uu Allah ku leeyahay Suurada Al-Cimraan: 42-43

وَإِذۡ قَالَتِ ٱلۡمَلَـٰٓٮِٕڪَةُ يَـٰمَرۡيَمُ إِنَّ ٱللَّهَ ٱصۡطَفَٮٰكِ وَطَهَّرَكِ وَٱصۡطَفَٮٰكِ عَلَىٰ نِسَآءِ ٱلۡعَـٰلَمِينَ (٤٢) يَـٰمَرۡيَمُ ٱقۡنُتِى لِرَبِّكِ وَٱسۡجُدِى وَٱرۡكَعِى مَعَ ٱلرَّٲكِعِينَ (٤٣)

{(Xusuuso) markay tidhi Malaa’igtu Maryamoy Eebe waa ku doortay waana ku daahir yeelay wuxuuna kaa doortay Haweenka Caalamka. (42) Maryaneey adeec (u khushuuc) Eebahaa sujuudna Rukuucna (la tuko) kuwa rukuuca (Tukada).}

Malaka la hadlay Maryama waa Malakul Jibriil (N.N.K.H), waxaanu faray inay kordhiso cibaadada Allah, waxay Maryama looga doortay Haweenka Caalamiintu waa Cibaadada iyo Jirkeeda oo ay ka dhawrtay Xumaan.
Maalin maalamaha ka mid ah Maryama oo qolkeedii ka baxday, doonaysana inay xaajo ay u baahnayd soo fushato ayey jidka kula kulantay Nin u baaqaya!! Subxaanallah, waxaad qiyaastaa Maryama bintu Cimraan oo aan waligeed afka u furin cid aan maxramkeeda ahayn sideebay ula hadlaysaa Nin ajnabi ka ah. Maryama waxay ninkii ka magan gashay Ilaahay ayadoo leh:

{قَالَتْ إِنِّي أَعُوذُ بِالرَّحْمَن مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيًّا}

{Waxay tidhi anigu waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade.}

Ninkii waxa uu ku jawaabay Anigu waxaan ahay Malak, waxaanan kuugu imi inaan kuu hibeeyo wiil daahir ah, oo nabi ah kana mid ah kuwa dhawrsoon ee Allah agtiisa ahaanaya.

Hadii bushaaradaa laguugu bushaareeyo inaad dhalayso wiil daahir ah oo Nabi ah sow maad farxi lahayn? Hadaba Maryama maysan faraxsanayn, wax kale ayey ka fakeraysa, waa dhawrsanaanteed. Waxay ku tidhi Malakii: Oo sidee iigu ahaan wiil ayadoo aanu i taabanin Bashar (waxay uga jeedaa xidhiidhka gogoleed ee ka dhaxeeya Ninka iyo Xaaskiisa) sidoo kale mana ahi gabadh jirkeeda ka ganacsata oo xumaanta taqaan! Sidee iigu ahaanayaa Wiil anigoon guursanin Nin aan xaas u ahay? Waa arrin aad u wayn, waana mowqif adag in xitaa la xasuusto maadaama cida u bushaaraysay ay tahay Malak Jibriil.

Malakii waa hadlay oo dhahy: Sidaas ayey ahaan, macnaha waxaad dhalaysaa wiil adigoon taabanin Nin, gogolna la wadaagin cid ka mid ah basharka, sababtuna waa go’aan uu Ilaahay gaadhay, Eebana waxa uu go’aamiyo way ahaan ha dhowaato ama ha dheeraatee.

Maryama walwal ayaa hayey balse waxay ku qanacsayd in Amarka Ilaahay uu yahay mid xikmad ku dheehantahay, waxaana Ilaahay faray Malakul Jibriil inuu ruuxda ku afuufo jeebka maradii ay sidatay, ruuxdiina waxay gaadhay ilmo galeenka (Riximka), sidaasbaanu ku unkumay Nabi Ciise.

Maryama uur ayey qaaday, wayna murugootay ayadoo ka fakaraysa sumcadeeda iyo waxay Yahuudu ku samayn doonto haday ogaadaan. Maryama way qarisay uurka ayadoo ka cabsi qabta waxa ka dhalanay marka la ogaado.
Waxa ugu hor ogaaday oday la dhaho Yuusuf Al-Nijaar oo ka mid ahaa dadkii ku cibaadaysan jiray Masaajiska Qudus, sidoo kale waxa la dhahaa Nabi Sakariye ayaa ugu hor ogaaday, isagoo iswaydiinaya ma Maryama ayey ka suurowdaa xumaan? Wax dhici karaya maaha ayuu isku dhahay naftiisa, kadibna wuu waydiiyey oo dhahay: Maryaneey, beer aan siidh lahayni miyey jirtaa? Markaasay tidhi: Haa, oo yaa keenay beertii ugu horeysay!! Hadana wuxuu Nabi Sakariye dhahay: Miyey suurowdaa uur aan aabo lahayn? Markaasay tidhi Maryama: Haa, oo yaa abuuray Aadam!!

Kadibna wuu wareystay, waxayna ku tidhi: Ilaahay ayaa iigu bushaareeyey inuu ii hibaynayo wiil Nabi ah oo daahir ah, meelkasta oo uu joogana naxariis ah. Nabi Sakariye wuu farxay, hadana wuu cabsaday oo ninmaka Yahuudu inaanay daynayn ayuu ogaaday. Yahuudu waa niman aad u dhib badan oo dilay nabiyo badan, waxa la dhahaa dhagax yaala magaalada Qudus waxay ku gawraceen 70 nabi. Bal kawaran dadka dabeecadoodu sidaa tahay, miyey kula tahay way daynayaan Maryama iyo wiilkeeda. Waxa intaa dheer inay kollayba ku tuhmayaan Maryama xumaan iyo sino.

Maryama waxa kusoo dhowaaday xilligii foosha, wayna ka baxday qolkii cibaadada wayna oroday ayadoo ka fogaatay meeshii Yahuudu joogeen waana deegaanka Baytu Laxmi. Waxay fooshu ku qabatay geed hoostii markaasay tidhi: Shallaytadaydee bal maan ahaado ruux dhinta hadda ka hor, ayadoo dareemaysa xanuunka foosha iyo ceebta ay ka cabsanayso in sharafteeda lagu tuhmi doono.

Markay dhashay wiilkii yaraa (Nabi Ciise) ayuu ka dhawaaqay geedka hoostiisa lana hadlaya hooyadii waxa uu dhahay: Hooyo, ha murugoon, hoostaada Eeba waxa uu yeelay wabi yar, waxaanad ruxdaa oo gilgishaa jirrida Timirta waxaa kuu soo daadan timir fiican oo curdanee.

Maryama wiilkeedii hadalkiisii ayaa laabta u qaboojiyey, waxayna aragtay mucjisadan wiil yar oo iminka dhashay oo hadlaya, wayna cabtay biyihii sidoo kalena ruxday geedkii oo waxay cuntay timirtii, wayna indho doogsatay oo nasatay. Waxa kale oo la faray kolkay u tagayso qoomkeeda inay ku tidhaahdo anigu waan ka soomay hadalka, layma ogola inaaan la hadlo manta ruuxanaba. Maryama way xanbaaratay wiilkeedii, waxayna u kacday dhankii qoomkeedu joogeen. Dadkii way waayeen meesha ay qabatay Maryama!!

Markay soo dhowaatay ayey meel dheer ka arkeen inay Maryama oo cunug xanbaarsan soo socoto, wayna milicsadeen. Maryama waxa ilaalinayey Malaa’iktii Ilaahay oo shaydaan iyo Jintoona umuusoo dhowaan.
Markay Yahuudii usoo dhowaadeen Maryama ayey dhaheen: Maxaad Maryaneey la timid? Ma wiilbaad xanbaarsantahay? Waxaad la timi arrin wayn? Tii la walaalka ahayd Haaruuneey, aabahaa muusan ahayn nin xun, hooydaana maysan ahayn mid la la tuhmo!! Sidaad ku dhashay wiilkan?

Waxaad qiyaastaa Yahuudii oo lagu kari waayey inay Ilaahay ka cabsadaan, dhawraana xuduuda Ilaahay, iskana dhaafaan dhibta iyo dilka ay ku hayeen Nabiyadoodii, miyey kula tahay inay dhaafayaan Maryama iyo Wiilkeeda. Maya, ee waa ayagii oo jaanis helay, si ay ugu tuhmaan gabadh uu Ilaahay dahiray.

Maryama markay aragtay xaalada Yahuuda waxay u ishaartay (farta ugu tilmaantay) wiilkeedii ay xanbaarsanayd. Markaasay dhaheen: Sideebaan ula hadalnaa ruuux ku sugan sariirilmood isagoo yar. Nabi Ciise (N.N.K.H) isagoo sabi yar oo dharabta jiifa ayuu difaacay hooyadii waxaanu dhahay:

قَالَ إِنِّى عَبۡدُ ٱللَّهِ ءَاتَٮٰنِىَ ٱلۡكِتَـٰبَ وَجَعَلَنِى نَبِيًّ۬ا (٣٠) وَجَعَلَنِى مُبَارَكًا أَيۡنَ مَا ڪُنتُ وَأَوۡصَـٰنِى بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّڪَوٰةِ مَا دُمۡتُ حَيًّ۬ا (٣١) وَبَرَّۢا بِوَٲلِدَتِى وَلَمۡ يَجۡعَلۡنِى جَبَّارً۬ا شَقِيًّ۬ا (٣٢) وَٱلسَّلَـٰمُ عَلَىَّ يَوۡمَ وُلِدتُّ وَيَوۡمَ أَمُوتُ وَيَوۡمَ أُبۡعَثُ حَيًّ۬ا (٣٣) ذَٲلِكَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ‌ۚ قَوۡلَ ٱلۡحَقِّ ٱلَّذِى فِيهِ يَمۡتَرُونَ (٣٤) مَا كَانَ لِلَّهِ أَن يَتَّخِذَ مِن وَلَدٍ۬‌ۖ سُبۡحَـٰنَهُ ۥۤ‌ۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرً۬ا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ ۥ كُن فَيَكُونُ (٣٥) وَإِنَّ ٱللَّهَ رَبِّى وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُ‌ۚ هَـٰذَا صِرَٲطٌ۬ مُّسۡتَقِيمٌ۬ (٣٦)

{Wuxuuna yidhi (Ciise) anigu waxaan ahay addoon Eebe, wuxuuna i siiyey kitaabka (injiil) wuxuuna iga yeelay nabi. (30) wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay. (31) wuxuuna iga yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun. (32) nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta laysoo bixin anoo nool. (33) kaasi waa Ciise ibnu maryama, waana hadalka xaqa ah ee ay shakin.(34) kuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo, waana ka nasahanyahay, markuu doono xukun «amar» wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaan.(35) Ilaahay waa Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane.(36)}

Yahuudu maysan ruaysan mucjidan iyo ilmahan yar ee dharabta saaran ee la hadlaya, ee waxay ku tuureen Maryama Tuhun xun oo ah inay xumaan sameysay. Ilaahbaan ka magan galnaye. Yahuudii markiiba waxay isku dhaheen: cida Maryama uureysa waa Nabi Sakariye, subxaanallah. Waxayna dhaheen soo baadha Sakariye, oo hala soo qabto.
Nabi Sakriya wuxuu maqlay dhagarta Yahuuda ay u maleegayaan markaasuu orday oo galay kaynta, ayadoo nimankii Yahuudu eryanayaan oo ay doonayaan inay gawracaan siday u dilieen Nabiyadii isaga ka horreeye oo kale.
Nabi Sakariye (N.N.K.H) isagoo ordaya kayntii ayuu Ilaahay u furay geed, markaasuu galay, laakiin maradiisa dacalkeeda ayaa kasoo muuqatay geedka. Ibliis lacnadi korka haka fuushee, isagoo la socday nimankan Yahuudeed ayuu tusay marada dacalkeedii kasoo jeeday geedka.

Kadibna Yahuudii intay miishaar soo qaadeen ayey geedkii uu ku jiray Nabi Sakariye ku kala gooyeen, markay miishaartii gaadhay jidhkii barakaysnaa ee Nabi Sakariye ayuu taahay isagoo dareemaya xanuunka miishaarta lagu goynayo jidhkiisa, markuu taahay ayuu Ilaahay u waxyooday Nabi Sakariye oo dhahay: Sakariyoow aamus, hadii aad sii wado taaha, waxaan burburinayaa dhammaan waxa Aduunka ku nool. SubxaanAllah. Nabi Sakariye isagoo u tudhaya qoomkiisa iyo Ummaddii xilligaa noolayd ayuu adkaystay xanuunkii miishaarta waana geeriyooday Nabi Sakariye Ilaahay Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha yeelee.

Wiilkii yaraa ee Nabi Ciise waa barbaaray waxaana ka muuqatay mucjisooyin fara badan, wuxuu caruurta uu la cayaari jiray uga warrami jiray cuntooyinka ay cunayaan iyo waxa ay hooyadoo usii khabaysay. Taas oo kaliya maaha ee waxa uu Ilaahay idankii (ogolaanshihii) daweyn jiray dadka indho la’aan ku dhasha, dadka qaba cudurka Baraska, sidoo kale waxa uu Ilaahay siiyey inuu idankiisa ku nooleeyo ruux dhintay. Arrimahaas waxaan kaga warramnay Qisadii Nabi Ciise.

Maryama waxay quudin jirtay wiilkeeda Nabi Ciise, wayna shaqayn jirtay balse markii Nabi Ciise uu qaan gaadhay ee uu marayey da’da 33 sano ayey Yahuudii dooneen inay dilaan oo la salbiyo. Intaan la salbinin kahor waxa Ilaahay sare u qaaday Nabi Ciise, balse Nin isaga u eeg oo shabaha ayaa la qabtay oo la xirxiray si loo salbiyo, wayna qabteen oo masaamiir ayey gacmaha kaga garaaceen si ay ugu xidhaan looxii lagu salbinayey.

Ninkan la salbinayo maaha Nabi Ciise ee waa nin ka mid ahaa Xawaaridii Nabi Ciise, sidoo kale waxa la dhahay ninku waxa uu ka mid ahaa dadkii colka la ahaa Nabi Ciise kadibna intay shaabuug la dhaceen ayey salbiyeen ayagoo moodayey inay salbiyeen Nabi Ciise (N.N.K.H).

Nabi Ciise hooyadii Maryama iyo walaasheed uu qabay Nabi Sakariye ayaduna dhashay Nabi Yaxye waxay yimaadeen qabrigii ay sheegeen nimankii salbiyey inay ku xabaaleen. Maryama iyo Walaasheed Ashyaac oo qabriga ka dul ooyaya ayuu Malakul Jibriil u yimid markaasay aragtay oo ay ku tidhi walaasheed: Xijaabo, miyaanad arkayn Ninka inoo yimid! Kadibna Maryama ayuu la hadlay oo ku dhahay: Wiilkaagii Ciise Masiix (N.N.K.H) sare ayaa loo qaaday waanu nabad qabaa waxaanu soo noqon doono Aakhiru samaanka isagoo dili doona Dajaal Cawar. Maryama way farxday oo qalbigeedii qaboobay wayna degtay.

Riwaayo kale waxay leedahay cida u timid Maryama waxa uu ahaa Nabi Ciise laftiisii una sheegay inuu bad qabo oo Ilaahay ka koryeelay dhagartii Yahuuda iyo ciidamadii Roomaanka ee ay kaashanayeen.
Maryama waxa Ilaahay uga dhigay Mu’miniinta rag iyo dumarba tusaale lagu daydo, waxayna waxaaas oo sharaf iyo karaamok u mudatay inay ahayd gabadh Ilaahay ka cabsata, una tukata la jirka Mu’miniinta, sidoo kale waxay dhawrtay jirkeedii iyo xubinteedii taranka waxaanu Ilaahay ugu deeqay inay hooyo u noqoto Nabi ka mid ah Rususha Ulul casmiga ah waa Nabi Ciise Masiix Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkooda ha yeelo Maryama iyo wiilkeedii Nabi Ciise.

Waxa soo arooray walow ay u badanyihiin axaadiis daciif ah in Nabigeena Muxamed (N.N.K.H) uu Jannada ku guursan doono Maryama bintu Cimraan, Aasiya bintu Musaaxim xaaskii Fircoon iyo Kalthuum (Nabi Muuse walaashii) Ilaahbaa og.
WD: Abdulaziz Oogle