Tusmo

Qisadii Islaantii Reer banu Israa’iil iyo Qisadii Wiilka yar

Magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahba, mahaduna isaga ayey u sugnaatay, waxaynaan ku sallinaynaa nabigeenii Muxamed (N.N.K.H) inuu Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa yeelo isaga, ehelkiisii iyo dhamaan muslimiinta raacdau jidkiisii. Assalaama calaykum wa raxmatullahi wa barakaatuhu.

Walaalayaal waxyaalaha lagama maarmaanka ah waxa kamida inuu qofku yeesho hammi iyo himilo sarreysa, ruuxa muslimka ah waa inuu sifiican u yaqaano  hadafkuu hiigsanaayo, si uu iga midho dhaliyana waa inaad u diyaargarowda turunturooyinka kaa horyimaada. Hadafkeenu waa inaynu helno raali ahaanshaha Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa iyo inaan ku la rafiiqno nabigeenii Muxamed iyo asxaabtiisii wanaagsanayd Jannada Raxmaanka. Walaalayaal waxaynu soo qaadanaynaa tusaalayaal cajiiba oo ka turjumaya hamiga sare iyo inuu ruuxu xaqiijiyo himiladiisa.

Qisada 1 aad Islaantii reer banu Israa’iil

Abumuusa Al-ashcari wuxuu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu ku dagay nin reer baadiya ah markaasu ninkii martiqaaday kadibna nabigu wuxuu ku dhahay; waa maxay xaajadaadu? (maxaan kuugu abaalgudnaa?) ninkii wuxuu yidhi: waxaan rabaa Rati aan rarto iyo Ceesaan aan reerkayga u maalo. Nabigu wuxuu yidhi; Miyaad ka caajistay arrintii Islaantii reer banu Israa’iil? waxay saxaabadii dhaheen; maxay ahayd arrinka Islaantaasi? Wuxuu yidhi: Nabi Muuse (N.N.K.H) iyo qoomkiisii ayaa ka lumay wadadii ay ku wajahnaayeen kadibna waxay culumadii reer banu Israai’iil ku dhahee nabi Muuse; Waxaan kuu sheegaynaa Muusoow, markuu Nabi Yuusuf dhimanayey ayuu ballan naga qaaday hadaan Masar ka tagno inaan taabuutkiisa (sanduuqa lagu rido qofka dhintay) qaadno. Markaasuu Nabi Muuse yidhi: Yaa garanaya xabaashii Nabi Yuusuf? Waxay dhaheen: Islaan waayeel ah mooyee cid kale garanmayso! Nabi Muuse cidbuu u diray wuxuuna ku dhahay: itus xabaashii nabi Yuusuf? Islaaantii waxay tidhi: Ilaahbaan ku dhaartee idin tusi maayo illamaayo aad ii ballan qaadid inaan Jannada kugula rafiiqo!! Nabi Muuse way ku adkaatay markaasaa loo waxyooday inuu u ballan qaado islaantaas Jannada, kadibna waa u ballan qaaday ayaduna waxay tustay meel badyar ah waxayna tidihi biyahan kala faaga kadibna qoda halkaas markaasay ka soo saareen maydkii nabi Yuusuf (N.N.K.H) markay qaadeen mise wadadiiba waxay noqotay nuur iftiimaya.[1]

Qisadii Wiilkii yaraa iyo Nabi Muxamed (N.N.K.)

Waxa jiray wiil yar oo aad u da’yar lana dhaho Rabiica ibnu Kacab, wxuuna jeclaaday Nabi Muxamed (N.N.K.H) kadibna wuxuu bilaabay inuu u adeego Nabiga isagoo u keeni jiray waysada, usha iyo had iyo jeer wuxuu nabigu u baahdo. Rabiica wiilkan yar jacaylkuu nabiga u hayey ayaa aad u waynaa oo waxay ku kalliftay inuu seexdo albaabka guriga nabiga hortiisa si aanay cidina uga horeynin inuu adeego xabiibkiisa. Maalintii danbe ayuu nabigu go’aansaday inuu hadyad siiyo wiilkan yar ee sida hagar la’aanta ugu adeega, markaasu wydiiyey; Rabiicoow maxaad u baahantahay? wiilkii wuxuu yidhi; wax yar isug nabigii Ilaahayoow aan ka fakaro waxaad isiinayside!! kadibna wiilkii wuxuu dhahay; rasuulkii Ilaahayoow, waxaan ku waydiisanayaa inaan kula rafiiqo Jannada ood ii shafeeco qaado oo markaas Ilaahay cadaabka naareed uu iga xoreeyo. Nabigu wuxuu yidhi: Yaa kuu sheegay arrinkan Rabiicoow? Wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahoow markaad i waydiisay waxaan u baahanahay ayaan ka fakaray in Aduunyadu tahay mid baaba’aysa, rizqigayguna iigu qoranyahay kadibna inaan aakhiradayda ku waydiisto ayaan goaansaday. Nabigu wuu aamusay markaasuu yidhi; waan samaynayaa sidaase ee naftaada ku caawi sujuud farabadan. [2]

 

Labadan qisoba waxaan ka faa’idaynaa inaad hamigaaga iyo hiigsigaaga sareysiiso ood ka yeesho sidaad Janno ku gali lahayd, bal u fiirso islaantii waayeelka ah hadana wali hungurigu kaga jiro inay Jannada Raxmaanka kula rafiiqdo nabi Muuse ayadoon kamid ahayn saxaabadiisii Fircoon ka difaacday ama Jihaadka la gashay, markuu hamigeeda Ilaahay arkay inuu yahay Jannada ayuu faray Nabi Muuse inuu u ballan qaado Jannada ay raadacaynayso. Qisada labaadna waa mid kasii cajiibsan tan hore wiil yar oo gartay ujeedada Ilaahay u abuuray, waydiistayna nabiga inuu u ballan qaado Jannada Ilaahay. Ilaahay haynaga yeelo kuwa ku guulaysta Jannada Raxmaanka.


Waxa Diyaariyey soona jeedinaya Sheekh Abdulaziz M.Oogle

Xigasho:-

[1] Mustadrak calaa Alsaxiixay,xadiis no: 4142

[2] Musnad Axmed, xadiis no: 16143