Akhriso, Dhagayso ama soo daabaco PDF

Waxa Jiray Samankii Nabi Sulaymaan (N.N.K.H) Hudhud la odhan jiray Yacfuur, waxaana Eebe u hibeeyey inuu sahamiyo Biyaha sida ay shinbiraha kale ee faciisa ahba ugu wanaagsanyihiin sahaminta. Nabi Suleymaan waxa uu Hudhudkan u adeegsan jiray inuu biyaha u sahamiyo xilliga safar loo baxayo. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabi Suleymaan soo ururiyey ciidankiisii oo ka kooban Jinni, Insi iyo Shinbiro balse waxa uu waayey Hudhudkii oo ka maqnaa goobtii loogu talo galay. Dabadeedna Nabi Suleymaan waxa uu ku dhaartay inuu gawrici doona ama caddibi doono hadaanu war sugan ka keenin meesha uu ku habsaamay. Muddo yar gudaheed ayuu Hudhudkii yimid isagoo ka cudurdaaranaya dib u dhiciisa, waxaanu yidhi; (Waxaan soo koobay arrin aanad ogayn iyo sir aan soo ogaaday, waxaan arkay gabadh boqorod ah oo xukumaysa dhulka Saba’ oo leh carshi wayn iyo ciidamo u adeega oo ka amar qaata, balse waa gaalo Ilaahay qayrkii caabuda ayagoo u sujuuda Cadceeda, Shaydaankuna u qurxiyey camalkooda.) Markuu maqlay Nabi Suleymaan ayuu ku yidhi; Waan eegaynaa inaad run sheegaysid iyo inkale waxaad qaadaa dhanbaalkan kuna tuur qasriga boqorada kana war keen waxay sameeyaan. Nabi Suleymaan warqada waxa uu ku qoray ( إنه من سليمان وإنه بسم الله الرحمن الرحيم ألا تعلوا علي وأتوني مسلمين ) (Waxay ka Timid Sulaymaan waxayna ku Billaabatay Magaca Eebaha Naxariis Guud iyo Mid Gaaraba Naxariista. Ee Hayska Kay waynaynina iina Imaadda Idinkoo Muslimiina.) Hudhudkii waa qaaday farriintii kuna tuuray qasrigii boqorada, kadibna waa sugay si uu u dhagaysto waxay sameeyaan. Boqoradii waxay tidhi; Kitaab wanaagsan ayaa laygu soo tuuray kana socda Suleymaan. Kadibna warkii ayey uga warantay ciidankeedii wayna la tashatay. Ugu danbeyn waxay isku raaceen inay Hadyad u diraan Suleymaan. Hudhudkii warkii ayuu maqlay waana duulay oo u warramay Nabi Suleymaan in hadyad ay u keenayaan. Nabi Suleymaan waxa uu diyaariyey ciidankiisii Jinka, Insiga iyo Shinbiraha ka koobnaa, isagoo sugaya waxay keenaan. Markay soo gaadheen golihii uu Nabi Suleymaan fadhiisan jiray ayey usoo bandhigeen hadyadii Boqorada, Nabi Suleymaan waa ka carooday arrinkan oo waxa uu yidhi; “Ma waxaad igu laaluushaysaan xoolo, waxa Eebahay isiiyey ayaa iiga khayr badan, Ee U celiya hadyadeeda waxaanan ula Imaanaynaa ciidan (Col) ayna iska dhicin karayn, waxaaanan ka Bixinaynaa Magaaladooda  ayagoo Dullaysan oo Ihaanaysan.” Kuwii hadyada siday waxay ku laabteen Boqoradii Balqiis ugana warrameen waxay arkeen ee ciidamadanka ka kooban Jinni, Insi iyo shinbiro. Markay Balqiis warkii dhuuxday ayey go’aansatay inay is dhiibto oo ay ayadu gaar’ahaan la kulanto Nabi Suleymaan. Markuu Nabi Suleymaan maqlay inay imanayaan ayuu ku dhahay ciidankiisii; “Yaa ii keenaya Carshigeeda ka hor intaanay imanin ayagoo Muslimiina?” Cifriit oo ahaa mid ka mid ah ciidankiisa ayaa dhahay; Aniga ayaa kuu keenaya intaanad ka kicin golahaaga. Nabi Suleymaana waxa uu lahaa gole uu fadhiisto subaxa ilaa galinka danbe si uu dadka ugu kala xukumo, markaasuu Nabi suleymaan waqtiga gaabsaday oo dhahay; “Yaa xilli intaa ka yar ku keenaya? Kii cilmiga lahaa ayaa yidhi; Aniga ayaa ku keenaya Ilbidhiqsi (Intaanad isha isku qaban). Markuu arkay Nabi Suleymaan carshigii oo hor yaala ayuu sujuuday oo Eebe mahadiyey. Ciidankiisii ayuu ka dalbaday inay carshiga badalaan, wayna badaleen. Markay boqoradii Balqiis timid ayuu Nabi Suleymaan waydiiyey Kaasi ma carshigaagiibaa? Balqiis intay fiirisay ayey kala garan wayday inuu keedii yahay iyo inuu yahay mid shabaha waxayna tidhi; Isagii ayaa la moodaa, Waa kalmad diblumaasiyadeed tii ugu sarreysay. Nabi Suleymaan waxa uu ku dhahahay Daarta gal waxayna mooday in daarta biyo wabi ah hoos dareerayaan markaasay maradii faydatay si ay uga talaabto biyaha, kolkaasuu Nabi Suleymaan ku dhahay; Biyaha waxa ka sarreeyaa waa Quraarad sugan. Markay aragtay nimcada Nabi Suleymaan ayey tidhi; Eeboow naftayda ayaan dulmiyey, waxaan la islaamay Suleymaan. Boqoradii Balqiis way islaamtay, waxaana islaamnimadeeda sabab u ahaa Hudhudka. 

WD: Abdulaziz Oogle