Qisadii Haaruut iyo Maaruut

Qisadan waxay ku saabsantahay Yahuudii deganayd magaalada Madiina ayaa maqashay in Nabigii Ilaahay ku tilmaamay  Suleymaan ibnu Daa’uud inuu ahaa Nabi. Yahuudu intay u tagtay Nabiga ayey ku dhaheen Suleymaan Nabi muusan ahayn ee Sixiroole ayuu ahaa, labada Malak ee Jibrii iyo Miikaa’iilna way necbaayeen oo way ka cadhoon jireen markay maqlaan magacooda ayagoo u tiirinayey inay ahaayeen labadii Malak ee dadka sixirka baray. Nabigii Ilaahay waxa lagu soo dajiyey Aayada 102 ee Suurada Baqara, oo tilmaamaysa in Nabi Suleymaan aanu ahayn sixriroole ee hantida iyo xoolahana Eebesiiyey oo ku manaystay. Aayada sharafta leh waxay kale oo tibaaxday in shayaadiintu dadka sixirka baraeen sidoo kale labada Malak ee Jibriil iyo Miikaa’iil bari ka yihiin been abuuradkan Yahuudu sheegatay. Yahuudu waxay aminsanaayaan in Suleymaana mulkiga ku helay sixir iyo fal ayagoo iska indho tiraya in Ilaahay kor ahaayee siiyey Nabi Suleymaan muliga. Geeridii Nabi Suleymaan kadib ayaa shayaadiintii u shaqayn jirtay Nabi Suleymaan soo saareen kitaab uu qori jiray nin la odhan jiray Aasif ibnu Barkhiya oo ahaa ninkii qori jiray waxyiga Nabi suleymaan. Kitaabkan oo ku duugnaa/aasnaa kursigii Nabi Suleymaan hoostiisa, markaasay shayaadiintii ku dartay hadalo sixir iyo shirki ah, kadibna dadka ku dhex faafiyeen in Nabi Suleymaan adeegsanjiray sixir iwm. Yahuuda oo ka tagtay diintii xaqa ahayd ee Nabi Muuse (N.N.K.H) kuna caanbaxday eedaynta iyo dhaleecaynta Nabiyadii Ilaahay ayaa been abuuradkaas wayn ka sheegay nabigii ilaahay ee Suleymaan (N.N.K.H). Hadaba maadaama ay arrintaasi ku dhex faaftay dadka dhexdooda waxa la faray laba shakhsi oo la dhaho Haaruut iyo Maaruut inay dadka baraan sixirka ayagoo dhahaya anagu fitno ayaan nahay kahor intaanay dadka barin, cidii naga barata sixirkana maalinta aakhiro nasiib kuma laha. Labadan shakhsi ee la dhaho Haaruut iyo Maaruut waa laysku khilaafay inay ahaayeen Malaa’ik ama Bani Aadam. Siday kastba ha ahaatee waxa ummadda dhexdeeda ku faaftay xadiis odhanaya labadan shakhsi waxay ahaayeen laba Malak oo shahwada bani Aadamka ee aduun jecaylka lagu imtixaamay, kadibna ay gabadh fitnaysay, oo markay macsidii ku dhaceen ayey u sheegeen magaca Ilaahay ee wayn kaas oo ay Malaa’iktu ku fuulaan samada sare. Gabadhii way qaadatay oo markay maraysay hawada sare ayaa la nasakhay oo ay isu badashay Meeraha Suhra ama Venus. Kadibna Malak ayaa lakala dooransiiyey in aduunka lagu cadaabo ama Aakhir, waxayna doorteen cadaabka aduunyada. Xadiiskan oo dadka dhexdooda ku faafay waa mid daciif ah oo culamadu daciifiyeen sanadkiisa iyo matnigiisaba. Si kastaba ha ahaatee Eebe waxa uu doonay in dadka lagu imtixaamo barashada sixirka iyo in hadii uu Suleymaan hantidiisu ahayd sixir iyo faal inay bal mulkigiisii oo kale la yimaadaan haday awoodaan. Yahuudii oo ogayd in cilmigani yahay sixir oo Ilaahay agtiisa xaaran ka yahay way barteen oo Aakhiro ayey dhaafsadeen waxa aan waxba u tarayn. Eebe (SW) waa cadeeyey in mulkiga Suleymaan aanu ahayn Sixir iyo faaltoona, ee cida gaalowday ee sixirka iyo falka adeegsatay ay ahaayeen Shayaadiinta. Labadan shakhsi waa Haaruut iyo Maaruut waxay ahaayeen Jinni ama Bani Aadam waa sida ay xaqiijiyeen culumada Ibnu Kathiir iyo Qurdubi. Sababtuna waxa weeye Malaa’ikta Ilaahay uma cuntanto inay dadka sixirka iyo gaalnimada baraan.  Eebe oo ka hadlaya Qisadana waxa uu leeyhaya. Baqara:102

وَاتَّبَعُوا مَا تَتْلُو الشَّيَاطِينُ عَلَى مُلْكِ سُلَيْمَانَ وَمَا كَفَرَ سُلَيْمَانُ وَلَكِنَّ الشَّيَاطِينَ كَفَرُوا يُعَلِّمُونَ النَّاسَ السِّحْرَ وَمَا أُنزِلَ عَلَى الْمَلَكَيْنِ بِبَابِلَ هَارُوتَ وَمَارُوتَ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنْ أَحَدٍ حَتَّى يَقُولا إِنَّمَا نَحْنُ فِتْنَةٌ فَلا تَكْفُرْ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنْهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِ بَيْنَ الْمَرْءِ وَزَوْجِهِ وَمَا هُمْ بِضَارِّينَ بِهِ مِنْ أَحَدٍ إِلا بِإِذْنِ اللَّهِ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمْ وَلا يَنفَعُهُمْ وَلَقَدْ عَلِمُوا لَمَنْ اشْتَرَاهُ مَا لَهُ فِي الآخِرَةِ مِنْ خَلَاقٍ وَلَبِئْسَ مَا شَرَوْا بِهِ أَنفُسَهُمْ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ} [البقرة: 102

{waxay raaceen Gaaladii Yuhuuddu waxay Shayaadiintu Akhriyeysay waqtigii xukukii Nabi Suleyman, ma Gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin Shayaadiinta ayaa Gaalowday, waxayna baraan Dadka Sixirka, iyo wixii lagu soo dajiyey labadii Malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay Fidnee ha Gaaloobin, waxayna ka bartaan xagooda wax kala kaxeeye Ninka iyo Haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebe la’aantiis, waxayna bartaan Dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan yey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan Aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana xun Sixirkay Naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin.}

WD: Abdulaziz Oogle