Qisadii Dadkii Daanyeerka Noqday

Koox ka mid Yahuuda oo deganaa magaalo xeeb ku taala oo algu sheegay inay tahay Eyla oo haystay diintii Nabi Muuse ayaa lagu imtixaamay inaanay kaluumaysan maalinta Sabtida oo ay cibaadaystaan oo kaliya. Yahuudii degenayd magaaladan ayaa Eebe ka dalbatay maalin ay cibaadaystaan oo aan wax shaqo ah aanay qaban. Kadibna Eebe waxa uu faray in maalinta sabtida ay cibaadaystaan oo aan loo ogolayn inay shaqaystaan ama kaluumaystaan, balse maalmaha kale oo dhan way shaqaysan karaan oo kaluumaysi tagi karaan. Ilaahay kor ahaaye waxa uu ku imtixaamay degmadan in kalluunku debada usoo baxo maalinta sabtida ee aan loo ogolayn inay kaluumaysataan hase ahaatee maalmaha kale waa lagu cidhiidhiyey ama kalluunku maba yimaadaba xeebta oo waa la waayaa.

Yahuudii deganayd magaalo xeebeedkan way u dul qaadan waayeen imtixaankii oo waxay bilaabeen in ay khiyaameeyaan Ilaahay. Maalinta jimcaha ah ee loo ogolyahay kalluumaysiga ayey xeebta dhigeen shabaaktii lagu dabayey kalluunka, habeenkiina way kaga seexdeen si kalluunku markuu yimaadu maalinta sabtida ay ugu hadhaan shabaga, waxa kale oo la yidhi godod ayey qodeen si kalluunka sabtida imanaya ay ugu reebaan. Markay arrintii u suurta gashay ayey dadkii deganaa magaaladan u qaybsameen sadex qaybood. Qolodii kalluumaysatay waxay tidhi; Anagu waxaan kalluumaysanay maalinta jimco oo naloo ogolyahay. Qolodii labaad oo ahaa kuwa fiican ee aan ilaahay caasiyin ayaa dhahay; Eebe waxa uu inaga xaaraantimeeye kaluunka maalinta sabtida, idinkuna kaluunkii sabtida ayaad kaluumaysateen, waa khiyaano cad ee joojiya macsida aad wadaan. Qolodii sadexaad ayaa u tagtay qoladii wanaagsanayd oo ku tidhi; Maxaad ka waaninaysaan qoom Ilaahay khiyaaneeyey oo Eebe cadho kusoo ridayo. Kuwani halkii ay dadka ka wacdin lahaayeen ayey kuwii wanaagsanaa ee xumaanta reebayey niyad jabiyeen.

Kuwii wanaagsanaa waxay dhaheen: Anaga waajibka na saaran ayaa ah inaan waanino dadka xumaanta falaya, haday doonaan ha dhagaytaan ama ha diidaan ee waajibkayaga ayaa ah inaan u nasteexayno cid kasta. Dadkii deganaa magaaladan ee aan ka qaybgalin kalluumaysiga xaaranta ah waxay xidheen guryahoodii oo ka fogaadeen xumaanta iyo xeelaada farsamaysan ee Yahuudaasi falayeen.

Maalintii danbe ayaa dadkii sabtida kalluumaystay ay isu badaleen Daanyeero, subxaanAllah. Kadibna waxay u tageen ehelkoodii ayagoo aan hadli karayn, markay ehelkoodii arkeen ayey canaanteen oo ku dhaheen miyaanan idinka reebin xumaanta iyo khiyaanada maalinta sabtida, daanyeeradiina waxay ruxeen madaxa oo dhaheen Haa.

Eebe waa ciqaabay kuwii ku xadgudbay maalintii sabtida, kuwii kale ee wanaagsanaana waa koryeelay oo ka badbaadiyey cadaabkii. Kuwii kale ee ayaguna aan xumaanta samayn laakiin aan cidna waanin ayagana waa laga aamusay. Waana laysku khilaafay in ayagana la badbaadiyey iyo in ayagana lala cadaabay kuwii falka xun ku kacay.

{وَاسْأَلْهُمْ عَنِ الْقَرْيَةِ الَّتِي كَانَتْ حَاضِرَةَ الْبَحْرِ إِذْ يَعْدُونَ فِي السَّبْتِ إِذْ تَأْتِيهِمْ حِيتَانُهُمْ يَوْمَ سَبْتِهِمْ شُرَّعًا وَيَوْمَ لَا يَسْبِتُونَ ۙ لَا تَأْتِيهِمْ ۚ كَذَٰلِكَ نَبْلُوهُم بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ}

{Waydii (Yuhuuda) Magaaladii Badda ku Dhawayd (Dadkeedii) markay Xadgudbayeen Sabtida, oo Kalluunkoodu u Imanayey Maalinta Sabtida ah isagoo Muuqda, Maalintaan Sabti ahaynna uma Timaaddo, saasaana ugu Imtixaanaa Faasiqnimadooda Darteed}.

Xigasho: Quraanka Kariimka.

WD: Abdulaziz Oogle