QISADII CAABIDKII JUREYJ:-

(Dhagayso ama Akhriso)

Jureyj waxa uu ahaa Nin Caabid reer banu israel ah, waxana ka warramay Nabiga (N.N.K.H), wuxuuna caan ku ahaa Alle ka cabsi iyo cibaado, waanu ka saahiday dunida oo waxa uu dhistay mawlac uu Eebe ku caabudo.

Maalin maalmaha ka mida Jureyj oo tukanaya ayaa hooyadii u yeertay kuna tidhi; Jureyjoow, Jureyjoow, Jureyjoow.

Jureyjna waxa uu kala doortay salaadiisa iyo maqalka hooyadii, waxaanu doortay inuu salaada sii wato, hooyadiina way iska baxday markuu wiilkeedii maqliwaayey, hadana maalintii xigtay ayey u yeertay wiilkeedii hadana jureyj salaadii ayuu sii watay. Maalintii sadexaad ayey Jureyj hooyadii u yeertay hadana Jureyj waxa uu go’aansaday inuu sii wato salaada, markaasbay hooyadii carootay oo habaartay wiilkeedii waxayna tidhi “Eeboow ha dilin Jureyj ilaa uu arko wajiyada naagaha xumaanta sameeya”.

Jureyj waa Nin Caabida oo dunida ka saahiday hase ahaatee khalada uu galay ayaa ahaa inuu hooyadii maqli waayey, hooyadiina waxay adeegsatay hubkii ugu cuslaa oo ahaa habaarka wiilkeeda inuu arko oo kaliya naagaha xumaanta sameeya ee jirkooda ka ganacsada.

Waxa maqlay cibaadada Jueyj Naag xumaanta sameysa oo jirkeeda ka ganacsata, kadibna waxay ku tidhi qoomkeedi Ninkaa caabidka ah aniga ayaa fitneynaya, oo waxaan ku fitnaynayaa quruxdayda iyo hadalkayga. Naagtii way u timid Jureyj waanay isu bandhigtay laakiin Jureyj waxa uu yidhi Ilaahbaan kaa magan galnay waanu ka jeestay.

Kadib intay u tagay Qoosaar u shaqaynayey Jureyj ayey nafteedii u bandhigtay markaasay uur u qaaday, markii ay umushay ayey ku tidhi Qoomkeedii cunugan waxa dhalay Jureyj.

Qoomkii oo caraysan ayaa yidhi ma wadaadka caabidka ah ayaa ka dhalay wiilkan, Naagtii waxay tidhi haa isaga ayaa dhalay wiilka oo wuu iga sinaystay. subxaanallah.

Dadkii oo kacsan ayaa yimid mawlacii Jureyj waxayna burburiyeen mawlicii Jureyj, kadibna way jir dileen, Jureyjna muusan fahmin waxa lagu jir dilayo waxaanu waydiiyey sidee wax u jiraan, waxay ku dhaheen khiyaanoole ayaad tahay, oo waliba been badan, Naagtan ayaad ka sinaysatay oo wiilkana adaa dhalay!

Jureyj waa yaabay oo waa u qaadan waayey, kadibna inta ay kaxeeyeen ayey suuqa sii mariyeen si loo dilo, balse intii uu jidka kusii jirey ayaa la sii mariyey guryaha Naagaha aan dhawrsanany ee jirkooda ka ganacsada, markaasuu arkay wajiyadoodii kadibna Jureyj waa dhoola cadeeyey oo waxa uu xasuustay habaarkii hooyadii ee ahaa “Eeboow ha dilin Jureyj ilaa uu arko wajiyada naagaha xumaanta sameeya”

Jureyj waxa uu waydiiyey Qoomkii intaan la dilin aawey wiilka aad leedihiin adaa dhalay, waxa la hor keenay wiilkii markaasuu gujiyey wiilkii oo ku yidhi wiilyahaw waa kuma aabaha, dadkuna way daawanayeen markaasuu cunugii yaraa hadlay oo tilmaamay aabihii waa Qoosarkii adhiga u raacayey Jureyj, dadkii oo dhan waxay ku jeesteen Ninkii, Jureyjna Eebe ayaa badbaadiyey oo kor yeelay.

Dadkii waxay usoo bandhigeen Jureyj inay Mawlac dahab ah u dhisaan balse waa diiday oo waxa uu dalbaday kii ay ka dumiyeen oo ka samaysnaa dhoobo.