Tusmo

Dhagayso, Akhriso ama Soo dajiso PDF

Degmo lagu tilmaamay inay ahayd Andaakiya ayaa waxa ka talinayey Boqor la odhan jiray (Indiikhsi ibnu Indiikhis) waxayna Dadka magaaladan caabudayeen Sanamyo Ilaahay qayrkii, kadibna Eebe ayaa usoo diray sadex Rasuul oo Ibnu Isxaaq ku magacaabay in magacyadoodu ahaayeen Saadiq, Saduuq iyo Shaluum dabadeedna qoomkii loo diray ayaa beeniyey oo ka gaaloobay diinta Xaqa ah ee Islaamka. Markii hore waxa loo diray deegaankan laba Rasuul kolkay beeniyeen ayuu Eebe ku xoojiyey Rasuul sadexaad waxayna ku dhaheen Qoomkanagiiyoow  idiinkaa naloo kiin soo diray. Gaaladii waxay tidhi; Eebe cidna muusan soo dirin ee been ayaad sheegaysaan, waanaan baasaysanay ee hadaydaan joojin waxaad wadaan waan idiin dhagxayn oo idiin cadaabi. Rusushii Eebe waxay ku tidhi; Oo baasaysigiinu miyuu idinla jiri hadii laydin waaniyo, saas maahe qoom xadgudbaya ayaad tihiin.

Markay qoomani ka hor yimaadeen Rusushii loo soo diray ayaa warka waxa uu gaadhay Nin la dhaho Xabiib Al-Najaar oo waa hore xanuunka barasku ku dhacay kadibna Ilaahay ka dul qaaday, wuxuuna ahaa Nin aad u sadaqo badan dabadeedna meesha ugu fog magaalada ayuu kasoo orday si uu qoomkiisa dacwada ugu yeedho. Markuu yimid ayuu ku dhahay Qoomkaygow Raaca oo Rumeeya Rususha Eebe, raaca cid aan lacag iyo mushahar toona idiin waydiisanayn. Markuu Dacwadii gaadhsiiyey qoomkiisa ayuu cadeeyey isagu inuu raacsanyahay Rususha Eebe, uuna caabudayo Ilaahii abuuray isagoon cidna cibaadadiisa la wadaajinayn. Qoomkiisii markay arkeen xujada Ninka Mu’minka ah ayey go’aansadeen dilkiisa, wayna ku tunteen oo haraati iyo laad ayey naftu kaga baxday. Waxa la sheegaa siday ugu tumanayeen in mindhiciirkiisa debada usoo baxay. Marka naftiisii la oofsaday ayuu la kulmay Allah waxaana lagu yidhi; “Gal Jannada” Isna waxa uu yidhi; Waar shallaytadaydee muu ogaado qoomkaygu waxa Allah igu abaal mariyey.

Qoomkani markay dileen Ninkaas Mu’minka ahaa ayaa Eebe cadaabay oo waxa loo soo diray Malak Jibriil oo intuu istaagay kadinka magaaladoodii ayuu ku dhawaaqay wayna dantay magaaladii oo way wada dhinteen hal mar.

Qisadan cibrooyin badan ayaan ka faa’idaynaa, Ninkan daaciga ahaa ee Ilaahay dartii ugu yeedhay qoomkiisa maysan hakinin in shaqadan ay hayaan rusulo ee meeshii ugu fogeyd ee uu deganaa ayuu ksoo orday isagoo hamigiisu yahay inuu u nasteexeeyo qoomkiisa. Waxa cajiiba xitaa markii uu dhintay ayuu ka shalaytoomay in qoomkiisii aanay raacin wadada xaqa ah. Sidaa awgeed Culumadu waxay dhahaan ninkan Xabiib Najaar Ilaahay raali haka ahaadee inuu dacwada qoomkiisa gaadhsiiyey isagoo nool iyo isagoo geeriyoodayba.

Xigasho:

Kitaabka Bidaaya ee Ibnu Kathiir, Tafsiirka Quranka Kariimka.

Soo Diyaariyey: Abdulaziz Oogle