Qaaruun waxa uu ka mid ahaa qoomkii Nabi Muuse (N.N.K.H), waxa la dhahaa Qaaruun waa wiil uu dhalay Nabi Muuse adeerkii, markaas waxay isu ahaayeen ilmo adeer. Qaaruun waxa lagu magacaabi jiray Nuur maadaama uu codka uu ku akhriyo kitaabka Tawraadka uu aad u fiicnaa, laakiin cadawga Ilaahay waa ridoobay siduu u ridoobay Saamiriba. Qaaruun Ilaahay waxa uu ku manaystay xoolo iyo hanti badan oo ay khasnadihii ka buuxsameen ilaa laga qaadi kari waayey furaha khasnadihiisa. Qoomkiisa waxa uu ku dhex noolaa nolosha boqorada kibray, isagoo ku labista maryaha ugu wanaagsan, fuulana fardaha iyo baqlaha ugu qurxoon isagoo kibir iyo isla wayni ka muuqato, cadawga Ilaahay waxa u adeegi jiray adoomo iyo jaariyado isagoo ku raaxaysanaya nolosha aduunyo ee dhamaanaysa.

Qaaruun Ilaahay muusan mahadin, balse waa ka gaaloobay oo is kibriyey, naftiisana wayneeyey isagoo ku faanaya xoolaha Eebe siiyey iyo khasnadaha u buuxa. Dadkii wanaagsanaa ee Ehelkiisa ahaa way u nasteexeeyeen sida Nabi Muuse waxayna ku dhaheen; “Qaaruunow ha farxin, Eebe ma jecla kuwa xoolahooda ku faraxsane, waxa Eebe ku siiyeyna kaga cabso daarta Aakhiro, hana halmaamin nasiibkaaga Aduunyo”. Laakiin cadawga Ilaahay muusan waano qaadanin ee wuxuu isu nisbeeyey in xoolaha uu ku helay cilmi iyo karti uu dadka dheeryahay iyo in Ilaahay isaga jecelyahay sidaa darteedna la siiyey xoolahan iyo hantidan abaal gud awgeed. Qaaruun waxa uu diiday inuu bixiyo sakada xoolihiisa isagoo ka bakhaylay in uu dar Ilaahay u bixiyo hantidiisa.

Waxa lasoo arooriyaa in Qaaruun uu lacag siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata si ay Nabi Muuse oo fadhiya gole dadka oo dhan joogaan ay ugu tidhaahdo Muuse ayaa i fara xumeeyey Ilaahaybaan ka magan galnay. Gabdhii intay u timid Nabi Muuse ayey hadalkii beenta ahaa ku dhawaaqday kadibna Nabi Muuse Ilaahay ayuu baryey waxaanu dhaariyey gabdhii oo waydiiyey cida ku kaliftay inay ka been abuurato. Gabadhii way tawbad keentay oo danbi dhaaf ayey dalbatay kadibna waxay Nabi Muuse u  sheegtay in Qaaruun lacag siiyey oo ku kalifay inay ka been abuurto. Nabi Muuse (N.N.K.H) wuxuu u sujuuday Eebe (S.W) kana dalbadey in dulmiga Qaaruun uu uga gargaaro.

Maalintii danbe ayuu Qaaruun soo baxay isgoo isku qurxiyey dahab iyo macdano qaaliya, sidoo kale ciidankii u adeegayey ayuu soo hogaamiyey isagoo wata fardo iyo baqlo lagu dheehay jawharado iyo dahab. Dadkii deganaa magaaladuna way soo baxeen ayagoo daawanaya hantida Qaaruun, ilaa ay dadka qaar ay hamiyeen booskiisa oo kale ayna isku dhaheen; Qaaruun nasiibkiisa ayaa wanaagsan. Dadkii Mu’miniita ahaa ayaa ku dhahay kuwii naftoodu raacday hantida iyo xoolaha Qaaruun inaany ku kadmin nolosha aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda.

Waxa la sheegaa in Qaaruun soo maray Nabi Muuse oo ku dhahay; Muusow adiga hadii Nabinimo lagu siiyey aniga waxa la isiiyey hanti iyo xoolo, hadaad rabtidna i habaar aniguna waan ku habaaryaa. Qaaruun cadawgii Ilaahay waa habaaray Nabi Muuse balse laga aqbalin ducadiisa, markuu habaarkii dhameeyey ayuu nabi Muuse ku dhahay; Miyaan ku habaara? Waxa uu yidhi; “Haa”. Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu dhahay ;”Ilaahayow ii ogolow maanta amarka dhulka, kadibna waxa loo waxyooday in loo ogolyahay inuu dhulka amri karo, markaasuu nabi Muuse dhahay; “Dhulkoow liq Qaaruun iyo xoolihiisa iyo hantidiisaba”. Dhulkiina waa liqay Qaaruun iyo hantidiisiiba. Qaaruun cadawgii Ilaahay dhulka ayaa la go’ay isaga iyo hantidiisiiba. Sidaasbaana Eebe uga aargoostay gaalnimadii Qaaruun.

Xigasho: Quraanka Kariimka, Bidaayah Ibnu Kathiir.

WD: Abdulaziz Oogle