Magaca Ilaahaybaan ku bilaabaynaa, mahaduna isaga ayey u sugnaatay waxaan kale oon ku sallinaynaa nabigeena Muxamed (N.N.K.H). Intaa kadib waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka Asalaama calykum wa raxmatullahi wa barakaatuhu.

Walaalayaal waxaynu ognahay in Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar ibnu Khadaab ahaa nin daryeela dadka muslimiinta ah ee uu ka masuulka yahay, waxaanu ahaa mid waardiyeeya habeenkii si uu ula socdo hawlahooda iyo baahiyooyinkooda.

Habeen kamida habeenadaas isagoo Cumar maraya jidadka magaalada Madiina ayuu wuxuu maqlay gabadh geeraaraysa oo tirinaysa maanso jacayl ah oo ay u qaadayso nin la dhahay waa ninka ugu qurxoon magaalada Madiina, waxayna tidhi:

هل من سبيل الي خمر فاشربها  ام هل سبيل الي نصر ابن حجاج

Ma jiraa Wado aan u maro khamri aan cabo  ama majiraa wado aan u maro Nasri ibnu Xajaaj

Cumar ibnu Khadaab markuu geeraarkan maqlay ayuu yaabay sideebay u dhici kartaa in gabadh dagan magaaladii Rasuulka (N.N.K.H) ay gurigeeda ku hamiso cabida Khamriga iyo xidhiidhka ninkan Nasri ibnu Xajaaj!!

Subaxii markay gaadhay ayaa Cumar baadi doonay ninka la dhaho Nasri ibnu Xajaaj Al-Sulami kadibna waa la keenay, mise wiilkani waa ninka ugu qurxoon raga!! Wajigiisu wuu dhalaalayaa wuxuu leeyahay timo aad u qurxoon iyo indho waaweyn.

Cumar wuxuu yidhi; Adiga weeye saw maaha ninka ay haweenka Madiini ku hadaaqaan guryahooda? Cajiib, wuxuu faray in timaha laga xiiro. Timihii kolkii laga xiiray waxa soo hadhay madax wayn ood moodo sida Dayaxa!!

Cumar waa yaabay wiilkiiba sidii hore waa kasii qurux batay markaasuu faray inuu cimaamad madaxa ku duubto dabadeedna waa ku duubay cimaamadii hadan quruxdiisii way kasii dartay oo wiil indho waaweyn ayuu noqday.

Cumar wuxuu ka cabsaday in ninkan dumarka magaalada Madiina jooga ay ku fitnoobaan markaasuu ku dhahay; aniga ilama daganaanayo nin haweenku ay ku heesaan magiciisa magaalada Madiina. Wiilkii waa yaabay oo wuxuu dhahay; amiirkii mu’miniintoow maxaan sameeyey ee aad iiga eryaysaa magaalada Madiina oon kusoo barbaaray!! ; Wuxuu yidhi Cumar; Aniga cid fitno ku ah haweenka muslimka uma ogolaanayo inuu ila daganaado Madiina.

Kadibna waa diray oo wuxuu siiyey saadkiisii iyo wuxuu u baahnaa, waqtigaasna dawlada Islaamku waxay qofkasta oo muslima siin jirtay biil ku filan nolol maalmeedkiisa.

Markay sheekadii maqashay gabadhii ku heesaysay magaca Nasri ibnu Xajaaj ayey tirisay gabay kale oo macnihiisu ahaa Imaamkii hanuunkoow anigu waxaan ahay gabadh dhawrsoon waxaanan hawadaydii ku xidhay Alle ka cabsi, sidoo kalena aniga iyo qoyskaygaba waxaan wanaag ahayn naluguma sheegayn.

Cumar dadkii ayuu waydiiyey warka gabadhaas markaasaa loo sheegay inay tahay gabadh dhawrsoon oo aan aqoonin xumaanta iyo cabida khamriga toona, markaasuu Cumar 0oyey oo gabadhaas u cudurdaaray.

Ninkii Nasri ibnu Xajaaj waa baxay wuxuu tagay magaalada Basra kadibna wuxuu ku dagay nin la dhaho Mushaajic ibnu Mascuud oo kusii sime u ahaa Abumuusa Al-ashcari magaalada Basra.

Ninkan Mushaajicna wuxuu lahaa xaas qurxoon kolkaasbuu soo galay Nasri gurigii Mushaajic kadibna Nasri ayaa dhulka ku xariiqay qoraal markaasay haweenaydii Mushaajic tidhi; anigana sidoo kale. Mushaajic wuxuu ahaa nin aan waxna qorin waxna akhriyin balse wuu fahmay in meeshan ay jirto jawaab lays dhaafsaday dabadeedna wuxuu u yeedhay cid taqaana akhrinta qoraalka markaasay ku dhaheen waxa dhulka ku qoran sidan; waan ku jeclahay jacaylkaasina haduu kaa sarreeyo wuu ku hadhin lahaa haduu kaa hooseeyana wuu ku qaadi lahaa!!

Ninkii Nasri oo jooga gurigiisii ayaa loo sheegay in Mushaajic warkiisii helay kadibna waa xanuustay ninkii Nasri oo aadbuu u dhibaatooday.

mudo markuu maqnaa ayuu soo diray warqad uu ku leeyahay; amiirkii mu’miniintoow ii ogolow aan ku soo laabto magaalada madiina, gabadhii magacayga ku heesaysana waxay ahayd gabadh dhawrsoon ee qurbahan ayaa i dhibay ee i cafi!! Cumar warqadii Nasri waa ka biyo diiday.

Maalin danbe Cumar oo kusii socda masaajidka xilligii u dhaxaysay aadaanka iyo qiimida ayaa waxa ka hor yimid gabadh calaacalaysa oo leh; amiirkii mu’miniintoow waxaan ku qabsanayaa maalinta qayaame!! maxaad u eriday wiilkaygii Nasri halka wiilashaadii Cabdilaahi iyo Caasim ay kula joogaan anigana wiilkaygii waxa noo kala dhaxaysa buuro iyo dhul aad u wayn!1 Cumar wuxuu dhahay; aniga wiilashayda dumarku maysan hamiyin kumanaysa geeraarin!!

Ninkii Nasri isagoo jooga ayaa waxa yimid Basra Abumuusa Al-ashcari markaasuu ku dhahay; saw adiga maaha ninka uu soo caydhiyey amiirka mu’miniinta? Ka bax magaalada Basra!! Nasri waa bxay wuxuu iska tagay dhulka Faaris laakiin halkaana kumuu waarin ee waxa kasoo eryey waaligii haystay ee Cusmaan ibnu Abilcaas wuxuuna yidhi; Cumar ibnu Khadaab iyo Abumuusa waxaan shar ahayn kuumaysoo eryin!! Nasri wuxuu dhahay; hadaad i saartaan gaaladaan u tagayaa! Kadibna warqad ayuu Cusmaan usoo diray Abumuuse halka Abumuusana uu warqda uga soo diray Cumar ibnu Khadaab wuxuuna dhahay Cumar: timaha ka xiira, maryahana ka badala kuna haya masaajidka.

Habeen kale Cumar oo soconaya wadooyinka ayaa Dumar ayaa is waydiiyey; yaa magaalada Madiina ugu qurxoon? midbaa tidhi; waxa ugu qurxoon Abudi’bi. Cumar subaxii ayaa baadi doonay ninkii Abudibi, mise isaguna waa nin aad u qurxoon oo ay ilmo adeer yihiin Nasri ibnu Xajaaj!! Cumar wuxuu dhahay; Haa, adiga weeye ninka ku haysta magaalada ee kabax madiina. Abudibi wuxuu yidhi; Amiirkii Muminiintoow hadaad i saaraysida waxaad ii dirtaa meeshaad u dirtay inaadeerkay.

Qisooyinkan waxaynu ka faa’idaynaa Cibrooyin farabadan:

  • Dadka qaar ayaa odhanaya wuxuu Cumar kasoo horjeeday xoriyada shakhsiga laakiin waxa dadkaasi aanay aqoon u lahayn sida looga hortago fitnada iyo dhibka ay bulshada ku leedahay.
  • Wiilkan Nasri wuxuu ahaa nin u gala guryaha haweenka aan maxramkiisa ahayn wuxuuna ahaa nin qurux badan bal qiyaas markaa miyaanay meeshaas halis badan jirin? Dabcanaa haa, waxaana waajib ku ah ruuxa hogaamiyaha u ah dadka muslimka inuu soo faragaliyo arrintaas walow haba ahaato xorriyadiisa gaar ahe.
  • Cumar ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ahaa nin meel dheer wax ka eegaya kuna arkaya wax nuurka ilaahay bal u fiirso siduu u fahmay in meeshan dhib ay kasoo food leedahay.
  • Cumar waa ninkii sidoo kale gooyey gaadii Ridwaan ee saxaabada Ilaahay kaga raalida noqday kadib markuu arkay dadkii muslimiintoo waynaynaya kadibna waa gooyey si aanay hadhow mustaqbalka dadku geedkan aanay u caabudin.

Waxa diyaariyey oo soo jeedinaya Sh. Abdulaziz Oogle.

Xigasho: Kitaabka Taariikhda Dimishiq ee Ibnu Casaakir Mujaladka 62 aad ee boga 20 aad.