Bismillahi, walaalayaal hada kahor waxaynu ka waran haween fiican oo ku daysho mudan hase ahaatee waxa laga maarmaan noqotay inaynu soo qaadano sidoo kale qisooyinka haweenka astaanta u ah gaalnimada iyo munaafiqnimada.

Walaalayaal waxaynu ognahay oon ka dharagsanahay in aanay cidina xanbaarayn danbigaaga iyo macsida aad gashay haba ahaado cida kuugu dhow inay yihiin dad aad u saalixiina. Hadii qaraabo wanaagsan aakhiro wax tarayso kuwan ayey wax tari lahayd, waa xaaskii nabi Nuux iyo xaaskii Nabi Luud.

Wuxuu Allah labada haweena uga dhigay tusaale dumarka ragoodu wanaagssanyihiin iyo raga dumarkoodu khayrka badan yihiin, ilaahay wuxuu dhahay sidan:

ضَرَبَ اللَّـهُ مَثَلًا لِّلَّذِينَ كَفَرُوا امْرَأَتَ نُوحٍ وَامْرَأَتَ لُوطٍ ۖ كَانَتَا تَحْتَ عَبْدَيْنِ مِنْ عِبَادِنَا صَالِحَيْنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمْ يُغْنِيَا عَنْهُمَا مِنَ اللَّـهِ شَيْئًا وَقِيلَ ادْخُلَا النَّارَ مَعَ الدَّاخِلِينَ ﴿١٠

Rabi wuxuu tusaale uga dhigay kuwa Gaaloobay Haweenaydii Nabi Nuux iyo Nabi Luud, waxay hoos joogeen (qabay) Laba Addoon oo kamida adoomada wanaagsan, markaasay khiyaameen Nabiyadaas waxbana ugamaaysan tarin Ilaahay agtiisa, waxaana loo dhihi Labadaas haweenay la gala naarta kuwa gelaya.

Xaaskii Nabi Nuux waxa la dhihi jiray Waahila, waxayna ahayd gabadh gaalad ah oo ku tilmaami jirta odaygeeda inuu waalan yahay, waxayna dadka soo muslima ee tamarta yar u sheegi jirtay gaalada madaxdooda kadibna way dhibi jireen. Dabcan markuu Ilaahay leeyahay way khiyaamaysay ninkeedii macnuhu maaha inay Gogol dhaaf la timid ee waxa looga jeedaa khiyaanada diinta oo ah inay gaalad ahayd sidoo kalena nabigii Ilaahay ee Nuuxna ay aflagaadaynjirtay, sirtiisana ay uga warami jirtay dadka gaaleed ee qoomkeeda ah.

Nabi Nuux (N.N.K.H) wuxuu qoomkiisa ugu yeedhayey diinta Islaamka 95o sanadood, waxaan dhici karta in haweenaydiisaasina ay intaas oo sanadood ay wada noolaayeen, oo cunto wada cunayeen oo xidhiidh reernimo dhex marayey hadana wax ay ku qaadatay malaha, maalinta aakhirana cid wax u qaban karaysa ma jirto iyo cid u gargaaraysa toona. Aduunyada waxa lala halaagay qoomkii nabi nuux ee lagu qarqiyey biyaha.

Dhanka kale haweenaydii Nabi Luud waxa la dhahaa magaceedu wuxuu ahaa Waahilah, ayaduna waxay ahayd gabadh gaalad ah oo ninkeeda sirtiisa ayey ka kashifi jirtay, hadii cid marti ah ay u timaado way ordi jirtay oo waxay u sheegi jirtay qoomkeedii yaqaanay xumaanta, waxa la dhahaa hadii martidu ay timaado goor maalin waxay shidi jirtay qiiq, habeenkiina dab ayey shidi jirtay si ay u ogaysiiyo dadkeeda in marti la joogto nabi Luud (N.N.K.H). Íslaantan dhawr jeer ayuu Ilaahay quraankiisa kaga warramay in la ciqaabayo.

Markay Malaa’iktii Rabi u yimaadeen nabi Luud ayey isku soo shabaheen dhalinyaro qurxoon, markaasay marti u noqdeen Nabi Luud balse habartii afka laga falay ee ahayd Cajuuzatulqaabiriinta ayaa warkii dhalinta u sheegtay qoomkeedii. Dadkii kolkay maqleen in dhalinyaro cusub timid magaalada oo uu hooyey Nabi Luud ayey isasoo tubeen gurigii nabi Luud ayagoo leh; noo soo saara dhalinta yar!! Wuxu Nabi Luud; waar nin caqli leh miyaanu idinku jirin, hadaad galmo rabtaan waxaad u qasdidaan haweenka!!

Qoomkii Nabi Luud ood mood inay sarkhaansanyohiin ayaa kusoo qamaamay gurigiisii, markaasuu Malakul Jibriil u baxay oo mid kamid ah baalkiisa ayuu ku indho tiray dhamaan intii joogtay meeshaas. Kadibna sadexdii Malak oo kala ahaa Jibriil, Israafiil iyo Miikaa’iil ayaa ku dhahay Nabi luud; Kuwani kuma soo gaadhayaan, ballankooduna waa barrito, barritona way dhowdahay.

Habeenkii ayey baxeen Nabi Luud iyo labadiisii hablood ee uu dhalay, waxaana tabtay in Nabi Luud iyo labad gabdhood baxayaan duqdii xaaska u ahayd nabi Luud, wayna kadabo baxday balse waxa asibay wixii asiibay qoomkii kale.

Subaxii waxa ku dhacay cadaabkii waxaana sare loo qaaday magaaladii ayadoo dhulka laga rujiyey oo la geeyey samada, codkii iyo baroortoodii waxa maqlay malaa’iktii samada joogtay kadibna waxa lagu soo tuuray dhagxaan ay ku qorantahay magacyad mujrimiinta  (danbiile) oo mid kasta oo ka mida haleeshay.

Kadib waxa la hoos mariyey dhulka, oo waxa saro maray dhulka qaybtii hoosaysay, dabadeedna roob ayaa Eebe korka kaga keenay sidaasbaanay ku noqotay tuuladii ay daganaayeen bad dhimatay.

Qisada labadaas haweena waxa tusaale nool ay u yihiin dhamaan dumarka dhibka ku haya ragooda iyo nimanka dhibka ku haya haweenka ay qabaan. Ilaahay wuxuu ugu hoga tusaaleeyey haweenkii Nabiga sida Caasha iyo Xafsa oo lagu lahaa; hadaydaan xaqa ku taagnaan, waxba idiinma tarayo la jooga aad la joogtaan Nabi Muxamed sidoo kalena Ilaahay tusaale kale ayuu siiyey oo ahaa labadii gabdhood ee wanaagsanaa Aasiya bintu Muzaaxim iyo Maryama bintu Cimraan.