Qisadii Khadiija bintu Khuweylid (Hooyadii Mu’miniinta)

Dhagayso ama Akhriso

Nasabkeedii iyo Qoyskeedii:-

Magaceedu waa Khadiija bintu Khuweylid ibnu Cabdilcuza ibnu ibnu Qusay ibnu Kilaab ibnu Murrah ibnu Kacab ibnu Lu’ayy ibnu Qaalib ibnu Fihir (Qureysh). Waa gabadh Qureeshiyad ah oo Nabiga (N.N.K.H) waxay ku kulmaan Awoowgiisa Afaraad waa Qusay Ibnu Kilaab.

  • Aabaheed waa Khuweylid ibnu Asad, waxa uu ahaa mid ka mid Madaxdii Reer Qureesheed, waxa la dhahaa waxa uu ka mid ahaa wafdi ay Qureesh u direen Yemen, si ay ugu tahniyadeeyaan Sayd ibnu Dii Yazizn markuu ka adkaaday Xabashidii qabsatay dhulka Yemen.
  • Hooyadeed waa Faadima bintu Saa’ida ibnu Al-asam ibnu Rawaaxa ibnu Xajar ibnu Cabdi bin Maciis ibnu Caamir ibnu Lu’ayy ibnu Qaalib ibnu Fihir(Qureysh). Ayaydeedna waa Haala bintu Cabdimanaaf.
  • Adeerkeed waa Camru ibnu Cabdi Al-asad, waxaanu madax u noqday Qoyskiisa kadib markii Khadiija Aabaheed dhintay.
  • Walaasheed Haala bintu Khuweylid oo dhashay Abulcaas ibnu Arr-rabiica kaasoo guursaday gabadhii uu Nabigu dhalay Saynab bintu Muxamed (I.R.H).
  • Walaaladeed caruurtoodii waxa ka mid ahaa, Xakiim ibnu Xizaam iyo Zubeyr ibnu Cawwaam (Xawaarigii Rasuulka, Ilaahay raali haka ahaadee). Inaadeerkeed waa Waraqa ibnu Noofal.

Khadiija waxay ku dhalatay magaalada Makkah shan iyo toban sano kahor dhalashadii Nabi Muxamed (N.N.K.H). xilligaas oo lagu qiyaaso inay ahayd 556 miilaadiga, waxay kusoo kortay kuna barbaartay guri sharaf iyo karaamo lahaa, waxaana lagu naanaysaa Daahirah (Gabadhii Nadiifta ahayd) waana Islaamka ka hor[1].

Guurkeedii Nabiga kahor:-

Khadiija (I.R.H) Isla markay qaangaartayba waxay noqotay gabadh qurux, caqli, sharaf iyo nasab wanaag lagu majeerto, waxaana guursaday Abu Haala ibnu Zuraara, waxayna la noolayd mudo aan sidaa u dheerayn, waxayna u dhashay laba wiil  waa Hindi iyo Haala, kadibna waa geeriyooday, isagoo uga dhintay xoolo badan. Kadibna waxay guursatay Catiiq ibnu Caa’id Al-Makhsuumiy balse guurkanina muusan sii raagin ee way kala tageen, waxa kale oo la yidhi wuu ka dhintay waxayna u dhashay gabadh kaliya oo la dhaha Hinda bintu Catiiq [2].

Ganacsigii Khadiija (I.R.H)

Khadiija Ilaahay raali haka ahaadee waxay Raga u diri jirtay inay ka baayacmushtareeyaan xoolaheed, waxayna ku dadaali jirtay had iyo jeer cidda ay dooranayso si uu usoo tijaareeyo xoolaheeda inuu ahaado ruux aqoon iyo karti u leh ganacsiga sidoo kalena aamin ah oo aan khiyaano iyo wax is daba marin kula kacayn xoolaheeda.

Khadiija (I.R.H) waxay maqashay in Muxamed (N.N.K.H) oo loogu yeedho (Saadiq Al-amiin) Run badanaha aaminka ah, iyo inuu akhlaaq aad u sareysa leeyahay kadibna waxay doontay inay xoolaheeda ku aaminto oo ay shaqaalaysiiso si uu ugasoo baayacmushtareeyo xoolaheeda dhulka Shaam. Sababta keentay inay Nabiga warkiisa la socotay waxa lagu tilmaamaa inay maalin ayadoo la joogta haween kale oo reer Makkah ahaa ayaa waxa kasoo hor baxay Nin ku dhawaaqay ”Dumaroow, waxa deegaankiina kasoo baxaya Nabi loogu yeedhi doono Axmed oo loo soo dhiibi doono Risaalada Ilaahay, ee tiina awoodikarta inay xaas u noqotaay sameeya arrinkaas”[3] Sidaas darteed Nabi Muxamed ayey u yeedhay kuna dhahday ” Waxaan kusiinayaa laban laabka ujrada/mushaharka aan siiyo Ragga kale ee xoolan qaad oo kasoo ganacso” waxayna ku dartay wiil yar oo u adeegi jiray Khadiija lana dhaho Maysara, wiilkanna waxay kula dardaarantay inaanu ku caasiyin amarkiisa, sidoo kalena uu uga warkeeno arrinka Nabi Muxamed (N.N.K.H).

Nabigu waa la baxay xoolihii Khadiija isagoo ku wajahan dhulka Shaam, balse markuu gaadhay Busra, ayuu Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) fadhiistay geed, kadibna Nin raahib ahaa oo la odhan jiray Nisduur ayaa dhahay: ”Geedaas cid aan Nabi ahayni ma fadhiisato, markaasuu ku dhahay wiilkii Khadiiji soo raacisay Nabiga ee Maysara : Indhihiisa wax guduudan/casaan ah ma leeyihiin? Maysara waxa uu dhahay: Haa. Raahibkii waxa uu yidhi: Isagu waa Nabigii ugu danbeeyey, waxaana ka helaynaa sifooyinkiisa kutubtayada.

Kadibna Nabigu waxa uu iibiyey badeecadiisii, markaasu Nin ku dhahay ku dhaaro Laata iyo Cuza, kolkaasu Nabigu dhahay: Kuma dhaaranayo waligood, kadibna waa iska dhaafay Ninkii.

Intii uu Nabigu ku gudo jiray safarka waxa Maysara arkey mucjisooyin, markay cadceedu kululaato waxa Nabiga hadhinayey Malaa’ik, waxaanad moodaa in Ilaahay qalbigii Maysara ku tuuray jacaylka Nabiga, oo wuxuu ugu adeegay sidii adoonkiisa oo kale. Nabigu waa kasoo laabtay dhulka Shaam, ayagoo faa’ido badan soo hooyey, isla markuu Makkah soo gaadhayba waxa uu la kulmay Khadiija waxayna aragtay amaanadii Nabiga iyo faa’idada badan, wayna ku faraxday oo muudsootay. Maysara waa wiilkii ay Khadiija ku dartay Nabi Muxamed (N.N.K.H) ayaa uga warramay wixii uu arkay intuu safarka kula jiray Nabi Muxamed iyo hadalkii ninkii Raahibka ahaa dhahay.[4]

Guurkii Khadiija iyo Rasuulka.

Khadiija (I.R.H) waxay bilowdey inay ka fakarto warkii uu Maysara uga warramay iyo qaabka amaanadu ku dheehantahay ee Nabigu ugusoo gacan galiyey xoolaheedii oo ay si weyn uga faa’iday, kadibna warkan ayey u sheegtay saaxibadeed Nafiisa ibnu Umayyah waxayna ku tidhi: ”Nafiisoy! Muxamed waxaan ku arkay waxaanan ku arkin raga kale, waa run badane aamin ah, waana mid u dhashy sharaf iyo karaamo, waxaana u sugnaan doona arrin wayn, waxaana ka maqlay wiilakayga Maysara arrimo cajiiba oo uu arkay intuu safarka kula jiray, waanan arkay wax hadheynaya markuu kasoo galay safarkii iyo warkii ninka Raahibka ahaa ee Maysara iiga warramay, waxaan hubaa inuu noqonayo Nabiga Ummadan” Markaasay Nafiisa tidhi; ii ogolow, anigaa soo dhamaynaya arrinka. Waxa kale oo la dhahaa Khadiija ayaa cid u dirtay oo ku tidhi Nabiga; Wiilkaan ilmaadeerka ahaynow, waad i cajab galisay, qaraabada aynu wadaagno darteed iyo amaanada aad ku leedahay qoomkaaga, kadibna nafteeda ayey u bandhigtay inuu guursado.

Nabigu (N.N.K.H) waa ogalaaday inuu guursado Khadiija, markaasuu u tagay Adeeradii Abudaalib, Xamse iyo Cabbaas wayna soo dhoweeyeen oo waxay Khadiija ka dooneen Adeerkeed waana laysu maheriyey.

Waxa la dhahaa Abu Daalib ayaa ka hadlay goobtii lagu bixinayey Khadiija (Hooyada Mu’miniinta) waxaanu yidhi: Mahad waxay u sugnaatay Ilaahay, kaasoo naga yeelay durriyadii Nabi Ibraahim iyo caruurtii Ismaaciil, nagana sii yeelay reer Macad, nagana dhigay reer Mudar, nagana yeelay kuwii u adeegayey Baytkiisa Xaramka iyo kuwii quudinayey dadka usoo xaj tagaya Makkah, naguna deeqay balad aamin ah, Wiilkan aan adeerka u ahay ee Muxamed ibnu Cabdilaah cid u dhiganta reer Qureesh ma jirto xagga sharfta, amaanada iyo karaamaba, hadii aanu iminka waxba haynina hadda xooluhu waa kuwo marna yimaada marna taga, maanta aday kula jiraysaa, barrina hebel iyo hebel, markaasu noqonayaa Qani iyo Faqiirba, intaa kadib Ilaahbaan ku dhaartee waxa u sugnaanaya arrin wayn, waxaanu idinka soo doonay Khadiija bintu khuweylid, ayaduna sidoo kale way doonaysaa ee wixii kharash ah aniga korkayguu saaranyahay.

Kadibna Khadiija adeerkeed ayaa dhahay: Marag ahaada reer Qureesheedow, waan isu guurinay Muxamed ibnu Cabdilaahi iyo Khadiija bintu Khuweylid. Sidaas baanu ku dhammaaday arooskii iyo guurkii Nabiga iyo Khadiija Ilaahay raali haka ahaadee. Nabiguna marti qaad ayuu fidiyey , oo waxa la dhahaa waxa la gawracay hal ama laba halaad, waxaana kasoo qaybgalay xafladan reer Qureesh iyo madaxdii reer Mudar. Xilligaasna waxay ku beegnayd laba bilood kadib markii uu Nabigu kasoo laabtay safarkii ganacsi ee dhulka Shaam, waxaanu Khadiiija ka bixiyey 20 halaad. Khadiija cimrigeedu waxa uu ahaa 40 sano jir halka Nabiga da’diisu ay ahayd 25 sano jir.

Khadiija (Hooyada Mu’iminiinta) waxay la noolayd Nabiga (N.N.K.H) shan iyo toban sano soo diristii Rasuulka ka hor, ayadoo si waafiya oo wanaagsan u daryeeshay gurigeeda iyo saygeedaba. Waxayna ku mashquulsanayd korinta ubadkeeda, sababtoo ah dhammaan ubadka ay u dhashay Nabiga marka laga reebo Cabdillaahi waxay dhasheen soo diristii Nabiga kahor. Caruurtii ay u dhashay Nabigu waa Qaasim waana wiilka magaciisa lagu naanayso Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) waana wiilkii ugu waynaa, waxa ku xigay Saynab, Ruqayya, Ummu-Kalthuum iyo Faadima Azzahraa.  Khadiija waxay tarbiyadaysay caruurteeda balse waxa isla markiiba ka saqiiray Qaasim.

Xilliyadaas ayaa Nabigu (N.N.K.H) soo kaxaystay Cali ibnu Abudaalib oo da’diisu aad u yartahay si uu ugu koro gurigiisa, sababtuna waxay ahayd adeerkii Abudaalib oo caruur badan lahaa ayaa waxa asiibay faqrinimo kadibna Nabiga iyo Cabbaas ayaa kasoo kala kaxaystay Cali iyo Jacfar si looga yareeyo culayska adeerkii Abudaalib, Khadiijina si wayn oo aan hagrasho lahayn ayey u qaabishay una soo korisay Cali ibnu Abudaalib.

Sidoo kale markii uu dhintay Cawwaam ibnu Khuweylid oo ay Khadiija walaalo ahaayeen, waxa uu ka tagay wiil yar oo laba sono jir ah waa Subayr ibnu Cawwaam (I.R.H). Waxaanu u dhaxayn jiray inuu joogo guriga eedadii Khadiija iyo guriga hooyadii Safiyyah binti Cabdilmudallib (waa nabiga eedadii).

Xakiim ibnu Xisaam oo ay Khadiji eedo u tahay ayaa u safray dhulka Shaam kana soo kaxaysat dad adoomo ahaa, waxaa ka mid ahaa Sayid ibnu Xaaritha (I.R.H) markaasu u hibeeyey eedadii, kadibna Khadiiji waxay usii hibeysay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) dababeedna inta uu Rasuulku xoreeyey ayuu sidoo kalena tabani ku qaatay (Tabanigu waa:- Ilamaha oo magacii aabihii laga badalo, lana siiyo magaca cida xoreysay isagoo laga mid dhigayo caruurta uu dhalay oo kale, hase ahaatee diinta Islaamku markay timid way xaarantimaysay). Sayidna wuxuu Khadiija u ahaa sidii wiil ay dhashay oo kale, arrintaasina waa ta keentay inay noqdaan Cali iyo Sayidba dadkii ugu horqaatay diinta Islaamka.

Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) waxa uu ku cibaadaysan jiray godka Xiraa’ ee ku yaala buurta Nuur magaalada Makkah, waxaana hawsha guriga iyo daryeelka saygeeda ka masuul ahayd Hooyadii Mu’miniinta Khadiija, waxay xoolihii ay lahayd ku bixisay nafaqada qoyskeeda, sidoo kale waxay sahayda uu ubaahdo Nabigu ugu gayn jirtay godka Xiraa’.  Waxay had iyo jeer raaligalinaysay saygeeda, waligeedna maysan adeegsan hadal ama ficil ka cadhaysiinaya Nabigii Ilaaha (N.N.K.H).

Waxa laga wariyey Anans ibnu Maalik (I.R.H) inuu yidhi: Nabigu (N.N.K.H) waxa uu la joogay Abudaalib, waxaanu ka dalbaday inuu u tago Khadiija waanu u ogolaaday, kadibna waxa uu ka daba diray gabadh la dhaho Nabcah kuna yidhi; fiiri waxay Khadiiji ku tidhaahdo. Nabcah waxay tidhi: waxaan arkay arrin cajiiba, markay Khadiiji maqashay ayey albaabka kasoo baxday, waxayna qabatay gacanta oo wayna dabooshay (qoorta is dhaafsadeen) markaasay ku tidhi: Aabahay iyo hooyadaybaan kugu furane, Ilaahbaan ku dhaartee waxaan u sameeynayaa anigoo rajaynaya inaad noqoto Nabiga lasoo diarayo, hadii aad noqota adigu garo xaqayga iyo booskayga, iina bari Ilaaha kusoo bixinaya, waxaanu ku yidhi Naigu: Ilaahbaan ku dhaartee hadii aan anigu ahay (nabiga) waxaad ii samaysay waxaanan dayacaynin abidkay, hadii uu cid kale yahayna Ilaaha aad u sameysay arrinkan dartiisa kuma dayacayo. [5]

Waxyiga iyo Risaaladii Nabiga:

Markii Nabiga la jeclaysiiyey kalinimada waxa uu ku nagaaday muddo godka Xiraa’ isagoo halkaa Ilaahay ku caabudaya sidoo kalena ka fikiraya abuurka Ilaahay iyo makhluuqaadkiisa. Waxay Khadiiji u diyaarin jirtay cuntadiisa, cabidiisa iyo saadkuu u baahdo oo dhan, wayna u qaadi jirtay hadii uu daaho ama uu ku raago godka Xiraa’, mararka qaarna way raaci jirtay oo wahelin jirtay.

Markii la gaadhay sanadkii afaraad ayaa la tusay Nabiga bishaarooyin uu arko ama uu maqlo isagoo soo jeeda ama isagoo hurdaba. Tusaale ahaan dhagxaanta iyo dhirta oo salaami jiray, waxaana tibaaxaya arrintaa sida laga wariyey Camru ibnu Shuraxbiil inuu Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) ku dhahay Khadiija: ”Anigu markaan kaliyoobo waxaan maqlaa dhawaaq, oo Ilaahbaan ku dhaartee waan cabsaday in waxaasi yahay arrin, waxayna tidhi: Ilaahbaan ka magan galnee, Ilaahay kuguma samaynayo waxba, Ilaahbaan ku dhaartee adigu waxaad gudaa amaanada, waxaanad xiriirsaa qaraabada, runtana waad sheegtaa”[6]

Waxyigii ugu horeeyey ee Nabiga lagu soo dajiyo waxa uu ahaa Riyo uu arkayo sida oogta waabariga, hadii ay arrinku ku adkaadana waxa uu uga warrami jiray Khadiija Ilaahay raali haka ahaadee, ayaduna waxay dhihi jirtay: Bishaarayso, Ilaahay waxaan wanaag ahayn kuguma samaynayo.

Imaam Bukhaari waxa uu kitaabkiisa Saxiixa ah ku warinyaa Xadiiskan uu ka wariyey Hooyadii Mu’miniinta Caa’isha bintu Abu Bakar (I.R.H) waxayna tidhi: ; Waxyigii ugu horeeyey ee lagu bilaabay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu ahaa Riyada wanaagsan ee Habeenka (uu arko), wuxuuna ahaa mid aan riyo arkin (haduuse arkaba) waxay u iman jirtay ayadoo ah sida waaga dillaaciisa, markaasna waxa la jeclaysiiyey cidlo jooga, wuxuuna ku cidloonjiray godka Xiraa’, wuxuuna ku cibaadaysan jiray habeeno tiro leh kahor intaanu u noqon reerkiisii, wuuna u sahay qaadan jiray, markaasuu kusoo noqon jiray Khadiija wuuna u sahay qaadan jiray (habeenadaas) oo kale, Illamaayo uu xaqu ugu yimid isagoo jooga godka Xiraa’, Malagii ayaa u yimid oo ku dhahay; Akhri. Wuxuu dhahay: Anigu waxba ma akhriyo. Wuxuu dhahay (Nabigu)  wuu i qabtay oo i daboolay illamaayo ay xagiisa iga gaadhay dhibaato markaasuu isii daayey, wuxuu yidhi (Malagii); Akhri, waxaan idhi: Waxba ma akhriyo anigu, wuu i qabtay oo i daboolay (majuujiyey) markii labaad illamaayo ay xagiisa iga gaadhay dhibaato markaasu isii daayey, wuxuu dhahay (Malagii); Akhri, waxaan idhi: Waxba ma akhriyo anigu, wuu iqabtay oo i daboolay markii sadexaad markaasuu isii daayey, wuxuuna dhahay (Malagii); <<اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ . خَلَقَ الإِنْسَانَ مِنْ عَلَقٍ . اقْرَأْ وَرَبُّكَ الأَكْرَمُ>>. Wuu la soo noqday (aayaadkaas) Rasuulkii Ilaahay isagoo uu garaacmayo wadnihiisu (ruxmayo cabsi darteed), wuxuu usoo galay Khadiija bintu Khuweylid (I.R.H), wuxuu dhahay: i dada oo i dada wayna dadeen illamaayo ay cabsidii ka tagytay, wuxuu ku yidhi Khadiija isagoo warka uga waramay: Naftaydaan u cabsaday, Khadiija ayaa waxay tidhi; Saas maaha, Eebaan ku dhaartee Allah ku hoojinmaayo waligaa, (sababtoo ah) Adigu Qaraabada ayaad xidhiidhisaa, waxaadna qaada ruuxa jilicsa (aan madax banaanaan karin), waxaan jirinbaad qabataa (wax aan cid kale qaban karin ayaad qabataa), martidana waad soortaa, waxaanadna kaalmaysaa dadka tabaalaysan. Wayna ka xaysay Khadiijo Illamaa ay ula tagtay Warqa Ibnu Noofal Ibnu Asad Ibnu Cabdulcuza oo Khadiija ay ilma adeer ahaayeen, wuxuuna ahaa Nin qaatay diinta Nasaarada xilligii Jaahiliga, wuxuuna ahaa ku qora khadka Cibraaniga, wuxuu qaorayey qayb Injiilka ah wixii Eebe doono, wuxuuna ahaa Oday waayeel ah oo indho beelay, waxay ku tidhi Khadiijo; Wiilkii adeerkay dhalayow, bal ka dhagayso wiilka aad adeerka u tahay, wuxuu ku dhahay Waraqa; Adeer maxaad aragtaa? Wuuna uga warramay Rasuulkii Ilaahay wuxuu arko, wuxuu ku yidhi Waraqa; Kani waa Malagii Ilaahay kusoo dajiyey Muuse, shalaytadaydee bal maan ahaado nin dhalinyaro ah, Shalaytadaydee bal maan ahaado mid nool markuu qoomkaagu ku saarayo, wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): Oo miyey i saarayaan! Wuxuu dhahay; Haa, Nin lamuu iman waxaad la timid (haduuse layimidna) waa lala coloobi jiray, hadii ay isoo gaadho maalintaadu waan kuu gargaari gargaar wayn, kadibna Waraqa muu sii jooginba ee wuu geeriyooday, wuuna kala go’ay waxyigu.[7]

Cidii ugu hor Islaamtay:

Khadiija (I.R.H) waxay la daris ahayd waxyigii ugu horeeyey iyo tacliintii oo dihin waxayna ka qaadatay Nabiga (N.N.K.H). Waxa lasoo wariyaa: In Jibriil u muuqday Nabiga isagoo Makkah dusheeda jooga, kuna dhahay: Muxamadow, Ilaahay ayaa ku salaamaya, kuguna leh; waxaad tahay Rasuulkayga aan u diray Jinni iyo Insiba, ee ugu yeedh weedhan ah Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Ilaahay mooyee, Muxamadna waa Rasuulkii Ilaahay. Kadibna lugta ayuu dhulka ku dhuftay waxaana soo burqantay Biyo, markaasuu Jibriil ku wayso qaatay, Rasuulkuna wuu fiirinayaa, si loo tuso qaabka laysugu daahiriyo salaada, kadibna waxa uu faray inuu u wayso qaato sidii uu arkay oo kale, kadibna Jibriil Jihada Qiblada ayuu qaabilay waanu u tukaday, Nabiguna waa ku daba tukaday, kadibna Jibriil sare ayuu qabtay. Dabadeedna Nabigu (N.N.K.H) waxa uu kusoo laabtay reerkiisii, markastoo uu dhaafo dhagax ama geedna way salaamayeen, waxaanu yimid gurigiisii oo ugu warramay marwadiisii Khadiija arrimihii uu arkay, ayaduna aadbay ugu faraxday, kadibna biyo Zamzam ah ayuu soo qaaday waanu wayso qaatay, marwadiisuna way wayso qaadatay, waxayna labadooduba tukadeen salaadii Jibriil baray Nabi Muxamed (N.N.K.H) [8].

Sidaa darteed Khadiiji waxay tahay Ruuxii ugu hor islaamay, ugu hor wayso qaatay, ugu hor tukaday. Culumaduna way isku waafaqeen in Khadiiji tahay cidii ugu hor islaamtay, waxayna ahayd Islaamka badh, badhka kalena waxa uu ahaa Nabigii Ilaahay (N.N.K.H).

Imaam Axmed waxa uu ka wariyey Ismaaciil ibnu Iyaasa, oo isaguna ka wariyey aabihii, iyo awoowgii inuu yidhi: Waxaan ahaa nin ganacsade ah waxaanan imi Makkah, waxaanan u imi Cabbaas ibnu Cabdi Mudalib si aan badeeco uga iibiyo, wuxuuna ahaa Nin ganacsade ah, Ilaahbaan ku dhaartee, anigoo isga la jooga Mina’ ayaa Nin kasoo baxay qol u dhow, wuxuuna fiiriyey cadceeda, markuu arkay inay janjeedhsantay ayuu istaagay oo tukaday, kadibna waxa qolkii uu kasoo baxay isagu kasoo baxday gabadh, gadaashiisayna istaagtay oo tukatay, hadana waxa soo baxay wiil kuray ah oo isaguna istaagy oo tukaday, waxaanan ku idhi Cabbaas: Cabbaasow waa kuma kani? Waxa uu dhahay: waa Muxamed ibnu Cabdilaahi oon adeer u ahay, waxaan idhi; waa tuma gabadhanina? Waxa uu dhahay: Waa marwadiisa Khadiija bintu Khuweylid, waxaan idhi: waa kuma wiilkanina? Waxa uu dhahay: Waa Cali ibnu Abu daalib oo ah inaadeerkii. Waxan idhi; Maxay sameeynayaan? Waxa uu dhahay: Way tukanayaan. Waxaanu sheeganayaa inuu Nabi yahay, cidina maysan raacin aah ahayn marwadiisa iyo wiilka inaadeerkii mooyee, waxaanu sheeganayaa in loo furi doona kansiyada Kisra iyo Qaysar.[9]

Khadiiji waxay door wayn ka qaadatay dajinta iyo u duldhigida Nabigii Ilaahay ee Muxamed (N.N.K.H) waxa uu Ibnu Cabbaas dhahay: Khadiija waxay ahayd ruuxii ugu hor Islaamay, Nabi Muxamedna rumaysay wixii uu kala yimid xaga Rabbigii, markasta oo uu ka maqlo hadalo iyo ficilo dhibaya Nabiga (gaaladii Qureesh) waxa dajin jirtay oo qalbi qaboojinaysa Khadiija bintu Khuweylid[10].

Khadiija Hooyadii Mu’miniinta waxa soo gaadhay dhaawac wayn markii gaaladii Qureesheed ay ku dhibeen gabdhihii ay dhashay waa Ruqiya iyo Ummu-Kalthuum oo labadii wiil ee kala qabay waa Cutba iyo Cutayba oo uu dhalay Abulahab ay soo fureen labadii gabdhoodba si ay dhib ugu gaystaan Nabigii Ilaahay. Waxa markii horeba dhib wayn ahayd labada gabdhood ee Nabigu dhalay ee uu sodaga u ahaa Abulahab, sodohna ay ahayd Ummu-Jamiil waa reer gaalo ahaa. Odayga dhalay labada wiil oo Nabiga adeer u ahaa waxa uu ahaa nin doqonimo ku dhantahay, wuxuuna qabay habar kulul oo aad u afxun, bal waxaad qiyaastaan gabdhaha kuwaa u dhaxay!!

Khadiiji (I.R.H) way murugootay markii ay inanteedii ay dhashay waa Ruqiya iyo saygeedii cusbaa Cuthmaan ibnu Cafaan Ilaahay raali haka ahaadee u hijroodeen dhulka Xabashida ayagaoo ka ordaya dulmiga ay reer Makkah ku hayeen dadkii Muslimiinta ahaa. Waxay ka baxeen dhulkii ay ku dhasheen ee ay kusoo barbaareen ayagoo kadoor biday dhul aanay garanayn waxa kaga hor imanaya, waxaana ka sugan Nabiga inuu dhahay ”Ruqiyya iyo Cuthmaan waa qoyskii ugu hor hijrooday illamaayo lagasoo bilaabo xilligii Nabi Luud la hijrooday ehelkiisii.

Go’doonkii lagu soo rogay reer bani Haashim:

Qureesh way kulmeen oo waxay ka doodeen in Muxamed aanu joojinayn dacwada uu wado ee uu ku dhex faafinayo bulshada ku nool Makkah iyo agagaarkeeda, waxayna ka quusteen inay joojiyaan dacwadan. Si kasta oo ay u af xidhaan oo ay adin iyo gacanba wax ugu yeelaanba, hadana way sii xoogaysanaysay. Markaa waxay go’aansadeen in cunaqabatayn dhaqaale lagu soo rogo reer bani Haashim, si ay usoo dhiibaan Nabiga oo ay u joojiyaan difaacida ay ku garabgalayaan Muxamed. Kadibna go’aankii waxa uu noqday in go’doon lagu soo rogo, waxayna qoreen saxiifad laga lulay Kacbada oo lagu qoray qodobada ah; inaan reer bani Haashim wax laga gadin, lagana iibsan, laga guursan ayagana loo guurin, iyo in ay dhadhamiyaan caddibaad daran. Cidii u jidh naxda ee isku dayda inay u gargaarto Muxamed iyo reer bani Haashim oo dhan waxay mudnaan doonaan cadaab daran. Reer bani Haashim iyo reer bani Cabdulmudallib waxay dageen laba buureed dhexdood oo loo yaqaano Shacab Abudaalib.[11]

Khadiija oo da’deedu ahayd 62 sano jir oo kasoo jeeda qabiilka reer bani Asad waxay door biday inay la dhadhamiso dhibaatada saygeeda iyo reer bani Haashim. Waxay gaaladii Qureesh u diideen inay kaalmeeyaan reer bani Haashim. Dad badan ayaa ku lee’day go’doonkaa qaraar, xitaa dadku waxay cuneen caleemaha dhirta illamaayo ay saxaradoodu noqotay sida saalada xoolaha oo kale.

Ibnu Hishaam wuxuu wariyey: In Xakiim ibnu Xisaam oo ay Khadiija eedo u tahay oo uu la socdo wiil u sida Gallay reer bani Haashim uu ka hor yimid Abu Jahal uuna ku dhahay: Ma reer bani Haashim ayaad u geynaysaa gallaydan? Ayagoo is haysta ayuu kasoo horbaxay Abu Bukhtariyy kuna dhahay Abujahal: Maxaa adiga kaa galay hadii uu cunto u sido eedadii, wayna murmeen kadibna Abu Bukhtari ayaa nabar ku dhuftay Abu Jahal waanu dakhramay[12].

Dhacdadaasi waxay ina tusinaysaa sida ay gaaladu ugu dadaalayeen inay macuunada ka joojiyaan reer bani Haashim, waxayna cunaqabatayntani socotay mudo dhan sadex sanadood, oo sawaxanka iyo qaylada caruurta laga maqlayey Makkah gaajo awgeed, gaaladuna umaysan damqanayn ee way ku tiigsanayeen, kuna dharagdhacsan jireen.

Muddo sadex sano kadib rag dhawr ah ayaa tashaday oo jabiyey ballantii iyo heshiiskii gaalada Qureesheed, waxayna dooneen inay jeexjeexaan saxiifadii balse waxay heleen saxiifadii oo la cunay, kaliy waxa kusii hadhsanayd meeshii ay ku bilaabeen magaca Eebe (Bismilllahumma). Horena Nabiga ayaa loogu waxyooday in aboor cunay saxiifada, kadibna Nabiga iyo ehelkiisuba way kasoo baxeen go’doonkii.

Geeridii Khadiija:

Khadiija Ilaahay raali haka ahaadee waxay geeriyootay dhawr casho kadib geeridii Abudaalib, waxaana kasoo gaadhay go’doonkii dhib badan ayadoo da’deeduna sii waynaanaysay. Waxay geeriyootay sadex sano ka hor hijradii Nabiga sanadkii 620 kii miilaadiga, ayadoo cimrigeedu ahaa 65 sano, waxayna Nabiga wada joogeen 25 sano, ama 24 sano iyo 6 bilood. Nabigu waa ka murugooday geerideedii waxaana sanadkan loo bixiyey Caam Al-Xuzni (sanadkii murugada) sababtoo ah waxa geeriyooday laba shakhsi oo aad u garabgali jiray Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H). Nabigu markasta waa xusi jiray oo amaani jiray, lamanuusan guursan ayada waligeed isagoo ku sharfaya booska ay ku lahayd qalbigiisa iyo diinta Islaamkaba.

Samofalkii Nabigu u sameeyey Khadiija geerideedii kadib:

  • Bukhaari waxa uu ka wariyey hooyadii Mu’miniinta Caasha inay tidhi: Kamaan hinaasin haweenkii Nabiga sidaan uga hinaasay Khadiija iyo waxaan arkay, laakiin Nabigu (N.N.K.H) waxa uu ahaa mid xasuusteeda badiya, waxa laga yaabaa inuu gawraco lax oo uu googooyo hilibka una diro Khadiija saaxiibadeed, waxa laga yaaba inaan dhahay: Waxaad moodaa in aduunyadaba aanay joogin haween Khadiijo mooyaane, wuxuuna odhanayey: ayadu waxay ahayd sidaas iyo sidaas ubadna way ii dhashay.[13]
  • Waxa laga wariyey Nabiga (N.N.K.H) in markuu xoolo gawraco u diri jiray asxaabtii Khadiija qayb ka mid ah hilibka[14].
  • Imaam Muslim waxa uu ka wariyey hooyadii Mu’miniinta Caasha inay tidhi: Waxa ogoloaansho ka dalbatay Rasuulka (N.N.K.H) Haala bintu Khuweylid oo ah Khadiija walaasheed, wuxuu ogaaday/xasuustay ogolaanshihii Khadiija, waanu degay oo dhahay: Ilaahayo, Haala bintu Khuweylid[15].
  • Riwaayo kale oo Imaamu Axmed ka warinayo Caasha waxay tidhi: Nabigu waxa uu ahaa markuu xasuusta Khadiija mid amaana kuna dheeraada amaanteeda, waxay tidhi Caasha: Maalin ayaan hinaasay oo dhahay: Farabadanaa xasuusteedu, gabadh daaman cascas, oo Ilaahay kuugu badalay tu ka khayr badan, wuxuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee, iigumuu badalin Ilaahay mid ka khayr badan, way i aamintay markay dadku iga gaaloobeen, ina rumaysay markay dadku i beeniyeen, xoolaheedana igu manaysatay markay dadku ii diideen, Ilaahayna iga siiyey Ubada markuu iga xarimay ubadka kuwa kale.
  • Axmed waxa uu Musnadkiisa ku warinayaa in Caasha tidhi: Markay reer Makkah usoo baxeen si ay u furtaan dadkii laga qafaashay (Badar), markaasay Saynab bintu Muxamed usoo dirtay Abulcaas ibnu Rabiica xoolo ay ku furanayso, waxayna soo dirtay silsilad ay Khadiija lahayd oo ay siisay habeenkii la hooyey inanteedii Saynab, markuu arkay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) ayuu u calool jileecay, waxaanu yidhi: Hadii aad usii dayn lahaydeen maxbuuskeeda una celin lahaydeen alaabteeda, wayna yeeleen, waxayna dhaheen: haa, Rasuulkii Ilaahayow, waana loo sii daayey loona celiyey[16].

Fadliga Khadiija:

  • Fadligeeda aadbuu u badanyahay waa ruuxii ugu hor islaamay, nabiguna lamuusan guursan waligeed, waana dumarka ugu khayrka roon sida uu Nabigu leeyahay: Waxa ugu khayrbadan Dumarka Maryama, Waxaa ugu khayr badan Khadiija.
  • Waxay ka mid tahay Dumarka dhamayska tirmay, waana dumarka loogu bishaareeyey Jannada.
  • Waxa loogu bishaareeyey Jannada, waxaana soo salaamay Allah (S.W) sida ka sugan Nabigeena: Malakul Jibriil ayaa u yimid Nabiga oo ku dhahay: Khadiija ayaa kuu imanaysa ee ku dheh Rabbigaa ayaa kusoo salaamayey, uguna bishaaree guri Jannada ku yaal oo ka samaysan, qasab (Lu’lu’) oo aan dhib iyo daal toona lahayn, markii loogu bishaareeyey ayey tidhi: Ilaahay isaga ayaa Salaama, Nabaduna xagiisa ayey ka timaadaa, Jibriil nabad korkiisa ha ahaato. Waana loogu bishaareeyey Jannada iyo guri ku yaal Jannada, wayna mutaysatay hooyada Mu’miniinta.

Hooyada Mu’miinta waxay ahayd gabadh raad wayn kaga tagtay diinta Islaamka, waxayna tusaale nool u tahay Haweenka Muslimiinta iyo qaabka ay uga qaybqaadanayaan dacwada iyo garab istaaga diinta Islaamka. Waxa caqligeedu siduu u waynaa ina tusaya kolkay aragtay Nabiga oo walwalsan oo cabsanaya dhahayana Naftaydaan u cabsaday waxay ku tidhi: May, Ilaahbaan ku dhaartee Ilaahay ku hoojin mayo, waxaad xidhiidhisaa qaraabada, waxaad kaalmaysaa dadka baahan, waxaad soortaa martida.

Sidoo kale waxay caqligeeda iyo garaadkeeda dhamayska tiran ku doontay inay tijaabiso waxa u yimaada Nabi Muxamed bilowgii waxyiga inuu Malag yahay iyo inuu wax kale yahay kadibna waxay ku tidhi: Wiilkii adeerkay dhalayow, ii sheeg markuu kuu yimaado Malaka kuu yimaada, markaasuu Rasuulku ku dhahay waan arkaa waxayna ku tidhi; Lugtayda midig ku fadhiiso, waanu ku fadhiistay Nabigu, waxayna tidhi; Ma aragtaa? Nabiguna Haa, waan arkaa ayuu dhahay. Hadana waxay tidhi; bidix soo fadhiiso wayna waydiisay inuu arko, waxaanu yidhi; Wali waan arkaa. Mar sadexaad ayey ku tidhi: Soo fadhiiso dhabtayda oo fiiri inaad aragto, waxaanu dhahay: waan arkaa. Markaas ayey khamaarkii (Xijaabkeedii) Madaxa iska furtay oo tidhi: Iminka miyaad aragtaa? Nabiguna waxa uu dhahay: May. Markaasey ku tidhi: Bishaarayso, Waxaad aragtaa waa Malag Sharaf leh mana aha Shaydaan[17]. SubxaanaAllah, bal garaadkeeda heerka uu taagna u fiirsada, Ilaahay haka raali ahaado.

Khadiija Ilaahay raali haka ahaadee waxay ahayd bir aan liicayn, kuna adag diinteeda, hadana u dabacsan saygeeda iyo ehelkeeda, waxay xoolaheedii iyo waqtigeediiba ku bixisay Diinta Islaamka, waxayna ina tustay jacaylka dhabta ah ee looga baahan yahay Haweenka Muslimaatka ah inay ku sifoobaan. Khadiija waxay tusaale u tahay dhammaan Mu’miniinta Rag iyo Dumarba, waxaana sharaf ugu filan inay ahayd Hooyadii Mu’miniinta oo Ilaahay ku magacaabay Haweenkii Nabiga oo dhan. Ilaahay ha u naxariisto, hana ka yeelo kuwa Allah ka raalida yahay, ayaguna ka raalida ah. Innakana iyo waalidkeen, walaaladeen, ehelkeena oo dhanna Ilaahay haynooga deba Naxariisto.

Caruurteedii iyo Qoyskeedii:-

Waxa ugu hor guursaday Abuhaala, Hindi ibnu Nabbaash (Tamiimiyy), waxay isaga u dhashay laba wiil:

  1. Hindi ibnu Abu Haala, waa saxaabi waxaana soo koriyey Nabiga (N.N.K.H), wuxuu ka qayb galay Badar waxa kale oo la dhahaa Uxudbuu ka qaybgalay, waxa la dilay macrakadii Awrka xilligii Cali Ibnu Abudaalib. Waxaanu ahaa Nin aftahan oo yaqaana sifooyinka dadka, waxaanu sifiican u sifeeyey Nabiga (N.N.K.H). [18]
  2. Haala Wuxuu dhintay Islaamka ka hor. [19]

Waxay kale oo Khadiija guursatay Catiiq ibnu Caa’id ibnu Cabdillahi, waxayna u dhashay gabadh kaliya waa:

  1. Hinda bintu Catiiq. Waxa la dhahaa way islaamtay oo guursatay laakiin war badan lagama hayo.

Waxay Khadiija guursatay Nabigii Ilaahay Muxamed ibnu Cabdillah (N.N.K.H) waxayna u dhashay lix caruura oo kala ah:

  1. Qaasim, isagaana lagu naanaysaa Nabiga (Abu Qaasim), wuu saqiiray isagoo yar, waxaanu dhintay soo diristii Nabiga ka hor.
  2. Cabdillahi, waxa uu dhashay soo diristii Nabiga kadib, waxaana isaga lagu magacaabaa Dayyib iyo Daahir.
  3. Saynab bintu Muxamed (I.R.H) waxayna ahayd gabdhaha Nabigu dhalay ta ugu wayn, waxayna guursatay hooyadeed Khadiija oo nool, waxayna guursatay habar wadaageed Abu Caas ibnu Al-Rabiic, waxayna u dhashay wiil iyo gabadh. Gabadhu waa Amaama bintu Abu Caas, waxayna ayaduna guursatay Cali ibnu Abidaalib markay Faadima ka geeriyootay. Wiilkuna waa Cali ibnu Abulcaas, isaguna waxa uu geeriyooday isagoo aad u yar. Saynab bintu Muxamed waxay ayaduna geeriyootay Nabiga oo nool sanadkii 8 aad ee Hijrada.
  4. Ruqayya bintu Muxamed (I.R.H) waxay dhalatay Islaamnimada kahor, xilligaas oo Nabiga da’diisu ahayd 32 sano jir. Waxa guursaday Cutba ibnu Abu lahab laakiin lamuusan aqal galin waanu furay. Kadibna waxa guursaday Cauthmaan ibnu Cafaan, waxayna u hiroodeen dhulka Xabashida. Intay hijrada ku jirtay ayaa wiil kasoo dhacay. Intaa kadib waxay Cuthmaan u dhashay wiil la dhaho Cabdillahi laakiin isaguna waa saqiiray, ayaduna waxay geeriyootay sanadkii 2 aad Hijrada intii lagu gudo jiray dagaalkii Badar kadib.
  5. Ummu-Kalthuum (I.R.H) bintu Muxamed waxay dhalatay Islaamka ka hor, waxaana guursaday Cutayba ibnu Abu Lahab, laakiin si naxariis darro ah ayuu u furay isagoo ku xumaynaya Nabiga Ilaahay. Kadibna waxay guursatay Cuthmaan ibnu Caffaan oo xigsiisan ayaa loo siiyay markay walaasheed Ruqiyya ka dhimatay sanadkii 2 aad ee Hijrada. Ummu-Kalthuumna wax ubad ah maysan dhalin, waxayna geeriyootay Aabaheed oo nool sanadkii 9 aad ee Hijrada.
  6. Faadima bintu Muxamed (I.R.H), marwo ka mid ah dumarka ugu khayrka roon caalamiinta, waxayna ahayd gabdhii ugu yaray ubadka Nabiga (N.N.K.H). waxay guursatay Cali ibnu Abu daalib dagaalkii Badar kadib, waxaanu la aqal galay dagaalkii Uxud kadib. Waxayna u dhashay Xasan iyo Xuseen oo ah Madaxda dhalinyarada Jannada, waxay kaloo u dhashay Cali laba gabdhood oo ay ugu magic dartay walaalaheed Saynab iyo Umu Kalthuum. Ilaahay raali haka ahaado dhamaantoodba, waxayna geeriyootay sanadkii 11 aad ee Hijrada, lix bilood kadib geeridii Nabiga (N.N.K.H).

MAHADNAQ:

Mahadda oo dhan waxa iska leh Allah Subxaana wa tacaalaa, isagaa na haleelsiiyey inaan Diintiisa faafino, waxaanan rajaynayaa inuu ka yeelo camal ikhlaas uu la socdo oo Ilaahay Ajar iyo Xasanaat inaga siiyo dhammaanteenba, xumaanyaalna inagaga faydo. AAaamiin. Allahu Aclam

NAXARIIS IYO NABADGALYONA HA AHAATO NABIGEENII MUXAMED.

WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xuquuqda xogtan waxa iska leh www.gaaldiid.com


[1] Ibnu Xajar Al-casqalaani, Fatxulbaari Majallada 7 aad, bogga 134

[2] Imaam Dahabi, Siyari Aclaami Nubalaa’ Majallada 2 aad, Bogga 111.

[3] Suyuudi, Kitaabka khasaa’is al-kubraa, Cutubka 1aad.

[4] Ibnu Casaakir, Taariikhda Dimishiq

[5] Ibnu Xajar Al-Casqalaani, Fatxulbaari Sharraxa Saxiix AL-Bukhaari, Majallada 7 aad Bogga 134.

[6] Al-Bayhaqi, Dalaa’il Al-Nubuwaah, Majallada 2 aad, Bogga 158

[7] Bukhaari, Kitaabka Waxyiga, Xadiiska 3 aad.

[8] Imaam Shaafici, Xaawii Al-kabiir, kitaabka Siyarka

[9] Imaax Axmed, Musnadkiisa, xadiiska 1718

[10] Al-Istiicaab fii Macrifati saxaabah, Majallada 2 aad, Bogga 1820

[11] Raxiiq Al-Makhtuum, bogga 109-110

[12] Ibnu Hishaam, Siirada, Majallada 2aad Bogga 236

[13] Bukhaari, Kitabka fadaa’il assaxaabah, baabka guurkii Nabiga..

[14] Ibnu Cuthaymiin, Sharxu Riyaad assaalixiin

[15] Muslim, Sharraxa Imaam Nawawi ee Muslim, xadiiska 2437.

[16] Axmed, Musnadka, Xadiiska 26362

[17] Ibnu Hishaam, Siirada, Majallada 1aad, Bogga 223

[18] Ibnu Xajar Al-casqalaani, Tahdiibu Tahdiib, Majallada 11 aad, Bogga 63.

[19] Dabari, Mutakhab min Dayli Almadiil, Bogga 4 aad.