Tusmo

Kitaabka Hidaayatu Al-mustafiid, waa kitaab ka faaloonaya cilmiga Tajwiidka, si fudud oo ku qoran suaalo iyo jawaabana usoo bandhigaya. Wuxuu kitaabkani muhiim u yahay ardayda baranaysa Quraanka Kariimka, si ay ugu akhriyaan qaabkii uu kusoo dagay Kitaabka Ilaahay (sw).

Waa maxay Tajwiidku? waa in xarafkasta lasiiyo xaqiisa iyo wixii uu mutaystay sida in lagasoo saaro xarafka booska uu kasoo baxo, in loo soo saaro qaabkuu kusoo bixi jiray.

Waa maxay hadafka barashada cilmiga Tajwiidku? Waa in carrabka laga ilaaliyo inuu qaldo kitaabka Ilaahay iyo in loo akhriyo Quraanka sidii uu ugusoo dagay Rasuulkii Ilaahay (scw). Hoos ka akhriso kitaabka ama Lasoo Dag.