Faadima bintu Muxamed (I.R.H)

Qeexid kooban:

Faadima Al-zahraa waa gabadhii uu dhalay Nabigii Ilaahay Muxamed ibnu Cabdillaahi (N.N.K.H), hooyadeedna waa Khadiija bintu Khuweylid (Hooyadii Mu’miniinta). Waxay ku dhalatay magaalada Makkah dhawr sano kahor intaan Nabiga risaalada loo soo dhiibin, saygeeduna waa Imaam Cali ibnu abu Daalib (I.R.H). Waxay hooyo u tahay Xasan iyo Xuseen (Madaxda dhalinyarada ee Jannada).

Nasabkeedii iyo Qoyskeedii:-

  • Magaceedu waa Faadima bintu Muxamed ibnu Cabdillaahi ibnu Cabdulmudallib ibnu Haashim ibnu Cabdi-Manaaf ibnu Qusayy ibnu Kilaab ibnu Murrah ibnu Kacab ibnu Lu’ayy ibnu Qaalib ibnu ibnu Fihir (Qureesh). Waa gabadhii uu dhalay Sayidka Basharka waa Nabi Muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato isaga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhammaan cidda rumaysayba.
  • Aabaheed waa Nabi Muxamed (N.N.K.H) oo ah Nabigii iyo Rasuulkii ugu danbeeyey ee Ilaahay soo diro, una ahaa basharka raxmad iyo naxariis dhammaantood.
  • Hooyadeed waa Khadiija bintu Khuweylid ibnu Cabdilcuza ibnu ibnu Qusay ibnu Kilaab ibnu Murrah ibnu Kacab ibnu Lu’ayy ibnu Qaalib ibnu Fihir (Qureysh). Waa hooyadii Mu’miniinta iyo mid kamid ah dumarka ugu khayrka roon haweenka caalamiinta.
  • Walaaladeed waa Saynab bintu Muxamed, Ruqaya bintu Muxamed, Ummu-Kalthuum bintu Muxamed, Qaasim ibnu Muxamed, Cabdillaahi Ibnu Muxamed iyo Ibraahiim ibnu Muxamed. Sidoo kale waxay xaga hooyo ka walaalo ahaayeen; Hindi ibnu Abu-Haala, Haala ibnu Abu-Haala iyo Hinda bintu Catiiq.
  • Awoowgeed iyo ayeydeed aabo waa Cabdillahi ibnu Cabdilmudallib, waxaanu geeriyooday dhalashadii Nabiga kahor, ayeydeedna waa Aamina bintu Wahab, waxyna geeriyootay Nabiga (N.N.K.H) oo da’diisu tahay lix sano.
  • Awoowgeed Hooyo waa: Khuweylid ibnu Cabdilcuza. Ayeydeed hooyona waa: Faadima bintu Saa’ida.
  • Saygeedu waa Imaam Cali ibnu Abudaalib ibnu Cabdimudallib oo ahaa Nabiga (N.N.K.H) inaadeerkii iyo khaliifkii afaraad ee Mu’miniinta.
  • Caruurteedu waa Xasan ibnu Cali, Xuseen ibnu Cali, Muxsin ibnu Cali, Saynab bintu Cali iyo Ummu-Kalthuum bintu Cali.

Dhalashadii Faadima bintu Muxamed (I.R.H)

Faadima waxay ahayd gabadhii ugu da’da yarayd gabadhihii Nabigu uu dhalay, waana laysku khilaafaa xilligii ay dhalatay, sida loo badanyahay waxa weeye inay dhalatay shan sano kahor soo diristii Nabiga (N.N.K.H) markii dib loo dhisayey Kacbada, xilligaas oo Nabiga da’diisu ahayd 35 sano jir.

Barbaaristii Faadima (I.R.H)  

Faadima waxay yaraanteedii la kulantay dhacdooyin murugo leh, markay garaadsatayba waxay aragtay Aabaheed oo gaaladii Qureesheed ku kacsanyihiin, oo dhib af iyo adinba leh u gaystay, ayagoo isku dayey inay joojiyaan dacwada iyo fidinta diinta Islaamka.

Maalin ayaa Nabigii Ilaahay oo ku tukanaya Kacbada oo sujuudsan ayuu Ninka la dhaho Cuqba ibnu Maciid soo qaaday mandheer halaad markaasuu Nabiga (N.N.K.H) korka ka saaray, markaasay isaga iyo gaaladii kale Abu Jahal, Umaya ibnu Khalaf, Cutba, Shayba iyo Waliid ku qosleen Nabiga (N.N.K.H), nabiguna wuu sujuudsanaa oo  madaxana muu qaadi karaynba kadibna waxa soo oroday Faadima oo da’deedu aad u yartahay, dabadeedna inta ymandheertii ka qaaday aabaheed ayey cayday nimakii gaaleed. Nabiguna markuu salaada ka baxay ayuu habaaray gaaladii Qureesheed.

Faadima waxay sidoo kale dhib kala kulantay jiiraankoodii waa awoowgeed Abulahab iyo xaaskiisii Ummu-Jamiil, oo marka uu nabigu yimaado gurigiisa oo uu salaada galo ayey kusoo tuuri jireen kudaafad iyo dhagxaan iwm. Faadima ayaa nadiifin jirtay guriga aabaheed, waxayna la yaabanayd Abulahab oo ah dadba ka ugu dhow oo hadana dhibta intaa la’eg u gaysanaya wiilka uu adeerka u yahay ee Nabi Muxamed (N.N.K.H).

Faadima waxa ka yaraa wiilka Cabdillaahi ibnu Muxamed oo markuu dhintay ayuu Abulahab orday oo tagay golihii gaaladii Qureesheed isagoo ugu bishaareynaya in Muxamed wiilkiisii Cabdillaahina ka dhintay, waxaanu dhahay: Muxamed waa goblamay! Faadima Ilaahay raali haka ahaadee oo walaalkeed dhintay ayuu Abulahab oo awoow u ah ku farxay geeridiisii, waa wax lala yaabo!!

Dhibtii ugu waynayd ee ay la kulantay waxay ahayd markii Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) iyo reer bani Haashim lagu soo rogay go’doonkii iyo cunaqabataytii dhaqaale, taasoo lagu xakameeyey in cunto laga iibiyo reer bani Haashim, halkaasoo ay joogeen mudo dhan sadex sano oo dad badani ku dhinteen nafaqo darradii iyo cunto yaraantii soo foodsaartay reer bani Haashim. Faadima go’doonkaas dadkii ku dhibaataysnaa ayey ka mid ahayd.

Isla markii go’doonkaas laga soo baxay waxa geeriyootay hooyadeed Khadiija bintu Khuweylid iyo awoowgeed Abudaalib. Faadima aadbay uga murugootay geerida ku timid hooyadeed waxayna dareentay masuuliyada soo hortaala, waxayna ku dedaashay sidii ay u daryeeli lahayd aabaheed oo marxalad adag marayey. Dhacdooyinkaas dhibta iyo murugada leh waxay u kordhisay Faadima inay adkaysi la timaado oo nolosha ku waajahdo samir iyo dulqaad.

Hijradii Faadima (I.R.H):

Sanadkii 13 aad ee soo diristii Nabiga ayey saxaabadii badankoodu u hijroodeen magaalada Madiina kadib markii ay gaaladii Qureesheed kala kulmeen caddibaad iyo dhibaatooyin aan loo dul qaadan karayn. Faadima iyo walaasheed Ummu-Kalthuum iyo hooyadii Mu’miniinta Sawda bintu Samaca ayaa kasoo hijrooday Makkah, waxaana soo kaxeeyey Sayid ibnu Xaaritha (I.R.H).

Guurkii Faadima(I.R.H):

Sanadkii labaad ee hijrada markii laga soo laabtay dagaalkii Badar ayaa rag badan oo saxaabadii Nabiga kamid ah soo dooneen inay guursadaan Faadima, balse Nabigu (N.N.K.H) waa ka cudur daartay, ragaas waxa kamid ahaa Abubakar iyo Cumar.

Cali ibnu Abudaalib oo Nabiga gurigiisa kusoo koray sidoo kalena ay qaraabo ehelnimo ka dhaxayso Nabiga ayaa damcay inuu soo doono Faadima kadib markii loo sheegay in Faadima saxaabo badan ay rabaan inay guursadaan.

Cali waa soo baxay waxaanu usoo galay Nabigii Ilaahay (N.N.K.H), kadibna waa fadhiistay laakiin haybadii Nabiga ayuu ka xishooday oo waa hadli kari waayey, nabigu waxa uu waydiiyey sababta keentay? Cali wuxuu dhahay: waxba Nabigii Ilaahayow! Hadana Naigu waa ku celiyey markaasuu Calina dhahay: waxba uma socon Nabigii Ilaahayow. Sadex jeer markuu Nabigu waydiiyey ujeedadiisa ayuu ku dhahay Nabigu: Ma waxaad doonaysaa inaad mahersato Faadima? Kolkaasbuu dhahay Cali: Haa, nabigii Ilaahayow. Nabigu waxa uu dhahay: Ma haysataa waxaad ku xalaalaysato? Cali wuxuu yidhi: waxba ma haysto Nabigii Ilaahayow. Nabigu wuxuu yidhi: Maxaad ku samaysay dircigii (aalad xilliga dagaalka la gashto oo layskaga dhigo seefaha iwm) aan ku siiyey? Cali wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayo, kaasi waa baaliyoobay (duugoobay). Nabigu wuxuu yidhi: Dirciga qaad oo iib gee, kadibna ku xalaalayso Faadima[1]

Cali dircigii ayuu iib geeyey, waxa laga siistay 400 oo dirham, kadibna Nabigu wuxuu ku dhahay: Waa inaad samaysaa allabari, dabadeedna Sacad ayaa dhahay: Aniga ayaa haya Wan, saxaabadii kale ee Ansaartuna waxay soo ururiyeen cuntadii la cunayey, marti qaadkii arooska.

Faadimana markay maqashay warka guurkeeda ayey oyday, markaasuu Nabigu (N.N.K.H) u galay oo ku dhahay: ”Maxaad la ooyi, Ilaahbaan ku dhaartee waxaan kuu guuriyey ka ugu cilmiga badan, uguna dulqaadka badan” [2]

Habeenkii aqal galkana, Nabigu waxa uu ku dhahay Cali: Ha u dhowaan xaaskaaga illamaayo aan idiin imaado, markuu yimid Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) ayuu  u duceeyey Cali iyo Faadima isagoo leh : ”Ilaahayow barakee dhexdooda, Ilaahayow barakee korkooda, Ilaahayow barakee Caruurtooda”[3]

Guurka Faadima iyo Cali ibnu Abudaalib Ilaahay raali haka ahaadee waxa uu ahaa guurkii ugu fiicnaa uguna khayrka badnaa ee soo mara Islaamka marka laga yimaado guurkii Nabiga iyo marwadiisii Khadiija.

Dadku maanta waxay ku mashquulaan oo hanti badan galiyaan xaflada arooska, maherka oo aad loo qaaliyeysiiyo oo la moodo in gabadhaba la gadayo, SubxaanaAllah, laakiin guurkii ugu khayrka badnaa waxa layskugu maheriyey Dirciga dagaalka layskaga difaaco warmaha iyo falaadhaha.

Xaaladii Reernimo:-

Faadima oo ah gabadhii Nabigu dhalay Ilaahay raali haka ahaadee, waxay gudo gashay inay dhaqato reerkeeda, waxay gacmaheeda ku dubi jirtay cajiinka (canjeelo/laxoox), waxay mooyaha (weel wax lagu garaaco) ku garaaci jirtay gallayda iyo hadhuudhka wixii u suurtooba, illamaayo gacmaheedii ay nabaro soo gaadheen, wayna ka caban jirtay dhibta uu ku hayo cajiinkaasi.

Maalintii danbe ayey Faadima soo baxday oo u timid aabaheed ayadoo ka cabanaysa dhibta cunto karinta iyo hawsha gurigeeda taalo oo aad u badan, waxayna Nabiga ku tidhi: Rasuulkii Ilaahayow, waxaan u baahanahay cid ii shaqaysa, xilligaasna nabiga waxa loo keenay dad u adeegi kara Faadima, kadibna Nabigu (N.N.K.H) waxa uu ku yidhi: ” Makuu tilmaamaa wax kaaga khayr badan qofka kuu adeegaya? Waxay tidhi: Haa, rasuulkii Ilaahayow. Waxa uu yidhi: Markaad seexanayso waxaad tasbiixsataa 33 jeer (SubxaanAllah), waxaadna taxmiidsataa (Alxamdulilaah) 33 jeer, waxaadna takbiirataa (Allahuakbar) 34 jeer, ducadaas ayaa kaaga khayr badan cid kuu adeegta, faadima waxay dhahday: raalibaan ku ahay rasuulkii Ilaahayow.[4]

Dhacdooyinkii dhacay intii ay Faadima iyo Cali wada noolaayeen way badanyihiin waxa ka mid ah: in maalin Cali iyo marwadiisa Faadima ay wax isku qabteen kadina Cali uu tagay Masaajidka Nabiga oo uu seexday, dabadeedna Nabigii Ilaahay ayaa u yimid Cali oo hurda dhulka oo ciidii/carradii ku sawirantay garbihiisa, markaasu Nabigu gacmihiisa sharafta leh ku masaxay oo ku dhahay: Istaag, Abuturaabow.

Maalina Cali ibnu Abudaalib ayaa doonay inuu Faadima la guursado gabadh uu dhalay gaalkii Abu Jahal, kadibna warkii waxa maqlay Faadima, wayna hinaastay markaasay ayadoo cadhaysan u tagtay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) kuna dhahday: Dadku waxay sheegaan inaanad la cadhoon hablahaaga, waa kan Cali guursanaya gabadh uu dhalay Abu Jahal! Dabadeedna Nabiga ayaa istaagay, waxayna maqashay Faadima markuu salaadii ka baxay nabiga oo leh: ”Waxaan inantaydii Saynab u guuriyey Abu Caas ibnu Arrabiica waanu ii run sheegay, Faadimana waa gobol aniga iga mid ah, waxaanan karaahiyeysanayaa inay xumeeyaan, Ilaahbaan ku dhaartee ku wada kulmi maayeen gabadhii Rasuulkii Ilaahay dhalay iyo gabadh uu Cadawgii Ilaahay dhalay hal nin” [5] Calina markuu maqlay arrinka Nabiga ayuu ka joogsaday guurkii gabadhii Abu Jahal uu dhalay.

Sababta ku keentay inuu Rasuulku ka hor yimaado guurkan waxa weeye inaanay haboonayn in gabadhii uu fircoonka Ummadan uu dhalay ee Abu Jahal iyo gabadhii uu dhalay Rasuulkii Ilaahay inaanay meel kuwada kulmin. Macnaheedu maaha inaanay banaanayn guurka badan ee waa arrin shakhsi ah oo Nabigu (N.N.K.H) cadeeyey, si aanay nin kaliya u dhalin caruur hadhow mustaqbalka muran dhex yimaado oo qolona tidhaahdo awoowgayo waa Muxamed Rasuulkii Ilaahay kuwa kalena la dhaho awoowgiin waa cadawgii Ilaahay.

Dhalashadii Xasan iyo Xuseen:-

Caruurtay Faadima u dhashay Cali waa: Xasan, Xuseen, Saynab iyo Umm-Kalthuum. Waxa ugu hor dhashay Xasan ibnu Cali, wuxuu dhashay sanadkii 3 aad ee hijrada, bishii Ramadaan badhtankeedii.

Markuu Xasan dhashay wuxuu Cali u bixiyey Xamse laakiin nabiga ayaa ka badalay magaca oo u bixiyey Xasan. Sanadkii xigayba waxa isna dhashay Xuseen ibnu Cali oo isagana magaca waxa u bixiyey Nabiga (N.N.K.H). Labadoodaba Nabigu (N.N.K.H) waa u wal-qalay, wuxuu midkasta ugu wal-qalay hal wan.[6]

Xasan iyo Xuseenna waxay shabihi jireen awoowgood, nabiguna aadbuu u jeclaa oo wuxuu dhihi jiray waa labadayda rayxaano (dhir udug leh oo lagu nasto) ee aduunyada.

Maalin maalmaha kamida ayaa Nabiga (N.N.K.H) oo uu ag fadhiyo Xasan ibnu Cali ayuu dhahay Nabigu: Wiilkaygan waa sayid, waxyna u dhowdahay in Ilaahay ku heshiisiiyo laba kooxood oo waaweyn oo muslimiinta ka mid ah.

Arrintaasina way dhacday oo markii fitnadu ka dhex dhacday saxaabada ayaa la dilay Cali ibnu Abu-daalib, kadibna xilkii wuxuu ku wareegay Xasan ibnu Cali oo hogaaminayey koox muslimiina oo deegaankoodu Ciraaq yahay halka kooxda kalena uu hogaaminayey Mucaawiya ibnu Abu-sufyaan oo deganaa Dimishiq, kadibna labadii kooxood heshiis ayaa dhex maray ahaa in Xasan ibnu Cali ka tanaasulo jagada madaxtinimo, waanu ka tanaasulay shuruudo kadib, sidaasbayna ku rumowday xadiisak Rasuulka ee ahaa wiilkaygu waa sayid oo waxa ilaahay ku heshiisiinayaa laba kooxood oo waaweyn oo muslimiinta kamid ah.

Xasan iyo Xuseenba ayagoo aad u yar ayuu Nabigu ugu bishaareeyey inay yihiin madaxda dhalinta ee Jannada, waxaana sharaf iyo karaamoba ugu filan inay yihiin ehlul baytka ay muslimiintu maalin kasta ku salliyaan salaada dhexdeeda.

Maalin ayuu Xasan ibnu Cali oo wiil yar ah qaatay timir loogu talo galay sadaqada, markaasuu nabigu ku dhahay: miyaanad ogayn inaanaan qaadanin sadaqada! Waanu ka qaaday timirtii. Sida ka sugan Nabigana (N.N.K.H) uma banaana sadaqadu Nabiga iyo qoyskiisaba. Wuxuu yidhi: ”Uma banaana sadaqadu Muxamed iyo ehelkiisa”[7].

Geeridii Nabiga iyo raadkii uu ku reebay Faadima (I.R.H):

Sanadkii 11 aad ee hijriga ayaa waxa soo dhowaatay geeridii Nabiga (N.N.K.H), kadibna ayaamihii ugu danbeey noloshiisa ayey Faadimi u timid aabaheed oo xanuusan, waxaana ag joogay marwooyinkii Nabiga (N.N.K.H), markaasay Faadima soo gashay ayadoo u soconaysa sidii uu Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) u socon jiray, markuu Nabigu arkay ayuu soo dhoweeyey kuna dhahay: Soo dhowow oo agtayda soo fadhiiso. Waxayna fadhiisatay agtiisa, kolkaasuu Nabigu war sir ah u sheegay, markaasbay oyday oo murugootay, hadana Nabigu war kale oo sir ah ayuu u sheegay markaasay farxday oo qososhay. Markuu Nabigu istaagay ayey hooyadii Mu’miniinta ee Caasha bintu Abubakar waydiisay Faadima warka sirta ah ee loo sheegay, Faadimana waxay tidhi: Ma doonayo inaan kashifo sirta Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H).

Geeridii Nabiga kadib ayey Caasha dhaarisay Faadima oo ku dhahday: ”Ilaahbaan kugu dhaaryee iiga waran warkii Rasuulkii Ilaahay kuu sheegay ee aad la oyday hadana la qososhay” Faadima waxay tidhi: ”Iminka waan kaaga warrami, markii hore ee aan ooyey waxa uu igu dhahay: Malakul Jibriil ayaa sanadkasta iisoo bandhigi jiray Quraanka, balse sanadkan wuxuu iisoo bandhigay laba jeer, waxaan filayaa in ajashaydii soo dhowaatay ee Ilaahay ka dhowrso oo samir, markaasbaan murugooday oo ooyey, markii labaadna wuxuu iisheegay inaan anigu ahay mid kamid ah haweenka ugu khayrka roon dumarka, wuxuuna iigu bishaareeyey inaan anigu ahay ruuxa ugu hor raacaya (dhimanaya) ehelkiisa, waanan farxay oo qoslay”[8]

Geeridii Rasuulku (N.N.K.H) waxay ahayd masiibo iyo murugo soo foodsaarta umadda Muslimiinta dhamaantood, waxyna si wayn usii saameysay ehelkii Nabiga (N.N.K.H), gabadhii uu dhalay ee Faadima, caruurteedii iyo saygeedii Cali ibnu Abudaalib, laakiin way samreen oo udul qaateen dhibta iyo masiibadaa soo gaadhay.

Markii Nabigii Ilaahay la oofsaday ayey Faadima oo murugaysan dhahday: ”Aabe, Jibriil gaadhsii geeridaada. Aabe, waxaad ajiibtay Rabbi oo kuu yeedhay. Aabe, hoygaagu waa Jaanada Firdawsa.

Markii Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) la aasay/duugay ayey ku tidhi Anas ibnu Maalik oo ka mid ahaa saxaabadii aaska ka qaybgalay: Anasoow, sideebaad u awoodeen inaad Rasuulkii Ilaahay ciida hoos marisaan! Markaasuu Anas lahaa: Sidaas ayuu na faray Nabigu (N.N.K.H).

Faadima way murugootay sida gabadh aabaheed geeriyooday oo kale u, laakiin iimaankeedii ayaa xakameeyey oo way samirtay, ajarna Ilaahaybay ka dalbatay.

Dhaxalkii Faadima (I.R.H):

Faadima markuu aabaheed geeriyooday ayey u timid khaliifkii Muslimiinta ee Abubakar waxayna ka dalabtay dhaxalkii aabaheed, laakiin Abubakar wuxuu u sheegay Xadiis uu ka maqlay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) inaan hantida Nabiyada la dhaxlin, ee waxay ka tagaan yahay sadaqo[9]. Faadima way ka cadhootay Abubakar wayna iskaga tagtay laakiin muddo kadib way ku qanacday oo xoolihii Nabigu ka geeriyooday waxa lagu daray sadaqooyinka.

Fiiro gaara:

Arrinta ku saabsan dhaxalka Faadima (I.R.H) waa la buunbuuniyeyy illamaayo la gaadhsiiyey heer ay cadhadii Faadima ay u qabtay Abubakar (I.R.H) ay u dhimatay, laakiin arrintaas ku talax tag ayaa ku jira, iyo in saxaabadii Rasuulka la dhaho colbay ahaayeen. Sida xaqiiqada ah waxa weeyey inaan la dhaxlin hantida Nabiga (N.N.K.H) oo wuxuu ka tago ay tahay sadaqo, mida kale hadii aanu nidhaahno hantidii Nabiga ayaa qoyskii dhaxlay haba yaraatee waxay cadawga Muslimiinta u horseedaysaa in Nabigii Ilaahay hanti doon ahaa, oo xoolaha uu haystay, haba yaraatee uu ugu talo galay in ehelkiisu ay dhaxlaan. Alxamdulilaah, arrintaasi may dhicin ee Saxaabadii waaweynaa ayaa markiiba Faadima u sheegay inaan hantida Nabigii Ilaahay aan la dhaxlayn ee Baytka Maalka Muslimiinta la gaynayo, Faadiman Ilaahay raali haka ahaadee way ku qanacday oo raalibay ka noqotay Saxaabadii Rasuulka, sidoo kalena ayadu gabadh lacag iyo Aduunyaba ka saahiday ayey ahayd Ilaahay raali haka ahaado dhammaan saxaabadii Rasuulka.

Geeridii Faadima (I.R.H):

Nabigu (N.N.K.H) wuxuu ugu bishaareeyey inay Faadima tahay ruuxa ugu hor dhimanaysa ehelkiisa, ayaduna way ku faraxday arrinkaas, sababtoo ah ruuxa mu’minka ah wuxuu raadaceeyaa oo u noolyahayba waa inuu Ilaahay la kulmo oo ka raysto nolosha aduunyada ee kadeedka ah.

Lix bilood kadib geeridii Nabi Muxamed (N.N.K.H) ayey Faadima xanuusatay, waxayna dareentay inay soo dhowatay xilligii ay aduunyada ka tagi lahayd, kadibna waxa loo sheegay xanuunka Faadima khaliifkii Muslimiinta Abubakar, markaasu Abubakar soo booqday Faadima, waxaanu la kulmay saygeedii Cali ibnu Abudaalib oo ogolaansho waydiistay inuu usoo galo Faadima, kadibna Cali ayaa u tagay Faadima oo ku dhahay: Khaliifkii Muslimiinta ayaa doonaya inuu kula kulmo, Faadimana waxay Cali ku tidhi: Adigu u ogolow inuu soo galo. Imaamu Dahabi oo qisadan soo aroorinaya wuxuu yidhi: Ilaahay raali haka ahaado Faadima waxay saygeedii Cali ibnu Abudaalib ku celisay ogolaanshaha in cid ka ajnabi ah usoo gasho, ayadoo dhawraysa xuquuqda labada lamaanah isqabaa isku leeyihiin. Calina waa u ogolaaday, waanu soo galay Abubakar.

Abubkar wuxuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee, kamaan imanin guriga, hantida, ehelka iyo xigatadaba inaan raali galiyo Ilaahay, Rasuulkiisa iyo Ehlulbaytka mooyee, kadibna waa raali galiyey Faadima, ayaduna raalibay ka noqotay.[10]

Faadima xanuunkii markuu kusii kordhay ayey ka warwartay marka janaasadeeda la qaado in naxashka lagu qaadayo jidhkeedu ka muuqdo, markaasay u cabatay Asmaa bintu Camiis, ayaduna waxay ku tidhi: waxaan kuu sameynayaa Naxash aan ku arkay dhulka Xabashida markii saxaabadu u hijroodeen dhulka geeska Afrika oo asturaya jidhka dumarka, markaasay Faadima ku farxday naxashkii Asmaa bintu Camiis u sameysay kuna tidhi: waad i asturta.[11]

kadibna intay qubays qaadatay ayey dhar cusub gashatay oo jiifsatay furaash, halkaasbaana lagu oofsaday Faadima bintu Muxamed Ilaahay raali haka ahaadee.

Faadima waxa la dhahaa lama maydhin jidhkeedii markay dhimatay sababtoo ah ayadaa qubays sii qaadatay kahor geerideedii, sidoo kale waxa lasoo arooriyaa in Cali ibnu Abudaalib iyo Asmaa bintu Camiis ay dhaqeen jidhkeedii daahirka ahaa, waxaana la aasay goor habeen ah, waxaana janaasadeedii ku tukaday Cabbaas ibnu Cabdilmudallib. Faadima waxay ku aasantahay xabaalaha Baqiic ee Madiina. Allahuaclam.

Jacaylkii Nabigu u hayey Faadima iyo fadligeeda:-

Fadliga Faadima waa badan yahay, waxa sharaf iyo karaamo ugu filan inay ahayd gabadhii uu dhalay Sayidkii Basharka waa Nabi Muxamed, hooyadeedna waa Khadiija bintu Khuweylid oo ka mid ah dumarka dhamayska tirmay, waxa qabay geesigii muslimiinta iyo caalimkii waynaa, khaliifkii afaraad waa Cali ibnu Abudaalib, waxayna hooyo u tahay madaxda dhalinyarada ee Jannada waa Xasan iyo Xuseen.

  • Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu yidhi: ” Faadima waa madaxda haweenka Jannada marka laga yimaado Maryama bintu Cimraan”.[12]
  • Rasuulku (N.N.K.H) wuxuu yidhi: ”Faadima waa gobol aniga iga mid ah” [13]
  • Rasuulku (N.N.K.H) wuxuu ku yidhi Faadima iyo Cali: ”Anigu waan la dagaalami cidaad la dagaalantaan, waanan nabad galin cidaad nabad galisaan”[14]
  • Rasuulku (N.N.K.H) wuxuu yidhi: ” Haweenka ugu fadliga badan Jannada waa Khadiija bintu Khuweylid, Faadima bintu Muxamed, Aasiya bintu Musaaxim iyo Maryama bintu Cimraan”[15]
  • Xadiis uu macnihiisu ahaa sidan ayaa ka sugan Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): ”Malak ayaa maanta soo dagay, aan waligii hore usoo dagin, wuxuu u yimid si uu iigu bishaareeyo in Faadima tahay madaxda haweenka Jannada iyo in Xasan iyo Xuseen yihiin madaxda dhalinyarada Jannada”[16]
  • Faadima ilaahay raali haka ahaadee waxay ahayd mid aad uga shabahda Nabiga (N.N.K.H) xaga hadalka iyo sheekada, hadii ay usoo gasho Faadimana waa u kici jiray oo dhunkan jiray, ayaduna sidoo kale ayey samayn jirtay.[17]
  • Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu ahaa ku albaabka ku garaaca Faadima gurigeeda kahor salaada subax oo ku dhihi jiray: Salaada, salaada ehlulbaykoow.

Ubadkii Faadima bintu Muxamed (I.R.H)

Faadima waxay u dhashay Cali ibnu Abudaalib shan caruura, waa Xasan, Xuseen, Muxsin, Saynab iyo Ummu-Kalthuum.

  • Xasan ibnu Cali (I.R.H) wuxuu ahaa wiilkii curad, wuxuuna noqday Khaliifka Muslimiinta geeridii Aabihii Cali kadib balse khilaafadiisii maysan sii waarin ee wuxuu ku wareejiyey Mucaawiya ibnu Abusufyaan (I.R.H). Xasan ibnu Cali ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ahaa Nin xaasas badan leh, wuxuuna ka tagay caruur badan oo ay ka mid yihiin: Xasan ibnu Xasan, Cabdillaahi ibnu Xasan, Camruu ibnu Xasan, sayid ibnu Xasan iyo Ibraahiim ibnu Xasan.
  • Xuseen ibnu Cali (I.R.H) waa wiilkii labaad ee Faadima u dhashay Cali, waana mid ka mid ah madaxda dhalinta ee Jannada siduu Nabigu ugu bishaareeyey. Xuseen ilaahay raali haka ahaadee wuxuu kasoo horjeestay madaxtinimadii wiilkii Mucaawiya uu dhalay ee Sayid ibnu Mucaawiya, isagoo u arkayey in Khilaafadu aanay ahayn boqortooyo lakala dhaxlayo, kadibna wuxuu u kacay dhulka Ciraaq isaga iyo dad badan oo Ehlul baytka kamid ah, waana la dilay Ilaahay raali haka ahaadee, dilkiisuna wuxuu noqday dhaawac wayn oo xitaa iminka ku yaala dadka Muslimiinta.
  • Saynab bintu Cali waxa guursaday inaadeerkeed Cabdillahi ibnu Jacfar (I.R.H), waxayna u dhashay Cali ibnu Cabdillaahi ibnu Jacfar iyo Cawn ibnu Cabdillahi ibnu Jacfar.
  • Ummu-kalthuum bintu Cali waxa guursaday saxaabigii waynaa ee qaaliga ahaa Ilaahay raali haka ahaadee Cumar Al-Faaruuq, waxayna u dhashay Cumar ibnu Khadaab wiil la dhaho Sayid ibnu Cumar, kadibna Cumar waa ka geeriyooday waxaana guursaday Cawn ibnu Jacfar, wax ubad ahna umaysan dhalin, isagana waxa uga daneeyey Muxamed ibnu Jacfar waxayna u dhashay gabadh la dhaho Nabtah bintu Muxamed, isagana waxa uga sii danbeeyey Cabdillahi ibnu Jacfar, wax ubad ahna umaysan dhalinl.[18]

 

Gabogabo iyo baraarujin:

Faadima bintu Rasuulilaah Muxamed (N.N.K.H) waa ehlul baytka aan salaad kasta ku sallino, waxayna Islaamka kaga yaalaan meel aad u sareysa waxaana inagu waajib ah inaynu jeclaano oo ixtiraamno, laakiin waa inaynaan booskooda ka qaadin. Faadima (I.R.H) waxay ka mid tahay dadka aad loogu xagjirsamay, oo waxa dad aaminsanyihiin inay tahay Macsuum (Ruux aan gafinba sida Nabiyada) arrintaasina waxay ka hor imanaysaa shareecada Islaamka, waana xadgudub wayn oo lagula kacayo xuquuqda Faadima, walaalayaal booskeeda Ilaahay dhigay haka qaadina, waxa sharaf ugu filan inay tahay gabadhii Nabigu dhalay laakiin yeynaan ku xadgudbin. Allahu aclam

WD: Abdulaziz Mohamed Oogle


 

[1] Ibnu Isxaaq (Siyarka) bogga: 246. Bayhaqi (Dala’ilka) Majallada 3aad:160

[2] Duulaabi (Durriyah daahirah)

[3] Xaafid (Al-Isaabah, 4:378)

[4] Imaam Muslim (2728)

[5] Imaam Bukhaari (3523)

[6] Imaam Axmed Musnadka (3:164)

[7] Imaam Axmed (1:200,201)

[8] Imaam Bukhaari (11/79), Imaam Muslim (2450).

[9] Imaam Bukhaari (2926)

[10] Dahabai (Siyar Aclaami Nubalaa’ Faadima bintu Muxamed).

[11] Ibnu Sacad Dabaqaatka, 8:28

[12] Mustadrik calaa saxiixayn, (4786)

[13] Imaam Bukhaari (3523)

[14] Mustadrik calaa saxiixay, (4768)

[15] Musnadu Axmed (2663)

[16] Sunan Tirmadi (3781)

[17] Dahabi, Siyar aclaami nubalaa, Faadima.

[18] Bayhaqi (Dalaa’il Annubwah, 383)