Balcaam ibnu Baacuuraa

(Dhagayso, akhriso ama Lasoo deg.)

Balcaam ibnu Baacuraa waxa uu ka mid ahaa culumada  xilligii Nabi Muuse (N.N.K.H). Balcaam wuxuu ka mid noqday aqoonyahanada ugu sarreya ee reer Banu Israa’iil majeertaan illamaayo ay xertiisu gaadhay laba iyo toban kun oo arday oo tacliinta ka qaata isaga. Waxa la dhahaa inuu cilmigiisa iyo wanaagiisu gaadhay heer haduu duco baryo laga aqbalo, waxaanu isga oo dhulka jooga arki jiray carshiga Rabbiga Raxmaanka ah. Eebana waxa uu siiyey aayado iyo mucjisooyin waxaana ka mid mucjisooyinkaas in duco kasta oo uu baryo laga aqbalo.

Balcaamkii caalimka aqoonta leh ahaa ayaa ka ridoobay diintii Tawxiidka, ilaahaybaan ka magan galnayee, waxa la sheegaa in markii Nabi Muuse iyo saxaabadiisu ku dageen dhulka Kancaaniyiinta (Dhulka Shaam) yaa Balcaam qoomkiisii u yimaadeen kuna dhaheen; Balcaamow waad u jeedaa in Muuse ibnu Cimraan oo reer Banu Israa’iil ah noo yimid si uu dhulka nooga saaro, adiguna waxaad tahay Nin laga aqbalo Ducada ee ku bax Muuse oo habaar adigoo baryaya Ilaahay (S.W). Balcaam waxa uu dhahay; Hoogiinee!! Muuse waa Nabi, waxaana la socota Malaa’iktii Eebe ee sideebaan u habaaraa anigoo waliba aqoon u leh cidhibdanbeedka falkan foosha xun. Qoomkii Kancaaniyiinta waxay ku dhaheen; Meel aan degno ma jirto, wayna ku adkeeyeen arrintii illamaayo uu ka ogolaaday inuu habaaro Nabigii Ilaahay ee Muuse (N.N.K.H) waxayna ku fitneeyeen xoolo, magac iyo kursi been ah. Balcaam oo ka mid ahaa culumada ugu sarreysa ee xilligaa wxuu gatay Diintiisa. SubxaanAllah. Balcaam waxa uu fuulay Dameer, isagoo ku wajahan buurta la dhaho Xasbaan si uu usahaminyo ciidanka Muuse. Waxa la dhahaa markuu ku dhaqaaqey dhankii Buurta ayey Dameertii socon wayday oo diiday inay u dhaqaaqdo dhankii Buurta, dabadeedna inta uu ka degay ayuu karbaashay Dameertii, markay xanuunkii ku batay ayaa Eebe ka hadliyey Dameertii oo waxay ku tidhi; Hooge! Balcaamow miyaanad arkayn in Malaa’ikta iga horeysa ee dib ii celinaysa, markaasay canaanatay oo ku tidhi; Ma waxaad rabtaa inaad Nabigii Ilaahay iyo Mu’miniinta habaartid!!.

Balcaam dheg umuusan dhaadhicin mucjisadan uu arkay iyo xujada cadaanka ah, ee Dameertii ayuu garaacay markaasaa loo baneeyey wadadii illamaa uu ka fuulay Buurtii isagoo raba inuu Habaaro Qoomkii Nabi Muuse. Waxa yaab lahayd kolkuu is dhaho habaar qoomkii Nabi Muuse waxa uu habaara qoomkii Kancaaniyiinta, SubxaanAllah, Ilaahaybaa carrabkiisii leexiyey oo wuxuu habaaray qoomkiisii, markuu is dhaho wanaag ugu ducee qoomkiisii wuxuu si lama filaan ah ugu duceeyaa Qoomkii Nabi Muuse (N.N.K.H).

Markii loo sheegay in carrabkiisu leexsanyahay ayuu dhahay; Aduunyo iyo aakhiraba waan seegay, kaliya waxa ii hadhay iminka waa dhagar aan u maleego reer Banu Israa’iil. Waxa uu faray qoomkii Kancaaniyiinta inay Dumarka qurxiyaan oo ka horgeeyaan ciidamada doonaya inay qabsadaan, wuxuuna faray in gabadh kastaa ay ogolaato cidii nafteeda u rabta, macnaha ruuxii kasoo hor baxa ee sino kaa dalbada ha diidin ayuu faray dumarkii. Markay Dumarkii galeen xeradii ciidanka ayaa gabdha lagu tilmaamo magaceeda (Kasba’ Ibnatu Suura) ay hormartay Nin Yahuudiya oo la dhaho (Zamriyy ibnu Shaloom) markaasu gacanta qabsaday isagoo la cajabsan gabadhan qurxoon ee nafteeda dadka u bandhigaysa. Waa kaxeeyey oo wuxuu u geeyey Nabi Muuse isagoo dhahaya; Waan ogahay inaad odhanaysid gabadhan waa xaaraan! Nabi Muusena waxa uu dhahay; “haa, waa xaaraan ee ha u dhowaanin”. Waxa uu dhahay; “Eebaan ku dhaartee tan kaama yeelayo” Waanu ka xaystay oo la galay qolkiisii waanu sinaystay. Dabadeedna Eebe subxaana wa tacaala waxa uu ku salliday qoomkii reer Banu Israa’iil cudurka daacuunka. Cudurkii waxa uu ka dilay reer banu Israa’iil todobaatan kun oo qof. Waxay ahayd fitnadii ugu horeysay ee reer Banu Israa’iil Dumarka sida Rasuulkeena (N.N.K.H) laga wariyey;

{فاتقوا الله واتقوا النساء ، فإن أول فتنة بني إسرائيل كانت في النساء” رواه مسلم وأحمد}

{Allah ka dhawrsada, kana dhawrsada Haweenka, dhabahaan fitnadigii ugu horeysay ee reer Banu Israa’iil waxy ahayd Dumarka} 

Ninka la dhaho Fanxaas binu Ciizaar oo ka mid ahaa saxaabadii Nabi Muuse oo aan goobta sinadu ka dhacday aan joogin ayaa yimid, waana loo waramay in Zamriyy uu ku kacay falkan xun kadibna Eebe cadhooday oo cudurka daacuunku isla markiiba goobtaas uu asiibay. Ninkii Fanxaas waxa uu soo qaatay mindi wuxuuna u galay Ninkii xumaanta sameeyey waana dilay kadibna inta uu mindidii sare u qaaday ayuu dhahay (Ilaahayow sidanbaan ku samyn cida ku caasida) Markaasbaa laga dul qaaday cudurkii Daacuunka.

Balcaam ibnu Baacuraa wadaadkii gaaloobay ayaa maleegay dhagartan, sababtuna waxay ahayd wuxuu ogaa hadii cid ka mid ah reer banu Israa’iil sinaysato waxa dib u laabanay Malaa’iktii kaalmaynaysay. SubxaanAllah. Waa wax lala yaabo in caalim aqoon diinta u leh uu sidaas uga digo rogto diintii Ilaahay ee Tawxiidka, Ilaahaybaan ka magan galnay. Allah oo qisada ninkan ka waramaya waxa uu ku xusay suurada Acraaf. Aayadaha 175-177.

 وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ ٱلَّذِىٓ ءَاتَيۡنَـٰهُ ءَايَـٰتِنَا فَٱنسَلَخَ مِنۡهَا فَأَتۡبَعَهُ ٱلشَّيۡطَـٰنُ فَكَانَ مِنَ ٱلۡغَاوِينَ (١٧٥)وَلَوۡ شِئۡنَا لَرَفَعۡنَـٰهُ بِہَا وَلَـٰكِنَّهُ ۥۤ أَخۡلَدَ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ وَٱتَّبَعَ هَوَٮٰهُ‌ۚ فَمَثَلُهُ ۥ كَمَثَلِ ٱلۡڪَلۡبِ إِن تَحۡمِلۡ عَلَيۡهِ يَلۡهَثۡ أَوۡ تَتۡرُڪۡهُ يَلۡهَث‌ۚ ذَّٲلِكَ مَثَلُ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَـٰتِنَا‌ۚ فَٱقۡصُصِ ٱلۡقَصَصَ لَعَلَّهُمۡ يَتَفَكَّرُونَ (١٧٦) سَآءَ مَثَلاً ٱلۡقَوۡمُ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَـٰتِنَا وَأَنفُسَہُمۡ كَانُواْ يَظۡلِمُونَ (١٧٧ 

{Ku Akhri korkooda kii warkiisii aan Siinay Aayaadkanaga oo ka Siibtay Shaydaanna uu Raacay (Isaga) Noqdayna kuwa Baadida ah. (175) Haddan Doonno waannu koryeeli lahayn, hasayeeshee wuxuu u iishay Dhulka (Adduunyo Jacayl) wuxuuna Raacay Hawadiisa, wuxuuna la mid yahay Eey haddaad Erido wuu lalmin Carrabka, haddaad Deysana wuu lalmin, saasna waa Masalka Qoomka Beeniyey Aayaadkanaga ee uga warran Qisooyin inay Waantoomaan. (176) Waxaa Tusaale u Xun Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, Naftoodana waxay ahaayeen kuwo Dulmiya. (177)} 

 Eebe waxa uu ku tilmaamay Balcaam ibnu Baacuura inuu la mid yahay sida Eey hadii la eryo oo uu daalanyahay carrabka ayuu laadlaadin oo tuuri isagoo hiinraagaya, hadaad ka tagto oo uu nastan waa lulmin carrabka isagoo hiinraagi, waxaana tusaale xun cidii beenisa ama a gaalowda aayaadk Eebe Subxaana wa tacaala, kadibna Eebaa faray adoonkiisii Nabi Muxamed (N.N.K.H) inuu inooga waramo qisooyinka si aan u fakarno oo aan ugu cibro qaadano. Ilaahay waxaan ka barayaynaa inuu inagu sugo diintiisa, inaguna kaalmeeyo hanuunkiisa. Aamiin yaa Rabbi.