Kitaabkan Arbaciinka waxa qoray Imaamu Annawawi oo kamida culumada ugu waawayn diinta Islaamka ee Ilaahayna kutubtiisa ku anfacay muslimiinta oo dhan. Meel kasta oo aad tagto waxaad helaysaa ayadoo lagu baranayo kitaabkan Arbaciinka iyo Riyaadhu Saalixiinka oo isla sheekhu qoray. Marka la eego qaabka kutubta sheekhu u faaftay waxa inoo cadaanaysa inuu ikhlaas ku qoray kutubtiisa, Ilaahay ha u naxariisto, hana ka waraabiyo jannada Fardawsa.

Kitaabkan Arbaciinka (Afartanka Xadiis) wuxuu ka koobnaa afartan iyo laba xadiis, kadibna Ibnu Rajab Alxanbali ayaa ku daray sideed xadiis oo kale, wadarta guudna wuxuu noqday konton xadiis, hadana wali wuxuu wataa magicii afartanka xadiis ee uu ku caanbaxay. Kontankan xadiis ee kitaabkan ku qoran waxa laga soo xulay kutubta lagu diiwaangaliyey sunnada nabiga (scw) sida saxiixa Bukhaari iyo saxiixa Muslim.

Waxa Tarjumay oo ereyada adag macneeyey Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle, Ilaahay haka abaalmariyee.

Halkan ka akhriso, hadaad rabto inaad lasoo dagto waxaad riixdaa LASOO DAG PDF