Waa kuma Sheekh Axmed Deedat?

Halkanka ka daawo Taariikhda Deedad ama hoos ka akhriso: Daawo

Waa kuma ninkan Aduunka cariyey? Waa kuma ninka caalamka Masiixiyiinta caqabada ku ahaa? Waa Sheekh deedat oo cariyey baadariyada ugu sareeya diinta Kiristanka, boobkii John Paul 2, wuxuuna uga tagay muslimiinta hanti cilmiyeed oo aad u qiimo badan. Wuxuu ku caan ahaa Axmed Deedat doodihiisii, hadalkiisii cadaa, ee cid kasta oo dhagaysataa ay ka heli jirtay, ha ahaado cid taageersan iyo cid kasoo horjeedaba. Axmed waa ninka isaga awgii uu iman waayey Popekii Masiixiyiintu wadanka Koonfur Afrika.

Waan ka xumahay, dad badan oo muslimiina mahayaan taariikhdiisa iyo waayo aragnimadiisii dheerayd. Inshallah, inagoo ka baahi tiridoona dadka taariikh nololeedkiisii, ayaan go’aansaday inaan idiin soo bandhigo qaabkii uu Sheekha usoo halgamay iyo guulihii uu soo hooyey.

Bilowgii Nolosha Axmed Deedat:

Axmed Deedat wuxuu ku dhashay wadanka Hindiya, sanadkii 1918kii isagoo lahaa laba waalid oo muslim ahaa, waa hooyadii Faadima iyo aabihii Xusayn Kaadim Deedat. Aabihii wuxuu usoo guuray dalka Koonfur Afrika kadib markii ay noloshii Hindiya ku adkaatay, kolkuu Axmed gaadhay da’da sagaal sano ayuu doonay inuu aabihii kula noolaado Koonfur Afrika, kadibna intuu jidka kusoo jireen ayey hooyadii Faadima geeriyootay, sidaasna wuxuu ugu yimid aabihii isagoo kaligii ah.

Axmed wuxuu la noolaa aabihii, kadbna wuxuu galay dugsiga waxbarashada oo xilligaas la iska qaadi jiray fiiga iskuulka, hase ahaatee markuu gaadhay fasalka Lixaad ayuu ka baxay iskuulkii sababtoo ah wuxuu Axmed iyo aabihii awoodi kari waayeen inuu bixiyo kharashaadka Islkuulka. Axmed wuxuu bilaabay inuu shaqeeyo, isagoo ka shaqayn jiray dukaan iibiya badeecadaha cuntada sida Sonkorta, Daqiiqda iyo Shaaha.

Dukaanka Axmed ka shaqayn jiray waxa kasoo horjeeday goob wax lagu baran jiray oo la dhaho (Adam Mission), waxa ardayda masiixiyiinta lagu bari jiray inay soo gaalaysiiyaan dadka muslimiinta ee ku nool magaaladaas. Ardaydaas kasoo baxda dugsigaas faafinta kiristaaniyada ayaa iman jiray dukaanka Sheekha Axmed, kadibna wixii ay soo barteen ayey ku dabaqi jireen ayagoo waydiinaya su’aalo cajiiba sida: Ma ogtahay in Muxamed kitaabkiisa kasoo qaatay kutubta Yahuuda iyo Kirstaanka? Ma ogtahay in Muxamed lahaa xaasas badan? Ma ogtahay in diinta islaamku ku faaftay xoog iyo seef? Sheekh Axmed xilligaas wiil yar ayuu ahaa, manuusan lahayn cilmi badan oo uu iskaga dhiciyo weerarka lagu hayo muslimiinta.

Sheekh Deedat wuxuu yidhi; Ilaahay ayaa ah ka sababa asbaabta, sidaas darteed wuxuu Allah igu beeray haraad iyo oon aan u qabo inaan wax akhriyo, waxaan akhriyey dhamaan kutubtii, saxiifadihii, joornaaladii iyo qoraaladii aan heli karaayey, sababtuna waxay noqon kartaa kalida aan la ahay aabahay.

Maalin maalmaha kamid ah Axmed oo baadhay dukaanka ayuu wuxuu helay, kitaab boodh iyo siigo badan dusha ka saarantahay, kolkaasbuu kitaabkii masaxay, wuuna ku hindhisay dabadeedna wuxuu akhriyey ciwaanka kitaabka. Kitaabka magaciisa waxa la dhahaa; Izhaar Al-xaq, runtii ayaa timim, kadibna wuu akhriyey. Kitaabkana waxa qoray caalim muslim ahaa oo u dhashay dalka Hindiya, lana dhaho Mawlana Qaranwi (I.U.N). Kitaabku wuxuu ka hadlayey dhibta ay ku hayaan dadka faafiya masiixinimadu dalka Hindiya, xilligaas Hinidiya waxa guumaysanayey dalka Ingiriiska, waxayna ku qanacsanaayeen in cida ku kici doontaa xukunkooda ay tahay muslimiinta Hindiya sababtoo ah ayagaa ka talinayey dalka Hindiya mudo dhan kun sanadood. Xilligaas dadka Hinduuska ah waxay ahaayeen cawaan ama jaahil iska caabuda saciisa iyo lo’da, dabadeedna wuxuu Ingiriisku go’aansaday in wadankaas la keeno dad faafiya diinta Masiixiyada si ay u gaalaysiiyaan muslimiinta Hindiya.

Dalka waxa yimid dad kiristaan ah oo faafinaya diintooda, oo la moodo sida Ayaxa, dabadeedna waxay dood la galeen muslimiinta, hase ahaatee muslimiintii way cabsadeen kadibna cadaankii ingiriiska ayaa bartay luuqadii hindida oo kula dooday muslimiint sidaa awgeed ayuu Mawlana Qaranwi u qorey kitaabkan, si ay iskaga dhiciyaan duulaanka masiixiyada.

Sheekh Deedat wuxuu yidhi; kitaabkaas ayaa badalay noloshaydii, kadibna waxaan bilaabay inaan la doodo dadka masiixiyiinta, waxaanan aadi jiray maalinkasta oo Axad ah guryahooda iyo kaniisadaha anigoo waydiinjiray suaalaha ah: Ciise ma Ilaahbaa? waxay dhahaan; Haa, kolkaasbaan dhahaa bal keen daliilkaaga hadaad run sheegayso! Ciise ma danbiyadaaduu u dhintay? waxay dhaheen: Haa, kolkaasbaan dhahaa, keena daliilka? halkeebaa ku qoran kitaabkaaga ee uu Ciise Masiix (scw) uu isagu ku sheegtay naftiisa inuu u dhintay danbiyadaada!! Ilaahay ma sadexoolaa? waxay dhahaan: Haa. kolkaasbaan dhahaa, iga tus kitaabkaaga meesha Ilaahay ku leeyahay, anigu sadexbaan u kala baxaa!!

Sidaas ayuu Sheekh Deedat ku hormariyey naftiisa, isagoo markasta waydiinaya dadka keena daliilkiin!! Waxaana cajiiba inaanu xilligaas Deedat ogayn in qaabkani yahay qaabka Ilaahay faray in dadka Muslimiintu u waydiinyaan cid kasta daliilkooda, Allah wuxuu dhahay:

وَقَالُوا لَن يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَىٰ ۗ تِلْكَ أَمَانِيُّهُمْ ۗ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ﴿١١١

waxay dhaheen ma galo Jannado ruuxaan Yuhuud ahayn ama Nasaaro, taasina waa yididiilo (been ah) waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad run sheegeysaan. [Albaqara:111]

Ilaahay wuxuu faray dadka sheegta arrin been ah, waa in ay keenaan xujadoodii iyo daliilkoodii. Sidaas ayuu Sheekh Deedatna uu Allah ugu ilhaamiyey inuu adeegsado xikmada aayadan ee ah keena daliilkiina.

Kadibna nin u dhashay Ingiriiska oo la dhaho Ferfaksan ayaa qaatay islaamka, dabadeedna mudo laba bilood ah ayuu ninkaasi baray Axmed Deedat iyo dhalinyaro kale qaabka ay u adeegsanayaan kitaabka Baybalka ee looga soo saaro aayadaha sheegaya sifooyinka iyo nabi Muxamed.

Kadibna ninkaas Farfasan waa la waayey, markaasay dadkii ka dalbadeen in Axmed uu badalo booskiisii. Sidaasbaanu ku bilaabay dacwadiisii, isagoo maalin kasta oo Axad ah u khudbadaynjiray daka dhagaysanaya, wuxuu halkaas ka helay cilmi iyo khibrad.

Afar sano kadib waxa laga codsaday Sheekh Deedat inuu u duulo Johannesburg oo uu khudbad ka jeediyo qaacada ama meelaha dadku ka khudbadeeyaan. Markuu kusoo laabtay magaaladii uu daganaa Durban ayaa waxa salaadii Jimce soo islmaay laba nin oo reer Yurub ah, hadan jimcihii xigay waxa islaamay nin reer Yurub ah iyo nin u dhashay Hindiya. Dabadeed odayga la dhaho (Xaaj Qudwah) ayaa Sheekha usoo bandhigay inuu qaato 25 baloodh oo dhul ah oo odaygaasi leeyahay, oo ku taala gobolka Natal oo 90 km ka fog magaalada Durban.

Goobtii ayuu Sheekhu tagay, wuxuuna ka asaasay madraso ama dugsi hoose oo wax lagu baro caruurta, masaajid, xarun lagu barbaariyo dadka wadaada ah, xarun caafimaad iyo goob lagu jimicsado. Meeshii dadkii ayaa soo dagay, kadibna wuxuu bilaabay inuu xayeysiiyo Masaajidka, isagoo ku qoraya joornaalada lasiiyo dalxiiska inay soo booqdaan Masaajidka ugu wayn qaybta koonfureed ee dhulbadha Aduunka. Dadku waxay arkaan xayeysiiska wayna soo booqdaan Masaajidka, kadibna Axmed ayaa soo dhoweeye martida cusub, bal si aad muuqaal uga qaadato qaabkii uu usoo dhoweyn jiray ila akhriso waxan hoos ku qoran:

“Assalaama Calaykum, iminka waxaan idinku salaamay salaanta islaamka oo macnaheedu yahay Nabadgalyo korkiina ha ahaato, waana salaantii nabiyada sida nabi Ciise ku leeyahay kitaabka John:20:21-23 Shalama alaykum oo waa isku macne. Anagu dadka kuma nidhaahno Subax wanaagsan, sababtoo ah waxa dhici karta in maalintaa aad ku waabariisatayba xanuun, sidaas awgeed kolkaan ku dhaho subxa wanaagsan waxaad dhahaysaa aniga maanta waa ii subax xun. Ayadoo taas laga duulayo waxaan adeegsanaa badalkeeda Salaama Calaykum, nabadgalyo korkaaga ha ahaato, waxaanad dareemaysaa inay tahay duco, waa xitaa hadaad xanuusaysid”

Qaabkaas ayuu Sheekh Deedat usoo dhoweyn jiray martidiisa, kadibna wuxuu daabacay kutubo badan oo intooda badan isagu uu qoray, kumanaankun oo kitaab, kumanaankun oo cajalada Video ah si ay dadku u daawadaaan tacaaliimta Islaamka.

Sheekh Deedat ururkiisa ka dhisnaa Koonfur Afrika waxay muslimiyeen 6000 oo ruux, hadana Sheekha wali muusan qanacsanayn sababtoo shacabka Koonfur Afrika waa sodon milyan oo u badan masiixiyiin, sidaas darteed halkeebay kaga dhacayaan lix kun malaayiinkaa qof ee aan muslimka ahayn.

Sheekh Axmed Deedat waxa lagu yaqaanaa doodihiisa cajiibka ahaa ee uu la galay dadkii ugu cilmiga iyo aqoonta badnaa reer galbeedka iyo guud ahaan diinta masiixiyiinta.

Doodii Axmed Deedat iyo Jimmy Swagart, Daaluut vs Jaaluut:

Jimmy Sawagart wuxuu ahaa xilligaas ninkii ugu xooga waynaa, uguna caansanaa wadaada masiixiyiinta, waxa laga daawan jiray ama laga dhagaysan jiray boqolaal radio iyo baqolaal tv. Wuxuu qaadan jiray maalintii lacag ka badan hal milyan oo dollar oo taagnayd xilligaas 1984kii.

Mid kamid ahaa jamaahirta Axmed Deedat ayaa kula taliyey inuusan la doodin Jimmy, maxaa yeelay wuu ku calaashanayaa sida xanjada kadibna ku tufayaa, SubxanAllah, Ilaahay mahadii Sheekh Deedat wuxuu tagay wadnkii uu kasoo jeeday Jimmy ee USA kadibna wuxuu ku karbaashay ninkii Jimmy.

Jimmy wuxuu dhahay; “Quraanka waxa ku qoran in Tawraad iyo Injiil ahaayeen hadal Ilaah, hadan waxaad na leedihiin hadalkii Ilaahaybaa la badalay, sideebay u dhacaysaa? mida kale halkee lagu badalay? Yaas badalay? Goormaase la badalay?

Sheekh Axmed Deedat ayaa u jawaabay isagoo leh; “Baybalka waxa la badalaa iminka, maalinkasta, bal fiiriya labadaas kitaab waa Identical (isku mid) hadana midna waxa lasoo saaray 1952 dii oo waa kitaabka RSV kan kalena waxa lasoo saaray 1970 kii, kan hore wuxuu meesha ka saaray in Ciise sare loo qaaday, in Ciise yahay wiilka Ilaahay ee dhashay, in Maryama ay ahayd bikro, kadib markii dadkii soo saaray ay ka faa’ideen 15 milyan oo dollar ayey culamadiinu ku tidhi kuwii qoray, hadaydaan kitaabka sidiisiii hore kusoo celinin waxaan idinku diraynaa dadka kadibna kan cusub ee 1970kii ayey dib usoo saareen. Mida kale waxaad Jimmy ku tidhi khudbadaad in 40 kun oo xog qoraal ah laga soo xushay kitaabka Baybalka, waxa la iswaydiinayaa 40 kun ee xogeed qaabkee looga xushay, waxaad doorateen qoraalkii idin cajabiyey, kii kalena waad ka tagteen, mida kale waxaan idinku carinyaa inaad i tustaan 40 kun ee xoq qoraaleed oo laba kamid ah ay isku midyihiin!!! Run ahaantii Jimmy Swagart wuu hadli kari waayey waanu diiday inuu dood kale la galo Axmed Deedat.

Doodii Axmed Deedat iyo Anis Shoorush:

Doodihii ugu cajiibsanaa waxa kamid ah in Axmed Deedat uu la galay dood diimeed ninka la dhaho Anis oo ahaa nin Carab u dhashay Falasdiin oo ahaa masiixi, ninkaasna waxa u han waynaa masiixiyiinta maadaama uu garanayey luuqada afka Carabiga. Sheekh Deedat dooda wuxuu ku galay magaalada London, gaar ahaan qaacada Albert ee caanka ah, kadibn ninkaana hog madow ayuu ku riday, kadib markuu ku dul ceebeeyey dadkii hamiga u hayey Anis. Waxaa ku dul cadaatay eraydii Allah ee uu lahaa Xaqa iyo Baadilku kolka ay kulmaan waxa la waayaa baadilka.

Doodan Axmed Deedat wuxuu ka hadlay in kitaabka Baybalku hadal Ilaah ahayn, wuxuuna soo qaatay in hadii Ilaahay loo nisbeeyo Baybalka aanay suurtoobayn inuu umadiisa faro xumaan. Wuxuu soo qaatay in kitaabka Baybalku farayo dadka buka iyo dawladah la burubrnayo in la siiyo Khamri ka ugu daran (Hard Drink) sida kusoo aroortay kitaabka Proverbs :31:2  !!

Dhanka kale amarada cajiibka ee Bayblku kaga been abuurtay Ilaahay waxa kamid ahaa yuu yidhi: ” In ay kusoo aroortay kitaabka Isiah :20:2 in nabi kamid nabiyadu uu qaawanaa mudo dhan sadex sanadood oo uu dhex soconayey isagoo qaawan magaalada Qudus.!!

Sidoo kale Ilaahay xumaanta dadka ma faro hadan Baybalku wuxuu leeyahay, gaar ahaan kitaabka Malachi 2:3 in la tago, oo lasoo qaado saxarada bani aadamka kadibna wajiga lagu malaaso ama lagu masaxdo. Ama in la cuno saxaro sida kusoo aroorta kitaabka Ezekiel:4:2

Halkaas ayuu Sheekh Deedat kusoo gabo gabeeyey ninkii masiixiga ahaa ee Anis, sidoo kalena farriintii Islaamka ayuu gaadhsiiyey dadkii aan muslimiinta ahayn.

Doodihii kale:

Sheekh Axmed Deedat waxa kale oo uu la galay doodo Dr Faloid iyo Pastor Stanley, oo uu dhamaantood ka guulaystay, Alxamdulilaah.

Safarkii Australia:

Sheekh Deedat wuxuu aaday dalka Australia, kadibna wuxuu dalbaday in lala doodo maalinta ugu wayn maalmaha masiixiyiinta, waa maalinta la dhaho Good Freday oo ay sheegtaan in ay tahay maalintii la dilay Ciise Masiix (scw), oo uuna u dhintay danbiyadooda, kadibna waxa ruxmay dalkii oo dhan. Halkaasna maalintaas wuxuu si raganimo leh oo geesinimo ku dheehantahay uga hadlay xaqiiqada in la salbiyey Ciise Masiix (scw).

Safaradii Wadamada Muslimka:

Axmed Deedat wuxuu u safray dalal badan oo Islaama, sida Hindi-ya, Pakistan, Indonesia, Malaysia, iwm. Dhamaan meelahaas oo dhan wuxuu cadeeyey dhagarta masiixiyiintu ku hayaan dalalkaas oo ay u badalayaan wadan kiristaan ah.

Geeridii Sheekh Axmed Deedat:

Sheekh Deedat wuxuu xanuustay sanadkii 1996 dii oo ay ku habsatay Heart Attack, wadno xanuun taas oo sariir yaal ka dhigtay mudo dhan 9 sanadood. Mudadaas uu bukay wuxuu Allah doonay inuu dalagii uu beeray wax ka tuso, markaasa waxa xidigiisii soo if baxay geesiga muslimka dhalinta yar ee Dr Zakir Naik oo ahaa ardaydii Sheekh Axmed Deedat, wuxuuna Deedat ku dhahay: “Wiilkaygoow, waxaad Afar sano ku gaadhay, waxaanan Afartan sanadood ku gaadhin”. Ugu danbayn Sheekh Axmed wuxuu geeriyooday sanadkii 2005/August/8 maalin isiniin, waxaana aaskiisii kasoo qayb galay dad badan oo uu kamid ahaa Mufti Menk. Ilaahay ha u naxariisto Sheekha oo katagay 2 wiil iyo gabar, iyo xaaskiisii Xaawa oo ayaduna geeriyootay hal sano kadib.

Sheekh Axmed Deedaat oo ay Masiixiyiintu ku sheegeen inuu caqabada ugu wayn ee hortaagan masiixinimada, iyo inay ku faafto qaarada Afrika iyo wadamada muslimka ah, waxay isaga u ahayd wuxuu ku faano iyo mid uu abaal kaga sugu xaga Ilaahay.

Abaalmarintii Malik Faysal:

Sheekh Deedat hadafkiisu muu ahayn inuu abaal marin qaato ee wuxuu ahaa siduu u raali galin lahaa Alllah iyo rasuulkiisa, hadana wuxuu ku guulaystay abaalmarinta Malik Faysal oo ah abaal marinta ugu sareysa caalamka Islaamka, una dhiganta abaalmarinta Nobel. Waxaad qiyaastaa wiil yar oo ka hadhay waxbarashada fasalka lixaad oo hadana xaqiijiyey hadafkiisii nolosha, waa umuuro Ilaah. Ilaahay ha u naxariisto, anagana isaga gadaashii nama fitneeyo.


Waxa diyaariyey oo soona jeedinaya Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle