Taarikhdii Hooyada Mu’miniinta Caasha bintu Abubakar.

WQ: Sh. Abdulaziz Mohamed Oogle

 Dhagayso,  Daawo ama Akhriso 


Qeexid Kooban:

Magaceedu waa Caasha bintu Abubakar oo ah reer Qureesh kana ah reer Tayyim. Waxay geeriyootay sanadkii 58 aad ee Hijrada una dhiganta sanadkii 678 ee Miilaadiga. Caasha waa xaaskii sadexaad ee uu guursado Nabi Muxamed (N.N.K.H). Caasha aabaheed waa Khaliifkii koowaad ee Muslimiinta Abubakr ibnu Qaxaafa (I.R.H). Nabigu waxa uu la aqal galay Caasha sanadkii 2 aad ee Hijrada dagaalkii Badar kadib. Caasha (I.R.H) waa lagu tuhmay dhawrsanideeda balse waxa bari yeelay Ilaahay (S.W.T). Caasha waxay Nabiga ka dhaxashay cilmi aad u badan gaar ahaan axkaamta shareecada Islaamka, waxa la dhahaa Axkaamta Diinta Islaamka Afar meelood hal meel ayaa laga soo xigtay xadiisyada ay Caasha soo warisay (I.R.H). Caasha waxa fatwo waydiin jiray saxaabada waaweyn markay arrin ku adkaato, waxayna ahaayeen kuwo cilmi arrintaas laysku hayo ka hela Caasha agteeda. Caasha (I.R.H) waxay kamid ahayd saxaabadii kasoo horjeestay dilkii loo geystay Khaliifkii Muslimiinta Cusmaan ibnu Cafaan, waxayna Caasha iyo Saxaabo kale dalbadeen in la dilo sida ugu dhakhsaha badan dadkii kadanbeeyey dilkaa foosha xun ee lala beegtay mid kamida saxaabadii Jannada loogu bishaareeyey.

Magacyada Caasha iyo Qoyskeedii:

Magaceedu waa Caasha bintu Abubakar, Nabiguna wuxuu ugu yeedhi jiray (يا عائش) (Caashooy), waxa kale oo loo yaqaana (بنت الصديق) ama (بنت ابي بكر) oo ah inantii Abubakar dhalayeey ama Sidiiq dhalay. Sidoo kale waxa loogu yaadhay (حميراء) oo macnaheedu noqonayo gabadh cad oo timo cadaan ah leh. Naanaysta Caasha waxay ahayd (Umu Cabdillaahi) ayadoo loogu magac darayo wiilka ay habaryarka u ahayd ee Cabdillaahi ibnu Subeyr (I.R.H).

Abtirsiinta Caasha(I.R.H):

Caasha bintu Abubakar – Cabdillaahi- ibnu Qaxaafa – Cusmaan- ibnu Caamir ibnu Camru ibnu Kacab ibnu Sacad ibnu Tayyim ibnu Murrah ibnu Kacab ibnu Lu’ayy ibnu Fihir –Qureesh.

Aabaheed:

Caasha aabaheed waa Imaamkii waynaa Khaliifkii Rasuulka ahaana ruuxa ugu khayrka badan umadda Nabi Muxamed (N.N.K.H). Abubakar magaciisu wuxuu ahaa Cabdi Al-Kacab balse markuu islaamay ayuu Nabigu ka badalay magaca oo u bixiyey Cabdillaahi. Waxa kale oo loogu yeedhi jiray Catiiq oo macnaheedu yahay kii Ilaahay ka xoreeye Naarta. Naanaystiisuna waxay ahayd Abubakar oo macnaheedu yahay ka ku hodan ka ah geela.

Abubakar wuxuu ku caanbaxay xilligii Islaamka kahor run sheeg iyo daacadnimo, wuxuu reer Qureesh u qaabilsanaa inuu magta iyo diyada ka ururiyo, haduu isagu yahay cida magta uruinaysa Qureesh way u kici jireen oo bixin jireen qaadhaanka kusoo beegma.

Markuu Islaamayna waxa loogu yeedhay (الصديق) (Rumeeye ama Run badane) gaar ahaan markuu Nabigu (N.N.K.H) kasoo laabatay safarkii lagu dheelmiyey ee Isra’ walmicraaj ayey gaaladii ku tidhi Abubakar: Ma maqashay warka uu sheegayo saaxiibkaa Muxamed wuxuu dhahay; xalay ayaa layga kaxeeyey Makkah layna geeyey magaalada barakaysan ee Qudus. Abubakar wuxuu yidhi: Haduu Muxamed saas dhahay Run ayuu sheegay, sababtoo ah waxaan ka rumeystaa war uga yimaada todobada cir korkooda oo waxyi ah.

Markuu arrintaas Nabigu maqlay ayuu yidhi: Abubakaroow adiguna waxaad tahay Run badane (Sidiiq)

Sidoo kale waxa kusoo arooray Bukhaari iyo Muslinba inuu Nabigii Ilaahay iyo Abubakar, Cumar iyo Cusmaan fuuleen buurta Uxud kadibna buurtii ay gariirtay oo ay ruxantay markaasuu Nabigu dhahay: ”Sugnoow Uxudeey, waxa korkaaga saaran oo kaliya waa Nabi, Sadiiq (Runbadane) iyo laba Shahiid”

Hooyadeed:

Caasha hooyadeed waa Ummu-Roomaan bintu Caamir bin Cuweymir bin Cabdishamsi bin Citaab bin Adiinah bin Subayc bin Duhmaan bin Xaaris bin Qanam bin Thaclabah bin Maalika bin Kanaanah bin Khusaymah bin Madrakah bin Ilyaas bin Mudar bin Nazaar bin Macad bin Cadnaan. Waxay ka mid ahayd saxaabadii islaamtay xilli hore, wayna hijrootay.

Umu-Roomaan waxay Abubakar kahor guursatay Cabdillaahi ibnu Xaaris bin Sakhiirah, waxayna u dhashay Dufayl ibnu Cabdillaahi ibnu Xaaris, kadibna waxay guursatay saxaabiga Abubakar una dhashay wiil iyo gabadh waa: Cabdiraxmaan ibnu Abubakar iyo hooyada Mu’miniinta Caasha bintu Abubakar (I.R.H).

Caasha hooyadeed Ummu-Roomaan waxa Nabigu ugu bishaareeyey Jannada waxaanu yidhi: ”Cidii ay farxad galinayso inay fiiriso gabadh Xuural Caynta kamid ah ha fiiriyo Ummu-Roomaan

Waxa lasoo arooriyaa in Umu Roomaan (I.R.H) ay geeriyootay Nabiga oo nool kadibna uu ku dagey qabrigeedii, danbi dhaafna Ilaahay u waydiiyey.

Awoowgeed:

Caasha awoowgeed waa Qaxaafa –Cusmaan- ibnu Caamir, wuxuu ahaa oday waayeel ah oo indho beelay, wuxuuna islaamay sanadkii sideedaad ee Hijrada markii la furtay magaalada barakaysan ee Makkah. Abubakar ayaa aabihii Qaxaafa u keenay Nabiga markaasuu Nabigu dhahay: ”Odayga maxaad usoo waday aniga ayaa u tagi lahaaye” Abubakarna wuxuu yidhi: ”Rasuulkii Ilaahayow, isagaa mudan inuu kuu yimaado.”

Dabadeedna Nabiga (N.N.K.H) ayaa laabtiisa ama xabadkiisa taabtay oo ku dhahay islaam, waanu islaamay oo ku dhawaaqay shahaadada xaqa ah.

Walaaladeed:

Abubakar (I.R.H) wuxuu guursaday Qutaylah bintu Cabdilcuza islaamnimada kahor, waana laysku khilaafa islaamnimadeeda, waxayna u dhashay Cabdillaahi ibnu Abubakar iyo Asma bintu Abubakar. Waxa kale oo uu Abubakar guursaday Umu-Roomaan oo u dhashay Cabdiraxmaan iyo Caasha. Waxa kale oo uu guursaday Asma bintu Cumays (I.R.H) waxayna u dhashay Muxamed ibnu Abubakar.

Sidoo kale wuxuu guursaday Xabiba bintu Khaarija oo u dhashay Abubakar geeridiisii kadib gabadh la dhaho Umu-Kalthuum.

  • Cabdiraxmaan ibnu Abubakar (I.R.H) waxay isku hooyo iyo isku aabo yihiin hooyada Mu’miniinta Caasha. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa dhalinyaradii ugu geesisanayd Qureesh, wuxuuna ka qayb galay dagaalkii Badar isagoo kasoo horjeeda Muslimiinta, waxaana usoo baxay Aabihii Abubakar oo ku dhahay weedho aad u qadhaadh, sidoo kale wuxuu soo raacay gaaladii Qureesheed dagaalkii Uxud.

Cabdiraxmaan islaamnimadiisu way danbeysay, wuxuu islaamay xilligii uu Nabigu (N.N.K.H) heshiiska kula jiray gaaladii Qureesheed (Heshiiskii Xudaybiya), kadibna wuxuu ka qayb galay dagaaladii lagula dagaalamayey beenaalihii sheegtay Nabinimada Musaylama, wuxuuna dilay Muxkam ibnu Dufayl oo ahaa maskaxdii maamuleysay dagaaladii beenaalihii Musaylama.

Cabdiraxmaan wuxuu sidoo kale ka qayb galay furashadii dhulka Shaam iyo duulaankii Yarmuuk. Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa saxaabadii ka hortimid markuu saxaabigii Mucaawiya xilka ku wareejiyey wiilkiisii Yaziid ibnu Mucaawiya isagoo u arkayey inaanu xukunka Muslimiintu noqonin boqortooyo la kala dhaxlo.

  • Cabdillaahi ibnu Abubakar waa Caasha walaalkeed balse waa kala hooyo oo waxa isaga dhashay Qutaylah bintu Cabdi Al-cuzaa.

Cabdillaahi ibnu Abubakar wuu islaamay wuxuuna ka hawl galay war galinta Rasuulka iyo Abubkar markay hijroonayeen, wuxuu tagi jiray golaha gaaladii Qureesheed markaasuu warka u keeni jiray Nabiga iyo saaxiibkii Abubakar. Cabdillaahi wuxuu ku shahiiday go’doonkii Daa’if Ilaahay raali haka ahaadee.

  • Asma bintu Abubakar (I.R.H) waxay kamid ahayd haweenkii ugu islaamnimada horeeyey, waxayna ka qaybqaadatay abaabulkii dhisida bulsho islaami ah, Asma waxa qabay saxaabigii geesiga ahaa waa Subeyr ibnu Cawwaam oo Nabigu (N.N.K.H) ugu bishaareeyey Jannada, waxay dhashay geesigii Cabdillaahi ibnu Subeyr (I.R.H), Asma waxa lagu xasuustaa geesinamadeeda iyo inay wajahday gaalkii waynaa ee Abujahal. Markay da’deedu ahayd inkabadan boqol sanona waxay hor istaagtay Xajaaj ibnu Yuusuf oo wiilkeedii Cabdillaahi ibnu Subeyr dilay.
  • Muxamed ibnu Abubakar waxa isaga dhashay saxaabiyadii qaaliga ahayd waa Asmaa bintu Camiis (I.R.H), mudo yar kadib waxa geeriyooday Abubakar markaas waxa Muxamed hooyadii guursaday Cali ibnu Abudaalib, wuxuuna kusoo koray gurigii Cali ibnu Abudaalib.
  • Ummu-Kalthuum bintu Abubakar, waxay dhalatay geeridii aabaheed kadib, hooyadeedna waa Xabiiba bintu Khaarija, waxaana guursaday saxaabigii qaaliga ahaa waa Dalxa ibnu Cubaydillaah (I.R.H).

 

Wax qabadkii Qoyskii Abubakar xilligii Hijrada.

Qoyska Abubakar (I.R.H) wuxuu  ahaa qoys kusoo barbaaray Islaamnimo, kana qaybqaatay dadaalkii lagu xoojinayey dawladii Islaamka ee uu dhidibada u taagay Nabi Muxamed (N.N.K.H). waxaana ugu waynaa ayaan odhan karnaa qaabka ay qoska Abubakar uga qaybqaateen Hijradii Nabiga (N.N.K.H).

Waxaynu ognahay in saxaabadii Nabiga la faray inay u hijroodaan magaalada Madiina kadib markay dhib kala kulmeen gaaladii Qureesheed. Kolkaasbuu Abubakarna u diyaar garoobay inuu hijroodo laakiin Nabiga ayaa dhahay; joog, waxaan rajaynayaa in hijrada lay ogolaado. Abubakarna wuxuu sii joogay magaaladii Makkah isagoo rajo ka qaba inuu la rafiiqo Nabiga (N.N.K.H).

Caasha waxay tidhi: Maalin anaga oo joogna guriga Abubakar ayaa waxa soo muuqday Nabiga ayadoo ay tahay xilli duhur ah oo aanu Nabigu soo booqan jirin Abubakar. Kadibna Abubakar ayaa loo sheegay inuu Nabigu yimid gurigiisii, waxaanu Nabigu u sheegay in loo ogolaaday inuu hijroodo.

Abubakar waa ku farxay inuu la rafiiqo safarka hijrada Nabigii Ilaahay (N.N.K.H), waxaanu u diyaariyey Nabiga rati uu ku safrayo, balse nabigu waa diiday inuu bilaash ama lacag la’aan ku qaato ratigaas oo wuxuu dhahay: lacag ayaan ku qaadan, macnaha waan kaa iibsan.

Maalintaas ayaa gabadhii uu dhalay Abubakar waa Asma bintu Abubakar waxay diyaarisay cuntadii safarka balse waxay halmaantay xadhigii lagu xidhayey sibraarka ay cuntadu ku jirto, dabadeedna maradeedii ayey dacal kasoo jartay oo uga dhigtay xadhiga haynaya sibraarka, markaasbaa lagu magacaabay Asma daraflay. (Asmaa Dal-Nidaaqayn)

Nabiga iyo Abubakar way baxeen safarkoodii waxayna galeen god ku yaala buurta Nuur, waxayna halkaa ku sugnaayeen mudo sadex casho ah. Cabdillahi ibnu Abubakar oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa soo dhagaysan jiray warka magaalada Makkah kadibna xilliga fiidka ayuu iman jiray godka oo uga waraami jiray Nabiga iyo Abubakar dhagarta ay gaaladii Qureesheed maleegayeen. Dhanka kale waxa caano u keeni jiray Nabiga iyo saaxiibkii Abubakar ninka la dhaho Caamir ibnu Fahiirah oo ahaa adoon u lahaan jiray Abubakar.

Gaaladii Qureesheed oo baadi goobaya Nabiga iyo Saaxibkii ayaa yimid gurigii Abubakar ayagoo filaya inuu gurigan ku dhuumanayo Nabigu. Waxa gaaladan madax u ahaa Abujahal oo intuu albaabka garaacay ayey Asma ka furtay, markaasuu waydiiyey warka Nabiga iyo Abubakar. Asma waxay tidhi: wax war ah kama hayo meeshay qabteen, markaasuu Abujahal cadhooday oo dhirbaaxo kasoo gooyey wajigii Asma bintu Abubkar (I.R.H). Asma waxay ku tidhi Abujahal: Ma markaad ragii awoodi kari wayday ayaa dumarkii kaa nabad gali waayeen.

Abubakar markuu hijroonayey wuxuu qaatay hantidiisii oo dhan, waxna ugamuu tagin reerkiisii sababtoo ah xoolihiisa oo dhan wuxuu ku bixinayey jidka Ilaahay (S.W.T). Qaxaafa oo ahaa Asma awoowgeed oo indho la’aa ayaa yimid gurigii Abubakar kuna dhahay Asma: Abubakar miyuu xoolo idiin ka tagay? Waxay tidhi Asma: Waxaan soo qaaday dhagxaan oon ku riday maro guriga taalay markaasbaan idhi awoow taabo kiishkan lacagta ah ayuu Abubakar nooga tagay, markaasbuu taabtay oo dhahay: haduu intan idiin ka tagay waad ladan tihiin, waana iska tagay.

Dhalashadii Caasha:

Caasha (I.R.H) waxay ku dhalatay Makkah todoba ama sideed sano kahor hijradii Nabiga, waxayna tidhi: waxaan ku garaadsaday aabahay iyo hooyaday oo diinta haysta. Sidoo kale waxa ka sugan inay tidhi: Nabigu wuxuu i guursaday anigoo lix sano jir ah, wuxuuna ila aqal galay anigoo sagaal sano jir ah. Waxaanu Nabigu guursaday bishii Shawaal ee sanadkii labaad ee Hijrada.

Caruurnimadii iyo barbaartii Caasha:

Caasha (I.R.H) waxay soo barbaartay xilli ay gaaladii Qureesheed ay aad u cabudhinayeen dacwada iyo yabooha islaamka, waxay ka marag ahayd dhibtii aabaheed kasoo gaadhay dacwada iyo islaamnimada.

Caasha yaraanteedii way cayaari jirtay oo xitaa waxay lahayd caruusad ay ku dheesho iyo saaxiibo caruurnimo oo ay wada cayaaraan. Sidoo kale Caasha way sii waday ciyaarteedii xitaa markii la guursaday kadib maadaama ay da’deedu yarayd.

Doonistii Caasha:

Caasha Ilaahay raali haka ahaadee waxay ahayd mid aad u xasuusata qaabkii loo soo doonay iyo xafladii arooskeeda. Guurkii caasha wuxuu ahaa mid amar ama waxyi ah oo la faray Nabiga inuu guursado Caasha.

Nabiguna wuxuu dhahay: (Hrdada ayaa laygu kaa tusay laba jeer, waxaan arkay Nin kugu sida dacal xariira oo dhahaya: Tani waa xaaskaagii, waanan daahfuray, mise waa Adiga. Aniguna waxa dhihi hadii ay xaga Eebe ka sugnaatey way ahaan)

Nabiga (N.N.K.H) waxa ka geeriyootay marwadiisii Khadiija bintu Khuweylid (I.R.H) oo la oofsady sadex sano kahor hijradii Nabiga, waxaana sanadkaas lagu magacaabay sanadkii murugada.

Naigu mudo lagu qiyaaso labo sano muusan lahayn wax haween ah kadibna waxa u timid gabadh la dhaho Khawla bintu Xakiim waxayna ku tidhi: Rasuulkii Ilaahayow miyaanad guursanayn? Nabigu wuxuu yidhi: Yaan guursadaa? Waxay tidhi: waxaad guursataa gabadh carmal/garoob ah iyo mid bikro ah. Nabigu wuxuu yidhi: Yaa carmal ah? Yaase bikro ah? Waxay tidhi Khawla: Carmalku waa Sawda bintu Samica oo ku rumeysay, bikraduna waa Caasha oo uu dhalay dadkaba kaad ugu jeceshahay Abubakar.

Nabigu markaas ayuu faray Khawla inay u doonto Caasha, waxayna usoo gashay Caasha hooyadeed Umu-Roomaan waxayna ku tidhi: Bal kawaran waxa khayr iyo barako kusoo galay! Nabigii Ilaahay ayaa kaasoo doonay inantaada Caasha. Umu-Roomaan waxay tidhi: waxaan u sheegayaa aabaheed Abubakar. Umu-Roomaan warkii ayey u sheegat Abubakar balse waxa hada kahor Caasha soo doonay wiil uu dhalay Mudcim ibnu Cadiyy oo la dhaho Jubeyr ibnu Mudcim kadibna wuxuu go’aansaday Abubakar inaanu bixin inantiisa illamaayo uu war cad ka helayo Jubeyr ibnu Mudcim oo hore usoo doonay Caasha.

Abubaar wuxuu u tagay Mudcim waxaanu ku dhahay: Inantii aad soo doonteed Caasha warkeedii xaguu ku danbeeyey? Mudcim wuxuu yidhi: wiilka hooyadii aynu waydiino, ayadiina waxay tidhi: hadii aynu wiilkeen Jubeyr u guurino Caasha wuu islaamayaa, wayna ka biyo diideen balse Abubakar wuxuu doonay inuu war sugan ka qaado Jubeyr afkiisa waanu waydiiyey isagana, wuxuuna dhahay: Warku waa wixii aad hooyaday ka maqashay.

Markuu Abubakar fuliyey ballantiisii ayuu siiyey inantiisii Caasha Rasuulii Ilaahay ee Muxamed (N.N.K.H). Dhab ahaantii waxay ahayd arrin Ilaahay qorsheeyey in gabadhaas wanaagsan ay xaas u noqoto Rasuulka (N.N.K.H).

Hijradii Caasha:

Nabigu lamuuusan aqal galin Caasha markuu guursadayba, sababtuna waxay noqon kartaa Caasha oo da’deedu ay yarayd iyo Nabiga oo aad u mashquulsanaa.

Markuu Nabigu hijroody ayuu soo diray saxaabiga Sayid ibnu Xaaritha iyo Abu Raafic, waxaanu usoo dhiibay laba rati iyo 500 oo dirham, sidoo kale Abubkarna wuxuu soo diray Cabdillaahi ibnu Urayqid wuxuuna kusoo daray laba ama sadex awr si ay usoo qaadaan reerkii Abubakar iyo ubadkii Nabiga oo xilligaa Makkah ku sugnaa.

Markay marayeen Qadiid ayuu Sayid lacagtii ku iibiyey awr kale, waxayna si kadis ula kulmeen Dalxa oo doonaya inuu hijrooda waanu sii raacay.

Sayid iyo Abur Raafic waxay soo qaadeen Faadima, Umu-kalthuum, Sawda, Umu-ayman iyo Usaam. Waxa kale oo soo raacay Caasha, Asma iyo Umu-Roomaan.

Intii jidka lagu jiray ayaa awrkii ay Caasha saarnayd la waayey waxaana ka horeeyey hooyadeed Umu-Roomaan oo saarnayd Hawdaj (waa qol dhigo ka samaysan oo ratiga la dul saaro si dumarka loogu qaado). Caasha iyo safarkii la socday waxay gaadheen Madiina ayadoo la dhisayo Masaajidka Nabiga (N.N.K.H).

Aqal galkii Caasha:

Sanadkii 2 aad ee Hijrada bishii Shawaal ayaa Nabigu la aqal galay Caasha kadib dagaalkii Badar oo Ilaahay ku guuleeyey Rasuulkiisa lagana roonaaday gaaladii Qureesheed lana dilay madaxdoodii sida Abujahal, Umaya ibnu Khalaf, Cuqba, Waliid, Shayba, Cuqba ibnu Maciid, Nadri ibnu Xaarith iyo qaar kale oo badan

Guushaas Nabigu uu gaadhay kadib wuxuu jaanis u helay inuu la aqal galo xaaskiisii Caasha (I.R.H).  Waxay Caasha tidhi: Maalin anigoo la jooga saaxibaday oo aanu haysano caruusad aan ku dheelayno ayaa waxa ii timid Umu-Roomaan oo gacanta i qabatay waxayna ii keenta guri ay joogeen dumar Ansaar ah, kadibna timahayga ayey dhaqeen wayn i hagaajiyeen oo ii diyaariyeen arooska, sidaasbayna iigu dhiibeen Rasuulka (N.N.K.H).

Waxa kale oo Caasha ay tidhi: Arooskaygii laguma gawricin geel iyo adhi toona ee waxa hadyad cunto weel ku jirta u keenay Nabiga Sacad ibnu Cubaada  (I.R.H). Nabiguna martidii arooska wuxuu u diyaariyey caano iyo waxooga cunto ah kadibna Asma bintu Yaziid oo reer ansaar ahayd kana mid ahayd dumarkii diyaariyey Caasha ayuu Nabigu siiyey caano, waxayna dhaheen: Ma rabno. Nabigu wuxuu dhahay: Haysku darsanina gaajo iyo been.

Caasha (I.R.H.) sidaasbay ku aqal gashay, waxaana lagu mahersaday 500 oo dirham.

Nabigu wuxuu Caasha u dhisay guri ku dhajisan Masjidka oo ka samaysnaa jiridda Timirta, dushana laga saaro caleemo. Gurigaasna Nabigu inbadan ayuu fadhiisan jiray, waxyiguna waa kusoo dagi jiray. Wuxuuna ahaa Nabigu mid ku ictikaafa (fadhiista) Masaajidka kadibna madaxa galin jiray guriga Caasha si ay Caasha u maydho madaxa iyo timaha Rasuulka (N.N.K.h).

Guriga Caasha maysan oolin fadhi, qaaci iyo sariio laba nafar ah ee waxa yaalay oo kaliya hal furaash oo liif ah, kaasbayna ku seexan jireen iyada iyo Rasuulku (N.N.K.H). Waxaana cajiiba in Nabigu markuu tukanayo ay lugaheedu ooli jireen meesha uu ku sujuudayo, markuu sujuudayo Nabigu wuu ishaarayey inay lugaha ka qaado meesha, ayaduna lugaheeda ayey laaban jirtay, sidoo kale gurigeeda muusan oolin faynuus habeenkii la shido sababtuna waxay ahayd inaanay haysan subaga ama duxda waagaas lagu daari jiray faynuuska, hadayba helaana way cuni jireen.

Noloshii Caasha:

Waxaynu ka waramnay in guriga Caasha aanay oolin alaabooyin badan, waxa intaa dheer in guriga Nabigu uu ahaa guri aan cunto badan lagu karin, caasha waxay tidhi: Guryaha Rasuulka sadex bilood dab maysan shidan jirin, wiilkay habaryarta u ahayd ee Curwa ibnu Subeyr ayaa dhahay: Maxaad cuni jirteen hadaa? Waxay tidhi: Jiiraanka Nabiga ayaa waxoogaa caano ah u keeni jiray Nabiga.

Baahida badan ee kajirtay Nabiga guryihiisana waa ta keentay in haweenkii Nabigu ay dalbadaan in biilka loo kordhiyo, markaasuu Nabigu ka cadhooday oo ka tagay modo bil ah, kadibna Ilaahaybaa soo dajiyey aayaadka suurada 33 aad ee Axzaab, ayadoo la farayo haweenka Nabiga inay kala doortaan Ilaahay iyo Rasuulkiisa iyo nolosha aduunyo, dabadeedna dhamaan haweenkii Nabigu waxay doorteen Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

U dabacsanaantii Nabiga (N.N.K.H)

Nabigu (N.N.K.H) wuxuu aad ugu dabacsanaa Caasha oo wuu u samo fali jiray, waxa ina tusaya wanaagaas qodobadan soo socda:

  • Nabigu (N.N.K.H) wuxuu Caasha ka aqbalay inay daawato rag xabashi ah oo ku tabobaranaya warmaha iyo seefaha meel ka ag dhow Masaajidka Rasuulka (N.N.K.H), Caasha waxay istaagtay Nabiga dhabarkiisa waxayna dhabankeeda saartay garabkiisa ayadoo daawanaysa ragaas tabobaranaya, sidoo kale Nabigu wuxuu Caasha ku qarinayey go’iisa isagoo dhiiri galinaya ragaas ayuu lahaa wada wada ilmo Arfidoy. Caasha (I.R.H) markay dhamaysatay daawashadii ayey ka tagtay meeshii.
  • Waxa samo falkaa kamid ahaa inuu Nabigu la kaftami jiray haweenkiisa, waxay Caasha tidhi: Waxaan Nabiga u keenay cunto aan kariyey, markaasbaan ku idhi Nabiga iyo xaaskiisii kale ee Sawda; Cuna cuntada balse Sawda ayaa diiday inay cunto cuntada waxaanan ku idhi Sawda: Cun cuntada hadii kale waan ku dhirbaaxayaa! Wayna diiday markaasbaan dhirbaaxo wajiga kaga dhuftay gacantayda oo leh cuntadii, kolkaasuu Nabigu qoslay oo dhahay; ka gooso dhirbaaxada, Sawdina way samaysay kadibna waxa dhawaaqay Cumar ibnu Khadaab oo dhahay: Adoonkii Ilaahayoow! Markaasbuu Nabigu dhahay: kaca oo dhaqa wajigiina.
  • Waxa kale oo kamid ahaa samo falkaa inuu Nabigu la cawayn jiray Caasha oo u sheekayn jiray. Caasha waxay ka sheekaysay in kow iyo toban haween ah waa xilligii jaahiliga ay wada fadhiisteen oo ay ku ballameen inaanay waxba kala qarsanin kadibna waxay mid waliba soo bandhigtay ninkeedu siduu yahay iyo qaabka uu u dhaqmo, ugu danabayn gabadhii kow iyo tobnaad oo la odhan jiray Umu Sarci ayaa tidhi: Aniga ninkayga oo ahaa Abusarci waa Nin deeqsiya oo dahab i sudhay, ina dhargiyey illamaayo aan ka cayilay, wuuna iga farxiyaa, wuxuuna iga soo kaxaystay reerkayagoo adhi lahaa wuxuuna iigu badalay geel iyo fardo farabadan, balse ninkii Abusarca wuxuu arkay gabadh laba wiil wadata markaasuu guursaday anigana wuu i furay, waxaanan Aniguna guursaday nin kale, kadibna Nabiga ayaa ku dhahay : Anigu waxaan kuu ahay sida Abu Sarci balse kuma furayo, markaasy Caasha tidh: Rasuulkii Ilaahayoow adigaa ka khayr badan Abusarci. Xadiiskan wuxuu ina tusayaa qaabka Nabigu ugu sheekayn jiray haweenkiisa iyo siduu ula cawayn jiray.
  • Nabiga samo falkiisii waxa kamid ahaa inaanu waligii gacan u qaadin wiil iyo gabadh toona manuusan canaanan jirin haweenkiisa.
  • Nabigu (N.N.K.H) wuu raali galin jiray Caasha, waxa maalin Nabiga usoo galay Abubakar isagoo ay Caasha codkeeda sare ugu qaaday markaasuu Abubakar dhahay: Inantaydiiyeey codkaaga sare ha ugu qaadin Nabiga kadibna Nabiga ayaa soo dhex galay halka Abubakarna ka baxay markaasuu Nabigu raali galiyey Caasha wayna qososhay kadibna Abubkara ayaa soo galay oo dhahay: iga qayb galiyey faraxadiina sidaan u arkay dirirtiinaba.
  • Nabigu (N.N.K.H) wuu u cadaalad samayn jiray haweenkiisa gaar ahaan wuxuu isagu awoodo oo ah hantidiisa iyo maalmaha ay dumarkiisu kala lahaayeen, balse qalbiga Nabigu ciduu doono ayuu jeclaanayey sababtoo ah qalbiga isagu ma xukumi karo laakiin wuxuu ku dadaalayey inuu u cadaalad sameeyo haweenkiisa.

 

Jacaylkii Nabigu jeclaa Caasha:

Nabigu (N.N.K.H) wuxuu jeclaa Caasha waana arrin ay saxaabadiisu ka marag kacayaan.

  • Anas ibnu Maalik wuxuu dhahay: jacaylkii ugu horeeyey ee Islaamka wuxuu ahaa jacaylkii Nabiga iyo Caasha (I.R.H). Jacaylkaasina waa ka keenay in dadka hadyada u sida Nabiga ay sugaan maalinta uu Caasha la jooga kadibna waxa arrintaas ka cawday xaasaskiisii kale oo u tagay Umu-Salama oo ku dhahay: Anaguba waxaan rabnaa khayrka sida Caasha oo kale ee u sheeg Nabiga in haweenkaagii kaa cabanayaan. Nabigu (N.N.K.H) sadex jeer ayey Umu-Salama (I.R.H) ay usheegtay arrinta haweenkiisa markaasuu dhahay Nabigu: Umu-Salamow! Haygu dhibina Caasha maxaa yeelay iyada oo kaliya ayaa waxyigu igu soo dagay anigoo go’a la huwan.
  • Camru ibnu Caas (I.R.H) ayaa waydiiyey Nabiga (N.N.K.H): Yaad dadka ugu jaceshahay? Wuxuu yidhi Nabigu: waxaan ugu jecelahay Caasha, markaasuu Camruu dhahay: Ragana? Wuxuu yidhi: aabaheed Abubakar.
  • Jacaylka uu Nabigu u hayey Caasha waxa qiray dhammaan haweenkii Nabiga oo maalintii ay Caasha geeriyootay ayay Umu-Salama tidhi: Caasha waxay ahayd gabadhii uu Nabigu ugu jeclaa.
  • Sawda bintu Samaca oo kamid ahayd haweenkii Nabiga oo waayeel ahayd ayaa maalinteedii uga tanaasushay Caasha si ay Nabiga u raali galiso maadaama uu Caasha aad u jeclaa.

 

Been abuuradkii waynaa:-

Fitnadii aadka u darnayd ee asiibtay reerkii Abubakar iyo gurigii Rasuulka waxa uu ahaa been abuuradkii laga sheegay Caasha (I.R.H), waxaana arrintan maleegay Munaafiqiin uu hogaaminayey munafiqii Cabdillaahi ibnu Ubayy ibnu Salool.

Fitnadan waxay ka bilaabmatay duulaan uu Nabigu baxay, waxaanu ahaa Nabigu markuu baxayo safar mid u qori tuura xaasaskiisa waxaana markan nasiibkii usoo baxay Caasha bintu Abubakar.

Caasha waxay raacday safarkii waxaana lagu qaaday hawdajka ratiga dushiisa, waana xilligii xijaabka lasoo rogay kadib. Duulaankii markuu dhamaaday ayaa safarkii isu diyaariyey inuu ku laabto Madiina, markay usoo dhowaadeen Magaalada ayey meel ku dageen kadibna Caasha waxay doontay inay xaajo soo gudato wayna baxday balse markay soo noqonaysay ayey wayday silsilad ay sidatay, waxayna ku mashquushay raadinta iyo baadi goobka silsiladii. Hase ahaatee intii ay Caasha maqnayd ayaa safarkii baxay, manaysan tabin in ay Caasha maqantahay ayagoo moodayey in ay ku jirto hawdajka ratiga dushiisa sababtuna waxay ahayd Caasha oo da’deedu ay yarayd sidoo kalena aan hilib culus lahayn. Caasha waxay heshay silsiladii markaasay timid meeshii safarku ka tagay waxayna fadhiisatay goobtii ay ka tageen ayadoo isleh markay ku tabaan ayey kuu imanayaan. Si kastaba ha ahaatee Caasha way lulootay kadibna seexatay, waxayna ku kacday saxaabiga Safwaan ibnu Mucaddal oo ciidanka ka danbeeyey ayaa soo marey wadadii waxaanu arkay madawga qofka hurda markuu soo dhowaaday ayuu gartay Caasha markaasuu dhahay: Inaa lillaah wa inaa ilayhi raajicuun, kadibna Caasha ayaa ku kacday codkiisii.

Caasha waxay tidhi: Ilaahbaan ku dhaartee wax weedh kale imuusan odhanin ee intuu awrkii fadhiisiyey ayuu iga fogaaday, kadibna waan fuulay awrkii waxaanu hogaanka qabtay awrkii illamaayo aanu ka nimid Madiina ayadoo safarkii dagay oo ay tahay goor duhur ah.

Caasha iyo Safwaan oo awrkii ku hogaaminaya ayaa soo galay Madiina markaa waxa arkay Munaafiqa Cabdullaahi Ibnu Ubayy ibnu Salool wuxuun dhahay: ”Ayadu kamaysan badbaadin, isaguna kamuusan badbaadin” isagoo gaalkaasi ujeeday inay xumaan dhex martay Caasha iyo Safwaan ilaahaybaan ka magan galnee.

Dhagarta uu munaafiqaasi maleegay ayaa ku dhex faaftay bulshada dhexdeeda, warkiina waa lasii buunbuuniyey illamaayo ay ku hadleen warkan been abuuradka ah dad muslimiin ah oo rumaystay beentaas.

Caasha (I.R.H) markay magaalada soo gashayba way xanuusatay, warkana maysan maqlin balse waxay ka shakiday Nabiga (N.N.K.H) oo ay ka wayday dabacsanaantii uu fali jiray marka ay cabanayso oo inta uu soo galo ayuu salaami jiray oo dhihi jiray: Kawarama tiinii? Arrintaas ayaa walwal galisay Caasha.

Habeen ayey Caasha iyo Umu Masdax ay aadeen banaanka si ay usoo xaajo gutaan, xilligaana suuliyada ka agdhow guryaha maysan jirin ee dumarku habeenka ayey bixi jireen ayagoo xaajo tagaya.

Caasha iyo Umu Masdax markay soo laabteen ayey Umu-Masdax ku turunturootay maradeedii waxayna tidhi: Masdax hoog! (Masdaxna waa wiilkeedii ay dhashay). Caasha ayaa ku tidhi: Maxaad u caayeysaa saxaabi ka qaybgalay dagaalkii Badar!!

Umu Masdax waxay tidhi: Miyaanad ogayn wuxuu kaa sheegay Masdax? Markaasay warkii uga warrantay iyo been abuuradkii.

Caasha (I.R.H.) waxa ku kordhay xanuunkii oo way oyday illamaayo ay umalaysay in beerkeedii afka yimid, kadibna Rasuulka (N.N.K.H) ayey ka dalbatay inay u tagto waalidkeed, waanu u ogolaaday. Caasha waxay tagtay gurigii hooyadeed Umu-Roomaan oo ay waydiisay arrinta magaalada ku faaftay? Waxayna tidhi Umu-Roomaan: Caashooy, gabadh ma jirto ninkeeda boos ku leh hadayba jirtaba waxa ku bata diridiraalaha. Caasha waxay tidhi: SubxaanaAllah, oo dadka oo dhan miyey ku sheekaysteen?

Nabiguna (N.N.K.H) wuxuu u yeedhay Cali ibnu Abudaalib iyo Usaama ibnu Sayid markaasuu waydiiyey inay wax og yihiin. Usaama wuxuu dhahay: Ilaahay rasuulkiisow, waxaan khayr ahayn Caasha kumaan ogayn halka Cali ibnu Abudaalib uu dhahay: Nabigii Ilaahow, dumarku way badanyihiin waxaadse waydiisa gabadha jaariyada ah waa Bariira ayadaa run kuu sheegaysee. Gabadhii Bariira waxay tidhi: Caasha wax aan wanaag ahayn kuma ogi hadii laga fursan waayo waxay ceeb leedahay in markay cajiinka samayso ay ka seexato kadibna ay mayeedhaanku yimaadaan oo cunaan cajiinka.

Nabigu maalintaas wuxuu tagay Masjidka oo istaagay minbarka dhahayna: Yaa iga qabanaya nin igu dhibay ehelkayga iyo saxaabi aanan wax khayr ah mooyee wax kale ku ogayn? Kadibna saxaabiga Sacad ibnu Mucaad oo reer Aws ahaa ayaa dhahay: Rasuulkii Ilaahayow, haduu qolodayada yahay anigaa kaa qabanaya oo kurta kala goynaya, haduuse yahay walaaladayo reer Khasraj waad nafari un waanu dili. Markuu Sacad ibnu Mucaad dhamaystay warkiisii ayuu cadhooday saxaabigii madaxa u ahaa reer Khasrah oo ahaa Sacad ibnu Cubaada wuxuuna dhahay: beenbaad sheegtay Sacadoow, mana dilaysid ee waxaad sidaas u tidhi adigoo og in ninka dhibta gaystay yahay qabiilkayaga.

Waxa markiiba Sacad ibnu Cubaada u jawaabay Usayd ibnu Xudayr oo dhahay: Adigaa been sheegay ee munaafiq baad tahay difaacaya munaafiqiinta! Arrintii way qadhaadhaatay oo waxay gaadhay in Nabiga hortiisa laysugu habar wacdo qabyaalad kadibna Nabiga ayaa u dhawaaqay saxaabada oo dajiyey illamaayo ay aamuseen oo kala tageen.

Caasha waxay oynaysa mudo laba casho ah dhibta lasoo daristay awgeed dabadeedna Nabiga ayaa usoo galay ayadoo ay la joogta gabadh reer Ansaariyad ah iyo labadeedii waalid markaasu Rasuulku dhahay ayadoo aan bil dhan arrinka Caasha waxyi uga imanin: ”Caashoy, waxa igaga kaasoo gaadhay warka sidaas ah ee hadaad bari tahay Ilaahay ayaa ku bari yeelaya, hadaadse danbi gashay Ilaahay u toobad keen oo haduu ruuxu toobad keeno Ilaahay wuu ka aqbalaa”. Caasha waxay waalidkeed ka dalbatay inay u jawaabaan Nabiga wayna diideen markaasbay dhahday: Warkii wuu idin soo gaadhay oo waad rumaysateen ee hadaan idinku dhaho baribaan ahay –Ilaahayna wuu ogyahay inaan bari ahay- ima rumaysanaysaan, ilaahbaan ku dhaartee ma garanayo waxaan ahayn hadalkii Nabi Yuusuf aabihii uu dhahay mooyee oo ahaa (Samir wanaagsan, Ilaahaybaanan ka kaashanayaa waxaad sifeynaysaa).

Kadibna Caasha waxay ku laabatay furaashkeedii ayadoo og inuu Ilaahay bari yeelayo laakiin ismay lahayn Ilaahay wuxuu kugu soo dajinayaa aayado Quraan ah oo la akhrinayo waligeed ee waxay filaysay in Ilaahay riyo ku tusiyo Nabiga oo ay sidaa ku bari noqoto balse inyar intii la joogayba oo aanu Nabiguna meeshiisiiba ka dhaqaaqin ayaa waxa qabatay Nabiga wixii qaban jiray markuu waxyigu kusoo degayo, markuu waxyigii dhammaaday ayuu qoslay Nabigu oo dhahay: ”Caashooy Ilaahaybaa (S.W) ku bari yeelay” markaasay Caasha hooyadeed tidhi: ”Caashoy kac oo Nabiga u mahad celi” waxayna Caasha tidhi: ”Isaga uma mahad celinayo ee waxaan mahadinayaa oon ku shukri naqayaa Ilaaha i bari yeelay. Waxaana soo degay aayadaha 11-20 ee suurada Nuur.

Markay Aayadahaas soo dageen ayuu Abubakar dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee waxba siin maayo Masdax maanta wixii kadanbeeya, wuxuuna Abubakar ahaa ku biilka siiya Masdax, kadibna Ilaahaybaa soo dajiyey aayada 22 aad ee suurada Nuur isagoo leh kuwiina xoolaha haysta yaanay ku dhaaranin inay gooyaan fuqarada iyo masaakiinta aan waxba haysan, miyaanay jeclayn inuu ilaahay u danbi dhaafo, markaasu Abubakar dhahay: Haa, Ilaahayow waan jeclahay in lay danbi dhaafo kadibna wax siintii ayuu dib ugu celiyey Masdax.

Waxa ka mid ahaa dadkii muslimiinta ee warkan ayagoon hubin ku hadlay oo xumaan ku tuuraya Caasha iyo Safwaan;- Masdax, Xasaan ibnu Thaabit iyo Xannah bintu Jaxshi oo ay walaalo ahaayeen Saynab bintu Jaxshi, waxaana ayaga lagu qaaday xadka qadfiga oo ah sideetan jeedal balse gaalkii Cabdillaahi ibnu Ubayy ee maleegay been abuuradkan waxa Ilaahay u ballan qaaday Cadaab daran

Halkaas waxa ku gabo gabaysmay mixnadii aadka u qadhaadhayd ee soo gaadhay Caash, balse wuxuu Ilaahay ku siiyey billad sharaf oo waxa laga bari yeelay todobada samo korkooda, sidoo kalena waxa Ilaahay ku kala saaray fitnadan munaafiqiinta iyo muslimiinta.

Hinaasihii Caasha:

Caasha Ilaahay haka raali ahaadee waxay ahayd gabadh ka hinaasta haweenka kale ee Nabiga. Hinaasuhuna waa wax dabiici ah oo ku abuuran ruuxa dumarka ah, waxa aan banaanayn masayrka xad dhaafka ah ee dhib u keenaya labada ruux ee is qaba.

  • Caasha waxay tidhi: mar anigo saaran awrkaygii ayaa alaabta awrkayga saarnayd way fududayd halka alaabta saaran awrka Safiya ay ahayd alaab culus, awrkeeduna uu ahaa gaabis, waxaanay keentay in safarkii uu gaabiyo markaasu Nabigu dhahay: Alaabta Caasha ee fudud ku wareejiya awrka Safiya oo cuslaa, alaabta Safiya ee culusna ku wareejiya awrka Caasha oo fudud si aanu safarku u gaabin.

Markay Caasha aragtay alaabtii Safiya oo la saaray awrkeedii ayey ku tidhi Nabiga: Miyaanad Nabi inaad tahay sheeganayn? Aaway cadaaladii? Markaasu Nabigu u sheegay in alaabta Safiya cuslayd sidoo kalena awrkeedu uu cuslaa oo uu doonay inuu kala fudaydiyo si safarku u dheereeyo balse waxa hadalkii Caasha maqlay aabaheed Abubakar oo dhirbaaxay Caasha markaasu Nabigu ku yidhi: Jooji Abubakaroow, ayadu way hinaastay, hinsaauhuna ma arko god ka hooseeya.

  • Bukhaari waxa uu ka wariyey hooyadii Mu’miniinta Caasha inay tidhi: Kamaan hinaasin haweenkii Nabiga sidaan uga hinaasay Khadiija iyo waxaan arkay, laakiin Nabigu (N.N.K.H) waxa uu ahaa mid xasuusteeda badiya, waxa laga yaabaa inuu gawraco lax oo uu googooyo hilibka una diro Khadiija saaxiibadeed, waxa laga yaaba inaan dhahay: Waxaad moodaa in aduunyadaba aanay joogin haween Khadiijo mooyaane, wuxuuna odhanayey: ayadu waxay ahayd sidaas iyo sidaas ubadna way ii dhashay.

Imaam Muslim waxa uu ka wariyey hooyadii Mu’miniinta Caasha inay tidhi: Waxa ogoloaansho ka dalbatay Rasuulka (N.N.K.H) Haala bintu Khuweylid oo ah Khadiija walaasheed, wuxuu ogaaday/xasuustay ogolaanshihii Khadiija, waanu degay oo dhahay: Ilaahayo, Haala bintu Khuweylid.

Riwaayo kale oo Imaamu Axmed ka warinayo Caasha waxay tidhi: Nabigu waxa uu ahaa markuu xasuusto Khadiija mid amaana kuna dheeraada amaanteeda, waxay tidhi Caasha: Maalin ayaan hinaasay oo dhahay: Farabadanaa xasuusteedu, gabadh daaman cascas oo Ilaahay kuugu badalay tu ka khayr badan, wuxuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee iigumuu badalin Ilaahay mid ka khayr badan, way i aamintay markay dadku iga gaaloobeen, ina rumaysay markay dadku i beeniyeen, xoolaheedana igu manaysatay markay dadku ii diideen, Ilaahayna iga siiyey Ubad markuu iga xarimay ubadka kuwa kale.

  • Hinaasahaas Caasha waxa kale oo kamid ahaa in hooyadii Mu’miniinta ee Safiya bintu Xuyay ay weel cunto ku jirto hadyad ugu keentay Nabiga markaasay Caasha hinaastay oo jabisay weelkii waxayna tidhi: Rasuulkii Ilaahayow, maxaa kafaaro gud aan falaa? Wuxuu yidhi: Weelkana weel ku gud, cuntadana cunto ku gud.
  • Dhanka kale waxa hinaasay haweenkii kale ee Nabiga ayagoo la tartamaya Caasha, waxayna direen Faadima bintu Muxamed oo u timid Nabiga oo jooga gurigii Caasha markaasay tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow, waxa isoo diray haweenkaagii oo cadaalad kaaga dalbanaya Caasha, markaasuu Nabigu dhahay: inantaydiiyey miyaanad adigu jeclayn cidaan jecelahay? Waxay tidhi: Haa, rasuulkii Ilaahayow. Wxuuna yidhi: Jeclow tan –Caasha- wayna baxaday oo u warrantay dumarkii markaasbay soo direen haweenkii Saynab bintu Jaxashi, ayaduna sidii Faadima oo kale ayey tidhi: Waxa isoo diray haweenkaagii oo kaaga cadaalad dalbaya Caasha kolkaasbuu Rasuulku dhahay: iyadu –Caasha- waa inantii Abubakar.
  • Mararka qaar waxa hinaasuhu dumarka Nabiga ku kallifi jiray in ay Nabiga xeeladeeyaan, waxay tidhi Caasha: Nabigu wuxuu la joogay Saynab bintu Jaxshi oo malab ayuu ka cunay gurigeeda kadibna aniga iyo Xafsa ayaa ku ballanay taayada uu Nabigu usoo galo inay tidhaahdo, waxaan kaa urinaynaa urta maqaafiir (Maqaafiir waa xalwad aan ur dabiiciya lahayn) ee miyaad cuntay maqaafiir? Nabigu wuxuu dhahay: may, ee waxaan la joogay Saynab oon ka cabay malab umana noqonay, markaasuu Ilaahay soo dajiyey aayada suurada Taxriim:

(يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَا أَحَلَّ اللَّـهُ لَكَ ۖ تَبْتَغِي مَرْضَاتَ أَزْوَاجِكَ ۚوَاللَّـهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ)

(1) Nabiyoow maxaad u xarrimi wax ILAAHAY kuu xalaaleeya, si aad u raali galiso haweenkaaga, ILAAHAYNA waa danbi dhaaf badane naxariista.

 

Caasha iyo xuquuqda Haweenka:

Caasha Ilaahay raali haka ahaadee waxay ahayd gabadh difaacda xuquuqda haweenka, ayadoo aynu ognahay in xilligaas ay jireen dulmi badan oo dumarka lagu hayey balse waxa u tafa xaytay inay xuquuqda haweenka soo dhiciyaan Caash (I.R.H).

  • Waagii hore ee jaahiliga ninku wuxuu furi jiray haweentiisa intuu doono oo tiro go’an maysan lahayn, wuxuu samayn jiray intuu furo xaaskiisa ayuu soo ceshan jiray intaanay cido bixin kahor wuxuun furi jiray intuu doono xitaa boqol jeer haba noqotee, dabadeedna waxa dhacay ninbaa gabadh furay kuna dhahay waan kusoo ceshanayaa intaanad cido bixin hadana ku furayaa si uu ugu diido inay cid kale guursato kadibna gabadhaas ayaa Caasha u tagtay ayaduna Nabiga ayey u sheegtay waxaa isla markiiba soo degay aayada 229 ee Suurada Al-Baqara.

الطَّلَاقُ مَرَّتَانِ ۖ فَإِمْسَاكٌ بِمَعْرُوفٍ أَوْ تَسْرِيحٌ بِإِحْسَانٍ ۗ

(229) Furiddu waa laba jeer, intaa kadibna waa haysasho fiican ama sii dayn fiican…

 

  • Saxaabiga Thaabit ibnu Qays ayaa garaacay xaaskiisii markaasay xaaskiisii u timid Nabiga oo guriga Caasha jooga markaasay u cabatay waxa ninkeedu falay, markaasbuu Nabigu u yeedhay oo ku dhahay: xoolaheed badh ka qaado oo sii daana…..
  • Gabadh kalena waxay usoo gashay Caasha oo uga warrantay in aabaheed u guuriyey inaadeerkeed balse ay ayadu diidantahay, markaasbay u sheegtay Nabiga (N.N.K.H), Nabiguna wuxuu u yeedha gabadhii aabaheed, wuxuuna ikhtiyaarka siiyey inantii kadibna waxay tidhi: Nabigii Ilaahayoow, waxaan samaynayaa wuxuu aabahay doono laakiin waxaan rabay un in haweenku ay ogaadaan in ay talada wax ku leeyihiin.
  • Caasha (I.R.H) waxay sidoo kale ku adkayd sunaha Nabiga iyo shareecada Islaamka, waxa maalin usoo gashay Xafsa bintu Cabdi raxmaan oo sidata khimaar khafiif ah kadibna intay khimaarkii jeexday ayey u galisay khimaar adag.

Caasha waxay dhihi jirtay: Khimaarku waa ka qariya ama daboola timaha iyo jidhkaba.

  • Caasha waxay u arkaysay in niqaabku yahay waajib xitaa marka ay dumarku ixraamaysan yihii (xilliga xajka iyo cimrada) waxayna tidhi: waxaan ahayn kuwo saaran rati anagoo la joogna Nabiga (N.N.K.H) oo xurmaysan, marka nalsoo maro waxaanu ahayn kuwo jilbaabkooda ku astura wajigooda markay na dhaafaan waan sii daysanaynay.

Geeridii Nabiga iyo sagootiskii Caasha:

Markay Nabiga geeridiisii soo dhowaatay oo xanuunkiina sii kordhay ayuu haweenkiisa waydiin jiray: Baritoole xagaan u leeyahay? Illamaayo ay dumarkiisii isku waafaqeen in lagu daryeelo Nabiga (N.N.K.H) guriga Caasha, waxaana Nabiga la keenay guriigii Caasha halkaasbaan lagu daryeelayey todobaadkii ugu danbeeyey noloshiisa. Caasha (I.R.H) way ku faani jirtay inay Nabiga gurigeeda lagu daryeelay sidoo kalena lagu oofsaday.

Caasha (I.R.H) waxay Nabiga ku akhrin jirtay quraan iyo ducooyin markaasay ku tifi jirtay gacmaha Nabiga kadibna gacmihiisa ayey marin jirtay jidhkiisa kale ayadoo ka rajeynaysa barako.

Maalintii ugu danbeysa noloshii Nabiga ayaa waxa Caasha iyo Nabiga usoo galay Cabdiraxmaan ibnu Abubakar oo caday sita markaasuu Nabigu fiiriyey cadaygii kadibna Caasha ayaa fahantay inuu Nabigu doonayo cadayga markaasbay cadyagii ka qaaday Cabdiraxmaan oo u jilcisay una nadiifisay kadibna u dhiibtay Nabiga, isaguna si wanaagsan ayuu ugu cadayday.

Maalintaas Nabigu wuu la dardaarmay haweenkiisa iyo inantiisii Faadima kadibna waxa bilaabantay geeridii ayadoo ay Caasha kaligeed la joogta Nabiga (N.N.K.H), kadibna Nabigu wuxuu akhriyey duco oo fiiriyey xaga sare markaasbaa la oofsaday Rasuulkii Ilaahay oo gacantiisii ay dhacday.

Warkii geerida Nabigu waxay gaadhay saxaabadii oo way ku adkaatay waxaana maalintaas mowqif adag istaagay Cumar ibnu Khadaab (I.R.H) oo dhahay: Nabigu muusan dhiman ee wuxuu aaday Rabigii sidii Nabi Muusaba u aaday Rabigii 40 casho, waanu soo noqonayaa oo gacmaha iyo lugaha ayuu goynayaa munaafiqiinta leh wuu dhintay Nabigu.

Ayadoo ay arrintu adagtahay ayaa waxa yimid Abubakar, markaasbuu galay qolkii uu Nabigu yaalay wuuna dhunkaday oo dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee Ilaahay laba geeriyood kuma dilayo, geeridii uu kuu qorayna waad dhadhamisay. Kadibna wuu soo baxay isagoo leh:  ”cidii Muxamed caabudi jirtayoow Muxamed waa dhintay, cidiise caabudi jirtay Allahna Ilaahay waa noolyahay mana dhinto.” Dabadeedna wuxuu akhriyey aayada 144 ee suurada Al-Cimraan:

وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِ الرُّسُلُ ۚ أَفَإِن مَّاتَ أَوْ قُتِلَ انقَلَبْتُمْ عَلَىٰ أَعْقَابِكُمْ ۚوَمَن يَنقَلِبْ عَلَىٰ عَقِبَيْهِ فَلَن يَضُرَّ اللَّـهَ شَيْئًا ۗ وَسَيَجْزِي اللَّـهُ الشَّاكِرِينَ

(144) <<Nabi>> Muxamed maaha waxaan Rasuul ahayn waxaa tagay hortii Rusulo, ee haduu dhinto ama la dilo ma waxaad u gaddoomaysaan cidhitiinii (Dib), cidiise di u gaddoonta (gaalowda) Ilaahay waxaba kama dhibayo, Ilaahayna wuu abaal marin cida kuw ku shukriya.

 

Markuu Abuubakar aayadan akhriyey ayey dhammaan saxaabadii hubsadeen inuu geeriyooday Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) ayagoo halmaansanaa in aayadan ay hore usoo dagtay, cumar wuxuu yidhi: maan rumaysan geerida Rasuulka illamaayo uu Abubakar akhriyey aayadan, markaasbaan lugahayga qaadi kari waayey.

Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) waxa la aasay habeenkii Arbacada ayadoo lagu aasay gurigii Caasha, gaar ahaan meeshii lagu oofsaday.

Caasha Ilaahay raali haka ahaadee waxay adkaysatay waxaan saxaabadii waawayna ay adkaysan kari waayeey ayadoo dhabteeda lagu oofsaday Rasuulka, waxayna ku samirtay dhibta soo gaadhay iyo masiibadaas haleeshay.

Caasha (I.R.H) waxay hadda kahor ku riyootay  sadex dayax oo gurigeeda kusoo dhacay, kii kowaadna uu ahaa Nabiga markaasuu aabaheed ku dhahay: waa kaa dayaxii koowaad.

 

Caasha iyo Khilaafadii Abubakar (aabaheed)

Nabigu (N.N.K.H) wuxuu faray in Abubakar uu salaada tujiyo Muslimiinta markaasay Caasha tidhi: Rasuulkii Ilaahayow Abubakar waa nin qalbi jilicsan oo ku ilmaynaya salaada ee kawaran hadaad cid kale ku badasho? Waxayna su’aasha ku celisay Nabiga sadex jeer markaasu dhahay: Abubakar ha tujiyo salaada, idinku waxaad tihiin Yuusuf saaxibadiiye.

Culumadu waxay xadiiska ka qaataan in Nabigu tilmaamay in Abubakar (I.R.H) uu noqonayo khaliifka Muslimiinta, si kastaba ha ahatee Muslimiintu waxay doorteen in Abubakar oo ahaa ruuxii ugu fadliga badnaa saxaabada uu noqdo madaxweynaha ama khaliifka Muslimiinta.

Geeridii Nabiga kadib ayey haweenkii Nabiga iyo Faadima waydiisteen Abubakar dhaxalkii Nabigu uga tagay reerihiisa markaasay Caasha tidhi: Miyaanu Nabigu dhihin ”Nalama dhaxlo, waxaan ka tagnaa waa sadaqo”

Khilaafadii Abubakar maysan sii dheeraan ee wuxuu Nabiga ka danbeeyey laba sano, sadex bilood iyo toban habeen oo uu waqtigiisa inta badan ku qaatay inuu la dagaalamo dadkii ridoobay ee diinta ka laabtay ama kuwo diiday inay bixiyaan sakada.

Abubakar wuxuu xanuustay mudo shan iyo toban casho ah kadibna waxa qabatay geeridii markaasuu u dardaarmay Caasha in lagu aaso qabriga Nabiga dhinaciisa, waana lagu aasay meeshii uu rabay waxaana madaxiisa la dhiga meel ku beegan garabka Rasuulka (N.N.K.H). Abubkar (I.R.H) wuxuu ahaa geesi iyo naftii hure u huray naftiisa iyo xoolihiisaba diinta Islaamka, Ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu u naxariisto oo uu ka raali noqdo.

Khilaafadii Cumar (I.R.H)

Abubakar (I.R.H) markuu geeriyooday wuxuu u dardaarmay khilaafada Muslimiinta Cumar ibnu Khadaab oo isaguna dhab ahaantii ahaa cidii ugu khayrka badnayd muslimiinta. Khilaafadii Cumar Muslimiintu waxay furteen dhulal badan waxaana la fidiyey xukunka dawladii Islaamka, dad badanina waxay soo geleen diinta xaqa ah ee Islaamka.

Xilligii Cumar waxa sidoo kale soo shaac baxday aqoontii ku duugnay hooyadii Mu’miniinta ee Caasha (I.R.H). Waxa Caasha la waydiin jiray arrimaha xasaasiga ah ee muslimiintu isku qabtaan gaar ahaan arrimaha qoyska sababtoo ah cilmi badan ayey Caasha ka dhaxashay Nabiga (N.N.K.H).

Waxa kamid ahaa saxaabada wax waydiin jiray saxaabo waaweyn sida Cumar ibnu Khadaab tusaale ahaan waxay saxaabadu isku khilaafeen in qubays ku waajibayo marka Ninka iyo Xaskiisu ay xidhiidh gogoleed wadaagaan balse aan wax biyo ah imanin, kadibna Abumuusa Al-ashcari ayaa u yimid Caasha oo dhahay: Hooyadii Mu’miniintaay, arrin ayaan doonayaa inaan ku waydiiyo balse waan xishoonayaa, markaasay tidhi: haka xishoonin waxaad hooyadaa ku dhashay aanad kala xishoon lahayn maxaa yeelay aniguba hooyadaa ayaan ahay. Markaasuu waydiiyey: Maxaa qubays ku waajibaa? Waxay tidhi; Rasuulka ayaa dhahay: Hadii (Ninku) fadhiisto labada bawdo, oo labada xubnood istaabtaan waxa waajiba Qubays.

Cumar ibnu Khadaab (I.R.H) wuxuu ahaa mid ugu roon haweenkii Nabigu ka geeriyooday xaga nafaqada iyo wax bixinta. Markay u baahdeen haweenkii Nabigu inay soo xajaan wuxuu Cumar ku daray Cusmaan ibnu Cafaan iyo Cabdiraxmaan ibnu Cawf oo faray in xilliga la dawaafayo Kacbada ay ragu u baneeyaan si ay Dumarka oo kaliya u dawaafaan.

Cumar ibnu Khadaab (I.R.H) waxa maalin subaxeed isagoo salaadii subax tujinaya Muslimiinta mindi galiyey Abulu’lua oo ahaa Nin Majuusiya (Ilaahay haka aargoostee), Cumar (I.R.H) wuxuu diray wiilkiisii Cabdillaahi oo uu faray inuu u tago Caasha oo uu waydiiyo in loo ogolaado in lagu aaso labadiisii saaxiib dhinacooda, markaasay Caasha tidhi: aniga ayaa isugu talo galay balse maanta waan u hurayaa Cumar in lagu aaso booskaas.

Cumar (I.R.H) markii la oofsaday ayaa isagana lagu aasay meeshii uu rabay, waxaana gurigii Caasha kusoo dhacay sadexdii Dayax ee ay ku riyootay oo kala ahaa Nabiga, Abubakar iyo Cuamr.

Khilaafadii Cusmaan ibnu Cafaan

Cusmaan ibnu Cafaan khilaafadiisii waxa sii kordhay dugsi cilmiyeedkii Caasha, waxaana looga iman jiray meelo aad u fogfog si cilmiga iyo sunadii Nabiga looga qaato.

Cusmaan ibnu Cafaan (I.R.H) wuxuu ahaa mid daryeela haweenka Nabiga sidii Cumar oo kale. Caasha (I.R.H) waxay aad u ogsoonayd fadliga iyo khayrka uu lahaa khaliifkii Muslimiinta Cusmaan ibnu Cafaan, waxayna warisay xadiisyo badan oo tilmaamaya fadligiisa waxa kamid ah:

Caasha waxay tidhi; Nabiga ayaa ku dhahay Cusmaan: Cusmaanow, hadii Ilaahay arrinka maalin kuu dhiibo, oo ay Munaafiqiintu doonaan in shaati Ilaahay kuu xidhay ay kaa siibaan ha bixinin.

 

Fitnadii waynayd (Dilkii Cusmaan)

Fitnadii ugu waynayd ee Muslimiinta soo maray waxay ahayd dilkii loo gaystay saxaabigii qaaliga ahaa Cusmaan ibnu Cafaan oo Nabigu isagoo nool ugu bishaareeyey Jannada. Dhaawaca Muslimiinta kasoo gaadhay dilkaas ayaa gabi ahaan saameey Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan iyo xilli kasta oo ay noolyihiin.

Dilkan foosha xun ayaa waxa kadanbeeyey Munaafiqiin, danbiilayaal, siyaasiyiin iyo calooshooda u shaqaystayaal. Inshallah waxaan soo bandhigi doona cidii kadanbeysay Fitnadan iyo mowqifkii Caasha iyo wixii ka dhasaha.

Fitnadan waxa ka dabeeyey rag kala duwan oo ujeedooyin kala duwan lahaa, waxa kamid ah Cabdillaahi ibnu Saba’ oo ahaa nin Yahuudiya oo joogay Masar wuxuuna ururiyey koox isaga taabacsan, dhanka kale kooxo kasoo horjeeday khilaafada Cusmaan ayaa isku urursaday Kuufa iyo Basra oo ay kala hogaaminayeen Camru ibnu Al-asam iyo Xurquus ibnu Suhayr.

  • Kooxahan waxay isugu jireen dad danbi galay oo xadkoodii Cusmaan ku fuliyey kadibna ka cadhooday ganaaxa sharciga waafaqsan.
  • Kuwo kale waxa hunguri ka hayey Khilaafada.
  • Kuwo kale waxay ahaayeen kuwo tuug iyo jid gooyayaal ah.
  • Kuwo kale oo ayagu aad u yaraana waxay ahaayeen kuwo necab Islaamka

Dadkaas oo isku dhex jira waxay ka faa’idaysteen bulshadii ay la noolaayeen oo dhowaan Islaamka soo galay ayagoo shubuhaad ama ismoodsiin ku dhextuuraya dabadeedna dadkii ayaa yeelay, waxayna ku haysteen Cusmaan ibnu Cafaan qodobadan hoos ku qoran.

  1. Cusmaan ibnu Cafaan kamuusan qayb galin dagaalkii Badar, wuxuuna ahaa saxaabadii firdhatay dagaalkii Uxud sidoo kalena kamuusan ahayn saxaabadii geedka hoostiisa Nabiga kula heshiisay xilligii Xudaybiya. Dabcan ismoodsiiskani wuxuu leeyahay Jawaab fiican laakiin dadkii xilligaa joogay Masar, Kuufa iyo Basra oo dhowaan Islaamka soo galay waxay ka dhigteen xujo si ay Khaliifka Muslimiinta xilka uga qaadaan ayagoo marmarsiiyo ka dhiganayey waxa jooga saxaabo ka qayb galay dhammaan duulaanadii Nabigu uu galay oo ka mudan Cusmaan Khilaafada.
  • Marka koowaad qodobka ah Cusmaan dagaalkii Badar kamuu qaybgalin waxa jawaabteedu tahay inuu Cusmaan ibnu Cafaan (I.R.H) uu daryeelayey xaaskiisii Ruqaya bintu Muxamed oo ahayd inantii Nabigu uu dhalay oo aad u xanuusanaysay, markuu dagaalkii Badar dhamaadayna way geeriyootay Ruqaya (I.R.H) kadibna Nabiga ayaa uga marag kacay inuu Cusmaan leeyahay Ajarka saxaabadii ka qaybgashay Badar iyo saami qaybsigeediiba.
  • Qodobka Labaad oo ahaa inuu Cusmaan kamid ahaa saxaabadii carartay Uxud isaguna jawaab ayuu leeyahay oo waxa dagaalkaas cararay saxaabo badan balse Ilaahaybaa u danbi dhaafay oo cafiyey dhammaan saxaabadaas.
  • Qodobka sadexaad oo ahaa heshiikii geedka hoostiisa kamuusan qayb galin. Run ahaantii heshiisku wuxuu dhacay marku Nabigu Cusmaan u diray Makkah si uu ugala xaajoodo ujeedada Muslimiintu u yimaadeen duleedka Makkah iyo inay doonayaan oo kaliya inay cumraystaan dabadeedna gaaladii Qureesheed ayaa xabsiga dhigtay Cusmaan, waxaana dheeraday xadhigiisa kadibna Nabiga ayaa heshiis geeriyeed la galay saxaabadiisa, kadibna Nabiga ayaa gacantiisa midig iyo gacanta bidix isku qabtay oo dhahay taasina waa heshiiskii Cusmaan ibnu Cafaan, wuxuuna Cusmaan ku galay heshiiskaas gacan ka khayr badan gacantiisa.

 

  1. Waxa kale oo kamid ahaa ismoodsiiska ay Khaliifka Muslimiinta ku haysteen inuu magacaabay dad ay isku jilib yihiin sidoo kalena uu xoolo siiyo reer bani Umaya. Arrintaas oo munaafiqiinta ka cadhaysiisay kana dhigteen xujo balse xaqiiqadu waxay ahayd inuu Cusmaan ahaa ninka ugu qani sanaa saxaabada Nabiga wuxuuna xoolihiisa gaarka ah siin jiray reerkiisa, dhanka kale haduu magacaabo rag ay isku jilib yihiin oo uu arko inay karti leeyihiin maxaa ku dhex jira? Nabigu wuxuu magacaabay wiil dhalinyaro ah waa Usaama ibnu Sayid.

Kooxihii kakala yimid Masar, Kuufa iyo Basra waxay soo dhex raaceen dadkii xajka ku socday ayagoo iska dhigaya inay soo xajayaan, balse markay yimaadeen Madiina duleedkeeda ayaa saxaabo waaweyn oo ay kamid yihiin Cali Ibnu Abudaalib ay ka hortageen kooxahan oo ay uga jawaabeen waxay xujo ka dhiganayeen, waxayna ka ballan qaadeen inay dib u laabanayaan, wayna tageen oo dhabar jeediyeen balse habeenkii ayey dib ugu soo laabteen oo ay si kadis ah u qabsadeen magaaladii Madiina, waxayna dalbadeen in Cusmaan iscasilo balse saxaabadii ayaa tidhi: Hadaad is casisho waxay noqonaysaa bahal galeen oo qof kasta oo Khaliif Muslimiinta u noqdaba ma koox yar ayuu isu casilaa!! Cusmaan ibnu Cafaan oo haystay dardaarankii Nabiga oo ahaa haduu Ilaahay shaati kuu xidho oo Munaafiqiintu doonaan inay kaa siibaan ha saarin shaatigaas, taas oo macnaheedu yahay; hadii munaafiqiintu ku dhahaan iscasil ha iscasilin.

Kooxdii danbiilayaasha ahaa waxay go’doon ka qabteen gurigii Cusmaan ibnu Cafaan waxayna u diideen inuu Masaajidka usoo baxo iyo inay siiyaan biyo iyo cuntaba. Saxaabadii waxay dooneen inay la dagaalamaan kooxahan danbiilayaasha ah balse Cusmaan ayaa ka biyo diiday sababtoo ah muusan doonayn in ruux muslim sheeganaya inay gacantiisa ku baxdo.

Markii biyaha loo diiday Khaliifka Muslimiinta ee Cusmaan waxa biyo si sir ah ugu soo qaaday Umu Xabiiba bintu Abusufyaan oo ahayd marwadii Nabiga balse danbiilayaashii maysan ixtiraamin manaysan qadarin ee way ku xadgudbeen oo faraskii ay saarnayd ayey ku dhowaatay inay ka dhacdo.

Caasha (I.R.H) markay aragtay in danbiilayaashan aanay xushmad u haynin haweenkii Nabiga ayey ka baxday magaalada Madiina oo ay qabatay xajka.

Nimankii go’doonkii ayey ku hayeen Cusmaan ibnu Cafaan markaasuu maalin u khudbadeeyey isagoo waydiinaya saxaabadii Nabiga ee agtiisa joogtay sidoo kalena danbiilayaashii ay maqlayaan wuxuu yidhi: Yaa iibiyey ceelkii roomaan (waa ceel Madiina ku yaalay oo nin Yahuudiya uu lahaa kadibna Muslimiinta ku dhibay biyaha) Saxaabadii waxay tidhi: Adigaa Cusmaanow iibiyey ceelkaas, markaasuu Nabigu kuugu bishaareeyey Jannada. Cusmaan wuxuu yidhi: Yaa diyaariyey ciidankii la magaca baxay (Jaysh Cusrah) waa ciidankii Tabuuk, saxaabadii waxay dhaheen: Cusmaan ayaa diyaariyey markaasuu Nabigu yidhi: Cusmaan waxba kama dhibto wuxuu maanta sameeyo kadib.

Cusmaan wuxuu doonay inuu danbiilayaasha dareensiiyo fadligiisa balse dhag jalaq umaysan siinin ee waxay go’aansadeen inay dilaan kadibna saxaabo ayaa isku dayday inay difaacaan Cusmaan laakiin Cusmaan ayaa u diiday oo ka dalbaday inay meesha iskaga tagaan.

Cusmaan ibnu Cafaan (I.R.H) wuxuu riyo ku arkay Rasuulkii Ilaahay, Abubakar iyo Cumar ayagoo dhahaya: Bari ayaad nala afuraysaa. Cusmaan wuxuu yaqiinsaday in danbiilayaashan ay dilayaan.

Danbiilayaashii Ilaahay haka abaal mariyo waxay u gaysteen Khaliifkii Muslimiinta ee sida gardarrada ah ay u dileen. Waxa guriga Cusmaan joogay xaaskiisii Naa’ila bintu Faraasa kadibna waxay gubeen Albaabkii waxaana daartii soo galay Maxamed ibnu Abubakar oo gadhkii Cusmaan  ayuu jiiday markaasu Cusmaan dhahay: Adeer waxaad qabatay meel aanu aabahaa qabanin kadibna waa laabtay isagu, waxaana soo galay Sawdaan ibnu Xamraan oo madaxa ku dhuftay Cusmaan kolkaas ayaa dhiigiisi ku dhibcay Kitaab Quraan ah oo uu akhrisanayey Cusmaan kadibna xaaskiisii ayaa isku dayday inay difaacdo saygeedii balse waxay gooyeen faraha gacmaheeda waxayna seef xabadka ka galiyeen Cusmaan sidaasbaanu ku geeriyooday Ilaahay raali haka ahaadee.

Danbiilayaashii waxay si dulmi iyo gardarro ku dileen nin Nabigu ugu bishaareeyey Jannada, nin guursday laba gabdhood oo Nabigu uu dhalay, ninkii iibiyey ceelkii roomaan, ninkii diyaariyey ee xoolhiisa u huray ciidankii Tabkuuk. Cadho Ilaahay haku dhacdo kuwii falkaa kadanbeeyey, dhab ahaantiina wayba ku dhcday oo ma jiro nin ka qayb galay dilkii Cusmaan haduu jirayba waa la dilay.

Warkan naxdinta leh ayaa gaadhay Caasha oo kasoo laabatay xajkii kadibna dib ayey ugu noqotay Makkah oo qaadatay go’aan adag oo ahaa in dhammaan cidii ka dabeysay dilkii Cusmaan ibnu Cafaan la horkeeno sharciga oo lagu qaado dil qisaas ah.

Khilaafadii Cali Ibnu Abudaalib:

Dilkii Cusmaan ibnu Cafaan kadib waxa khaliif noqday imaam Cali Ibnu Abudaalib (I.R.H), Caashina waligeed kamaysan horjeedin in Cali (I.R.H) uu noqdo khaliifka Muslimiinta balse waxay isku khilaafeen waqtiga la xukamayo danbiilayaasha sida foosha xun u dilay khaliifkii Musliinta, dhanka kale Imaam Cali Ibnu Abudaalib wuxuu u arkayey in marka hore khilaafada la adkeeyo oo awooda dawlada Muslimiintu ay adkaato kadibna laga aargoosto dhagar qabayaashii kadanbeeyey dilkii Cusmaan (I.R.H).

Markii Cali lagu qasbay inuu khaliif uu noqdo kadib waxa Cali ka codsaday saxaabada Subeyr iyo Dalxa inuu ciqaabo oo uu xukumo nimankii kadanbeeyey dilkii Cusmaan balse wuxuu Cali qaatay go’aan ah; Anigu kama soo horjeedo in la ciqaabo danbiilayaasha oo loo qisaaso dilka ay gaysteen laakiin iminka suurtagal maaha xilligan in laga aargoosto sababtoo ah ayagaa gacanta ku haya magaalada Madiina, awoodna way leeyihii ee aynu horta cagaha u dhigno kadibna markaynu xoogaysano aanu ka aargoosano danbiilayaasha. Subeyr iyo Dalxa waxay dhaheen: Hadii aanad awood u lahayn inaad ciqaabto danbiilayaasha aan tagno Kuufa iyo Basra oo aanu ciidanka Muslimiinta aan kuu keeno kadibna aynu ka aargoosano danbiilayaasha hase ahaatee Cali Ibnu Abudaalib (I.R.H) wuxuu u arkaayey inaan ciidamo la korkeenin magaalada Rasuulka (Madiina).

Si kastaba ha ahaatee Subeyr iyo Dalxa (I.R.H) waxay yimaadeen Makkah oo ay joogto hooyadii Mu’miniinta Caasha bintu Abubakar (I.R.H). Subeyr, Dalxa iyo Caasha (I.R.H) waxay ka baxeen Makkah oo u jihaysteen inay qabtaan magaalada Basra. Cali ibnu Abudaalib markuu maqlay in Caasha, Subeyr iyo Dalxa qabteen Basra ayuu baxay isagoo doonaya in heshiis dhex maro isaga iyo kooxda Caasha (I.R.H).

Magaaladii Basra markay maqleen imaanshaha hooyadii Mu’miniita ayey u qaybsameen sadex qaybood, qolo raacday kooxdii Caasha iyo qolo raacsanayd kooxdii Cali iyo qolo ka aamustay.

Qoladii taabacsanayd kooxdii Caasha, Subeyr iyo Dalxa ayaa ka awood batay qolyihii kale kadibna waxay bilaabeen inay ciqaabaan cidii reer Basra ah oo ka qaybqaadatay dilkii Cusmaan, wayna dileen waxa kaliya oo ka baxsaday nin kaliya oo la odhan jiray Xurquus ibnu Suhayr oo wuxuu kaalmo ka helay qabiilkiisii reer bani Sacad.

Cali ibnu Abudaalib (I.R.H) wuxuu ahaa isaguna mid ku dadaala inuu heshiis uu dhaco, waxaanu diray Qacqaac ibnu Camru (I.R.H) si uu uwaydiiyo ujeedada kooxdan ay hogaaminayaan Subeyr, Dalxa iyo Caasha waxayna dhaheen waxaan rabnaa heshiis kaasoo ah in cidii dishay Cusmaan loo qisaaso. Qacqaac wuxuu dhahay: Waxaad disheen kuwii reer Basra ee kadanbeeyey dilkii Cusmaan waxaana idinka firdhaday nin kaliya oo ah Xurquus ibnu Suhayr waxaana isaga u kacay lix kun oo nin, ee aynu dajino hawsha sababtoo ah nimankii danbiilayaashu way midaysanyihiin iminka ee nala heshiiya oo aanu hawshana dib u dhigano. Sidaas ayey labadii kooxood isla qaateen inay heshiiyaan waxaanu Qacqaac warkii u sheegay Cali waanu ku farxay.

Labadii kooxood waxay isdhaafadeen ragii heshiiska uga qayb galayey, dhanka Cali ibnu Abudaalib waxa ka yimid Cabdillaahi ibnu Cabaas, dhanka kalena waxay soo direen Maxamed ibnu Dalxa waana la heshiiyey habeenkaas, waxaana la seexday ayadoo laysu calool fayowyahay.

Danbiilayaashii ka qaby galay dilkii Cusmaan ayaa ogaaday in heshiisku aanu ahayn maslaxadooda sababtoo ah waxay ka cabsadeen in la xukumo ayaga, kadibna intay labadii kooxeed dhex galeen ayey dagaal ku bilaabeen goor habeen ah markaasy dhaheen kooxdii reer Basra: Ballantii waa laynagaga baxay sidoo kale kooxdii Cali waxay tidhi: waa layna ballan buriyey waxaana muslimiintii ka dhex qarxay dagaal aad u qadhaadh oo ay maleegeen danbiilayaashii dilay Cusmaan ibnu Cafaan.

Dagaalkii oo socda ayaa leeb ku dhacay Dalxa ibnu Cubaydillah (I.R.H) waanu dhaawacmay oo ka baxay goobtii dagaalka, wuxuuna tagay Basra halkaasbaanu ku geeriyooday saxaabigii waynaa ee Nabigu ugu bishaareeyey Jannada, Ilaahay haka raali ahaadee.

Subeyr ibnu Cawwaam isaguna markuu dagaalku bilaabmay ayuu iskaga tagay goobta dagaalka waxaana tagay Wadi Sibaac balse waxa ka daba tagay danbiile Camru ibnu Jarmuus, wuxuuna u dilay qaab khiyaano ah, subxaanaAllah, Ilaahay raali haka ahaado saxaabi kale oo ay fitnadaasi galaafatay kana mid ahaa saxaabadii Nabigu uu aadka u jeclaa, geesigii Muslimiinta, looguna bishaareeyey Jannada.

Danbiilihii dilay Subeyr oo ahaa Camru ibnu Jarmuus ayaa soo qaaday madaxii Subeyr oo hor dhigay Cali ibnu Abudaalib isagoo islahaa Cali wuu ku farxi doonaa dilka Subeyr balse wuxuu dhahay Cali (I.R.H); Nabigu wuxuu dhahay: Ugu bishaaree Cadaabka Naareed ka dilaya wiilka Safiya dhashay (Waa subeyr ibnu Cawwaam).

Dhanka kale Caash (I.R.H) waxay usoo baxday inay dagaal joojiso waxayna timid goobta dagaalka balse waxa dhacay taa badalkeed oo waxay ciidankii weerareen awrkii ay Caasha saarnayd illamaayo hogaanka awrkaas lagu dilay 40 nin, kadibna waxa la boqmo gooyay awrkii waanu fadhiistay sababtoo ah awrka cida saaran waxay ahayd hogaankii kooxda oo ahayd Caasha sidaa daraadeed hogaamiyaha oo la xakameeyo mooyaane si kale dagaalku kumuu istaagayn.

Markii dagaalkii dhamaaday ayaa Cali ku daray Caasha wiil aya walaalo yihiin oo dhanka Cali ka dagaalamayey sidoo kalena nasiib xumo kamid ahaa danbiilayaashii ka qaybqaatay dilkii Cusmaan ibnu Cafaan walow isagu uu markii ugu danbeysay ka noqday goobtii lagu dilayey Cusmaan.

Caasha (I.R.H) waxay tagtay magaalada Basra gaar ahaan daartii Cabdillaahi ibnu Khalaf, waxayna ka murugootay dhibta iyo fitnada intaas la’eeg ee soo gaadhay Muslimiinta. Dhacdadaasna waxay dhacday tobankii bisha Jamaad al-aakhira ee sanadkii 36 aad ee Hijriga.

Cali ibnu Abudaalib wuxuu sii galbiyey hooyadii Muslimiinta ee Caasha, wuxuuna ku daray wiilashiisii oo sii dhoweey waxayna tagtay magaalada Makkah kadibna waxay ku laabatay magaalada Madiina.

Khilaafadii Mucaawiya:

Caasha (I.R.H) waxay fitnadii dhex martay saxaabada kadib ku qaadatay cimrigeedii cibaado iyo wax baris, waxayna ku dedaashay inay sunnadii Nabiga (N.N.K.H) ay dadka barto oo ay ku camal fasho.

Markuu Mucaawiya khaliifka Muslimiinta noqday waxa isbadalay xidhiidhkii Caasha iyo Mucaawiya waxaana kamid ahaa sababihii cakiray xidhiidhkaas in Caasha walaalkeed Muxamed ibnu Abubkar oo Cali waali uga ahaa Masar uu la dagaalamay Mucaawiya ibnu Xadiij Al-sukuuni oo taageersanaa Mucaawiya ibnu Abusufyaan oo ahaa khaliifka Muslimiinta kadibna wuxuu madad ka helay Camru ibnu Caas, waxaana la jabiyey ciidankii Muxamed waana la qabtay oo la dilay. Arrintaasina waxa ka cadhooday Caasha, waxayna soo korsatay caruurtii uu ka tagay Muxamed oo ahaa Qaasim ibnu Muxamed ibnu Abubakar oo markii danbe noqday culumada ugu waaweyn Muslimiinta.

Geeridii Caasha (I.R.H)

Bishii Ramadaan ee sanadkii 58 aad ee Hijrada ayey xanuusatay Caasha, waxayna ku dardaarantay in maydkeeda aan la raacin dab iyo maro cas toona. Markuu xanuunku ku siyaaday ayaa Cabdillaahi ibnu Cabbaas soo booqday Caasha markaasu ku dhahay Caasha: Bishaarayso maxaa yeelay inaad Muxamed iyo asxaabtii la kulanto waxa kaa xiga oo kaliya inay naftu ka baxdo jidhka, waxaanad ahayd gabadhii uu Nabigu ugu jeclaa, mana jeclaado Nabigu cidaan wanaagsanayn, waxaana kaa lumay habeenkii Abwaa’ silsiladaadii, dadkiina waxay waabariisteen biyo la’aan markaasuu Ilaahay soo dajiyey in lagu gabogabaysto ciid daahir ah, waxaanu Ilaahay todobada samo korkeeda kasoo dajiyey aayadihii ku bari yeelayey, mana jiro masaajid aan laga akhriyeynin aayadahaas Quraanka ah.

Caasha (I.R.H) waxay geeriyootay todoba iyo tobankii Ramadaan, waxaana goor habeen ah lagu aasay xabaalaha baqiic, waxa xabaasheedii ku degay oo iilka dhigay Curwa ibnu Subeyr, Qaasim ibnu Muxamed, Cabdillaahi ibnu Muaxamed ibnu Cabdiraxmaan iyo Cabdillaahi ibnu Cabdi raxmaan.

WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Email: oogleabadle@hotmail.com