QISADII NABI YUUSUF

Dhagayso ama Akhriso:-

Qisada Nabi yuusuf waxa uu Eebe ku tilmaamay inay tahay qisada ugu wanaagsan, ee ku soo aroortay Quraanka kariimka ah iyo waliba kutubtii hore ee Eebe soo dajiyey. Nabi Yuusf waxa uu ka soo jeedaa qoys wada Nabiyo ah, sidaa awgeed ayaa loogu yeedhaa Kariim, Ibnu Kariim, Ibnu Kariim, Ibnu Kariim. Sidaan la socono Nabi Yuusuf waxa dhalay Nabi Yacquub, Nabi Yacquubna waxa dhalay Nabi Isxaaq, Nabi Isxaaqna waxa dhalay Nabi Ibraahiim (Alkhaliil).

Qisadu waxay ku bilaabmaysaa Nabi Yuusuf oo ku arkay riyo 11 meerayaal, Qorraxda iyo Dayaxa oo usujuudsan, Nabi Yuusuf waxa uu uga warramay riyadiisa aabihii Nabi Yacquub (N.N.K.H).

Nabi Yacquub waxa uu gartay in wiilkiisa yar, la imtixaani doono markaasuu ku yidhi wiilkaygoow “ha uga warramin riyadaada walaaladaa, sababtoo ah Nabi Yacquub (N.N.K.H) waxa uu dareemay in Yuusuf walaaladii ay xasdiyaan, Shaydaankuna ku diri karo.

Nabi Yacquub waa jeclaaday wiilkiisa Yuusuf, maadaama uu ku arkay sifooyinkii Nabiyada iyo akhlaaqdiisa wanaagsan darteed.

Nabi Yuusuf walaaladii oo ahaa 1o wiil oo isku hooya ah, ayaa xasdi u qaaday Yuusuf iyo walaalkii Binyamin. Waxay dareemeen in aabahood uu aad u jecel yahay Yuusuf iyo walaalkii Binyamin. Waxayna is waydiiyeen siday u dhici karto in aabahood ka fadilo Yuusuf, ayagoo koox xoogan ah.

Waxay aabahood ku eedeeyeen inuu ku sugan yahay baadi, oo arrintaasi aanay sax ahayn.

Maalin maalmaha ka mida ayaa Yuusuf walaaladii tashadeen oo go’aamiyeen inay ka takhalusaan Yuusuf kadibna ay kusoo hadhaan ayagu aabahood, oo dabadeena ka toobad keenaan dabiga.

Sababta ay u dhakrayeen Nabi Yuusuf waxay ahayd oo kaliya, “muxuu aabahay isaga uga jacayl badanyahay xagganaga Yuusuf”.

Mid kamida walaaladii ayaa yidhi ha dilina Yuusuf, ee ku tuura Ceel salkiis, ha qaataan dadka safraa. Goaankii ayey isku raaceen kadibana waxay u yimaadeen aabahood Nabi Yacquub oo ku dhaheen “Aaboow maxaad noogu aamini la’dahay Yuusuf annagoo u nasteexaynaya, nala dir barri si uu noola cayaaro waanan ilaalinaynaa” Sidoo kale waxay jacayl been ah u muujiyeen walaalkood Yuusuf oo ah wiil yar oon qaangaarin.

Yuusuf wuxuu mooday inuu la cayaarayo walaaladii, oo markii ugu horreysay uu la baxayo walaaldii, sababtoo ah waqtiga inta badan waxa uu la qaadan jiray aabihii, walaaladiina waxay umuujin jireen cadaawad iyo xiqdi.

Nabi Yuusuf ma dareensanayn inay walaaladii dhagar u maleegeen, habeenkii waxa uu ku seexday isaga oo faraxsan oo isleh waxaad la cayaari walaaladaa.

Nabi Yacquub (N.N.K.H) wuxuu yidhi “waxa i warwar galinaysaa inaad la tagtaan Yuusuf kadibna Yaygu cuno idiinkoon ogayn”. “Yuusuf walaaladii waxay dhaheen siduu Yaygu u cunayaa annagoo ah koox, hadday dhacdana waxaan ka mid nahay kuwa khasaaray”.

Nabi Yuusuf (N.N.K.H) waa faraxsanaa, oo wuxuu maqlayey walaaladii oo ballan ka qaadayey aabahood inay ilaalinayaan hase ahaatee Nabi Yacquub wuu dareemay inay jirto dhagar qarsoon.

Nabi Yacquub waa ku aaminay wiilkiisii yaraa walaaladii, waanay la tageen Yuusuf kadibna ka saareen shaatigii uu sitay, kuna tuureen ceel salkii, ayagoo ku qoslaya oo ku leh Yuusufoow aabahayo wuu ku jeclaa, maantana waxaad ku jirtaa ceel salkii, halkaasbayna  iskaga tageen.

Yuusuf waxa uu qabsaday dhagax yaalay Ceelka salkiisa, kadibna waa u yeedhay walaaladii laakiin dheg umay dhaadhicin ee way iskaga dhaqaajiyeen.

Nabi Yuusuf waxa uu dareemay cabsi, waxaanu xasuustay aabahii iyo sidii uu ujeclaa iyo sida ay walaaladii intay ceel dhigeen uga dhaqaajiyeen. Yuusuf waxa uu ceelka ku jiray dhawr maalmood, waxaanu dareemay gaajo iyo wahel la’aan sidoo kale mugdiga ceelka iyo cidlada ayaa usii dheerayd.

Walaaladii waxay gawraceen Lax, kadibna shaatigiisii ayey ku masaxeen dhiigii, waxyna u tageen aabahood xilli habeena ayaga oo oynaya, waxayna ku dhaheen aabahood oo aad uga warwarsanaa oohintooda, Aaboow waanu tagnay annaga oo ordayna (baratamayna), Yuusufna waxaan kaga tagnay maryahayga si uu ilaaliyo,  waxaana cunay Yaygii.  Markaasay siiyeen shaatigiisa oo dhiig been ah leh, kadibna Aabahood Nabi Yacquub waxa uu yidhi “saas ma ahee, ee naftiinu waxay idiin qurxisay arrin, aniguna waan samri, Eebahayna waan talo saran.

Nabi Yuusuf (N.N.K.H) intuu ceelka ku jirey ayaa Eebe u waxyooday, inuu maalin maalmaha ka mida walaaladii uga warrami doono waxay ku sameeyeen.

Nabi Yacquub waxa uu gudo galay inuu Eebihii baryo, kuna samro dhibta soo gaartay. Dhanka kale ceelkii agtiisii waxa yimid dad socota ah oo doonay inay waraabiyaan xoolahooda.

Kadib waxay dul yimaadeen ceelkii, markaasay tuureen dalwadii si ay biyo usoo qaado, markuu Yuusuf dareemay in dad dul joogaan ayuu qabsaday dalwadii. Dadkii socotada ahaa ayaa dhahay dalwadu way culustayhay, kadibna way is caawiyeen oo soo saareen dalwadii, si lama filaana ayey u bushaareysteen oo dhaheen waa bushaaro waa wiil yar!

Dadkii socotada ahaa waxay ka tageen Falastiin ayaga oo ku wajahan wadanka Masar, si loo gado wiilka yare e ay heleen.

Nabi Yuusuf waxa uu noqday Adoon la kala gato, kadibna waxay ku iibiyeen qiimo aad u hooseeya. Waxa gatay Caziiz (wasiir) kii Masar oo geeyey gurigiisa.

Waxa uu ku yidhi kii gatay xaaskiisii, wanaaji wiilkan oo ixtiraam hoygiisa waxay u dhawdahay inuu ina anfaco am aan ka yeelanno ilmo.

Nabi Yuusuf (N.N.K.H) markuu qaangaadhay, oo xoogaystay ayuu Eebe siiyey Xikmad iyo cilmi.

Nabi Yuusuf markuu xoogaystay oo qurux batay ayey naftiisa dalbatay tii uu la joogay ee Xaaskii Caziizka.Kadibna waxay xidhay albaabadii, ayadoo is qurxisay oo is udgoonaysa markaasay ku tidhi Kaalay, oo waxaad rabto samee. Nabi yuusuf waxa uu xasuustay Eebihii abuuray oo waxa uu ka cabsaday inuu ku dhaco sino markaasuu yidhi Eebe Ayaan kaa magan galay.

Nabi Yuusuf waa ka orday isaga isleh albaabka ka bax, balse waxay qamiiskiisii ka goysay gadaal, waxayna kula kulmeen ninkeedii irrida agteeda. Caziizka xaaskiisii waxay ku tidhi ninkeedii maxaad ku abaal marin cid Ehelkaaga (xaaskaaga) la doonay xumaan, aan ahayn oo kaliya in la xidho ama la ciqaabo cadaab daran mooyee.

Nabi Yuusuf waxa uu dhahay ayada ayaa igu xadgudubtay, oo nafteeda ii dalbatay. Markay arrintii adkaatay ayaa waxa u marag furay Marag ka tirsan ehelkeeda oo dhahay haddi Qamiiska Yuusuf ka go’an yahay xagga hore ayadaa run sheegi, isna waa beenaale.

Haddiise qamiiskiisu ka go’an yahay xagga danbe waxa beensheegaysa waa xaaskaaga, isaguna waa runsheege. markii ay arkeen in Qamiiskiisu ka go’an yahay xagga danbe ayuu Ninkeedee yidhi Yuusufoow ka leexo(jeedso) arrintan, hana  faafinin warka. Adiguna (Xaaskiisii) ka toobad keen ficilkan xun, waxaad ka mid tahay kuwa gafaye.

Si kastaba ha ahaatee waxa faafay warkii, waxaanu gaadhay dumarkii magaalada ayaga oo leh, xaaskii Caziizku waxay khaadimkeeda u doontay nafteeda, oo waxay damacsanayd inay ku xadgudubto, waxa qaaday jacayl daran.

Xaaskii Caziizku markay maqashay dhagarta haweenka ayey marti qaaday, kadibna u dhiibtay mid kasta Mindi, kadibna waxay amartay Yuusuf inoo soo baxo, markay arkeen haweenkii Yuusuf ayey gacmaha (faraha) is gooyeen oo dhaheen kani maaha bashar ee waa malag sharaf leh.

Markay is gooyeen faraha ayey xaaskii Caziizku tidhi, kaasi waa waxaad igu canaanayseen, aniga ayaana naftayda udoonay, haddii aanu samayn waxa aan farayana waa la xabsin, waxaanu noqon kuwa dullooba.

Nabi Yuusuf waxa uu Eebe ka baryey inuu ka jacel yahay jeelka (xabsiga) waxay haweenku ugu yeedhayaan. Eebana waa ka aqbalay markaasaa la xabsiyey Nabi Yuusuf, isaga oon waxa gaf ah galin. waxaana uu xabsiga ku xirnaa muddo badan.

Intuu Jeelka ku jiray ayaa waxa arkay laba Nin oo dhalinyaro ah oo kula jirey xabsiga, markaasay waydiiyeen Nabi Yuusuf inuu ufasiro riyo ay arkeen.  Mid kamida ayaa yidhi Yuusuufoow waxaan arkay riyo anoo miiraya khamri, halka kii kalena ka yidhi waxaan arkay aniga oo madaxa ku sida kibis (sabaayad) ayna cunayso shimbir, ee nooga warran fasirraadeeda waxaan kuu aragnaa inaad tahay samo falayaashee.

Yuusuf waxa uu dhahhay waan idiin fasiri riyadiina, intaan cunto laydin keenin ka hor. Waxaan ka imi qoom aan Eebe rumaysnayn, waxaanan raacay diintii aabayaashayo ee Nabi Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub noomanay sugnaan inaan Eebe cid kale la wadaajino.

Nabi Yuusuf isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi saaxibadayda xabsigoow ma waxa wacan ilaahyo fara badan, mise Eebaha wayn ee awooda leh. Waxaad caabudaysaan waa sanamyo aad idinka samayseen, Eebana uma soo dajini wax xujo ah. Xukunka waxa iska leh Eebe, waxaanu idin faray inaad Eebe kaligii caabudaan, taasina waa diinta toosan.

Nabi Yuusuf markuu dhameeyey wacdigii, ayuu ufasiray riyadoodii, waxaanu dhahay saxibadaydoow midkiin waa la sii dayn oo waxa u waraabin sayidkiisa Khamri, ka kalena waa la dili kadibna la salbin oo shimbiruhuna madaxiisa ayey cuni.

Nabi Yuusuf waxa uu ku yidhi kii uu filaayey inuu badbaadayo inuu xuso sayidkiisa agtiisa, balse waxa illowsiiyey Shaydaan. Arrinkiina waxa uu udhacay sidii Nabi Yuusuf ugu fasiray.

Nabi Yuusuf waxa uu baaqi ku sii ahaaday xabsigii, waxaana la dhahaa ugu yaraan todoba sano ayuu kusii jirey xabsiga, isagoo u xiran danbi la’aan.

Maalin maalmaha ka mida ayaa boqorkii Masar riyooday, waxaanu arkay Todoba sac oo shilshilis, oy cunayaan todoba sac oo wayd ah, sidoo kale waxa uu arkay todoba sabuul oo cagaaran iyo kuwa kale oo abaar ah, markaasuu boqorkii argagaxay oo warsaday dadkii ka ag dhowaa, kana dalbaday inay u fasiraan riyada balse waxay dhaheen dadkii, waa riyo aan run ahayn mana naqaano sida loo fasiro riyada.

Ninkii ka badbaaday dilka ee la xirnaa Nabi Yuusuf, ayaa maqalay oo ku dhahay boqorkii anaa garanaya Nin inoo fasirraya riyada, ee idira aana soo warsane.

Ninkii waxa uu utagay Nabi Yuusuf waxaanu uga warramay riyadii, Nabi Yuusuf waa u fasirray, isagoon wax shardi ah ku xirin, waxaanu yidhi waxa imanaysa todoba sano oo barwaaqo ah, waxaana ku xigaysa todoba sano oo abaar ah, ee waxaad beeraha ksoo goosataan daaya oo kaydiya, waxaad cuntaan mooyee. Intaa kadib waxa imanay sanad ay dadku barwaaqo noqonayaan.

Markii boqorkii loo sheegay fasirkii riyada ayuu dhahay ha la soo daayo Yuusuf, balse Nabi Yuusuf waa diidey inoo kasoo baxo jeelka illamaayo ay haweenkii dhagriyey bari yeelaan.

Markii haweenkii gacmaha is gooyey loo tagay iyo xaaskii Caziizku ayey dhaheen, “Iminka ayey xaqii timid, aniga ayaa naftayda la doonay, waxaanu ka mid yahay isagu kuwa runta sheegay.”

Markaasaa warkii ku faafay magaalada, oo la ogaada in Yuusuf bari ka yahay wixii loo xiray.

Boqokrii waxa uu dhahay ii keena Yuusuf, hay noqdee taliyahayga markaasu Nabi Yuusuf dalbaday inuu ka dhigo masuulka khasnadaha, sabatoo ah waxaan u leeyahay cilmi waxaanan ahay aamin.

Nabi Yuusuf oo kal hore ahaa adoon lakala gato, maanta waxa uu ka yahay wadanka Masar wasiirka maaliyada, waxaana gacantiisa ku jirta xukunka Masar iyo dhaqaalaheeda.

Markay gaadhay todobadii sano ee abaarta ahayd ayey dhibtii gaadhay Nabi Yacquub iyo ehelkiisa oo daganaa Falastiin, kadibna waxay ubadkii Nabi Yacquub maqleen in xaakimka Masar yahay nin aad u fiican oo dadka uroon, markaasay usafreen Masar si ay ugasoo adeegtaan.

Markay Nabi Yuusuf walaaldii soo galeen Masar ayuu gartay Yuusuf walaaladii, laakiin ayagu maysan garanayn.

Kadibna waa waraystay oo ku dhahay ehelkiina yaa idinka maqan, waxay dhaheen waxa naga maqan walaalkayo Binyamiin iyo Aabahayo Yacquub.

Markaasuu u miisay cuntadii si fiican, kadibana waxa uu faray shaqaalihiisii inay bidaacadood u galiyaan rarka dhexdiisa ayaga oon dareensanay.

Nabi Yuusuf waxa uu ku yidhi walaaladii saw uma jeedaan inaan idinku miisay si fiican, marka danbe wax cunto ah iguma lihidin agtayda illamaayo aad iikeentaan walaalkiin.

Yuusuf walaaladii way baxeen oo ku noqdeen Falastiin iyo aabahaood, markaasay u warrameen oo dhaheen aaboow waana nalo diiday in aan kasoo adeegano Masar doorka danbe illamaayo aan kaxayno walaalkayo Binyamii. Markay rarkii fureena waxay ka dhex heleen bidaacadoodii oo loo soo celiyey, markaasay aabahood ku adkeeyeen in uu ku aamino walaalkood Binyamin.

Nabi Yacquub isaga oo murugo ka muuqato ayuu ku yidhi, ma waxaan idinku aaminaa sidii aan idiinku aaminay Yuusuf, haddaad rabtaan inuu idin raaco ballan iga inaad ilaalinaysaan, kadibna way ka ballan qaadeen.

Markay ballantii ka qaadeen aabahood ayaa Nabi Yacquub ku dhahay wiilashiisa, idinka oo wada socda haka galina magaalada hal albaab, ee ka gala albaabo kala duwan. Kadibna way baxeen oo gaareen Masar.

Markay soo galeen ayuu Nabi Yuusuf la hadlay walaalkiis ka yaraa ee Binyamiin ayagoon dareensanayn, waxaanu usheegay inuu yahay walaalkii Yuusuf.

Nabi Yuusuf waa siiyey cuntadii, kadiban waxa uu faray mid kamida shaqaalihiisa in uu galiyo rarka saacii boqorka ee wax lagu miisayey, waxayna galiyeen rarka walaalkii Binyamin.

Markii rarkii u dhamaadey ee ay baxeen ayaa loo yeedhay oo la dhahay safarkiinasi waxad tihiin tuug, oo waxan weynay Koobkii (saacii) boqorka ee waa maxay abaal marinta cidii laga helo?

Waxay dhaheen cidii laga helo ayaa loo ciqaabi, waxayna diintoodu ku banaanayd in ruuxii tuuganimo la yimaada laga dhigo adoon.

Kadibna waa la baaray rarkii oo dhan markaasaa laga soo saaray rarkii Binyamin, walaaladii waxay dhaheen haddii ay cid wax xaday (daftay) waxa hore u xaday walaalkiis. Nabi Yuusuf waa maqlay waxay lahaayeen, markaasu naftiisa ku yidhi waxad tihiin dad sharwadayaal ah.

Kadib markii la kaxaysatay Binyamiin ayey ku dhaheen boqorow, waxa uu leeyahay aabe da’diisu wayntahay ee mid kale oo annaga naga mida kaxayso. Nabi Yuusuf waxa uu dhahay ciddii laga helay ayunbaa la kaxaysan.

Markay ka quusteen ayey isku noqdeen, markaasaa kii ugu waynaa dhahay ma xasuusataan inaad aabe ballan ka qaadeen, iyo wixii aan ku samaynay Yuusuf, Eebe Ayaan ku dhaarteen dhulka kama tagayo ee u taga aabihiin oo ku dhaha, wiilkaagii waxbuu xaday annaguna cilmi umaan lahayn, waxaanan sheegaynaa run ee waxaad waydiisaa safardii nala socoday.

Waxay u tageen aabahood, una warrameen wixii dhacay kadiban Nabi Yacquub waxa uu yidhi waan samri, waxay u dhowdahay in Eebe ii keeno Yuusuf, Binyamin iyo walaakoodii waynaa. Nabi Yacquub waa indho beelay, murugo iyo oohin darteed.

Kadibna waxa uu faray wiilashiisii inay ku noqdaan Masar oo baadi goobaan walaaladood, aanay quusanin. Kadib way soo baxeen ayagoo soo qaaday bidaacadii si ay u siiyaan xaakimkii Masar oo ah Nabi Yuusuf.

Markay soo galeen ayey madaxa foorariyeen oo dhaheen, boqoroow waxa na taabtay dhib annaga iyo ehelkayagaba, waxaanan kuula nimid bidaacad aanad aqbalayn, ee noo sadaqayso, Eebe waxa uu jacelyahay dadka sadaqada bixiyee.

Nabi Yuusuf waxa uu ku yidhi walaaladii ma xasuusataan waxaad ku samayseen Yuusuf iyo walaalkiis markaad jaahiliinta ahaydeen. Markaas wada dhaheen adigu ma Yuusuf baad tahay? Nabi Yuusuf waxa uu yidhi anigu waxaan ahay Yuusuf, kanina waa walaalkayo waxaana noo gargaaray Eebe Wayne.

Waxay dhaheen waxa naga kiin doortay Eebe, waanan gafsanayn. Waxa uu yidhi Nabi Yuusuf canaani korkiina may ahaanin, Eebe haydiin danbi dhaafo isagaa danbi dhaaf badane ah.

Kadiban waxa uu udhiibay qamiiskiisii oo ku yidhi ku tuura wajiga aabahay, indhihaway usoo laaban, iina keena ehelkiina dhamaantood.

Markii safarkii baxay ayaa Nabi yacquub yidhi waxaan heli caraftii (dabayshii) Yuusuf, haddii aydaan i odhanayn waad xanuusnaysaa.

Ubadkii uu awoowga ahaa waxay ku dhaheen Nabi Yacquub, Eebe ayaan ku dhaareena waxaad ku sugantahay baadi (jacayl) cad.

Kadib safarkii ayaa yimid, waanay ku tuureen qamiiskii wajigii aabahood, aragtidiina way usoo laabatay. Nabi Yacquub markaasuu dhahay miyaanay idinku odhan waxaan ka ogahay xagga Eebe waxaydaan ogayn.

Waxay dhaheen aaboow noo danbi dhaaf warso Eebe, waan gafsanayne. Nabi yacquub waa uballan qaaday inuu udanbi dhaaf warsado ubadkiisii.

Kadibna waxay u safreen dhamaantood dhulka Masar, oo usujuudeen Nabi Yuusuf markaasuu Nabi Yuusu ku dhahy aabihii, Aaboow waa taa fasirkii riyadii, Eebahay waxa uu ka dhigay run.

Nabi Yuusuf iyo ehelkiisii waxay ku noolaayeen nolol barwaaqo ah dhulka Masar.

 

Qisada Nabi Yuusuf waxa weeye qisooyinka ugu macaan ee quraanka kariimka ahi inooga warramay. Nabi Yacquub iyo aabihii Isxaaq waxay ku aasanyihiin dhulka Falastiin sidoo kale Nabi Yuusuf waxa uu ku geeriyooday Masar laakiin waxa la dhahaa waxa loo qaaday maydkiisii dhulka Falastiin.

Kuwii wax ku qaata Eebe haynaga yeelo. Aamiin.