QISADII NABI AADAM (N.N.K.H)

Dhagayso, Akhriso ama Soo dajiso (PDF)

Inta Aanan ka waramin Qisada Nabi Aadam, waxa haboon in aan wax ka nidhaahno sideebuu ahaa Koonka ka hor Nabi Adam naxariista Eebe korkiisa ha ahaatee.

Marka kowwad Eebe “ALLAH” wuu jiray, Ayadoo aanay cid kale oo noola ah Koonka jirin, waanu jiri doonaa Abidkii. Ilaahbaa xumaan iyo nuqsaanba ka nasahan. Wixii ugu horeeye uu Eebe abuuray waxa weeye Carshigiisa, muddo kadib Eebe waxa uu abuuray Qalinka. Qalinkiibaa Eebe amray in uu Qoro. Qalinkii waxa uu yidhi “Eeboow maxaan Qoraa?” Eebe waxa uu ugu Jawaabay “Qor waxkasta oo jiray, jiridoona illaa inta ay maalinta Qiyaamaha ka dhacayso.” Waxkasta siduu noqon doono iyo cidhib danbeedkiisaba waxa laqoray kontonkun oo sano ka hor intaan Eebe abuurin Dhulka iyo Cirarka.

Waqti kadib ayuu Eebe abuuray Todobada Dhul iyo Todabada Cirba. Sidoo kale Eebe waxa uu uu abuuray Buuraha, Badaha, Wabiyada, Meerayaasha Qorraxda, Dayaxa iyo Dhamaan wixii kuguda jira Todobada Dhul iyo Todobada Cirba. Dhulka iyo Cirarkaba Eebe waxa uu ku abuuray Lix Maalmood oo kaliya, Kadib markuu Eebe abuuray Todobada Dhul iyo Cirarkaba, waxa uu dhulka ku abuuray Noole, Noolahaas oo ahaa Jinka. Jinku waxay ahaayeen Qaoom Dhulka Fasahaadiyey, dhiig daadiyey oo isku xadgudbay, Kadib markay Dhulka qaseen ayaa Eebe usoo diray Malaa’ik ciqaabta. Abuurista Jinka kadib, waxa uu Eebe doonay in uu abuuro Noole kale. Noolahaas oo baddali doona jinka.

Ilaahay kor ahaaye waxa uu la hadlay Malaa’ikta, isagoo ku leh.” Waxaan abuuraya Bashar, Kaas oo deegaankoodu noqonayo Dhulka”. Malaa’ikta Eebe oo ah Makhluuqaad aan Eebe hadalkiisa marnaba diidin, una hogaansan amarka ALLAH, ayaa waydiiyey ilaahay, ayaga oo doonaya inay ogaadaan oo aqoon u yeeshaan makhluuqa Ilaahay damcay in uu abuuro, waxayna Dhaheen “ Eebow ma waxaad ka yeelaysa kuwo Fasahaadiya oo dhiiga daadiye?”.

Malaa’ikta arrintan ulama jeedaan inay Eebe hadalkiisa diidanyihiin, ama ay kasoo horjeedaan Go’aanka Eebe ee waxa weeye oo kaliya inay aqoon uyeeshaan Noolaha Eebe abuurayo. Malaa’ikta Eebe oo hadalkooda sii wata ayaa ku yidhi Eebe “Annagu- malaa’ikta- waan kuu tasbiixsanaa, kuna caabudnaa.”

Macnaha aayadan siday Culumadu ku fasireen waxa weeye, maadaama aan Annaga oo ah Malaa’ikta ku caabudayno, oo kuu tasbiixsanayno Galinka hore iyo Galinka danbaba, waa maxay Qasdiga ama ujeedada loo abuurayo Noole, ayadoo laga yaabo inay Dhulka ay u gaystaaan xumaan iyo dhiiga oo ladaadiyo. Arrintan Malaa’ikta Eebe kama aha Xaasidnimo iyo Xaqdi ee waa ka Wardoon sidaan hore u soo sheegnay.

Eebe waxa uu ku yidhi Malaa’ikta “ waxaan ogahay waxaydaan garanayn” Maadaama uu ilaahay kor ahaayee, uu yahay Eebihii koonka sameeyey, waxa uu garanayaa Mustaqbalka iyo qaybka, Xumaanna waxa ka Nasahan oo ka dheer Eebe ALLAH.

Malaa’ikta Eebe, may fahansayn in Noolahan cusubi uu ka duwanaan doono kuwii hore, ayada oo Eebe kayeeli doono Dhabarkooda Nabiyo, Rusul, Kuwo Runbadanayaal ah iyo kuwo Eebe dartii u Dhinta.

Markii Eebe doonay inuu abuuro Aadam, Naxariis iyo Nabadgalykorkiisa ha ahaatee, waxa uu amray mid ka mid ah Malaa’iktiisa in uu Dhulka ka soo qaado Ciid. Ciidaas oo ka kooban noocyo kala duwan, iyo midabyo kala duwana ah, Tusaale ahaan, midabka Casaanka –Guduud-, midabaka Madow, midabka Jaalle ah iyo midabka cadaanka ah. Sidaa awgeedbay u kala duwanaatay midabyada Ibnu Aadamku. Qayb ka mid ahi waxay noqdeen midabka casaanka, kuwo kale midabka madawga, kuwii kalena midaba cadaanka ah. Sidoo ke waxa kala duwanaaday hab dhaqankooda iyo dabeecadahooda.

Waxa la abuuray Aadam Maalin Jimco ah, waxaana Gacmihiisa sharafta leh ku Abuuray ALLAH. Ilaahayna Gacmihiisu uma Eeka Makhluuqaadka uu Abuuray. Eebe Ayaa xumaan iyo Nuqsaanba ka Nasahan oo Kadheer.

Intaa kadibna, waxa lagu daray ciidii Biyo, wuxuuna Noqday Dhoobo. Saasbaanu ahaa muddo uu ilaahay ogyahay. Kadib waxa isku dhagay dhoobadii oo waxay noqotay mid adag. Muddo kadib waxay  isu badashay Dhoobo engagtay saasbaanu ahaa muddo uu Eebe ogyahay. Macnaha waa sida dhoobada laga sameeyo guryaha, marka hore waa ciid aan is haysan, kadibna waxa lagu daraa biyo si ay isu qabsato kadibna waa la qallajiyaa si ay u engagto.

Intii aan Ruuxda lagu afuufin Aadam waxa uu ahaa Dhoobo muddo, waxaana dul meeri jiray Malaai’kta, ayadoo ka fakaraysa Noolahan cusub, isna waydiinaya sida uu noqon doono Noolahani. Sidoo kale waxa dul meeri jiray Ibliis oo kamid aha jinka, kadibna ilaahay karaameeyay oo sharfay, oo laga maqaam dhigay malaa’ikta. Waana intii aanu Gaaloobin..

Ibliis waxa uu galayey Aadam Joofkiisa – Calooshiisa-, marna wuu ka soo baxaa isaga oo is waydiinaya Talow arrinta Noolahan cusub sideebay noqon. Waxaana ka muuqda in uu xaasidayo ayadoo xataa aan Ruuxdii Eebe ku Afuufin. Waxa Eebe Qadaray in uu ku Afuufo Ruuxda Nabi Aadam, waxa weeye Taariikh cusub iyo bilowgii Basharka waana mawqif aad u wayn.

Sidoo kale dhamaan Malaa’ikta xagga sare joogtaa way sugayeen Maalintan, Ilaahayna waxa uu hore u Amray Malaa’iktiisa iyo Ibliisba in ay u sujuudaan Marka Nafta lagu Afuufo Aadam Naxariista Eebe korkiisa ha Ahaatee.

Eebe waxa uu Nabi Aadam ku Afuufay Ruuxdiisa, waxayna naftii ka gashay Madaxa, ayadoo ruuxdu ay hoos u socoto. Markay ruuxdii maraysay Sanka ayuu Aadam Hindhisay, Malaa’iktii oo agtiisa joogayna waxay ku dhaheen Aadam “Ilaahay U Mahad Celi”

Waxaanu yidhi Aadam “Eebe ayaa Mahad iska leh”. Ilaahayna waxa uu ku yidhi “Eebahaa Ha Kuu Naxariisto”. Naftii markay gashay Aadam, Mise waxa uu fiirinayaa Dhirtii Jannada, iyo Midhaheedii. Ruuxdii waxay gaadhay caloosha, isla markiiba waxa uu Aadam doonay in uu Qabsado oo soo goosto midhaha Jannada Ayadoo aanay wali ruuxdii gaadhin jidhkiisa oo dhan. Sidaa awgeedbuu Eebe u leeyahay Dadka waxa laga Abuuray Dagdag.

Markii Nabi Aadam Ruuxdii Gaadhay Jidhkoo dhan, waxa uu Eebe Amray in uu utago, Malaa’ikta oo uu salaamo. Waxaana Nabi Aadam uu ku yidhi Malaa iktii “Salaama Calaykum Wa Raxmatullahi Wa barakatu”. Malaa’iktiina way ka qaadeen Salaantii “Wa Calayka Salaam”. Waxa uu Eebe ku yidhi Nabi Aadam Taasi waa Salaanta Adiga iyo Ubadkaaga.

Eebe waxa uu Tusay Nabi Aadam Dhammaan Ubadkiisa oo dhan, Masha ALLAH ka waran durriyda Nabi Aadam, ka soo bilow ka ugu horeeyey illaa ka ugu danbeeya. Eebe waxa uu Ballan ka qaaday dhamman durriyadii Nabi Aadam, waxaanu waydiiyey Waa kuma Rabbigiin? Waxay wada dhaheen dhamaantood Rabbigayo waa ALLAH. Eebe waxa ku yidhi Nabi Adam iyo Ubadkiisii: Waxaan idiinka digayaa inaad tidhaahdaan maalinta Qayaamaha, waxaan Ahayn kuwo mooganayaal ah.

Kadib Malaa’iktii dhamaantood, kulligood waxay u sujuudeen Nabi Aadam. Marka laga Reebo Ibliis oo isagu aan Malak ahayn laakiin Ahaa Jin oo Eebe sarraysiiyey, sharafna u yeelay. Ibliis muusan sujuudin, oo waa maxay tallow Sababtu!! Ibliis wuu istaagay, mana uusan suujdsanayn. Eebe waxa uu waydiiye Ibliisoow Maxaad u sujuudiwayday? Eebe horeba wuu u ogaa kibirka iyo isla waynida ku jirta Ibliis.

Ibliis “lacnadi dusha haka fuushee”, waxa uu ku jawaabay Jawaab aad u xaqiran, waxaanu yidhi: “Ma waxaan Usujuudaa Noole, aad Eebow ka samaysay Dhoobo!!! Aniga ayaa ka khayr badan oo waxaad iga samaysay Naarta.” Ibliis wuu kibray, isla waynaaday waxaanu galaya danbigii ugu horeeeyey ee lagu sameeyo Samada. Waa la yaab iyo yaabka yaabkii!!!! Ibliis oo indhihiisa ku arkay in uu Eebe Gacmihiisa sharafta leh ku sameeyey Nabi Aadam ayaa sameeyey Danbi Aad u wayn.

Eebe wuu u jawaabay Ibliis, waxaanu ku yidhi: ” Ka bax ayada – macnaha Jannada – waxaad tahay Dayro. Waxaana dushaada ahaatay lacnad iyo cadhadii Eebe, Naxariista Eebena agtaada way ka fogtahay illaa iyo Maalinta Qayaamaha.” Eebe waxa uu Ibliis ka eryay, ka dayriyey Jannadiisa iyo Naxariistiisa. Waxaana laga saaraya cirka iyo samooyinka Eebe ee korreeya.

Kadib markii Eebe dayriyey Ibliis, muusan dalbanin Cafis iyo Naxariis, manuusan Toobad keenin, ee waxa lasii waynaatay xumaantii iyo Xasadkii Naftiisa ka buuxay. Haddii uu toobad keeni lahaa, Eebe wuu u ka toobad aqbali lahaa, laakiin waxaa uu dalbaday arrin kale. Waxa uu yidhi; ” Eebow waxaad i noolaysaa illaa inta uu Qayaamuhu ka dhacayo.” Ibliis wuu rumaysanyahay Eebihii, inuu isaga iyo dhammaan waxa koonka saaran uu sameeyey. Laakiin waxa uu ku gaaloobay, waa isla waynida qalbigiisa gashay iyo xaasidnimda iyo xaqdiga uu u hayo Nabi Aadam iyo ubadkiisa.

Waxa haddaba layaableh kuwa aan xataa aaminsanayn in Eebe dhulka sameeyey, oo ku tilmaamay Dabeecad samaysantay iskeed. Waa wax lala yaabo.

Eebe waa ka Aqbalay ducadii Ibliis, isagoo oo ah ruux la lacnaday oo naxariista Eebe ka dheertahay. ”Ilaahay yaa ka naxaiis badan.” Eebe waxa uu ku yidhi ” Adigu waxaad ka mid tahay kuwo dib loo dhigay. Macanaha illaa qayaamaha waad Noolaanaysaa.” Eebe waxa uu siiyey Cimridhererkii uu dalbaday.

Waxaanu Eebihii ku yidhi ” Eebow maadaama aad Dib ii dhigtay, waxaan luminiyaa durriyada Aadam, waxaanan kaga imanaya dhinaca midig, dhinaca bidix iyo gadaalba.” manuusan odhan xagga sare ayaan kaga imanaya, sababtoo in Eebe ka sarreyo ayuu Ogyahay. Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi; ” mana heli doontid dhexdooda kuwo badan oo kuu mahadiya”.

Eebe waxa uu ku yidhi; ”Adiga iyo ciddii ku raacda waxaan ka buuxin doonaa Cadaabta Jahannama.” ilaahaybaan ka magan galnay. Eebe waxa uu siiyey Ibliis Ubad fara badan oo Shayaadiin ah, una shaqeeya Hadh iyo Habeen, si ay ula dagaalamaan Aadam iyo ubadkiisa.

Ibliis waxa uu ku dhaartay Eebihii Abuuray waxaanu yidhi; ” sharftaada iyo Awoodaadaan ku dhaartee waan lumin.” waxa uu yidhi waxaan ka luminayaa, Dariiqaaga iyo wadadaada toosan. Eebena waxa uu yidhi ” Awoodayda iyo sharaftaydan ku dhaartee, waan u danbi dhaafi, intay Danbi dhaaf i waydiisanayaan.”

Nabi Aadam (N.N.K.H) waxa uu Eebe dajiyey Jannada, waxa uu cunayaa Midhaheeda, waxa uu Cabayaa Biyaheeda. Eebe waxa uu ku yidhi:- Jannada dhxdeeda kuma gaajoonaysid, kuma baahiyoobiaysid kumana Arradanaanaysid.

Nabi Aadam waxa uu dareemay kalinimo, waxaanu is waydiiyey ma adiga kaligaa ayaa ku noolaanay nimcada intan la ’eg. Maalintii danbe ayuu Nabi Aadam seexday, waxaanu hareertiisa ka helay Ruux Dumar, waxaanu waydiiyey; Waa Tuma? Waxayna ku tidhi ” waa Ruux dumar ah oo waxa i Abuuray Eebahay. Oo muxuu Eebe kuu abuuray. Waxay tidhi:  Waxa uu ii abuuray si aan kuula noolaado oo nolosha kuula qaybsado. Malaa’iktii ayaa waydiisay Nabi Aadam  Magaceeda waa maxay?” waxa uu ku yidhi: waa Xaawa, sababtoo ah waxa laga abuuray Noole kale, oo ah Nabi Aadam.

Waxayna muddo ku raaxaystaan nimcada Eebe ku Manaystay. Eebe waxa ku yidhi: Waxaaaad cunataan dhammaan midhaha ka baxa jannada marka laga reebo hal geed oo laga mamnuucay inay u dhowaadaan. Hadday u dhowaadaana waxay noqonayaan kuwo naftooda dulmiyey. Waxaanad iska ilaalisaan Ibliis oo idiin Cadaw ah Adiga iyo Ubadkaagaba.

Ibliis lacnadi dushiisa ha ahaatee, waxa uu dhagriyey Nabi Aadam iyo xaaskiisa Xaawa kumana odhan waxaad caasidaa amarka Eebahaa, ee waxa uu adeegsaday qaab kale oo uu ku damcsanyahay inuu khiyaameeyo. Waxaanu ku yidhi:  Ilaahay waxa uu idinka mamnuucay Geedkan, si aydaan u Noqonin Malak. Miyaanad Aadamoow jeclayn inaad noqoto Malak, Xaaway miyaanad jeclayn inaad noqoto Malak. Dhammaanteen waynu jacelnahay inaan noqono malaa’ik. Haddaba arrinku wuu fududyahay, waxaad cuntaan oo kaliya Geedkan. Haddii aad samaysaana waligiin ma dhimanaysaan, jannadana waad ku waaraysaan.”

Nabi Aadam ma rumaysan Ibliis, waxaanu xasuustay cadaawadiisa. Laakiin Ibliis waxa uu adeegsaday qaab kale oo ah in uu u dhaarto. Kuna dhaarto magaca Eebe ee wayn. Ibliis waxa uu gudo galay inuu dhaarto: ”Ilaaha wayn baan ku dhaartee waan idiin nasteexaynayaa.” isla markaasbaa Nabi Aadam wuu rumaystay Ibliis, waxayna cuneen Geedkii laga mamnuucay inay u dhowaadaan. Xaawa way cuntay sidoo kalena Aadam waa cunay.

Nabi Aadam, ismuu lahayn Noole Eebe Abuuray ayaa Magaca Eebe ku dhaaranay been. Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkooda ha yeelo Aabaha iyo Hooyada Basharka, Adam iyo Xaawa. Aadam wuu ilaaway ballantii isaga iyo Rabbigii dhextaalay, waxaanu rumaystay cadawgiisii Ibliis. Markay dhadhamiyeen, ayaa waxa muuqatay Cawradoodii, wayna kala yaaceen. Waxayna isku dabooleen Caleentii dhirta Jannada.

Eebe waxa uu la hadlay Nabi Aadam iyo Xaawa waxaanu dhahay: ” miyaanan idinka mamnuucin Geedkan, oon idinka digin shaydaanka, oo idin dhihinna Ibliis waa idiin cadow.”

Nabi Aadam iyo Xaawaba, way ka shalleeyeen Danbiga ay galeen waxayna baryeen Eebahood. “Rabbigayoow noo Danbi dhaaf oo naga cafi Danbigayaga”

Waxa Nabi Aadam u yimid Malakul Jibriil, oo waxa uu ka qaaday Taajkii saarna, waxaanu u maleeyay Aadam in ciqaabtii Eebe ku dhacayso iminka. Laakiin Naxariista Eebe ayaa Ka dheeraysay Cadhadiisa.

Eebe wuu ka Aqbalay Ducadoodii waanu u danbi dhaafay, laakiin ilaahay waxa uu qadaray in Adam, Xawa iyo Ibliis ay u dagaan Dhulka. Si ay u bilaabanto dagaalka qaawan ee Ibliis ku hayo Nabi Aadam iyo Ubadkiisa.

Eeba waxa uu yidhi: Ruuxii raaca dariiqa tooska ma lumayo, mana shallayndoono. Ruuxii iskii u diida dikriga Eebana waxa u sugnaatay Nolol Cidhiidhiya. Nabi Aadam iyo Xaawa waxa la keenay Dhulka, si ay ugu tarmaan oo ubad badan dhabarkooda uga soo baxaan.

Nabi Aadam markasta oo uu xasuusto danbigii uu galay wuu ooyayaa, oo wuu ka shallaynayaa in uu rumaystay shaydaanka Ibliis.

Nabi Aadam waxa uu ku yidhi Eebihii: ” Rabbiyoow, Gacmagaaha saw igu maad samayn, saw malaa’ikta dhamaantood iimay sujuudin, markaan Hindhisay saw maaad odhan Rabbigaa ha kuu naxariisto. Haddaba Eebow Ii naxariiso oo Jannadii igu celi. Ilaahayna wuu u danbi dhaafay Adoonkiisa mu’minka ahaa ee Aabaheen Aadam.


 

Nabi Aadam waxa loo dhalay Laba wiil oo la dhaho Haabiil iyo Qaabiil, sida caadada ah waxay Xaawa uurka ku qaadi jirtay Wiil iyo Gabadh mataano ah sanadkiiba. Markaa wiilka sanadka hore dhasha waxa uu guursanayaa gabadha dhalata sanadka danbe, Gabadha sanadka horena wiilka sanadka danbe dhasha ayey Guursanaysaa.

Nabi Aadam labadiisa wiil Haabiil iyo Qaabiil waxa la dhalatay laba gabdhood. Waxayna isku qabteen Gabadh ka mid gabdhii la dhashay. Waxayna u dacwad tageen Aabahood Aadam. Aadam wuxuu ku yidhi; Labadiina waxad samaysaan Qurbaan- Qurbaanku waa shay loogu dhowaado Ilaahay- Markaa ciddii laga aqbalo ayaa guursanaysa gabadhan. Waxayna soo qaadeen qurbaankii, si ay ALLAH ugu dhowaadaan.

Qaabiil waxa uu lahaa Beer halka Haabiil uu ka lahaa Xoolo. Waxa uu qaabiil soo qaaday dalagii ka soo go’ay Beerta. Haabiilna waxa uu soo qaaday Wan wayn oo cayilan. Waxayna dhigeen Qurbaankii Buur dusheeda. Kii Alle ka aqbalo Qurbaankiisa, waxa ku gubaysa Qurbaankiisa Naar xagga sare kaga imanaysa.

Waxaana Eebe ka aqbalay Haabiil, kadib markii Qaabiil arkay in Haabiil laga aqbalay ayaa waxa qaaday Cadho iyo Xaasiidnimo. Cadhadii waxay ku kaliftay in Qaabil ugu hanjabo in Haabiil uu dilo, waxaana danbiga ku riixayey Ibliis oo been iyo khiyaano u dhigay.

Ugu danbayntii Qaabiil waxa uu dilay walaalkii Haabiil. Waxaana la dhahaa Qaabiil waxa uu soo qaaday Dhagax wayn kadibna Haabiil oo hurda madaxa kaga dhuftay. Waxaana dhacday dilkii ugu horeeyey ee aduunka ka dhaca.

Kadibna waxa uu dhabarka ku qaatay maydkii walaalkii, mana garanayo sida loo xabaalo Noolaha. Waxaanu dhabarka ku sitay sanado iyo muddo dheer. Maalintii danbe, Eebe waxa uu usoo diray Tuke, Tukahaas oo qodaya dhulka si uu utuso sida loo aaso/duugo Ibnu Aadamka. Waxayna u noqotay tusaale, waxaanu yidhi Qaabiil:  Ma waxaan garanwaayey oo aan ka caajisay wax Tuke gartay kadibna wuu aasay walaalkii isagoo u qoday god kadibna ku riday. Maadaama uu Qaabiil ahaa qofkii ugu horeeyey ee Dilka bilaabay waxa uu qayb ku leeyahay dhammaan dilalka aduunka ka dhaca.

Nabi Aadam waxa uu barray ubadkiisii, inay Eebe kaligii Caabudaan oo iska ilaaliyaan Ibliis iyo Shaydaamada kuna tusaale qaataan Aabahood iyo Hooyadood sida uu uga soo saaray Jannadii, Ubadkiisiina way tiro bateen oo sii tarmeen.

Nabi Aadam cumrigiisa wuu waynaaday, waxaana la dhahaa waxa uu gaadhay Kun sano. Nabi Aadam wuxuu u dardaarmay wanaag wiilkiisii NABI SHIITH iyo caruurtiisii kaleba.

Markii uu dhintay Nabi Aadam, waxa timid Malaa’ik si ay utusto ubadka Nabi Aadam, Qaabka loo dhaqo Maydka loona kafno kadibna loo Aaso. Waxayna ku dhaheen Ubadkii Aadam waa taa sunnadiinii ee taas ku dhaqma. Sanad kadibna waxa Dhimatay xaskiisii Xaawa. Waxayna u kallaheeen Xaggaas iyo jannadii Rabbi.

Ilaahay wanaag haynaga Abaal mariyo Qisadan oo dheer oo aan isku dayey inaan soo gaabiyo.

WD: Abdulaziz Oogle