Asc, walaalayaal ma maqasheen dameerlihii noqday khalifka, hadaba qisadan si aad ah u dhuux una dhago nuglow. Waxa jira sadex nin oo saaxiibo ahaa kuna noolaa Andalus (Spain & Portugal), waxay sadexda nin ka shaqayn jireen xirfada dameeraha, oo dadka ayey u rari jireen alaabta, waa sida iminka loo adeegsado Taxi oo kale.

Sadexdii nin ayaa habeen wada fadhiistay ayagoo wada cawaynaya, kadibna waxay is waydiiyeen, maxaad rabtaan inaad mustaqbalka noqotaan? laba kamid ah sadexdii ayaa dhahay: Anagu waxaan rabnaa in dameeruhu noo kordhaan, kolkaasna qarash badan nasoo galo. Ninkii sadexaad oo la dhaho magaciisa Muxaméd ibnu Caamir ayaa yidhi: Anigu waxaan rabaa inaan noqdo madaxwaynaha ama khaliifka dawlada islaamka ee Andalus.

Labadii nin way cajabeen oo madaxy qabsadeen, ayagoo rumaysnaa inaanay marnaba arrintaasi suurtogal nooqonaynin, sababtoo ah khaliif waxa noqda un nin aabihii khaliif ahaa, mida kale nin dameerle ah sideebuu u gaadhi karaa kursigaas ayaa ku cuslaatay labadii nin.

Ninkii wuxuu yidhi, isagoo la hadlaya labadii nin: hadaan khaliif noqdo maxaan idin siiyaa? midbaa dhahay: aniga qasri wayn iyo afar haweena ii guuri. Kii kale oo beerka dhulka ku haya oo qoslaya ayaa dhahay: aniga hadaad madax noqotid waxaad madoobaysaa wajigayga, kadibna lugahayga ku xidhaa faras ama dameer oo suuqa igu soo wareeji adigoo leh “kani waa beenaale”.

Ninkii dameerlaha ahaa wuxuu bilaabay maalintii xigtayba inuu iibiyo dameerkiisii, dadkii waxay leeyihiin: “waar maxaad u iibinaysaa dameerka, maxay reerkaagu quudanayaan? ninkii umuusan joojin warkii dadku akhrinayeen, ee wuxuu iibiyey dameerkii, kadibna wuxuu soo gatay dharkii askarta iyo hubkii askarta, isagoo si toos ahna u tagay saldhigii ciidanka.

Ninkii askari ayaa laga dhigay, wax mushahar ahna lama siinin maadaam aanu lahayn khibrad, hase ahaatee ninkii wuu udulqaatay, illamaayo la ogaaday daacadnimadiisa. Kolkuu mudo shaqeeyey ayaa la dalacsiiyey, wuxuu noqday xidigle ama wa u dhigma, hadana wuu dadaalay illaa uu ka noqday hogaamiyaha ciidanka dawlada oo dhan.

Mudo sodon sanadood markay kasoo wareegtay dhacadadii ayaa waxa bukooday ninkii khaliifka dawladaas ka ahaa oo ka tagay ilmo yar oo toban jir ah, kadibna wasiirkiisan difaaca ama hogaamiyaha ciidankiisa ayuu u dardaarmay inuu qabto jagada madaxtinimada inta uu wiilkiisu ka korayo. Khaliifkii wuu dhintay, ninkiina sidaas ayuu kursigii uu ku haminayey uu ku gaadhay.

Maalintii danbe ayuu ninkii askartiisii diray oo faray inay soo baadhaan laba nin oo dameerlayaal ahaan jiray, dabadeedna subxaanAllah, labadii nin oo bartoodii wali jooga ayaa loogu yimid kolkaasbuu madaxwaynihii dhahay: ma i garanaysaan? waxay dhaheen: haa, warkaaga waan maqalnay inaad heer gaadhay, kadibna wuxuu labadii nin waydiiyey, su’aashii uu habeenkii waydiiyey.

Ninkii hore ayaa yidhi: Boqorow, anigu waxaan ku waydiistay qasri iyo inaad ii guuriso haween badan, markaasuu madaxwaynihii askartiisii faray in la siiyo wuxuu doonayo.

Kii kale ayuu boqorkii ama madaxwaynihii la hadlay: adiga muxuu ahaa codsigaagu? wuxuu yidhi: boqorow i saamax? Markaasuu yidhi madaxweynihii: kuma cafinayo, ee sheeg wixii aad dalbatay? markaasbuu ku dhawaaqay codsigiisii sodon sano kahor, in la madoobeeyo wajigiisa kadibna lugta lagaga xidho faras laguna wareejiyo magaalada lana dhaho:”waa beenaale, waa beenaale” Boqorkii wuxuu faray askartiisii in loo fuliyo wuxuu codsaday, waana lagu fuliyey.

Sheekadaas oo taariikhyahanadu soo arooriyaan waxay ina tusaysaa in qofka hami iyo hiigsi leh uu gaadho hadafkiisa, dhib kastana hakala kulmeee, bal qiyaas walaal yaa filaayey in nin damerle ahaa uu noqdo madaxweyne!! waa arrin cajiiba, waana tusaale fiican oo lagu dayan karo.

Hadafkaaga cayin, kadibna qorshe u samee, waad gaadhaysaa ujeedadaadee.


Waxa Qorey: Sheekh Abdulaziz Oogle

Skip to toolbar