Ilaahay wuxuu u yeelay ilmaha xuquu uu ku leeyahay waalidkiisa, sida waalidkuba uu xuquuq ugu leeyahay ilmihiisa.

عن ابن عمر قال : ” إنما سماهم الله أبراراً لأنهم بروا الآباء والأبناء كما أن لوالدك عليك حقا كذلك لولدك عليك حقا ” . ” الأدب المفرد ” ( 94 ) .

Ibnu Cumar waxa laga wariyey inuu dhahay: “Sababta Ilaahay baariyiin ugu magacaabay waa ayagoo u baari noqday aabayaashood iyo ubadkoodiiba, sida waalidkaagu uu kugu leeyahay xaq ayaa ilmahaaguna kugu leeyahay xaq” [Adab al-mufrad: (94).

Rasuulkii Ilaahayna wuxuu dhahay xadiiskii Cabdilaahi Ibnu Cumar: “Ilamahaaguna xaq ayuu kugu leeyahay” [Muslim: (1159)

Xuquuqda ilmuhu ku leeyahay waalidkii waxa kamid ah xuquuq uu yeelanayo kahor intaanu dhalaninba:

Tusmo

Xuquuqda ilmaha ee intaanu dhalanin kahor:

– In aabuhu doorto xaas fiican si ay u noqoto hooyo wanaagsan:

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” تنكح المرأة لأربع : لمالها ولحسبها وجمالها ولدينها فاظفر بذات الدين تربت يداك ” رواه البخاري ( 4802 ) ومسلم ( 1466 ) .

Abuhurayra waxa laga wariyey (I.R.H) inuu kasoo wariyey Nabiga (scw) inuu dhahay: “Waxa haweenka loo guursadaa Afar: Xoolaheeda, qoyskeeda, quruxdeeda, iyo diinteed ee ku dadaal ta diinta leh gacmahaagu boodhoobee” [Bukhaari: (4802), Muslim: (1466)

Wuxu dhahay Sheekh Cabdiqani Aldahlawi: “ka doorta dumarka kuwa diinta wanaaga leh iyo kuwa qoyskoodu fiicanyahay, si aany gabadhu u noqonin ilmo sharci darro ku timid, maxaa yeelay xumaantaasi waxay usoo gudbi kartaa caruurteeda, wuxuuna Ilaahay dhahay:

 { الزاني لا ينكح إلا زانية أو مشركة والزانية لا ينكحها إلا زان أو مشرك } النور / 3

“Zinaystuhu ma guursado (kuma haboona inuu guursado) waxaan zaaniyad ahayn ama mushrikad, zaaniyaduna ma guursato waxaa zaani ahayn ama mushrik ahayn” Nuur:3

Wuxuu dalbay in labad qof isku yihiin kuf si aanay ceeb u raacin cida kale.” [ Sharraxa Sunan ibnu Maajah: 1/141]

Xuquuqda ilmaha ee markuu dhasho kadib:

– Waxa sunnada kamida in dhanxanaga timir loo saaro ilmaha:

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey inuu yidhi: Abudalxa wuxuu lahaa ilmo xanuusanaya kadibna Abudalxa ayaa baxay waxaana dhintay ilmihii, markuu soo laabtay ayuu Abudalxa yidhi: Wiilkaygii ka warrama? Umu Suleym waxay tidhi: Wuu ka daganyahay sidii hore, kadibna cashadii ayey usoo dhoweysay waanu casheeyey kadibna xidhiidh gogoleed ayaa dhexmaray, markuu dhamaystay ayey tidhi: orod aas ilmaha! Markuu waagii baryey ayuu Abudalxa u tagay Rasuulka (scw) warkiina waa u sheegay, markaasuu dhahay Rasuulku: Miyaad is aroosteen xalay? wuxuu dhahay: Haa, wuxuu yidhi: Ilaahow u barakee, waxaana dhashay wiil, markaasuu Abudalxa igu dhahay; ilaali illamaa loo gaynayo Rasuulka (scw), waana loo geeyey nabiga (scw), waxaanana la igu dhiibay dhawr xabo oo timir ah, waxaana qaatay nabiga (scw) wuxuuna yidhi: wax ma la socdaan? waxay dhaheen: Haa, dhawr xabo oo timira, nabiga ayaa qaatay timirtii waanu calaaliyey, kadibna wixii afkiisa ku jiray ayuu galiyey ilmaha afkiisii, wuxuuna saaray dhanxanaga (qeybta sare ee afka), wuxuuna u bixiyey Cabdilaahi. [Bukhaari:  ( 5153 ) iyo Muslim: (2144 )

Wuxuu dhahay Imaamu Alnawawi:

Culumadu way isku waafaqeen in la jeclaysto in ilmaha timir la calaaliyey dhanxanaga loo saaro markuu dhasho kadib, hadii la waayo (timirt) wixii u dhow ee macaan leh kadibna qofka ayaa calaalinaya illamaa ay ka jilicdo oo laga liqi karo kadibna ilmaha afkiisa ayuu furayaa wuxuuna galinayaa afkiisa si ay wax kamid ah u tagto calooshiisa. [Sharraxa Nawawi ee Saxiixul Muslimka: ( 14 / 122 – 123 ) ]

– Magac fiican oo loo bixiyo ilamaha:

Magacyda Cabdilaahi iyo Cabdiraxmaan

عن نافع عن ابن عمر قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” إن أحب أسمائكم إلى الله عبد الله وعبد الرحمن ” رواه مسلم ( 2132 ) .

Naafic wuxuu Ibnu Cumar ka wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Magacyada Ilaahay ugu jecelyahay waa Cabdilaahi iyo Cabdiraxmaan” [Muslim: (2132)]

Magacyda Nabiyada:

عن أنس بن مالك قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” ولد لي الليلة غلام فسميته باسم أبي إبراهيم ” رواه مسلم ( 2315 ) .

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhahay: “Xalay waxa la ii dhalay wiil waxaanan u bixiyey magacii aabahay Ibraahiim” [Muslim: (2315)]

Waxaana la jeclaystaa in magaca loo bixiyo ilmaha maalinta todobaad, dhibna male hadii loo bixiyo maalintuu dhasho sida xadiiskii hore:

عن سمرة بن جندب أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ” كل غلام رهينة بعقيقته تذبح عنه يوم سابعه ويحلق ويسمى ” رواه أبو داود ( 2838 ) ، وصححه الشيخ الألباني في ” صحيح الجامع ” ( 4541 ) .

Samura ibnu Jundub waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Ilmo kasta wuxuu u xidhanyahay walqalkiisa, waxa loo walqalayaa maalinta todobaad, waana loo xiirayaa, waana loo magac bixinayaa” [Abudaawuud: (2838), waxaana saxiixiyey Sheekh Albaani, saxiixu aljaamic (4541)

Ibnu Alqayyim wuxuu dhahay:

Magac bixintu sida xaqiiqada ah waa in la garto cida magaca leh, hadii la helo ayadoon la garanayn magaciisa waxa banaan in maalinta la helay loo bixiyo magac, wayna banaantahay in dib loo dhigo sadex maalmood, wayna banaantaha in loo magac bixiyo maalinta walqalka, wayna banaantahay maalintaas kahor iyo kadiba, arrinkuna waa fududyahay. [Tuxfatu Almawduud: Bogga 111 aad]

Timaha oo loo xiiro maalinta Todobaad, lagana sadaqaysto wax gaadhaya miisaan Fido.

عن علي بن أبي طالب قال : ” عق رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الحسن بشاة وقال : يا فاطمة احلقي رأسه وتصدقي بزنة شعره فضة قال فوزنته فكان وزنه درهما أو بعض درهم ” رواه الترمذي ( 1519 ) ، وحسَّنه الشيخ الألباني في ” صحيح الترمذي ” ( 1226 ) .

Cali ibnu Abidaalib waxa laga wariyey inuu dhahay: “Rasuulkii Ilaahay wuxuu Xasan ugu walqalay lax, wuxuuna yidhi: Faadimooy, madixiisa xiir, kana bixi sadaqo gaadhaysa miisaaxka timihiisa oo fido ah, wuxuu dhahay: way miisaantay wuxuuna noqday miisaankiisu hal dirham ama dirham badhkiis” [Tirmadi: (1519), waxaana taxsiiniyey Sheekh Albaani, saxiixa Tirmadi (1226)]

Walqalka ilmaha:

Wiilka waxa loogu walqalayaa laba laxaad, halka gabadhana loogu walqalay hal lax.

فعن عائشة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” أمرهم عن الغلام شاتان مكافئتان وعن الجارية شاة ” رواه الترمذي ( 1513 ) ، صحيح الترمذي ( 1221 ) أبو داود ( 2834 ) النسائي ( 4212 ) ابن ماجه ( 3163 ) .

Caasha waxa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay (scw): “Uu faray in wiilka (loogu walqalo) laba laxaad is la eeg, gabadhana hal lax” [Tirmadi:1513]

Gudniinka:

عن أبي هريرة قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” الفطرة خمس أو خمس من الفطرة : الختان ، والاستحداد ، ونتف الإبط ، وتقليم الأظفار ، وقص الشارب ” رواه البخاري ( 5550 ) ومسلم ( 257 ) .

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: wuxuu dhahay Rasuulka Ilaahay (scw): “Fidradu waa shan ama shan ayaa kamida Fidrada: Gudniinka, Timaha hoose oo la xiiro, timaha kilkilada oo la guro, cidiyaha oo la iska jaro, shaarubta oo layska gaabiyo” [Bukhaari: (5550), iyo Muslim: (257)]

Xuquuqda ilmamaha in la tarbiyadeeyo:

عن عبد الله رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ” كلكم راع فمسؤول عن رعيته فالأمير الذي على الناس راع وهو مسؤول عنهم والرجل راع على أهل بيته وهو مسؤول عنهم والمرأة راعية على بيت بعلها وولده وهي مسؤولة عنهم والعبد راع على مال سيده وهو مسؤول عنه ألا فكلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته ” رواه البخاري ( 2416 ) ومسلم ( 1829 ) .

Cabdilaahi waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Kulligiin waxaad tihidiin aamin kana masuula wixii lagu aaminay, amiirka dadku wuxuu masuul ka yahay dadka, ninkuna waxa lagu aaminay ehelka gurigiisa, wuxuuna ka yahay masuul, gabadhuna waxa lagu aaminay guriga ninkeeda iyo ilmihiisa waxayna ka tahay masuul, adoonkuna waxa lagu aaminay xoolaha sayidkiisa wuxuuna ka yahay masuul, waar hooyaaya dhamaantiin waxaad tihidiin kuwo wax lagu aaminay, kulligiina waxaad masuul ka tihidin wixii laydinka aaminay.” [Bukhaari: (2416), iyo Muslim (1829)]

Sidaas awgeed waalidka waxa laga rabaa in ay ubadkooda ku jiheeyaan barashada iyo dhaqangalinta diinta iyo sharciga Ilaahay, iyo wixii khayr u ah aduunka iyo aakhiraba.

Waxaana tarbiyadu ka bilaabaysaa sida ay u kala horeyso ee loo kala muhiimsanyahay, waxa loogu horeysiinayaa in la baro ubadka caqiidada saxiixa ah ee ka madhan shirkiga iyo bidcada, kadibna waxa la barayaa cibaadooyinka, gaar ahaana salaada, kadibna akhlaaqda wanaagsan iyo camalada khayrka badan, wuxuuna Ilaahay dhahay isagoo ka warramaya Luqmaan oo wiilkiisa tarbiyeynaya:

-Tawxiidka

 { وَإِذْ قَالَ لُقْمَانُ لابْنِهِ وَهُوَ يَعِظُهُ يَا بُنَيَّ لَا تُشْرِكْ بِاللَّهِ إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ } لقمان / 13 .

“Xus markuu Luqmaan ku dhahay wiilkiisii isagoo waaninaya wiilkaygoow ha u shariig yeelin Ilaahay maxaa yeelay Shirkigu waa dulmi aad u wayn” [Suuratu Luqmaan: 13]

-Salaada

عن عبد الملك بن الربيع بن سبرة عن أبيه عن جده قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” علموا الصبي الصلاة ابن سبع سنين ، واضربوه عليها ابن عشر ” رواه الترمذي ( 407 ) وأبو داود ( 494 ) ، وصححه الشيخ الألباني في ” صحيح الجامع ” ( 4025 ) .

wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw): “Bara ilmaha yar salaada markuu yahay todoba sano jir, kuna garaaca markuu yahay toban” [Tirmadi: 407]

-Soonka

وعن الربيع بنت معوذ قالت : ” أرسل النبي صلى الله عليه وسلم غداة عاشوراء إلى قرى الأنصار : من أصبح مفطرا فليتم بقية يومه ومن أصبح صائما فليصم قالت : فكنا نصومه بعد ونصوم صبياننا ونجعل لهم اللعبة من العهن فإذا بكى أحدهم على الطعام أعطيناه ذاك حتى يكون عند الإفطار ” رواه البخاري ( 1859 ) ومسلم ( 1136 ) .

Rabiic bintu Mucawid waxay tidhi: “Wuxuu diray Nabigii Ilaahay (scw) barqadii maalinta Caashuuraa dhanka xaafada reer Ansaareed: Kii waabariisatay isagoo aan soomin ha dhamaystiro maalintiisa, cidiise ku waabariisatay soomid ha soomo, waxayna tidhi: waxaan ahayn kuwo sooma intaas kadib, waxaanan soomin jirnay caruurtayada, waxaana u yeeli jirnay caruusad (boonablo ay ku cayaaraan) oo ah suuf, haduu u ooyo midkood cuntadana waan siin jirnay illamaa ay ka gaadhayso xilliga afurta” [ Bukhaari: (1859) iyo Muslim: (1136)

-Xajka

وعن السائب بن يزيد قال : ” حُج بي مع رسول الله صلى الله عليه وسلم وأنا ابن سبع سنين ” رواه البخاري ( 1759 ) .

Saaib ibnu Yaziid wuxuu dhahay: “Waxaan la xajay Rasuulka Ilaahay maciisa anigoo todobo sano jir ah” [Bukhaari: (1759)]

In lagu edbiyo akhlaaqda wanaagsan:

Waxa haboon in waalidka kastaa uu ubadkooda ay baraan akhlaaqda wanaagsan iyo aadaabta sareysa, tusaale ahaan qaabka ay ula dhaqmayaan Ilaahay, rasuulkiisa, quraanka iyo umadoodaba, iyo cid kasta oo ay garanayaan oo xaq ku leh, si aanay u xumaan ugula dhaqmin jiiraankooda, qoyskooda, iyo asxaabtooda toona.

Wuxuu dhahay Imaamu Alnawawi:

Aabaha waxa waajib ku ah inuu tarbiyeeyo ubadkiisa oo uuna baro diinta, tacliintaasina waajib ayey ku tahay aabaha, iyo dhamaan cidii sokeeye u ah intaanay qaangaadhin wiilka iyo gabadhuba, sidaas ayey sheegeen Shaafici iyo asxaabtiisu, waxay dhaheen Shaafici iyo asxaabtiisu: Hooyooyinka waxa waajib ku ah tacliintaas hadii aanu aabo joogin, ayagoo tarbiyeynaya wayna soo galayaan, lacagta lagu tarbiyeynayo waa lacagta ilmuhu leeyahay, hadaanu lacag lahayna waxay ku waajibaysaa cida nafaqadiisu ay waajibka ku tahay sababtoo ah wuu u baahanyahay. [Sharxiga Nawawi ee saxiixu Muslim: 8/44]

– In ubadka laga ilaaliyo wixii danbiyada u horseedaya:

Waxa waajib ah in waalidku uu ka ilaaliyo ubadkiisa wixii u dhoweynaya Naarta, Ilaahayna wuxuu dhahay:

{ يا أيها الذين آمنوا قوا أنفسكم وأهليكم نارا } التحريم / 6 .

“Kuwa xaqa rumeeyayow ka ilaaliya naftiina iyo ehelkiinaba naarta” [Suuratu Altaxriim:6]

Quudinta ubadka:

Waxa waajib ku ah aabaha inuu ilmihiisa quudiyo, oo aanu ka gaabinin masuuliyadaas.

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” كفى بالمرء إثما أن يضيع من يقوت ” رواه أبو داود ( 1692 ) ، وحسَّنه الشيخ الألباني في ” صحيح الجامع ” ( 4481 ) .

Cabdilaahi ibnu Camru waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa yidhi: “Qofka waxa danbi ugu filan inuu dayaco (beer dareeyo) cidii uu quudinayey”  [Abudaawuud: (1692)]

– Wax si gaar ah loo tarbiyeynayaa gabadha:

عن عائشة زوج النبي صلى الله عليه وسلم قالت : جاءتني امرأة معها ابنتان تسألني فلم تجد عندي غير تمرة واحدة فأعطيتُها فقسمتْها بين ابنتيها ثم قامت فخرجت ، فدخل النبي صلى الله عليه وسلم فحدثتُه فقال : من يلي من هذه البنات شيئاً فأحسن إليهن كنَّ له ستراً من النار . رواه البخاري ( 5649 ) ومسلم ( 2629 ) .

Caasha waxa laga wariyey xaaskii nabiga (scw) inay tidhi: “Waxa ii timid haweenay wadatayna laba hablood, manay iga helin waxaan hal timira ahayn mooyee, waanan siiyey waxayan ukala qaybisay labadeedii hablood, markaasay istaagtay oo baxday, waxaana soo galay nabiga (scw) waanan uga warramay wuxuuna dhahay: “cidii daryeesha hablahaas ee hagaajisa waxay xijaab uga noqonayaan naarta” [Bukhaari: 5649, Muslim 2629]

Cadaalada caruurta dhexdooda:

Waxa muhiima in ubadka aad waalidka u tahay aad u cadaalad samayso dhexdooda, mana banaana inaad wiilasha ka sarreysiiso gabdhaha iyo inaad gabdhaha ka sarreysiiso wiilasha, haduu aabuhu sidaas ku kacana waxa ka dhalanaya fasahaad farabadan, iyo in ay caruurtu cuqdad isu qaadaan iyo xaasidnimo. Wuxuu dhahay Rasuulku:

” اتقوا الله واعدلوا بين أولادكم ” رواه البخاري ( 2447 ) ومسلم ( 1623 )

“Ilaahay ka yaaba oo u cadaalad sameeya ubadkiin” [Bukhaari (2447) iyo Muslim (1623)]

Wallahu aclam.


Waxa Qoray Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho:

Islamqa20064