Tusmo

Waan is ilaaway kadibna biyo ayaan iska cabay anoo sooman, maxaan sameeyaa?

 
Jawaab:
 
Marka hore soonka bisha Ramadaan waa rukni kamid ah tiirarka islaamka, qofka si badheedha oo ula kac ah uga tagana wuxuu ku dhacay danbi aad u wayn oo kabaa’irta kamid ah, waxaana waajib ku ah inuu Ilaahay u toobad keeno oo uu soo qalleeyo maalintaas uu ka tagay. Dadka soonka ka taga ayagoon haysanin wax cudurdaar ahna waxa kusoo arooray inay la kulmayaan ciqaab wayn, wuxuu dhahay Rasuulku (scw):
 
عن أبي أمامة الباهلي قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : ( بينا أنا نائم إذ أتاني رجلان فأخذا بضبعيّ فأتيا بي جبلا وعِرا ، فقالا : اصعد فقلت : إني لا أطيقه . فقالا : إنا سنسهله لك . فصعدت حتى إذا كنت في سواء الجبل إذا بأصوات شديدة ، قلت : ما هذه الأصوات ؟ قالوا : هذا عواء أهل النار . ثم انطلقا بي فإذا أنا بقوم معلقين بعراقيبهم ، مشققة أشداقهم ، تسيل أشداقهم دما، قلت : من هؤلاء ؟ قال : هؤلاء الذين يفطرون قبل تحلة صومهم. [رواه ابن خزيمة (1986) وابن حبان (7491)]
 
Abu Umaama Al-baahiliy waxa laga wariyey inuu dhahay: waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Anigoo hurda ayaa waxa ii yimid laba nin, waxayna i qabteen cududahayga waxayna i geeyeen buur ay adagtahay in la fuulo, markaasan dhahay: ma fuuli karo, waxayna dhaheen: anagaa kuu fudaydinayna. Waanan fuulay, illamaa aan ka istaag buurta dusheeda, mise waxaan maqlay cod daran, waxaan idhi: maxay yihiin codkani? waxay dhaheen: waa cidii ehelka naarta (sida xayawaanka ayey u ciyayaan -u qaylinayaan), markaasay i kaxeeyeen, mise waxaan (arkay) qoom cidhbahooda laga xidhay, lana jeexay dibnahooda (bishmahooda), waxaana dibnahooda ka soconaya dhiiga, waxaan idhi: maxay ahaayeen kuwaasina? waxay dhaheen: waa kuwii afuri jiray ayadoon la gaadhin xilligii afurta. [Ibnu Khuzaymah 1986 iyo ibnu Xabaan 7491]
Qofkii soonka ka tagay ama u afuray si badheedha ayadoon la gaadhin xilligii ay qorraxdu dhacaysay, wuxuu la kulmayaa qofkaasi in la xidho kadibna la jeexjeexo dibnihiisa oo uuna u qayliyo sida xayawaanada, Ilaahbaan ka magan galnee.
 
Hadiise qodku afuray isagoo halmaansan ama u malaynaya in la adimay salaadii Maqrib kadibna uu sidaas ku afuro kama burayso soonkiisii, wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw):
 

 عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ : قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( مَنْ نَسِيَ وَهُوَ صَائِمٌ فَأَكَلَ أَوْ شَرِبَ فَلْيُتِمَّ صَوْمَهُ فَإِنَّمَا أَطْعَمَهُ اللَّهُ وَسَقَاهُ ) .  البخاري (6669) ومسلم (1155)

Abuhurayra (Alle raali haka ahaadee) waxa laga wariyey inuu dhahay: Wuxuu nabigu (scw) dhahay: “Qofkii halmaama isagoo sooman kadibna cuna ama cab ha dhamaystiro soonkiisii, maxaa yeelay Ilaahaybaa cunto siiyey oo waraabiyey” [Waxa soo saaray Bukhaari: 6669 iyo Muslim: 1155]

Dhanka kale qofka isagoo is ilowsan cunto iska cuna ama biyo caba, laguma yeelanayo inuu soo qalleeyo maalintaas iyo inuu kafaaro gud la yimaado:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَة أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ( مَنْ أَفْطَرَ فِي شَهْر رَمَضَان نَاسِيًا فَلَا قَضَاء عَلَيْهِ وَلا كَفَّارَة )  اِبْن خُزَيْمَةَ (1999)  حسنه الألباني في صحيح ابن خزيمة .

Abuhurayra waxa laga wariyey in Nabigu (scw) dhahay: “Cidii afurta bisha Ramadaan isagoo ilowsan, laguma laha inuu soo qalleeyo (maalintaas) iyo kafaaro toona” [Ibnu Khuzayma: 1999]

Xadiiskana waxaynu ka qaadanaynaa naxariista Ilaahay iyo siduu ugu tudhaya dadka Muslimiinta ah. Sidaa daraadeed ayey culumadu badankoodu u daliishadeen in qofkii soomanaa ee isagoo ilowsan ama halmaamay iska afuray in soonkiisu ansaxayo oo aan lagu lahayn inuu soo qalleeyo maalintaas iyo kafaaro gud toona.