Su’aal:

Waa maxay xukunka in lasoo xaaqo ama lasoo tuuro ilmo ku jira uurka oo aan nafta lagu afuufin, sida ilmaha dhawr todobaad jiray?

Jawaab: 

Waxay fatwoodeen (مجلس هيئة كبار العلماء ) Golaha kulmiya culumada waawayn ee Sacuudigu:

Ma banaana in ilmaha lasoo tuuro ama la xaaqo illaa ay jirto sabab sharciya iyo xuduudo adag mooyee:

  1. Hadii ilmuhu ku jiro marxalada koowaad (candhuufta) oo ah afartan maalmood oo xaaqidiisa ama soo tuuristiisa ay ku jirto maslaxo sharciga waafaqsan ama lagaga hortagayo dhibaato imanaysa way banaantahay in lasoo tuuro. Hadiise loo soo tuurayo ilmaha cabsi laga qabo in la tarbiyadeeyo, quudintiisa, waxbaristiisa, mustqabalkiisa ama lamaanaha isqaba oo leh caruur ku filan, uma banaana in lasoo xaaqo ama lasoo tuuro ilmahaas.
  2. Ma banaana in lasoo tuuro ilmaha markuu ku jiro marxalada uu yaay calaqo (afrtanka labaad iyo ka sadexaad), illamaa ay dhakhaatiir lagu kalsoonyahay cadayso khatarta hooyada uga iman karta haduu sii socdo sida in hooyadu ku dhimanayso, markaa way banaantahay in lasoo xaaqo, waa marka si kale oo loo kala badbaadiyo aanay jirin.
  3. Hadii ilmuhu gaadhay afar bilood ma banaana in lasoo tuuro ama lasoo xaaqo illamaa ay khubaradu cadeeyaan in sii socodka ilmahaasi dhibaato dhimasho ku keenayo hooyada. Sababta loo baneeyayna waa in laga hortago laba dhibaato teeda wayn, iyo in laba maslaxo ta wayn lasoo jiido.