Su’aal:

Waamaxay xukunka in gabadhu gashato taajka cad ee arooska? Ma dhaqan gaaleedbaa, mise dumarka muslimiintu way xidhan karaan?

Jawaab:

Wax dhiba malaha hadii gabadhu ay xidhato taajka cad ee arooska, waa hadii aanay rag ajnabi ka ah meesha joogin. Sida caadiga ahna taajka dumarku ay xidhaan habeenka aroosku waa mid la qurixyo oo soo jiidanaya indhaha dadka. Dabcan shuruudaha xijaabkana waxa kamid ahaa waa inaanay maradu ahayn mid soo jiidasho badan leh.

Waxa kale oo aan banaanayn taajka qaawan, ee gabadha jidhkeeda laga dhex arkayo ama cidhiidhiga. Sidoo kale taajka gacantu go’antahay ee gacmihii gabadha muujinaya ama qoorteeda ama timaheeda muujinaya, kuwaasi marnaba ma banaana.

Taajka cad ee aroosyada la xidho iminka maaha dhaqan gaaleed, sababtoo ah wuxuu noqday mid ka dhaxeeya bulshooyinka caalamka oo dhan, mana tilmaamayo diin gaara oo lagu yaqaano, sidaas darteed wuxuu noqonayaa maro ay banaantahay in la gashto.

Waxa la waydiiyey Sheekh Maxamed ibnu Cuthaymiin (AUN): Waa maxay xukunka in gabadhu ay gashato taajka arooska oo kamida dhaqamada gaalada?

Wuxuuna ku jawaabay:

” المرأة يجوز لها أن تلبس الثوب الأبيض بشرط أن لا يكون على تفصيل ثياب الرجل ، وأما كونه تشبهاً بالكفار فقد زال الآن هذا التشبه ، لكون كل المسلمين إذا أرادت النساء الزواج يلبسنه ، والحكم يدور مع علته وجوداً وعدماً . فإذا زال التشبه وصار هذا شاملاً للمسلمين والكفار زال الحكم ، إلا أن يكون الشيء محرماً لذاته لا للتشبه ، فهذا يحرم على كل حال ” اهـ .

Gabadha way u banaantahay inay gashato dhar cad, waa hadii aanay lamid ahayn dharka nimanka. Hadii la dhaho (taajku) waa isku shabihida gaalada, taasi iminkay way suushay. Sababtoo ah, gabadh kasta oo muslimiinta kamida markay doonto in la guursado way xidhaan, xukunkana wuxuu ku dul wareegayaa sababta loo gashanayo ama jiritaan la aanteeda, hadii isku shabihidii gaaladu ay ka baxdo meesha, oo shaygii noqdo mid ka dhexeeya muslimiinta iyo gaaladaba, markaa xukunkii (isku shabihidu) wuu suulay. Waa hadii aanu shaygaasi iskii xaaraan u ahayn, kaasi markasta waa xaaraan.

Dumarka muslimaatka ah ee Soomaalidu waa inay ku dadaalaan in taajka ay gashanayaan habeenka arooskoodu uu yahay mid wata xijaabkii sharciga ahaa. Shuruudaha xijaabka ka akhriso halkan [Xijaab]