Tusmo

Qaangaarnimada Haweenka:

Wiilka iyo gabadhuba waxay ku qaangaadhaan markay arkaan calaamadahan mid kamida:

  1. Inay gaadhaan da’da shan iyo toban sanadood.
  2. Inay arkaan biyo “Manida” soo jeed ama hurdo kuu doonaba ha ahaadee.
  3. Hadii ay soo baxaan timaha adag ee kasoo baxa inta u dhaxaysa cawrada iyo xudunta.

Gabadhuna waxay intaas dheertahay laba calaamadood oo kale waana:

  1. Inay hesho dhiiga xaydka ama caadada.
  2. Inay qaado uur.

Hadii wiilka iyo gabadhuba ay qaangaadhaana waxa ku waajibaysa dhammaan wixii lagu lahaa ruuxa muslimka ah ee miyirka qaba ama garaadka leh, wuxuuna dhahay nabigu (scw):

عَنْ عَلِيٍّ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ “رُفِعَ الْقَلَمُ عَنْ ثَلَاثَةٍ عَنْ النَّائِمِ حَتَّى يَسْتَيْقِظَ وَعَنْ الصَّبِيِّ حَتَّى يَشِبَّ وَعَنْ الْمَعْتُوهِ حَتَّى يَعْقِلَ” سنن الترمذي/1423

Cali waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Qalinka waxa laga dul qaaday sadex: ilmaha yar intuu ka qaangaadhayo, ruuxa hurda intuu kasoo kacayo, iyo ka waalan intuu ka caqliyeysanayo) [Tirmadi:1423]

Hadaba isla marka ay gaangaadhu gabadhu waa inay la timaadaa dhamaan waajibaadka lagu leeyahay oo ay ugu horeyso, xijaabka, salaada, soonka iwm.

Xijaabka

Xjijaabka islaamku ogolyahahy waxa shuruudihiisa laga qaatay Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnada nabiga (scw), wuxuuna waajib ku yahay gabadh kasta oo muslimada  qaangaadhay ah.

Shuruudaha Xijaabka:

  1. Waa inuu Xijaabku asturaa dhammaan jidhka oo dhan.
  2. Waa inuu Xijaabku yahay mid adag oo aan khafiif ahayn layska dhex arki karo.
  3. Waa inuu Xijaabku yahay mid waasica oo aan cidhiidhi ahayn.
  4. Waa inaanu ahayn mid soo jiidanaya ragga ajaanibta.
  5. Waa inaanu ahayn mid lasoo bukhuuriyey, lagu shubay cadar iwm.
  6. Waa inaanu ahayn maro ay dadka kaga soocmayso.
  7. Waa inaanu u ekayn maryaha ragga.
  8. Waa inaanu u ekayn maryaha dumarka gaalada ah.
  9. Waa inaanay ku sawirnayn sawiro sumadaha iyo calaamadaha gaalada  iyo sawiro naf leh, sida bani aadam ama xayawaano.