Tusmo

Xaaladii Bulsho ee Carabta Islaamka kahor

Nolosha Carabtu waxay ahayd mid ku fadhida jahli iyo aqoon darro, waxa dhici jiray dagaalo ay sabab u tahay xoolo laysku laayo, kuwaasoo socon jiray mudo aad u dheern. Zinada iyo Xumaantuna dhexdooda way banaanayd.

Guurka:

Qaabkii la isu guursan jiray:

  1. Guur caadiya, waa guurka gabadha laga doono waligeeda.
  2. Ninka ayaa xaaskiisa u diri jiray nin kale oo ka xaarana, waanay la seexanjirtay kadibna uur bay u qaadi jirtay xaarana.
  3. Gabadha ayaa isu bandhigi jirtay toban nin kadibna kay doonto ayey kala bixi jirtay.
  4. Gabadha ayaa gurigeeda calan ama wax lagu garto ka luli jirtay, ruuxii doonaana wuu u gali jiray, kadibna markay uur qaado ninbaa yeelan jiray.

Sidoo kale ninku wuxuu hal mar wada guursanjiray laba gabdhood oo walaalo ah, ama gabadhii aabihii ka dhinto.

Qabyaalada:

Qabyaaladuna waxay ahayd qaab layskugu hiiliyo, ninku walaalkii iyo inaadeerkii ayuu u gargaarayaa hadii la dulmiyey iyo hadii uu isagu wax dulmiyeyba.

Xaalada dumarku ku noolaayeen:

Gabdhuhu way ku dulmanayeen bulshada dhexdeeda, waxayna gaadhay heer nolosha lagu duugo, oo la nolol xabaalo.

Waxayna caadadan xun ka bilaabantay qabiilka Rabiica oo la dagaalamay qabiil kale, kadibna laga roonaaday, lagana afduubtay ama laga qafaashay dumar. Waxana caado u ahayd marka haweenka la afduubto in lakala dooradsiiyo inay la joogto cidda gacanta ku haysa ama inay ku noqoto qabiilkeedii.

Haseahaatee gabadh uu dhalay boqorka qabiilka rabiica ayaa diiday inay ku noqoto reerkooda, go’aansatayna inay la joogto ragga soo kaxaystay, arrintaas ayaa ceeb ku noqotay aabaheed iyo qabiilkeedaba. Kadibna aabaheed wuxuu dhaar ku maray in haduu gabdho kale dhalo inuu nolosha ku aaso.

Sida xaqiiqda ahna waxaa loo dhalay toban gabdhood, dhamaantoodna wuu nolol xabaalay, dabadeedna caadadan xun ayaa ku faaftay qabiiladii kale.

Ninka carabka ah hadii ay u dhalato gabdh wuxuu kala dooran jiray inuu dullinimo ku haysto ama inuu dilo. Marka loogu bushaareeyo in loo dhalay gabadh yar, dadka ayuu iska qarin jiray, isagoo cabsi ka qaba in la ogaado kadibna la fadeexadeeyo. Dabcan diinta Islaamku markii ay timid waa la xarrimay dhaqankaas aadka u foosha xun.

Sikastaba ha ahaatee, carabtu waxay hadana lahaayeen caado wanaagsan sida deeqsinimda, dhawrida sharafta, martida oo la sooro iyo ballan oofinta. Dhaqamadaas oo ay isugu faani jireen dhexdooda, laguna ceebayn jiray cidii laga waayo.