Tusmo

Xukunka Qofka sheegta qabiil aanu ahayn

Hadii qofku sheegto qabiil aanu ahayn isagoo og waa danbi aad u wayn oo ay kusoo aroortay gootin aad u wayn, xitaa waxa la gaadhsiiyey gaalnimo. Gaalnimadaas oo aan ahayn tii diinta ka saaraysa laakiin ah gaalnimada yar. Marba hadii gaalnimo lagu tilmaamana waxay ku tusaysaa in danbigu aad u waynyahay, waxa lagasoo wariyey Rasuulka (Scw) inuu yidhi:

Jannada oo laga xarrimayo:

عَنْ سَعْدٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ مَنْ ادَّعَى إِلَى غَيْرِ أَبِيهِ وَهُوَ يَعْلَمُ أَنَّهُ غَيْرُ أَبِيهِ فَالْجَنَّةُ عَلَيْهِ حَرَامٌ 

Sacad ibnu Abiwaqaas (Rc) waxa lagasoo wariyey inuu yidhi: waxaan maqlay nabiga (scw) oo leh: “Cidii sheegata cid aan aabihii ahayn isagoo og inaanu aabo u ahayn waxa laga xarrimay Jannada” [Bukhaari: 6385 iyo Muslim: 6395]

Qofka aabihii cid kale ka doorta:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ لَا تَرْغَبُوا عَنْ آبَائِكُمْ فَمَنْ رَغِبَ عَنْ أَبِيهِ فَهُوَ كُفْرٌ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: “Aabayaashiin waxba haka dooranina, cidii aabihii wax ka doorta waa gaalnimo” [Bukhaari: 6386 iyo Muslim: 6294]

Dabcan gaalnimadaasi waa gaalnimada yar, waxa Ibnu Baaz (AUH) la waydiiyey: Maxaa gaalnimada looga jeedaa? wuxuuna ku jawaabay:

 كفر أصغر إلا من استحله

Waa gaalnimo yar, waxa laga soo reebayaa ruuxa xalaashada. [1]

Sida sheekhu tilmaamay gaalnimadu waa ta yar ee aan islaamnimada ka saaraynin, illaa uu xalaashadu mooyee. Dabcan hadiiba gaalnimo qofka lagu tilmaamo waa danbi aad u wayn.

Lacnad ayaa ku dhacaysa:

 ومن ادعى إلى غير أبيه أو انتمى إلى غير مواليه فعليه لعنة الله والملائكة والناس أجمعين لا يقبل الله منه يوم القيامة صرفا ولا عدلا

“Cidii sheegata cid aan aabihii ahayn ama ku abtirsata cidaan waligiisa ahayn, dusha haka fuusho lacnada Ilaahay, ta malaa’ikta iyo dhamaan lacnada dadka oo dhan, Ilaahay kama aqbalayo maalinta Qayaame toobad iyo madaxfurasho toona” [Muslim: 1370 iyo Bukhaari: 6870 ]

SubxaanaAllah, waxa inoo cadaaday in qofkii isagoo og sheegta qabiil aanu ka tirsanayn inuu ku dhacayo danbi aad u wayn, oo gootinta intaas la eeg ay kusoo aroortay.

Kawarran hadii aan sheegto Awoowgay inuu i dhalay?

Awoowgaa aabe waa lagu abtirsadaa, dhibna malaha hadii qofku cid uu ku abtirsado oo caana uu sheegto. Hase ahaatee waa inuu cadeeyaa in cidaasi tahay awoowgii. Nabiga (scw) wuxuu sheegtay awoogii aabo inuu dhalay, isagoo yidhi:

أنا النبي لا كذب أنا ابن عبد المطلب

“Aniga weeye nabigu, beena maaha. Aniga weeye wiilkii Cabdulmudallib” [Saxiix Muslim: 1776 ]

Sidaas darteed way banaantahay in la sheegto awoowgaa hadii uu caan yahay, laakiin marka lagu waydiiyo waa inaad dadka u cadaysaa inuu yahay awoogaa.

Muxuu samaynayaa qofka sheegtay Qabiil aanu ahayn:

Dad badan ayaa sheegta qabiil aanay ahayn si ay ugu raadsadaan shaqo, caafimaad, waxbarasho, kuraas iyo arrimo aduunyo. Ruuxaasi danbi wayn ayuu ku dhacay, waxaana waajiba ku ah inuu ka toobad keeno.

Dadkii uu beenta u sheegayna, hadii uu awoodo inuu run u sheego hana cadeeyo qabiilkiisa saxda ah. Balse hadii dhibaato kasoo gaadhayso wuu toobad keenayaa, marka la waydiiyana runta ayunbuu sheegaya.

Waxa jira dad badan oo qurbaha markay tagaan sheegta qabiilo aanay ahayn, kuna qaata sharciyo. Dadkaas waxa la haboon inay toobad keenaan oo Ilaahay waydiistaan danbi dhaaf. Hadii dawlada ama cid kaleba waydiisana ha u cadeeyo runta.

Wallahu Aclam.


[1]Binbaz